SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYE
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Cudurka Shubanka oo fara ba,an ku haya Caruurta gobolka Qoraxay ee wadanka Ogadenya.
  • Dad ay ciidamada Itoobiya qaarna dileen qaarna xabsiyada u taxaabeen.
  • Dowlada Kenya oo madaxwaynaha Soomaaliya iyo dowladiisaba ka codsatay inay dalkoodii ku noqdaan.
  • Heshiis nabadeed oo lagu kala saxiixday magaalada Daara Salaam.
  • Dawlada Imaraadka Carabta oo sheegtay inay fasixi doonaan baasaboorka Soomaaliga.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aan ku soo qaadan doono maqaal uu mudane Xuseen Nuur ugu magac daray Rifayaasha Bulshada iyo suugaan.

 

Cudurka Shubanka oo fara ba,an ku haya Caruurta gobolka Qoraxay ee wadanka Ogadenya.

 

Caruurta ay dadoodu ka yartahay 2 Sano ee ku nool  magaalada Qabri-Dahare,ayuu haleeyey aadna ula ildaran Cudur shuban ah sidaaasna waxaa noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Qabridahare Maxamed Cabdi.

 

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Qabridahare ku dhintay in kabadan 50 Caruur ah oo ay dadoodu ka yartahay 2 Sano. Caruurtaas ayaa waxaa ku dhacay cudur shuban ah oo saacado gudahood ay naftoodii ku waayeen. Cudurka caruurtan haleelay ayaan ilaa iyo hada lagaran, mana jiraan wax dhakhaatiir ah oo gacan ka gaystay sidii ay cudurkaas ula tacaali lahaayeen. Magaalada Qabridahare oo leh 1 Isbitaal ayaan haysan dhakhaatiir ku filan oo masiibooyinka noocan oo kale ah ka hortagi kara amaba wax ka qaban kara. Dhimashada Caaruurtan oo sii siyaadaysa saacadba saacada ka danbeeysa ayaan la hayn wax gurmad ah oo dhinacna uga yimaada caruurta uu cudurkaas haleelay.

 

Warar ku dhadhaw maamulka Isbitaalka ayaa sheegaya in ayna oolin wax dawo ah oo shubankan lagaga caawin karo caruurta uu cudurkan ku dhacay, mana jiraan wax gurmad ah oo ay Ilaa iyo hada Xukuumada Itoobiya u fidisay maatada halkaas ku go,aysa.

 

Dad ay ciidamada Itoobiya qaarna dileen qaarna xabsiyada u taxaabeen.

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa dad aad u badan oo shacab ah una dhashay Ogadenya xabsiyada u taxaabay, kadib markay ku eedaysay in ay gacan siiyaan amaba ay taageerayaal u yihiin Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo aad ugu naafeeysay dagaalada gobonima doonka ah ee ay xukuumada gumaysiga Itoobiya kaga soo horjeedo. 15-kii Oktoobar ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya magaalada Dhagax-Buur ku xidh xidheen dad badan oo ay ka mid yihiin.

1. Cabdi-dheere Xasan

2. Axmed Maxamed Daahir

3. Xaashi Xasan Nuur

4. Qoor Gaab.

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay sidoo kale badhtamihii bishii Oktoobar toogasho ku dileen dad ka badan 100 ruux oo ku dhaqnaa deegaanada qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu ay wada dagaan, waxaana Jidhdil iyo xadhig aan qiyaas lahayn loogu gaystay deegaanada labada qoomiyadood ay wada dagaan dad shacab ah oo aad u badnaa ayna ka mid ahaayeen.


1. Hinda Axmed Xasan
2. Saynab Axmed
3. Ardo C/qaadir
4. Hodan  Sh. Cabdi
5. Fa,isa Axmed
6. Cibaado  Jaamac
7. Xuseen Abaadir (Xuseendheere) iyo
8. Maxamed Yuusuf Ibraahim (Maxamed Soomaali)

 

 Mid kamid ah Shantaa gabdhood ee magacoodu korka ku xusan yahay oo uur lahayd ayaa la sheegayaa in Ilmihii laga soo riday sidii ay ciidamada gumaysiga Itoobiya u garaacayeen. Gabdhahaas oo ku dhaqan magaalada Baabili ayaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato, loona diiday in wax daaweeyn ah loo fidiyo. Xasuuqan naxariis darada ah ee ay ciidamada gumaysiga Itoobiya gaysteen ayaa waxuu ku soo beegmay xiligii ay sheegeen in doorasho laga qaban doono deegaanada qoomiyadaha Soomaalida  iyo Oromada, taasoo Ujeedada ay ka lahaayeen ay ahayd iska horkeen dagaal oo labada Qoomiyadood dhex mara.

 

Sidoo kale waxay ciidamada gumaysiga 7/11/04 xadhig iyo jidh dil ba ugu gaysteen magaalada Qolaji gabdhaha lagu kala magac,aabo 1.Cariish Axmed Daahir iyo 2. Nimco axmed oo ah gabadh 13 Jir ah oo aan wali qaan gaadhin.Askarta Jidh dilka u  gaysatay gabdhahaas ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha ciidanka gumaysiga Itoobiya ee magaalada Qolaji.

 

 Dowlada Kenya oo madaxwaynaha Soomaaliya iyo dowladiisaba ka codsatay inay dalkoodii ku noqdaan.

 

Dawlada Kenya ayaa madaxwaynaha dawlada fadaraalka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ka codsatay inuu xukuumaddiisa sida ugu dhakhsaha badan u soo dhiso, isla markaana dawladiisa u raro gudaha Soomaaliya.

 

Wasiirka xafiiska madaxwaynaha Kenya Chris Murungaru ayaa sheegay in dedejinta arrimhaasi ay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliyaba dan u tahay. Wuxuuna sheegay in dawlada Soomaaliya ayna dhamaystirnayn, ilaa iyo haddana ay madaxwaynaha,ra’iisal wasaaraha iyo Raisul Barlamaanka oo kaliyi jiraan, kuwaasoo dalkoodii ka maqan, arrintaasina ay dhaawici karto ahmiyadii ay dawladu u lahayd dadwaynaha iyo dalka Soomaaliya.

 

Murungaru wuxuu kaloo sheegay in beesha caalamka ay hadda ku adag tahay inay la shaqayso dawlada, sababtoo ah beesha caalamku waxay u baahan tahay dawlad dhisan oo qaadan karta go’aamada looga baahan yahay. Wuxuu kaloo intaa ku daray in dawlada Kenya ay arrimaha Soomaaliya aad u danaynayso, isla markaana ay doonayso in dawlada Soomaaliya ay sida ugu dhakhsaha badan Muqdisho ugu laabato.

 

Dhinaca kale madaxwaynaha dawlada fadaraalka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa jimcihii Golaha Ammaanka ka codsaday in beesha caalamku ay dawladiisa u fidiso taageero dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed labadaba. Wuxuu kaloo Golaha Ammaanka ka codsaday in dhinaca dhaqaalaha laga taageero cidamada nabad ilaalinta ah ee uu ka codsaday Midowga Afrika, si dalka Soomaaliya nabad looga dhaliyo.

 

Hase yeeshe Golaha Ammaanka, oo hadda ka hor ku fashilmay ciidamo nabad ilaalin ah oo uu Somaaliya u diray, ayaa dalalka deeqda bixiya ka codsaday in dawlada cusub ee Soomaaliya laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadaba, balse wuxuu diiday inuu taageero ciidamo nabad ilaalin ah oo Soomaaliya loo diro.

 

Heshiis nabadeed oo lagu kala saxeexday magaalada Daara Salaam.

 

15 madaxwayne oo afrikaan ah iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa magaalada Daara Salaam  iskula saxeexay heshiis nabad ugu yaboohaya wadamada ku yaalla gobolka loo yaqaano Laagaha Waawayn. Kofi Annan ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo nabadgelyada wadamadaas lagu horumarinayo.

 

Heshiiskan wuxuu ku baaqayaa in wadamada gobolkaas ku yaalla loo beddalo wadamo ay ka jirto nabadgelyo iyo xasillooni siyaasadeed iyo mid bulshaba, kuwaasoo wadaaga koridda iyo horumarka dhaqaale labadaba.

 

Heshiiskan waxaa isla saxeexay, ka dib markii shir wayn oo lagu qabtay magaalada Daarsa Salaam ee dalak Tanzania ay ka soo qayb galeen madaxwaynayaasha 14 waddan oo ka yimid wadamada ku yaalla gobolka Laagaha Waawayn iyo kuwa deriska la ah. Waxaa kaloo heshiiskan wax ka saxeexay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan iyo madaxwaynaha dalka Nigeria Olusengu Obasanjo.

 

Wadamada uu heshiiskani khuseeyo waxaa ka mid ah Jamhuuriyada Kongo, Rwanda, Burundi iyo Uganda. Madaxwaynayaasha dalalkan oo sannado badan siyaasada ku kala duwanaa, isla markaana ay qaarkood dagaal hubaysan iskaga horyimaadeen ayaa maanta hal meel isugu yimid, si ay nabad wadajir ah isula baadi doonaan, sidaas waxaa yidhi oo laga soo xigtay xoghayay qaramida midoobay  Kofi Annan.

 

Madaxda kulankan isugu yimid waxay kaloo ku heshiiyeen inay kulan midkanoo kale ah bisha Juun ee kal denbe isugu yimaadaan magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Kulanka nabadda ee dalalka Laagaha Waawayn waxaa markii ugu horraysay qorsheeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey sannadkii 1994 markii dad ka badan 800,000 oo Tuutsi ah lagu xasuuqay dalka Ruwanda, hase yeeshee Golaha Ammaanka uma ayna suuragelin inuu kulankaas hirgeliyo intii hadda ka horraysay.

 

Dawlada Imaraadka Carabta oo sheegtay inay fasixi doonaan baasaboorka Soomaalida

 

 Dowlada isutaga  Imaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay baasaboorka Soomaaliga oo ay horay u joojiyey fasixi doonto marka la dhammayst tiro dhismaha dawladda federaalka ee Soomaaliya, sidaas waxaa sheegtay Idaacada SBC.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaraadka ayaa sheegtay in ay arrinta qaadista xayiraadda baasaboorka ay ku beegayaan marka wasiirada la dhiso gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda oo ay sheegeen in ay arrimo badan kala xaajoonayaan.

Dowladda Imaaraadka ayaa horey u joojisay fiisaha Soomaalida ay ku tagto dalkeeda iyadoo taas sabab uga dhigtay inaysan Soomaaliya ka jirin nidaam dowladeed oo ay la xisaabtamaan, isla markaana ay baasaboorkaasi arrimo badan ku soo dugaali karaan sida xagga amaanka iyo sharciyada xagga socdaalka.

 

23.11.2004

C/Nuur Sh. Maxamed
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 24, 2004

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD