Dr,Jeylaani Qaali Huurshe
"Xaaladda
Maxkamada Degmada Marka waa mid
wanaagsan,laakiin waxaa jira.."
W/Qorey,Abdi
Wali Ibraahim Aden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Waraysi Dheer oo aan la yeelanay
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Marka
Dr, Jeylaani Qaali Huurshe,...

Dr. Jeylaani Qaali Huurshe
|
Akhristayaal waxaan halkan idiinku
soo gudbineynaa Waraysi aan la
yeelanay Guddoomiyaha Maxkamada
Degmada Marka Dr,Jeylaani Qaali
Huurshe oo ka hadlaya habsami u
socodka howlaha Maxkamada Degmada
Marka,Waxaana Waraysikaasi inoo
qaaday Wariyaheena Magaallada
Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
oo baryahanba socdaal ku marayay
qeybo badan oo ka mid ah Gobolka
Shabeelaha Hoose.
Waxaana uu waraysiga u bilowday
sedan:-
"Garyare"
waxaad
iiga warantaa Dr,Jeylaani Qaali
huurshe bal howlaha aad iminka
qabataan???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
waad
ku mahadsan tahay marka hore Garyare
booqashada aad nagu soo booqatay
Xarunta Maxkamada Degmada
Marka,haddii aan u soo laabto
Su’aasha aad iweydiisay Maxkamadu
howlahay qabato waxaa ka mid ah qeyb
Madani iyo qeyb ciqaab,waxaa kaloo
intaasi dheer arimaha la xiriira
Dhaxalka iyo hantida guurta iyo mida
aan guurin,haddii aan kuu cadeeyo
hantida guurta waa sida gaadiidka
badda iyo biriga mida aan guurin
iyana waa sida Guryaha,Beeraha iyo
dhulalka banana,waxaan intaasi kuugu
dari lahaa inay iyana jirto qeybta
guurka iyo furiinka.ma garatay.
"Garyare"
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad
inta badan aad ka hadashay arimaha
aad umada u qabataan,haddaba
Su’aasha aan iminka ku weydiinayo
waxay tahay bal waxaad inooga
warantaa dacwadaha ugu badan ee
maalmihii ugu danbeeyay idin soo
gaaray???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
Dacwado badan ayaa jira Garyare
waxaa kamid ah Dilka,Dhaawaca,kufsi
iyo kuwo la xiriira
burcadnimo,laakiin haddba waxay ku
xiran tahay dacwadaha ay soo
gudbiyaan Xafiiska xeer’ilaalinta
iyo kan danbi baarista.iyadoo
markaasi kadib qoftaasi la soo tag
idoono Maxkamada oo haddii ay ku
cadaato Danbiga lagu xukumi doono
hadba sharciga waxa uu ku
xukumo,laakiin haddii lagu waayo waa
la iska deynayaa sida uu qabo
Sharciga.
"Garyare"
Guddoomiye Dr,Jeylaani Qaali huurshe
adiga oo mahadsan bal waxaa iyana
aad inoo sharaxdaa qaabka aad u wada
shaqeysaan idinka oo ah Maxkamada
iyo Dadka dacwada ay ka dhexeyso???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
waxaa
ka dhexeeya xiriir kaasoo ah mid
isku xiraaya Ciidamada
Booliska,Xafiiska danbi baarista iyo
dadka isku soo dacwaynaya Maxkamada
Degmada Marka,marka qofka dacwada
loo haysto la soo qabto waxaa mudo
24-saac kadib loo soo gudbinayaa
Maxkamada,iyadoo marka uu danbiga ku
cadaayo qofkaasi loo sii dhaadhiciyo
Xabsiga dhexe ee Magaallada Marka.
