MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA
MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL
SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA SOOMAALIDA
Axmed
Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
MDFKMG, C/lahi
Yusuf |
Tan&
Doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka
ah ee Soomaaliya 10 Ogtobar Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed
Waxa uu waday kulamo is daba joogo oo uu la wadaagay
Aqoonyahanka, Culumaa u diinka Waxgaradka, Haweenka &
Siyaasiyiinta Soomaaliya.
Kulankii ugu
qiimiga badnaa waxa uu la wadaagay Madaxwaynihii xilka kaga
horeeyay Dr C/qaasin Salaad Xasan iyaga oo meel isla dhigay in
laga fakaro sidii loo samato bixin laha shacabka Soomaaliyeed oo
iyagu dhibaato qabay 14 Sanoo na soo dhaaftay,
Dhinaca kale
waxaa taageero xoogan muujiyay Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax
oo isagu shaaca ka qaaday in uu la shaqaynayo Doowlada uu
madaxda ka yahay Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasi oo aheed guul ay
dad badani ku farxeen. Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax waxa uu
sheegay in hadii il loo magacaabana uu ka fiirsanayo in uu
anfaco iyo in kale hadii aan loo magacaabina la shaqaynayo
dowlada ,
Waxaa jiray
xili madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed
Afur iyo casho sharaf u sameeyay Xubnaha Xidhibaanada
Aqoonyahanka ku sugan Magaalada Nairobi oo ay gacmaha is
qabsadeen Xildhibaan Cusmaan Cali Caato iyago oo u muuqaday rag
meel iska dhigay qilaafkii dhaxdooda ahaa, Madaxwayne Cabdulaahi
Yuusuf Axmed ayaa xiligaa sheegay in Mr Cusmaan iyo isagu isku
meel ku dhasheen kana wada shaqayn doonaan nabada iyo xasilinta
Soomaaliya,
Dhinaca kale
kulamo qaatay Sadex Cisho ayeey wada yeesheen Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Xidhibaan Al Xaaj
Muuse Suudi Yalaxow.
Labada
masuul ayaa wada dagan hal Hoteel iyaga oo kala dagan dabaqa
Labaad iyo midka Sadaxaad interkontener, wadahadalada Al Xaaj
Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaan
cidina ka war hayn oo albaabada ayaa u xirnaa laakiin Al Xaaj
Muuse Suudi Yalaxow ayaa doorashadii Madaxwayne Yuusuf ku
tilmaamay mid sax ah waxna uusan ka qabin in soomaaliya la keeno
ciidamo shisheeye,
Maanta sidoo
kale waxaa jiray kulan dhaxmaray Xildhibaan Maxamed Cumar
Xabeeb "Maxamed Dheere" iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf Axmed, cidina ma ogo kulanka labada mas uul
waxaase la rajeeynayaa in ay kawada hadleen xaalada Soomaaliya
iyo sidii loo xasilin lahaa wadada Nabada oo soomaaliya ka
raagtay mudo badan.
Hogaamiyaasha
siyaasada ee soomaaliya ayaa kawada Tirsan Baarlamaanka
Soomaaliya marka laga reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo
isagu xiligaas Dagaaloo kula Jiray Dooxada Juba, waa Xiligii la
xulayay Baarlamaankee,
Madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu inta badan yaqaana dabeecadaha
Hogaamiyaasha ayaa umuuqda nin ka guul gaaray intii badneed in
ay ka wada shaqeeyaan nabada soomaaliya ,
Madaxwaynaha
DFKMG waxaa hor yaala hawl adag iyo in uu soo magacaabo
Wasiirkiisa koowaad isla markaasna wasiirka uu magacaabayaa
noqdo nin u cuntami kara dhamaan Hogaamiyaasha kooxaxa
Soomaaliya Dowladana gayn kara Magaalada Muqdisho Caasimada
Soomaaliya,
Dhinaca kale
madaxwaynaha soomaaliya waxaa u dhiman in ay wada kulmaan Raga
dooxada Juba Bare Shire Adan "Bare Hiiraale", Yuusuf Mire Adan
Yuusuf Seeraar iyo Hogaamiyaha S.NA Xildhibaan En Xusseen
Maxamed Faarax Caydiid.
Waxaa kaloo
madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Horyaala in wada xaajood
dhaba la wadaaago Waqooyiga Soomaaliya iyadoo xubnaha
Xidhibaanada Soomaaliya ay walaac horleh ka muujinayaan
Colaadaha hada soo cusboonaaday ,
Si walba
xaalku ha ahaadee hadii madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku
guulaysto siina wado wada xaajoodka Geesinimada leh ee uu la
wadaagayo hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida waxaa laga yaabaa
in ay doowladiisu wax tar noqoto ayna mira dhasho, hadiisa uu
ka gaabiyo waxa uu raacayaa wadadii Cali Mahdi Maxamed, Jan
Maxamed Faarax Caydiid, Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan oo
dhamaantood Afgarad Buuxa ka keeni waayay Hogaamiyaasha
Siyaasada Soomaalida.
Axmed
Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi Somalitalk