SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

  • Dowlada Kenya oo wadda dadaal ay ku ogaanayaan weerarka madaxweynaha somaliya cida ka dambaysay.
  • Gollaha amaanka ee QM oo shir uga furmayo Nairobi looga hadlayo xaalada somaliya iyo suudaan.
  • Wasiirada A/dibada IGAD oo maanta shirkooda caadiga ahaa uga furmay magaalada Nairobi waxaana kala qayb galay madaxweynaha iyo wasiirka kowaad.
Sidee loo arkay weerarkii xalay lagu qaaday guriga madaxweynaha
Dowlada Kenya oo wadda dadaal ay ku ogaanayaan weerarka madaxweynaha somaliya cida ka dambaysay.

Canab Mumtaz
SomaliTalk | Nairobi | 17/11/2004

 
Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad oo burcad hubaysani ay soo weerartay xalay gurigiisa oo ku yaala magaalada Nairobi ayaa wali waxaa ku raad jooga ciidanka amaanka kenya.
 
Dad Badan ayaa aad ula yaaban sababta keentay in mas'uulka somaliya ugu sareeya la soo weeraro,iyadoo dhawaan loo doortay in xilikaas uu hayo mudada shanta sano ah ee KMG ah Madaxweyne C/llaahi yuusuf Axmad. 
 
Aragti ahaan markaan dib ugu laabano shacabka iyo baarlamaanka dhexdiisa ayaa ahaa Hadalada ugu badan ee laga maqlayay hotelada iyo magaalada saakay waabarigii illaa caawa ayaa u badan weerarkaas,iyagoo qaarkood ay ku tilmaameen in ay arrintan ay tahay mid siyaasadeed oo Madaxweynaha lala rabay shirqool qarsoon,halka kuwo kale ay qabaan in madaxweynaha uu la shiray xisbiga KANU oo ay dowlada kenyana u kacsan tahay sidaasna ay xaaladu tahay,qaar kale ayaa qaba in arrintan ay ku kooban tahay kaliya ciidamada dhexdooda oo raba in la kordhiyo si ay u helaan qarash badan.
 
Laakiin waxaa loo badaniyaa in arrintan ay ku kooban tahay weerar burcadeed sida ay xaqiijiyeen dowlada kenya oo wali wada in ay ogaadaan,waxayna aad u adkeeyeen amaanka madaxweynaha iyo gurigiisaba.
 
Madaxweynaha waxa uu halkaas dagan yahay dhowr maalmood waxa  uuna horey u daganaa hotelka sarena ee magaalada Nairobi,waxa uuna dalka ku soo laabtay shalay galab isagoo ka soo duulay dalka jabuuti safaro kala duwan ka dib.
 
Weerarkan oo nasiib wanaag aysan waxba ku noqonin Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa ka dambeeyay burcad hubaysan oo damacsanayd in ay weerar ku qaadaan guriga madaxweynaha dhacna u gaystaan.
 
Caadiyanba dalka kenya waa u caado tuugada wax disha haday ahaan lahayd madax ama shacab.bilihii la soo dhaafay waxaa aad iskugu kacsanaa  labada xisbi ee dalka ugu sareeya KANU iyo NARC. kadib markii ay badatay siyaasadooda afka waxay isku badashay mid gacan ka hadal gaarta.
 
Tuugadda dalka kenya waa mid aan xad lahayn,somalidana waa kuwa ugu badan ee ay falalkan la soo darsaan iyadoo aan waxba laga qabanin xitaa hadii la helo cidii ka dambaysay dambigaas ama xadgudbkaas,waxaana ugu maqan soomaali badan oo aan waxba laga qabanin kiisaskoodi ka dib markii la helay dambiilayaashi.
 
Qaar kale oo ka mid ah mas'uuliyiinta soomaaliyeed ayaa aad uga walwalsan amaankooda,iyagoo ka cabsi qaba in tuugada oo badankood qaba in soomaalida taajiriin yihiin hantina aysan waayin ay weerar gaadmo ah ku soo weeraan,iyagoo dalkooda uga baaqsaday amaan xumo ayaa tan hadana ugu daran tahay oo ah wadan qurbe.
 
Dowlada ayaa lagu wadaa in ay dalka dib ugu laabato marka la dhiso gollaha wasiirada si ay halkaasi uga si howl gasho.balse waxaa la diri doonaa wafdi ka hor inta aysan dowlada ka amabaxin magaalada NBI sii sahmiyo xaalada ay ku dagi karaan.

Gollaha amaanka ee QM oo shir uga furmayo Nairobi looga hadlayo xaalada somaliya iyo suudaan.

Qaramada midoobay laanteeda amaanka ayaa bari waxay ku kulan ku yeelanayaan la xiriira xaaladda amaan ee soomaaliya ee suudaan xafiiska ay kaga leeyihiin magaalada Nairbi.


Kulankan waa kii labaad ee noociisa ah oo lagu qabto qaarada Afrika,waxaana ka soo qayb galaya dhowr madaxweyne oo ka socda wadamada afrika.
 
Waxaa kulankan oo socon doona laba maalmood waxaa qudbad ka soo jeedin doona madaxweynaha dowlada KMG ah ee soomaaliya C/llaahi yuusuf axmad,waxa uuna ka warbixin doonaa xaaladda somaliya iyo barnaamijyada ay dowlada cusub uga baahan tahay Qm laanteeda amaanka u qaabilsan.
 
Waxaa kale oo ka hadli doona dowlada iyo mucaaradka suudaan oo uu ka dhexeeyo khilaaf ku saabsan gobolka daarfuur iyo dhinacyada kale ee khilaafku wali ka jiro.
 
waxaana guud ahaan looga hadli doonaa dalalka qaarada afrika ee ay wali ka jiraan xiisadaha siyaasadeed iyo amaan xumo,waxaana ay si gaar ah xiligan uga hadli doonaan xaaladda soomaaliya iyo suudaan.
 
waxaa la filayaa in kulankan ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xaalada soomaaliya,oo dhawaan madaxweyne ay doorteen baarlamaanka isagoo madaxweynahana uu doortay wasiirka koowaad.
 
Qaramada Midoobay horay ayay u sheegeen in ay soo dhaweeyeen doorashadii madaxweynaha iyo dhisidii baarlamanka,ayna teegeeri doonaan qorshaha somaliya nabad loogu soo dabaalayo iyagoo dowladana ka dalbaday in ay samayso dib u heshiisiin nabadeed si xalku u fududaado.
 
Wasiirada A/dibada IGAD oo maanta shirkooda caadiga ahaa uga furmay magaalada Nairobi waxaana kala qayb galay madaxweynaha iyo wasiirka kowaad.
 
Wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAG oo bishiiba mar shir iskugu yimaada ay kaga hadlayaan xaalada shirka dib u heshisiinta soomaaliya marayo ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa iskugu yimid garand regency Hotel ee magaalada Nairobi.
 
Kulankan oo badanaaa aan saxaafada loo ogolaanin waxaa kala qayb galay wasiirada IGAG madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee soomaaliya iyo Ra'iisul wasaaraha iyagoo u gudbiyay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la doortay  madaxweynaha iyo wasiirka koowaad.
 
Wasiiirada oo aan wali wax go'aan ah soo saarin waxaa lagu wadaa in ay bari ka soo saaraan go'aan shirka ay iskugu yimaadeen,wasiirada IGAD waa kuwa shirka soo waday waxayna sheegeen in aysan meel walba uga harin doonin xaalka soomaaliya,dowlada cusubna ay siinayaan taageero dhaqaale iyo aqoonsiba.
 
Qaar ka mid ah wadamada ku jira IGAD ayaa soo jeediyay in aysan ciidan la'aan dowlada ka howl gali karin soomaliya waxayna balan qaadeen in ay noqon doonan kuwa ugu horeeya ee bixiya ciidamo hadii la isla afgarto oo ay ku heshiiyaan dowladda iyo shacabka.

canabmumtaz@yahoo.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 17, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD