DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADAAbdirizaq Ahmed
Rochesrer MN, USA
Dalalka
duunka
ayaa
si
aad
ah
ugu
kala
duwan
qaab
dhismeedka
dowladahooda
iyadoo
wadamada
badankooda
uu
ka
jiro
sharci
qeexaya
inta
wasaaradood
ee
uu
wadankaasi
yeelanayo.
Waxaa
mararka
qaarkood
dhacda
in
la
abuuro
hay'ad
cusub
amaba
la
baabi'iyo
mid
horay
u
jirtay,
taasi
oo
loo
maro
in
isbedel
lagu
sameeyo
dastuurka
amabase
sharciga
kale
ee
arintaa
khuseeya.
Wadankeena
Soomaaliya,
oo
ay
iska
gaabantahay
taariikhdiisa
dowladnimo,
ayaa
waxaa
markastaba
ka
jiray
jaahwareer
ku
saabsan
tirada
wasaaradaha
loo
baahanyahay.
Dowladii
wadanka
xukumaysay
mudadii
ugu
dheerayd
ee
Maxamed
Siyad
Bare,
ayaa
ka
dhigtay
wax
iska
caadi
ah
in
hadba
la
magacaabo
wasaarado
cusub
oo
aan
horay
loo
maqal.
Mudadii
ay
wadanka
ka
jireen
dagaalda
sokeeye,
waxaa
la
dhisay
dowlado
aan
la
isku
raacsanayn
oo
midkastaba
lahayd
wasiiro
iyo
ku
xigeeno
xad
dhaaf
ah.
Sababta
keentay
in
sidaa
loo
badiyo
ayaa
lagu
tilmaamay
in
lagu
qancinayay
dad
badan
oo
la
doonayay
in
ay
dowlada
taageeraan
oo
hadii
aanay
jagooyin
helin
noqon
lahaa
mucaaradka
ugu
horeeya
ee
uu
maamuladaasi.
Dowlada
dhawaan
ka
dhalatay
shirweynihii
Kenya
ee
uu
madaxweynaha
ka
yahay
C/llaahi
Yusuf,
ayaanu
jirin
qodob
sharci
ah
oo u
xadidaya
inta
wasaaradood
ee
uu
qaranku
yeelanayo.
Ra'isulwasaaraha
cusub,
Cali
Maxamed
Geedi,
ayaa
waxaa
ku
hareeraysan
dad
boqolaal
gaaraya
oo
buntukhyo
u
haysta
in
ay
dowlada
la
dagaalamaan
hadii
aan
laga
dhigin
wasiiro.
Badankoodu
waxay
aaminsanyihiin
in
ay
yihiin
kuwa
kaliya
ee
xaqa
u
leh
jagooyinkaasi.
In
badan
oo
ka
mid
ah
dadka
jagooyin
doonka
ah,
ayaa
waxaa
dhiiragalinaysa
Madaxweynanimada
C/llaahi
Yuusuf
oo
ka
mid
ahaa
madaxdii
mudada
badan
soo
hogaaminaysay
jabhadaha
hubaysan ee
ku
dagaalamayay
magaca
qabiilka.
Taasi
waxay
meesha
ka
saaraysaa
in
nina
lagu
riixo
in
uu
ka
soo
qayb
qaatay
dagaaladii
sokeeye iyadoo ay
hogaamiye
kooxeedyada
badankoodu
u
arkaan
wax
aan
u
cuntami
karin in ay meel
cidla
ah uga
tagaan
halgankii
dheeraa
ee
madaxtinimo
doonka
ahaa
ee ay
soo
mareen.
Cali
Maxamed
Geedi
oo
uu
C/llaahi
Yuusuf oo
doonaya
in
uu
gadaal
wax
ka
maamulo iskaga
jeeday
indhihii
dadka,
ayaa
waxaa
laga
sugayaa
in
uu
soo
dhiso dawlad
ugu
yaraan
qancisa
inta
qoryaha
isku
sidata.
Dad
badan
oo
aqoonyahano
ah
ayaa
waxay
aaminsanyihiin
in
aanay
Soomaaliya
u
baahnayn
wax
ka
badan 13
wasaaradood.
Taasi
waa
mid
aan
u
cuntamayn
ragga
isku
bixiyay
halgamayaasha.
Waxaa
ay
arintu
u
muuqataa
in
uu
ra'isulwasaaruhu
marka
hore
qaadan
doono
warqad
iyo
qalin
oo
uu
qori
doono
inta
qof
ee
uu
ku
khasbanyahay
in
uu
wasiiro
u
magacaabo.
Talaabada
labaad
ayaa
noqonaysa
in
uu
sameeyo
wasaarado
farabadan
oo
uu
ku
aamusiyo
kuwa
hamuunta
weyn
u
qaba
in
ay
mar
un
helaan
xafiis qancin
kara iyaga
iyo
taageerayaashii
naf
iyo
maalba
u
soo
huray.
Abuurista
wasaarado
dad
lagu
qanciyo
ayaan
marnaba waxtar
u
yeelan
doonin
shacab
weynaha
soomaaliyeed
.
Dhanka
kalena, wasaaradaha muhiimka
ah
ee halbowlaha
u ah
adeega
umad
weynta
soomaaliyeed,
ayaa
iyaguna
hankii
loo
qabay
hoos
u
dhacayaa
hadii
aanay
xilkooda
qaban
dad
wadaniyiin
ah
oo
ay
umadu
u
simantahay.
Ugu
danbayntii,
Ra'isulwasaaraha
ayaan
laga
sugayn
in
uu
wasiiro
magaacaabo
oo
kaliya,
balse
waxaa
intaa
u
dheer
isku
jaangoynta
tirada
wasaaradaha,
qancinta
dadka
jago
doonka
ah
iyo
xulida
dad
aqoon
leh
oo
socodsiinkara
maamul
dowladeed.
Abdirizaq
Ahmed
Rochesrer
MN,
USA