SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

14+5+2=21 sano oo qaran la aana

Xasan
xasan3@hotmail.com

Dad badan baa layaabi kara waxa ay tahay xisaabta hore ee marka laysku daro noqotay 21 sano. cid walba waa ogtahay inaan soo marnay 14 sano oo qaran laaana oo dalka ay ka talinayeen qab qablayaal dagaal aan cidna u aabe yeelayn wax walbana ka hormarinayey dantooda gaarkaa halkaan laguma soo koobi karo waxii nasoo maray afar iyo tobankaas sano iyadoon qolo gooniya loo aanayn karin oo dalkoo dhan ay kawada sinayd burburka iyo dowlad la aantu.

Mudadaas waxaan baranay dad badan oo aanan horay u aqoon kuwaasoo qori caaradii shacabkii u gu qasbay inay u aqoonsadaan siyaasiyiin beelkastoo soomaaliyana maanta waxay leedahay ilaa dhawr nin oo iyaga looga dan beeyo arimaha reerkaas hadii aan iyaga lasoo marina aysan waxba kala soconayn.

anagoo afar iyo tobankii sano oo hore layaaban oo ilaah u barina har iyo habeen in ilaah naga saaro dulmigaan iyo cawaaqib xumadaan ayaa dhawaan taan waxaa ladoortay madaxweeyne kasoo dhex baxay ragii aan kor kusoo sheegay ee afar iyo tobankii sano aan u af duubnayan kuwaasoo ka dib markii aduunkii uu cadaadis kusaaray inay dowlad qaran dhistaan oo ay dalka kusoo celiyaan xasiloonidii iyo nabadii inta mudo laba sanaa shir u fadhiistay iska soo xulay si kal iyo laab aan ahayn hase yeeshee ay iyagu u arkayeen inaytahay xalka kaliya ee ay kusii socon karto maamuladooda kooxeed ee aan cidi kula xisaabtamayn ee ay ku caburinayaan shacabka iyo maatida koodii ugu dhiigya cabsanaa uguna diin nibcaa uguna dulmi badnaa waxayna nagu sharciyeeyeen 5 sano oo kale oo nasugaysa inaan u qunuudno una ala barino in ilaah naga saaro dhibkaan cidina uma fadhido in cabdulaahi yuusuf inta xilka iska dhiibo yiraahdo halayga qabto waan wadi waayee dan iyo heelana uma galayo cidii dhimanaysa iyo cidii dhibaato hayso maanta isagu waxa uu ku qanacsan yahay inuu yahay madax weeynaha sharcigaa ee mudada ah 1800 oo maalmood oo ka soobilaamaysa 10 kii oktoobar iyadoo aan waliba la filayn haduu sii noolaado in uu mudadaas kadib xilka isaga dagayo wax garan tiya bixinkaraana aysan jirin.

mudada labada sanaah ee xisaabtaas kore ee cinwaanka ku muujisan ugu dan baysa waa saadaalin dad badan oo indheer garada ay saadaalinayaa in marka ay dhamaato mudada ala kusaarkaa ee cabdulaahi laysugu imaan doono shir dib u heshiisiineed oo loo badinayo inuu kadhaco dalka ugandha ilaahbaase og sida xaal noqon doono  waxaa cad in akhristayaal badan oo kudaalay dhibaatada wadankeena haysata ay dhibsadaan saadaashaas oo ay iimaleeyaan nin bale abuura hase yeeshee qofwalboow ogow tii ale waa meesheeda laakiin sida ay hada ku socoto waxbadan waa la sugi umad ama qaran soomaaliyeed.

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD