WARARKII MAANTA:: Nov 25
- KISMAAYO,
SOOMAALIYA:: Cudurada duumada iyo shuban biyoodka oo
fara ba'an ku haya dadwaynaha ku dhaqan gobolka
jubada hoose
-
LONDON, UK:
Guddiga
Isku-Xidhka Somalida Britian (SCC) oo Qabtay Shirweyne
- MARKA,
SOOMAALIYA: WARAYSI:
Guddoomiyaha Ururka
horumarinta haweenka
Cudurada duumada iyo
shuban biyoodka oo fara ba'an ku haya dadwaynaha ku
dhaqan gobolka jubada hoose
Waxaa fara ba'an ku
haya dadwaynaha ku nool gobolka jubbada hoose gaar ahaan
xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada kismaayo
cudurada duumada iyo shuban biyoodka taasoo ilaa iyo
hada ay u dhimatay cudurka shuban biyoodka gabar lixsano
jir ah ayadoo qaar kalana ay la ill daran yihiin
cuduradaasi.
Hadaba cudurka shuban
biyoodka ayaa waxa uu yimadaa aalaaba xiliyada kulaylaha
ayadoo uu ogasii daray roobkii dhawanahanba ka dayay
magaalada kismaayo iyo tuulooyinka ku xeeran ayadoo
sidoo kale uu cudurka duumada ama maleeriyada ay ayana
la ildaran yihiin qaar kamid ah dadwaynaha kunool
gobolka jubada hoose.
Hadaba waxaa sidoo kale
qaylo dhaan midan oo kale ah oo ku saabsan cudurada
duumada iyo shuban biyoodka ay ka soo yeeraysaa
tuulooyinka ku dhowdhow magaalada kismaayo sida tuulada
qaamqaam.yoontooy.buulo guduud iyo tuulooyin kale ayadoo
aysan jirin dhaqaatiir rasmi ah oo ka howol gala amaba
jooga tuulooyinkaas.
Ma jiraan cid ilaa iyo
iminka u istaagtay wax ka qabashada ama dabar goyonta
cuduradaas ay la il daran yihiin dadyowga tabaalaysan ee
ku sugan xeryaha qaxootiga ee magaalada kismaayo aydoo
aysan jirn hay ad ka howol gasha gudaha magaalada
kismmayo ,
Waxaa sidoo kale liita
isbitaalka guud ee magaalada kismaayo kasoo sidoo kale
aysan jirin hay'ad uu hoos yimaado ama taakulaysa marka
laga reebo isbahaysiga dooxada jubba oo mar mar ka
caawiya dhinaca mushaaraadka shaqaalaha ka howl gala
isbitaalka.
Isku soo wada duuboo
sii kordhida cudurada shuban biyoodka iyo duumada
taakulo la aanta haysata dadyowga qaxootiga ah
liidashada isbitaalka guud ayaa waxay tahay musiibo
rabaani ah oo guud taasoo ku habsatay dadyowga tabarta
daran ee ku sugan gobolka jubada hoose.
Faysal xaaji siyaad
muumin
Kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com
Guddiga
Isku-Xidhka Somalida Britian (SCC) oo Qabtay Shirweyne
London
- Waxaa maalintii sabtida ee taariikhdu ay aheyd 20-ka
bisha November lagu qabtay magaalada London shirweyne
loogu talagaley in Somalida ku nool dalka Britain ay ka
qeyg-galaan siyaasada, sharci-dejinta, iyo iskaashiga ka
dhexeeya shucuubta ku nool daka Britain.
Shirweynaha ayaa waxaa soo qababqaabiyey Guddiga
Isku-Xidhka Somalida Britain (Somali Cooridnating
Committee) oo ah hay’ad ku dooda, kuna hawlan sidii
Somalidu ay cod siyaasadeed oo xoog leh ugu yeelan
lahaayeen dalka Britain. SCC waxaa ay si is daba joog ah
sanadihii la soo dhaafey ula shaqeyneysay Baarlamaanka
iyo Dowladda Britain.
Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa
ka soo qeygalay madax sare oo ka tirsan dawladda
Britain. Wasiirka Wasaarada Caddaalada, 2 Xildhibaan oo
ka tirsan Baarlamaanka (The House of Commons),
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Europe (European
Parliament), Hogaamiye ku Xigeenka Dawladda Hoose ee
Waqooyiga London, Madax ka socota Hay’adaha u ololeeya
ka qeybgelista siyaasada wadanka Britain, Hogaamiyayaal
ka socda Hay’adaha Soomaalida ah ee u adeega
bulshaweynta Somaliyeed, Suxufiyiin ka socota Jara’iidka
ka soo baxda Britain iyo marti sharaf kale oo Somali iyo
ajnabi isugu jirta.