"Garyare"
Su’aasha kale ee aan ku waydiinayo
Dr,Jeylaani waxay tahay waxaad
sheegtay in qofka la soo eedeeyay
xabsiga lagu hayn doono mudo yar oo
gaaban,haddba ma inoo sheegi kartaa
waqtiga qofkaasi Maxkamad sugaha uu
yahay tiro ahaan???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
haa
waan kuu sheegi karaa waqtiga
qofkaasi uu Maxkamad sugaha uu yahay
waa mudo dhan 45-Bari,haddii
mudadaasi wax danbi ah lagu waayo
sharcigu waxaa uu qabaa in la
siidaayo qofkaasi.
"Garyare"
markan
waxaan baraa in aan ku waydiiyo
su’aal ku saabsan Maxkamada iyo
Dadka Degmada marka Kalsoonida ay
isku qabaan,haddba Dr,Jeylaani taasi
iyana inooga waran???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
Run
ahaantii haddii aan maanta ku dhaho
Garyare Dadka Degmada Marka iyo
deegaanada ku teedsan kalsooni
buuxda ayay nagu qabaan waxaad u
qaadan kartaa inay tahay hadal uu
sheegay in howshiisa
faaninaya,laakiin waxaan taasi u
deyn lahaa in aad weydiisaan Dadka
Degmada Marka taasi ayaad ku ogaan
kartaan xaqiiqada jirta eek u
saabsan Su’aasha aad i weydiisay.
"Garyare"
waa
tahay Dr,Jeylaani Qaali Huurshe
qaarka mid ah Dadka akhrisanaya
Waraysikan aad siisay shabakaddan
waxaa macquul ah inay maskaxdooda ka
dhex-guuxeyso su’aasha ah,Jeylaani
sow ma ahayn ninkii lagu xukumay
mudo xabsiyeed iyo qarash la sheegay
inuu horey u lunsaday,hadana taasi
marka laga soo gudbo waxaa muuqata
inaad ku hadleyso isla xilkii aad
dartiis xabsiga u gashay,haddaba
waxaad inoo cadeysaa Markii danbiga
la kugu soo oogayay ma Maamulka ayaa
qaldanaa mise adiga ayaa danbigaasi
galay???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
Walaahi ma jecli inaan hadda dib ugu
laabto wixii mar hore dhacay,laakiin
waxaan kuu sheegayaa inay ahayd
arintaasi mid qalad u dhacday oo ka
timid dhinaca maamulka,laakiin
haatan waxaan dib ugu soo laabtay
howsheydii oo ay muuqato in la iiga
maarmi waayay,waxaan kaloo rabaa in
aan intaasi kuugu daro Garyare soo
laabashadeyda waxaa qeyb wayn ka
qaatay Dadka Gobolka Shabeelaha
Hoose gaar ahaan Dadka Degmada Marka
oo ah kuwo lagu faani karo..
"Garyare"
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad
bilo ka hor aad waday abaabul aad ku
dooneysay jago ka duwan mid aad
iminka ka hayso Degmada marka ee ah
Maxkamada Degmada Marka oo ahayd in
aad noqoto Guddoomiyaha Gobolka
Shabeelaha Hoose,taasi xagee ku
danbeysay Dr,Jeylaani???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
taasi
waa ay jirtay Garyare,laakiin waxaan
jeclaan lahaa in arintaasi marka la
gaaro aan idiin soo gudbiyo.
"Garyare"
Waxaad
la socotaa in Bilihii ugu danbeeyay
Gobolka ay ka jireen xarig la kula
kacayo qaarka mid ah Mas’uuliyiinta
dhinaca garsoorka oo aad adiga ugu
horeeysay rag kalana ay kaaga
danbeeyeen,arimaha noocaas ah bal
inooga waran Dr,Jeylaani maadaama
aad tahay Mas’uul arintaasi u
dhuun-duleela???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
Garyare waxaad ogaataa in qof waliba
uu ka sareeyo Sharciga oo aysan
jirin qof uu la dhashay
sharciga,,laakiin anaga oo
fiirineyna Wanaaga ay inoo hayaan
Dadka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa
waxaan u dulqaadan doonaa dhibaata
kasto oo naga soo wajahda dhinaca
dadka jecel qiyaanada.Ma garatay.
