SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
 
Daabaco Boggan | Print

MIDOWGA DHAQAALE IYO GANACSI EE GEESKA AFRIKA WAA FURAHA NABADDA IYO HORUMARKA.

Qore: Abdiweli Hassan. 
abdihassanm@hotmail.com 

 November 18, 2004

  • * Soomaaliya:      baaxadda dhul:     637,657 sq km; Tirada dadka: qiyaas 12 mln

  • * Ethiopia:           baaxadda dhul: 1,127,127 sq km; Tirada dadka: 67,851,281

  • * Kenya:               baaxadda dhul:     582,650 sq km; Tirada dadka: 32,021,856

  • * Eriteria:             baaxadda dhul:     121,320 sq km; Tirada dadka:  4,447,307

  • * Djibouti:             baaxadda dhul:       23,000 sq km; Tirada dadka:     446,900 

 Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay goobaha xagga istiraatijiyadda caalamka ugu muhiimsan maadaama ay maraan marinada ganacsi ee isku xira qaaradaha Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan weli laga faa段idaysan, iyadoo waddamada gobolku yihiin kuwa ugu faqrisan caalamka, uguna nabadgelyo xun.

         Ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer yurub, gobolka Geeska Afrika dadkiisu waxay ku noolaayeen nolol degan, isku-filaansho xagga dhaqaalaha iyo sancada, ay ka jirto nabadgelyo buuxda, iyadoo jawiga hawadu iyo degaankuba ay ahaayeen isla kuwa ay maanta ku nool yihiin. Kaddib imaatinkii guumaystayaashii reer yurub gobolku wuxuu isu rogay goob colaadeed, faqri, iyo dhaqaale xumo joogto ahi haraysay. Waxay guumaystayaashii burburiyeen dhammaan qaababkii dhaqan-dhaqaale, bulsho-horumarineed, wada-deganaansho iyo walaaltinnimo ee soo jireenka ahaa. Waxayna kala qoqobeen qoysas iyo caa段looyin, iyagoo xuduudyo beeneedyo u sameeyay, halkaasna ilaa maanta gobolku uu ku jiro nolol-xumada ugu daran caalamka. 

Haddaba, waddamada Geeska Afrika waxay ku soo ceshan karaan karaamadoodii, noloshoodii, xoriyadoodii, kulana qabsan karaan waddamada horumaray ee qarnigan 21-aad waa iyagoo midooba xag dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, iskuna fura xuduudyo beeneedyada. 

Qoraalkan oo nuxurkiisu yahay sidii Geeska Afrika nabad waarta looga heli lahaa, ayaan doonayaa inaan iftiimiyo faa段idooyinka ku jira midowga Geeska Afrika. 

Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Eriteria waxay ku fadhiyaan dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 2,491,754 sq km, iyadoo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 117,091,945, tiradaas oo ku dhow midda dadka Ingiriiska iyo Faransiiska. Khayraadka waddamada Geeska Afrika waa mid ku filan, amaba ka badan haddii laga faa段idaysto. Waxaa laga helaa macdamaha qaaliga ah sida Gold, Uranium, Platinium, Copper, Natural Gas, oil reserves, iyo waliba khayraadka beeraha iyo xoolaha, iyadoo gobolka ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay badaha ugu muhiimsan Afrika xag wax soo saar iyo xag ganacsiba.

Waxaase nasiib-daro ah in caalamku ku tilmaamo sannad walba in ay dadkiisu u dhimanayaan gaajo iyo cuduro, gurmad deg-deg ahna loo sameeyo. Midowga Gobolku wuxuu ka hortagayaa, xalna u helayaa dhaqaale-xumida iyo faqriga hareeyay dadkiisa.

Haddii aan soo qaadano Soomaaliya maxaa faa段ido ugu jirta? 

Waxaa dhici karta in lala yaabo fakarkan oo la yiraahdo sidee ula midoobi karnaa cadowgeenii soo jireenka ahaa, nagana haysta weli dhul Soomaaliyeed. Waa arrin gar ah in xal loo helana u baahan. Soomaaliya waa dal muslim ah 100%, iyadoo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay 12 milyan oo kuwa qurbaha iyo qaxootigu ku jiraan. Shacabkaasi waxay halgan dheer oo taariikhi ah ugu jireen sidii ay diintooda u difaacan lahaayeen, tan iyo markii Islaamku soo gaaray. Waxaa colaad fogaatay dhextiil kuwa Ethiopia oo maamulayaashoodu ay diinta kiristaanka haysteen/taan. Hase Yeeshee maanta Ethiopia waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 67,851,281. Tiradaas waxaa muslim ah 37,318,204 ama 55%. Dadkaas muslimiinta ah waxay la qiimo iyo sharaf yihiin kuwa Soomaaliya, iyagoo waliba tira ahaan aad uga badan Soomaaliya. Intaas waxaa dheer iyadoo dadkaasi ku nool yihiin nolol aad u liidata marka loo eego shacabka kale ee Ethiopia, gaar ahaan kuwa Amxaarada iyo Tigreega. 

Midowga Geeska Afrika wuxuu keenayaa in tiro lagu qiyaasay 57,560,467 muslimiin ah ay isu furmaan, tiradaas oo ah in ka badan kala bar dadka Geeska Afrika. Shucuubtaas Islaamka ah waxay ku nool yihiin xeebaha iyo dekadaha Geeska Afrika, taasoo u suurto gelinaysa inay hogaamiyaan dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Arrintaasi waxay faa段ido wayn ugu jirtaa ummadda Soomaaliyeed oo ah dad aad u fir-fircoon, kartina u yeelan kara inay hogaamiyaan awoodda dhaqaale ee Geeska Afrika. Tusaale ahaan Kenya Soomaalidu waxay ku leedahay ganacsi xoogan, kaasoo u gudba bariga iyo bartamaha Afrika. Kenya waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 32 milyan, iyadoo 5milyan ay muslimiin yihiin. Hase yeeshee tirada dad ee muslimiinta ah ee Ethiopia waxay wax badan ka badan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika. Kenya oo sida la ogyahay haysata dhul Soomaaliyeed ayaa ka faa段idaysatay fir-fircoonida Soomaalida una furtay suuqeeda. Waxaa hubaal ah haddii Ethiopia suuqeeda furto lana midowdo Geeska Afrika in Soomaalidu si fir-fircoon uga faa段idaysanyaan suuqaas wayn, iyagoo walaalahooda muslimiinta ahna u furaya indhaha. Taasi waxay keenaysaa iskaashi dhexmara shacabka faraha badan ee Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya. 

Fikradan, oo laga yaabo inay hadda curdan tahay, waxay badeli kartaa qaabkii hore ee labada waddan u wada dhaqmi jireen, iyadoo Soomaalidu si dagaal la誕an ah ku soo ceshan karto dhulkii ka maqnaa, saaxiibana ka dhex samayn karta shacabka Ethiopia. Sida ku cad Istaatistikada Ethiopia, UN-at, USA iwm. Tirada dadka Amxaarada iyo Tigreega ee Ethiopia waa 30%, halka kuwa muslimiintu ka yihiin 55%. Saas darteed Midowga Geeska Afrika wuxuu meesha ka saaraya xoogga iyo caburinta ay tiradaas yari ku hayso inta badan ee kale. Marka la soo koobo faa段idooyinka uu midowgaas u leeyahay Soomaliya waa mid aad u wayn xag dhaqaale, ganacsi iyo bulsho-horumarineed wuxuuna keenayaa:

1. In diinta Islaamku fido xag dad iyo aqoonba;

2. In Soomaalidu xag ganacsi iyo dhaqaaleba la wareegto Geeska Afrika;

3. In Soomaalida Geeska Afrika ay midoobaan, kaddib marka shucuubta Geeska Afrika la is fahmo;

4. In Soomaalidu ka faa段idaysato xag xadaarad, wadanninimo iyo wada noolaansho shucuubta kale ee Geeska Afrika;

5. In Soomaalidu is jeclaato, ilowdana colaadda dhexdeeda ah, maadaama ay la dhaqmayaan dadyoow kale, halkii ay ayagu isu muuqan lahaayeen;

6. In magaalooyinka Soomaaliyeed ay noqdaan xarumo ganacsi oo isku xira Afrika iyo Aasiya;

7. In aqoonta la isku gudbiyo, aqoonyahanka Geeska Afrika ee dunida kale jiraana ku soo laabtaan gobolka;

8. In maalgashiga shirkadaha shisheeye uu xarun u noqdo gobolku;

9. Iyo In naadgelyo Waarta ay ka dhalato Gobolka Geeska Afrika. 

Gabagabadii, Gobolka Geeska Afrika fikradani waa ka suurtoobi kartaa haddii dadka gobolka laga kala qaado caqabadaha horyaala iyo xuduudyo-beeneedyada. Waxaa aad uga faa段idaya Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Geeska Afrika. Waxaana haboon in Soomaalidu noqoto kuwa hogaamiya fikradan, una ol-oleeya sidii loo midayn lahaa xag-dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, loona jiideen lahaa falaarta colaadeed ee Soomaali dhexdeeda ku jihaysan.   

Abdiweli Hassan

Somali Peace and Development Centre (SPDC)

abdihassanm@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 18, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

 



HTML CD