SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

Beesha Mudulood oo Kulankii Labaad Ku Taageeray Wasiirka Koowaad

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Somalitalk 

Beesha Mudulood ayaa Xalay (16/11/2004) Kulankii Labaad Ku Taageeray Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed kulanka waxaa Xalay Joogay Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxo oo Muujiyay Taageeradiisa

Kulankan waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha xidhibaanada beesha mudulood oo kala ah raysul wasaaraha soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Xidhibaan Muuse Cali Cumar XidhibaanIbraahin Jeebo, Xidhibaan Cabdulaahi Axmed Afrax, XidhibaanCumar Finish, Xidhibaan Maxamed Sh Gabyoow, Xidhibaan Cumar Isloow, Xidhibaan Hiloowle Imaam Cumar, Xidhibaan Xuseen Cabdi Walde, Xidhibaan Cusmaan Xaaji Maxamed Dufle, Xidhibaan Salaad Cali Jeele, Xidhibaan Eng Xuseen Maxamed Cadoow,

Waxa kaloo kulanka goobjoog ka ahaa Aqoonyahan Culumaa udiin Siyaasiyiin iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha oo ay horkacayeen Cali Ugaas Cabdulle Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee Magaalada Nairobi Mudane Cali Xasan Suldaan Cabdulaahi Inkis Macalin Haaruun Macalin Muuse Dr Yuusuf Adan Culumo Drs Madiina Caamir iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxameddheere iyo Ganacsade Bashiir RaageShiiraar

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

Kulanka waxaa lagu furay aayado qoraana waxaana aayadaahaa quraanka ah ka dib warki bilaabay Eng Xuseen Cabdi Walde runtiina habeenimadii xalay muujiyay taageeradiisa ku aadan in beesha Mudulood mideeyso Siyaasadeeda si beeshu uga gudubto dhamaan caqabadaha hor imaankara Prof Cali Mahamed Geedi,

Waa in aan meel iska dhignaa dhamaan cuqdadaha dhaxdeena ah ayu yiri qaranka soomaaliyeedna aan dhinaceena ka dhisnaa,

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxoow Xidhibaanku waxa u ku dheeraaday Turxaanbixinta iyo waanada beesha isagoo xusay in ay muhiim tahay in ay ku dadaalaan sidii ay heshis dhaba ula gaari lahaayeen beelaha kale ee soomaaliyeed isagoo sheegay Al Xaaj Muuse Suudi in qof walba oo mudulooda looga baahanyahay in ay qayb muhiim ah ka qaadato dib uheshiisiinta iyo midnimada umada soomaaliyeed Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxoow iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere way isku booyeen isna dhaafsadeen salaan gacaltooyo iyo is cafin Xaaji Muuse Suudi waxa halkaa u ka shegay in hiil iyo hoo ay garab is taagi doonaan Wasiirka koowaad ee Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudana Cabdulaahi Yuusuf Axmed dhinaca kale Al Xaaj Muuse Suudi yalaxow waxa u ku tilmaamay Maxameddheere Halyaee waxa uuna amar buuxa ku siiyay dhamaan xubnihii beesha Mudulood ee goobta iskugu yimid in ay Maxameddheere u istaagaan isaga oo nool waxa uuna sheegay in loo dhiso taalo lagu xasuusto maadaama isagu guushaan beesha uhorseeday,

Waxaa kalo goobta ka hadlay Maxamed Cumar Xabeebn Maxameddheere oo isagu ahaa Xidhibaankii uga tanasulay Xubintiisa Baarlamaan Prof Cali Maxamed Geedi Siyaasigani waxa u sheegay in loo baahanyahay daacadnimo iyo iskaashi si daacadnimo ah ku dhaxmara beesha iyo shacabka soomaaliyeed isagoo si aada uga digay in aan wax munaafaqnimo ah aysan dhicin qof walibana balanta caawa qaaday ofiyo isla markaasna waxa hanbalyo iyo bogaadin udirayaa madaxwaynaha Soomaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed sida deeqasinimada ah iyo garashada ah ee xilkan inoo siiyay waana difaaceeynaa doowlada ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Maxamedheere,