"Garyare"
dhibaatooyinkaasi aad inta badan ka
cabataan ragiina dhinaca garsoorka
G/Sh/Hoose haddii aan wax laga
badalin sow ma keeni karto inaysan
gobolka imaan dad badan oo is lahaa
wax ka qabta Gobolka???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
qofka
shaqsiyadiisa isaga ayay ku xiran
tahay arinta aad iwaydiisay
Garyare,laakiin waxaan kuu sheegayaa
qofka hadda ugu danbeeyay ee lagu
soo eedeeyay faldanbiyeed waa
Kaaliyihii Maxkamada racfaanka ee
Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar
Cali Maxamed "Abuukar Calow" kaasina
waxaa uu ahaa fal danbiyeed la
xiriiray been abuur lagu sameeyay
Saxiixeyga aniga oo ah Guddoomiyaha
Maxkamada Degmada Marka iyo
isticmaalida Shaabada Maxkamada
Racfaanka uu isticmaalay,taasina
waxay ahayd qalad uu galay Mas’uul
inbadan u soo shaqeeyay wasaarada
garsoorka waana la dhameeyay.
"Garyare"
waxaa
dhinaca kale jira Dr,Jeylaani
wararka soo baxayay deegaanka Buulo
mareer oo sheegayay in gabi ahaanba
la kala diray shaqaalihii garsoorka
deegaankaasi,haddaba arimahaasi
maxaad kala socotaa adiga???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
waa ay
jirtaa arintaasi Garyare oo waxaa ku
dhaqaaqay Guddoomiyaha Maamulka
Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh
Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha-cadde"laakiin
ilaa iyo inta maamul looga
sameeynayo aniga ayaa howlaha
garsoorka ee degaankaasi gacanta ku
haynayo oo waxaa ay qeyb ka yihiin
howl maalmeedkeyga.
"Garyare"
waxaa
jirta eedeeymo loo soo jeediyay
Maamulka G/Sh/Hoose oo ay saxaafada
soo gaarsiiyeen qaarka mid ah Dadka
wada degan gobolkaasi oo sheeganaya
inay jiraan Beero xoog looga
haysto,arimaha noocaas ah dacwado ku
saabsan ma soo gaareen Maxkamada
Degmada Marka Guddoomiye Dr,Jeylaani
Qaali Huushe???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
ma
jiraan Garyare Dacwado arimhaasi ku
saabsan oo la soo gaarsiiyay
Maxkamada Degmada Marka kolay waxaad
tahay qofkii ugu horeeyay oo aan ka
maqlo arimahaasi.
"Garyare"
Su’aasha ugu danbeysa ee aan ku
waydinayo waxay tahay Dr,Jeylaani
Qaali Huurshe maadaama aad tahay
Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Marka
ma ku qanacsan tahay adiga Xiriirka
ka dhexeeya Wasaarada garsoorka iyo
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
Waad
ku mahadsan tahay Garyare Su’aasha
aad i waydiisay,haddii aan isku dayo
in aan kaaga jawaabo,waxaa xaqiiqo
ah in arinta ay kala tahay garsoor
oo ah arimaha la xiriirra cadaalada
iyo sinaanta dadka Soomaaliyeed ee
ku dhahqan Gobolka iyo arimaha
Maamulka oo ay tahay mid u qaas ah
Maamulka haatan ka jira
Gobolka,laakiin waxaan markasta aan
idiin sheegayaa in Wasaarada
garsoorka ay ka madax banana tahay
Maamulka Gobolka.
Kaasina waxaa uu ahaa Guddoomiyaha
Maxkamada Degmada Marka eeXarunta u
ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe oo u
waramayay Wariyaheena Magaallada
Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
oo maalmihii ugu danbeeyay socdaalku
marayay qeybo badan oo ka mid ah
Gobolka shabeelaha hoose,isla isaga
ayaana inoo qoray waraysigan.
W/Qorey,Abdi
Wali Ibraahim Aden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com