Madaxda
Dawladda Britain shirka uga qaybgashay oo shirka ka
hadlay ayaa ku bayaamiyay xaqa bulshada Soomaaliyeed,
iyagoo ah muwaadiniin British ah, ay u leeyihiin ka
qeybgalka siyaasada iyo weliba saameynta go’aanadda
dawladda ee wadankooda Britain.
“Shirweynahani waxaa uu ahaa tallaabo dhaxal gal ah oo
ku aadan geedi socodka ay Somalidu kaga mid noqonayaan
Bahweynta Shucuubta Britain iyaga oo markii hore ahaa
dad aan la qadarin, oo aan muuqan; hadana xubno ka
noqon kara Golayaasha Degaanada, Maxkamadaha,
Ganacsatada, iyo Xildhibaanada Baarlamaanka” David Lammy,
Wasiirka Dawladda Britain u Qaabilsan Arimaha Dastuurka.
Md.
David Lammy oo sheegay in uu aad ugu rajeyo weyn yahay
in mudada dhow ee inagu soo fool leh uu sugayo in uu
wejiyo Somaliyeed ku arko Westminister oo ah Aqaladda
Baarlamaanka (House of Commons), iyo kan Shuyuukhda
(House of Lords) ee dalka Britain.
“Waa
in ay Bulshada Somaliyeed u arkaan in Britain ay tahay
wadankoodii, oo ay xaq u leeyihiin in ay doonaan ilaa
iyo booska ugu sareeya ee hogaanka wadanka” ayuu yiri
David Lammy, Wasiirka Cadaaladda.
Isaga
oo arintaasi sii adkeynaya ayaa waxaa uu yiri “Ha
biciidsanina rajadaas, sababtoo ah anigu waalidkey waxey
wadankan yimaadeen sanadihii lixdanaadkii. Hooyadey
maalintii ay madaarka ka soo degtey aad loogu baarey si
ka baxsan xuquuqda bani’aadannimada. Maantana aniga ayaa
ah Wasiirka Cadaaladda ee Dawladda Britain oo mas’uul ka
ah hirgelinta sharciyada xuquuqda aadanaha ee dalka”.
Gudoomiyaha Guddiga Isku-Xidhka Somalida (SCC) Md.
Nuradin Aden Dirie, oo halkaasi ku soo dhaweeyey madaxda
dowladda ayaa ugu baaqey ummadda Somaliyeed in ay ku
muujiyaan awoodooda codbixin doorashooyinka guud ee
sanadka soo socoda ka dhici doonta Britain. Md. Nuradin
oo ka hadlay maqaamka iyo dawrka Somalida ku nool
Britain ayaa sheegey in Somalida Britain ay maanta ka
mid yihiin shucuubta ugu badan ee kasbanaya xuquuqda
codbixinta wadanka, iyada oo dhalashada British-nimada
ah ay qaataan in ku dhaw 10 Kun oo qof sanad walba.
Md.
Nuradin waxaa uu ugu baaqey dhalinyarada Somaliyeed in
ay ka qeygallaan iskana diiwaan-geliyaan xisbiyada ka
dhisan wadanka si ay xaq ugu yeeshaan in ay isu soo
sharaxaan Mudanayaasha loo doorto heer degmo, gobol, iyo
ilaa heer qaranba. Waxaa uu Nuradin cadeeyey in
doorashooyinka ka hor ay Guddiga Isku-Xidhka Somalidu (SCC)
iyaga oo la shaqeyneysa Hay’adaha Somaliyeed ay soo
saari doonaan Bayaan (Somali Manifesto) ay Ummadda
Soomaaliyeed kula gorgortami doonto Mudanayaasha heer
degmo iyo heer qaranba ee doonaya in ay kasbadaan codka
Somaliyeed.
Khudbadaha kadib, shirweynuhu waxaa uu qabtay tababaro
(workshops) kala duwan oo lagu soo bandhigey hannaanka
ka qeybgalka doorashooyinka ee dalka Britain, sida loo
maareeyo warbaahinta iyo sida saameyn loogu yeesho
go’aanada dowladda ay ka gaarto dejinta siyaasadaheedaba.
Shirweynahan oo ah kii ugu balaadhnaa ee looga hadlo
Arimaha Somalida Britain ayaa la filayaa in uu noqon
doono mid tubta u jeexa kulamo kan la mid ah.
Guddiga Isku-Xidhka Somalida Britain
Somali Coordinating Committee
kala xiriir:
daljir@radiodaljir.com
WARAYSI:
Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka ee Marka.
Xaliimo
Cabdi Caruush “Ururka iida waxaa la aasaasay 1991 oo
ahayd xilli ay dalka ka jireen Dhibaatooyin
badan,laakiin waxaa xaqiiqo ah in aan wax badan dalka ka
qabanay haddii aan nahay Ururka horumarinta Haweenka ee
Iida”
Waraysi ku saabsan wax qabadka Ururka horumarinta
haweenka iida ee fadhigiisu yahay Magaallada Marka oo
aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururkaasi Xaliimo Cabdi
Caruush,Halkan ka akhriso.
Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa
Waraysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururka horumarinta
haweenka iida ee xaruntiisu tahay Magaallada Marka
Xaliimo Cabdi Caruush ayaa waxaanu ka waraysanay bal
waxa uu qabto ururkooda iyo caqabadaha inta badan ka hor
yimid intii uu jiray ururkaasi iida,Waxaana Waraysikaasi
inoo qaaday Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali
Ibraahim Aden “Garyare” oo baryahanba socdaal ku marayay
qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waraysigiina waxaa uu u bilowday qaabkan:-
“Garyare” Xaliimo su’aasha aan ku waydiinayo waxay tahay
waxaad inooga warantaa howlaha uu qabto Ururka aad
madaxda ka tahay ee iida???
“Xaliimo C. Caruush” waxaan marka hore aan ku
faraxsanahay in aad iweydiisaan waxa uu qabto ururka
horumarinta haweenka iida ee xaruntisu tahay Magaallada
Marka,haddii aan isku dayo bal in aan dib idiin
xasuusiyo xilligii dhidibada loo taagay ururkan iida
waxaa ay ku beegneyd sanadkii 1991 oo ahayd uu dalka ka
jiray dhibaatooyin badan oo ka duwan kuwa haatan ka jira
guud ahaan dalka oo dhan,waxaana Ururkan iida aasaasay
18 Haween aqoon-yahano Soomaaliyeed ah,kuwaasoo rabay
inay aqoontooda wax ugu qabtaan inta u baahan,waxaadna
ay soomaali oo dhami ogtahay in wixii ka horeeyay 1991
uusan dhismi karin urur Haween madax banana ama mid kale
haddii uu ahaan lahaaba,iyadoo ururadii xilligaasi jiray
ay ahaayeen kuwo hoos taga Maamulkii rajiimgii ee
waqtigaasi dalka ka talinayay,kadib markii aan aragnay
dhibaatooyinkaasi oo dhan ayaan waxaa u istaagnay in aan
dhisno dhismaha ururkan oo aan magaciisa ka dhignay iida
oo macneheedu yahay gabar Soomaaliyeed oo maalin ciida
ah dhalatay soona gudbineysa codgeeda,intaasi haddii
aan uga gudbo ka hadalka sida uu ku soo bilowday Ururkan
iida waxaan u soo laabanayaa dulucda su’aasha aad I
weydiisay ee ah waxa uu ururkan qabto,waxaan wax badan u
qabanay dadka dhibaatadu ku haysato Soomaaliya gaar
ahaan kuwii ku jiray isbitaalada,markii danbana waxaa uu
u gudbay wax ka qabashada xeryaha qaxootiga,waxana jirta
xeryo qoxooti oo ku yaala Magaallada Muqdisho oo aan
gacansiino,iyadoo qaxootiga kujira ay ka mid yihiin kuwo
xitaa u dhashay Wadanka Itoobiya oo ku soo barakacay
Dagaalkii 1977 kaasoo dhexmaray Somaliya iyo
Itoobiya,intaasi kadib ayaa waxaan isku keenay dhamaan
haweenka Soomaaliyeed inta uu waqtiga inoo saamacay una
sheegnay inay haboon tahay in aan dhinac ka soo wada
jeesano.
WARAYSIGA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA AKHRI;....
Looyaradii
Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen
Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji...
Faafin: SomaliTalk.com
| Nov 25, 2004
UK: Qaxootiga
Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan
iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kulan la leh
Beelaha Hawiye
Guji... Nov 24