Waxa kaloo goobta ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee Magaalada Nairobi Mudane Cali Xasan oo isaguna muujiyay qaabka ay ugu faraxsanyihiin kulanka caawa iyo guusha ka soo baxday isagoo sheegay in jaaliyada mudulood ee Nairobi ay hiil iyo hoo garab is taagayaan mudnimada umada soomaaliyeed iyo wada jirka beesha mudulood ayna inta ay awoodaan taageerayaan Prof Cali Mahamed Geedi,

Waxa kalo hadlay Cali Ugaas Cabdulle iyo madiino caamir waxa ay masuuliyiintani si aada uxaqiijiyeen taageerada iyo niyada ay uhayaan doowlada soomaaliyeed iyo wasiirka koowaad ee soomaaliya intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay Wasiirka koowad ee soomaaliya waxa uuna hadalkiisi ku bilaabay mahadnaq iyo bogaadin dadkii goobta soo camiray waxaa kaloo Prof Cali Maxamed Geedi mahadnaq balaaran u soo jeediyay xubnihii hoowshan isaku so duba riday oo kala ahaa

Xidhibaan Hiloowle Imaam Cumar Xidhibaan Cabdulaahi Geedi Shadoor Xidhibaan Eng Xuseen Cabdi Walde Xidhibaan Muuse Cali Cumar iyo XidhibaanCumar Isloow,

Dhinaca kale wasiirka koowaad ee soomaliya waxa u halkaa ka sheegay in loo baahanyahay dib u heshiisiin dhab ah isaga oo sheegay maadaama la doonayo in qaranka soomaaliyeed hogaanka uqabto waxaa muhiim ah in aan dhaxdiina marka hore ka sameeyo din u heshiisiin waxaana caawa amrayaa in Cali Ugaas Cabdulle raali galiyo Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow Ugaasku waa istaagay waana raali galiyay yagoo si aada iskugu booyay una muuqday rag ka heshiiyay dhamaanba dhibkii dhaxdooda yiilay sidoo kale Cali Maxamed Geedi wasiirka koowaad ee soomaaliya waxa isna halkaa amar u ku siiyay Al Xaaj Muuse Suudi yalaxow isaga oo amray in ay is cafiyaan Xuseen Cali Axmed Xaaji si dhaga nugul ayu ku istaagay kuna aqbalay cadsigii wasirka Xuseena dhinaciisa ayuu ka soo orday waxa ayna iskaga hor yimaadeen meel dhaxe iyaga oo isku booyay iskuna mar xabeeyay,

Dhinaca kale Wasiirka waxa xalay si aada ugaraali galiyay beelaha Moobleen iyo Hilabi oo ka mida xubnaha Beelwaynta Mudulood in ay raali a haadaan maadaama aan iyaga lagu darin xubnihii baarlamaanka ee beesha mudulood wayna aqbaleen oo halkaa waxaa joogay xubno ka tirsan beelahaa

Wasiirka ayaa isagu tibaaxay taageerada iyo bogaadinta uu uhayo Cali Mahdi Maxamed Xuseen Xaaji Bood iyo Xubniihii geesiyaalka ahaa ee Siyaasada beesha Mudulood iyagu hogaanka u hayay in badan sidoo kale waxa u hanbalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin u ddiray dhamaan xubnaha beesha Mudulood ee kula frisan daafaha dunida iyo shacabka soomaaliyeed ee nabada jecel ,

Guud ahaan kulanku waxa u ku dhamaaday jiwi farxadeed iyo is fahan beesha ah qorshihii laga hadlay oo ahaa in beeshu ku midoowdo Prof Cali Maxamed Geedi ayna taageeraan doowlada Soomaaliya u Curratay Sanado Badan ka dib

SomaliTalk Nairobi | Nov 16, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Si Sareeysa Loogu soo dhaweeyay Jabuuti
Waftiga oo ka soo duulay Sanca, ka horna Qaahira kaga soo qayb galay aaskii Arafat ayaa kasoo degay caasimada dalka Jabuuti, waxaana halkaas... Guji..

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD