Maxaa Kajira in la Dhaawacay Islaan Bashiir iyo in Lagu
Weeraray Baasuukayaal iyo in Lagu Dawaynayo Isbitaalka Gaalkacyo
Asalaamu Calaykum
Waraxmatulaahi Wabara kaatuhu 11/22/2004
Beenin
War lagu Qoray Internetka iyo Meela kalaba
Anagoo ah Jaaliyada
Maxamed Cumar, waxaan beeninaynaa hadal been abuur iyo
isku dir ahaa oo kusoo baxay meel kamida Internet-ka iyo
Wargays.
QORAAL KA YAABIYEY ISLAAN BASHIIR |
... Aniga
idinla hadlaaya miyaa la i dhaawcay, oo yaa i
dhaawacay waaba yaabe.. hadalo sidaas u dhigma
waxaa yiri
Islaan Bashiir oo malay warka been abuurka ah
ee ahaa "Gurigii Islaanka xalay fiidkii markay saacadu eer Mahad Islaan Bashiir
ayaa ahayd 9.20kiii hamaynimo lagu weeraray qoryahay fudud iyo
baasuukayaal. Wareerka ayaa la xaqiijiyey iney geysteen Malayshiyo ay
leedahay beesha Maxamed Cumar. Islaan Bashiir ayaa la sheegay inuu soo
gaaray dhaawac fudud waxaana lagu dawaynayaa isbitaalka weyn ee
Dhagacade"... Guji |
“Warkaas
beenta ah oo lagu xusay in Beesha Maxamed Cumar
weerar ku qaadeen Islaan Bashiir dhaawaceena, hadana uu
isbitaal yaal, iyo in wereerkii lagu qaaday Guriga
Madaxwaynaha dhawaan ladoortay C/laahi Yuusuf inay
beeshu ka danbaysay”.
-
Ugu horayntii Waxaan
beeninaynaa inaan waxba ka jirin arimahaas aan soo
sheegnay oo uu yahay been aan raad lahayn.
-
Waxaan aad uga xunahay
in dad Soomaaliyeed ka shaqeeyaan isku dir laba Jifi
oo walaala ah.
-
Waxaan aad uga
xunnahay inay dad Saxaafad sheeganaya madax goostaan
qabiil dhan, ulana soo bareeraan danbiga intaas leeg.
-
Waxaan ka xunahay in
si gaara loogu been abuurtay Dr. C/daahir Yuusuf
Cilmi oo kamida Odayaasha Beesha iyo siyaasiyiinta
Puntland.
Digniin
-
Waxaan ugu digaynaa
Qarannews.com inuu ku tilaabsado arintaan foosha xun
oo kale mar labaad.
- Waxaan ugu
digaynaa Xogogaal inuu ku tilaabsado arintaan foosha
xun oo kale mar labaad.
- Waxaan uga
digaynaa Soomaalida meelay joogaanba inay wax ka
akhristaan labadaas beenlow, ama wakhti ku dhumiyaan.
- Waxaan uga
digaynaa Saxaafada Soomaalida ee wax garadka ah inay
soo xigtaan labadaas waxay qoraan, iyo waliba
inaysan ogolaan Sumadooda.
Ugu danbayntii arinta
Suldaan Hurre (Alle ha u naxariistee) waxay u taal dadka
uu ka dhashay, waana ka go’antahay inay nabad ku
xaliyaan, Hadana arintaas waxaa gacta ku haya ilaa heer
Isimada Majeerteen iyo Hartiba leh. Wabilaahi Towfiiq.
Dr. Cabdidaahir Yuusuf
Cilmi
elmifarah_5@yahoo.com
Gaalkacayo/Somaaliya
11/22/2004