SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
 
Daabaco Boggan | Print

Condoleeza Rice “Margaret Thatcher-tii Shalay Mise Maanta!

“Ma jecli inaan dhageyso fikradaha kasoo horjeeda aragtideyda  siyaasadeed ee arrimaha dibadda”:  {Condoleeza Rice} 

Waxaa Qortay; Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com  

November 18, 2004

Diinteena Muqadaska ee Islaamka waxey si buuxda u xustay kaalinta haweenka ay kaga jiraan hormarka aadanaha, waxaana u dheer qiimaha ay leeyihiin.

Loomana baahna In waqti badan ku lumino ka sheekeynta haweenka iyo dowrkooda ku aadan nolosha balse waxaa tusaale noogu filan una deyneynaa suuratal –Anisaa, oo iyaddu soo koobtay sifaha haweenka ay leeyihiin.


Read these lips: Bush gets quite continental [USTODAY]

Hase ahaatee Marka ay timaado Siyaasada iyo Muumulka, Diinta Islaamka arrintaasi waa ay xaddiday, saas oo ay tahayna waxaa jiray Haweenkii Saalixaadka ahaa ee u dhaxay Rasuulkeena Maxamed NNKH iney qaarkood ahaayeen lataliyeyaal uu la tashto. Taasina waxey ku tusineysa qiimaha ay haweenku leeyihiin oo aaney shaqadoodu keliya aheyn tarbiyeynta carruurta iyo hagista qoyska. Haddii loo baahdana arrimo markaasi aad xasaasi u ah tallada wax ka dhiiban kara.

waxaan hadaba akhriste qormadadeenan wax kaga eegi doonaa taariikhda haweeneyda Madow ee iminka loo dhiibay Xoghayaha Arrimaha  Dibadda ee dalka Mareykanka ee Condoleeza Rice, horeyna muddo afar sanno u soo aheyd lataliyaha xaga amniga madaxweyne Bush-ka dalkaasi. 

Inkasta ay da daal dheer u martay haweeneydani sidey u heli laheyd ”tittle-ka” ay iminka wadato hadana waxaan shaki ku jirin iney tahay haweeney ay aqoontu la fogaatay. Mansabka ay gaartay ee ”Lataliyaha Xagga Amniga Madaxweye Mareykan” ay ku muteysatay fir fiicooni aaney ciddi gaari karin ee ay muujisay waana haweeneydii ugu horeysay madow ah ee taariikhda dalkaasi qabata jagadaasi. Hadana waxaa muuqata iney tahay haweeneyda ay Bush maskaxdiisa ku shaqeyso marka ay timaado xagga Amniga iyo arrimaha caalamiga ah. 


Condoleeza Rice

Condoleeza Rice waxaa ay ku dhalatay deegaanka Birmingham ee gobolka Alabama sanadku markuu ahaa 1954-tii, halkaasoo ay ku soo dhex kortay qoys faqri ah oo masiixiyadu ku weyneyd. Yaraanteydii waxaa la sheegay iney aheyd gabar aad u da daal badan intii ay dhiganeysay iskoolka. Taasoo keentay markii dambe in labo Galaas kor loo bootiyo. 15 jirkeedii waxaa ay gashay Jaamacad taasoo afar sanno kadib ay ka qaadatay shahaadadeedii ugu horeysay ee Akeemiyada.

Waxey horey u sheegtay  Condoleeza iney iyadoo madow ah ku qasban tahay iney horey u qaado da daalkeeda waxbarasho si meeshaas ay ugu soo baxdo gabar madow oo magac ku yeelata taariikhda dalkaasi. Dhinaca muusiga iyo madadaalada waxaa la sheegaa iney garaaci karto qalabka Piano-da, taasoo loogu yeeri jiray “gabadhii Piano-da” ka hor intii aaney hankeedii isku badalin mid siyaasadeed oo awood badan leh.

Waxey  qortay buugag badan oo ay kaga  hadleyso  siyaasadihii Midowga Soofiyeeti  iyo qaarada Yurub, gaar ahaan Midowgii Jarmalka iyo hogaamiyihii hore ee Soofiyeedka. 

Intii u dhaxeysay sanadihii 1989-kii ilaa 1993-dii xilligaas oo ay aheyd Isku darkii labadii Jarmal iyo burburkii Midowga Soofiyeeti waxey aheyd  Rice kaaliyaha xagga aminiga ee Bush-kii hore, waxaana la oran karaa dhinacaasi qibrad  weyn ayey u leedahay. Taasoo kaliftay in aakhirkii Bush-ka yar u doorto jagada taliyonimo ee xagga aminiga ah.

Condoleeza Rice waxaa ay kamid tahay maskaxda uu ku shaqeeyo Bush-ka maanta jira.

Waxaana ay leedahay mowqifyo iyo fikir qoto dheer oo lugu texgeliyo. Waqtiga u badan ayey Maxdaweyne Bush la qaadatadaa iyadoo inta badana ay soo gudbiso Arrimaha la xirriira Amaanka dalka iyo dibadiisa. Waxey sidoo kale leedahay Aragtiyo u gaar ah oo leh “cad iyo madow” marka ay timaado arrimaha caalamiga ah. Waana haweeney misna isku muujisa iney iyada keliya cilmi ka leedahay Dunida. Waxaana ay horey u tiri “Ma jecli inaan dhageysto fikradaha ka soo horjeeda aragtiyadeyda siyaasadeed ee arrimaha dibada.”

 Khibarada culus ee haweeneydani ku faaneyso ayaa waxaa kamid ah iney aqoon badan ugu korortay dagaaladii qaboobaa iyo intii ay aheyd kaaliyaha xagga aminiga Bush-kii hore iyo iyadoo lasoo shaqeysay danjireyaashii Mareykanka ee waqtigaasi u fadhiyey qaaradan Yurub. 

Markii ay dhaceen qaraxyadii ka dhanka ahaa dalkaasi Mareykanka sanadii 2001-da Condoleeza Rice waxey yeelatay awood ay xagga meleteriga iyo ciimada ugu dhaac dhacdo hoos, taasoo ay isku mowqif ka noqdeen la dagaalanka waxa loogu yeeroo argagaxisada ninka isaga hayey wasaarada Gaashaandhiga ee Rumsfeld. Madaxweyne Busha-ka dalkaasi oo ay uga khibrad badan tahay arrimaha caalamiga ah waxey qoorta u gelisay dagaal ka dhan Islaamka. Waxeyna si gaar ahaaneed farta ugu fiiqday Saddaam Xuseenkii Ciraaq oo ay ku sheegtay in “Dunida nabad ka jiri laheyd” haddii meesha laga saarro.  

Isku soo wada duuboo Powell-kii ay khibradiisa ku koobneyd dhinaca caskarinimada hadduu meesha ka baxay ciddi kuma rajo weyno in siyaasada dibadda wax iska badalaan waxa la hubo oo keliyana waxey tahay in ciddaan iyada aheyn aana keeni karrin tallo wasaaradaasi howlaheeda carqaladeyn karta. 

Waqtigan adagse Condoleeza waxey magacii Haweeneyda Birta ee “Iron Lady” ka xoogtay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Margaret Thatcher, oo iyaduna aheyd haweeneydii ugu horeysay ee jagadaasi qabata bishii Maajo sanaddii 1979-kii. Muddo badana siyaasadda Caalamka kala rog rogeysay, inkastoo labadan haween aaney isku aqoon aheyn, aragtida siyaasadeed ee caalamkana ku kala duwan yihiin. Ayaa shaki ku jiran in taariikhdu ay wax badan ka qori doonto wanaag iyo samaan intaba. Balse ay Condoleeza ay dheer tahay xushmada ay u heyso siyaasadaha guracsan ee maamulka Ariel Sharon-ka Israa’iil.

Waxaana caalamku maanta sugeysaa sidey haweeneydani u maareyso arrimaha caalamiga ah ee la sheegay iney aqoon aad u dheer leedahay. Haddiise xaalkeedu noqdo waxaan diirada saarayaa Islaamka iyo dadkiisa waxey noqoneysaa arrinkeedu “Hal bacaad lugulisay!” Adduunyaduna horey bey ugu soo daashay Bush oo kow iyo labo ahaa, maantana diyaar uma ahan Bush oo naag ah”

Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 18, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

 



HTML CD