- C/Laahi Yuusuf
Imaanshihiisii Muqdisho Maxaa Iska Beddelay…
- Maxay yihiin
hadallada kulkulul ee uu la beegsaday Hoggaamiye
kooxeedyada…
- Danaha Itoobiya iyo
Carabta siduu u kala saaray….
WAREYSI XASAASI AH OO UU
SIIYAY ASHARQAL AWSAT
Waxaa isku soo dubariday:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Muqdisho, Soomaaliya
E-Mail -
amiinkhasaaro@hotmail.com
Madaxweynaha DFKMG |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo u
warramay jariidadda Sharqal Awsat ee ka soo baxda dalka
Ingiriiska ayaa wuxuu si aad ah u diiday in dowladiisa loogu
yeero inay tahay mid dibad joog ah, wuxuuna xusay in illaa
muddo laba bilood gudahood ah uu ku laaban doono dalka, laba
isbuuc gudahoodna lagu dhameystiri doono dhismaha dowladiisa. Madaxweynaha
oo wareysigaan bixiyay markii uu ka soo ambabaxayay
Magaalada Qaahira kaddib markii uu ka qaybgalay janaasadii
Yaasir Carrafaad ayaa wuxuu sheegay inuu aad u jecel yahay
in dowladaha Carabta ay ka mid noqdaan ciidammada Nabad
ilaalinta Soomaaliya oo uu madaxweynuhu ka codsaday midowga
Afrika. Wuxuu kaloo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada
hadal nabadeed la yeesho madaxda gobolka isku magacaabay
Somaliland oo dhawaan ciidammo ka tirsan Somaliland ay
foodda is dareen kuwo ka socda maamul gobolleedka Puntland
oo uu kal hore C/llaahi laftiisu madaxweyne u ahaa.
C/llaahi Yuusuf
wuxuu ballanqaaday inuu wax ka qaban doono awoodda
hoggaamiye kooxeedyada iyo malleeshiyooyinka inta badan
waddanka dhibaatada ku hayay, isagoo carrabka ku adkeeyay
inay ka go’an tahay inuusan marnaba u ogolaan in mid ka mid
ah uu jebiyo sharciga dalka amase uu carqaladeeyo dadaalka
dowladdiisa ugu jirto horumarinta dalka.
Isagoo ka
faaloonaya qaabka uu u doonayo inuu dalka ugu laabto wuxuu
yiri: “Waxaan dadaalkayga isugu geynayaa waxyaabaha lagama
maarmaanka u ah in aan dalka ku laabanno, waxaan rajeynayaa
inaan dalka ku laabanno ugu dambeyn dabayaaqada sannadkaan,
ama ugu badnaan horraanta sannadka soo socda, waxaan noo
degsan qorshe la xiriira sidii aan u soo celin lahayn amniga
iyo kala dambeynta iyo weliba sidii hubka looga dhigi lahaa
malleeshiyooyinka gacanna loo siin lahaa ciidammada Nabad
ilaalinta ee aan ka dalbannay midowga Afrika”. “Imaanshaha
ciidammadaasi waxay lagama maarmaan u tahay fulinta
qorshooyinkeenna la xiriira dhanka nabadda, waayo Soomaaliya
waxay u baahan tahay xilligaan howl aad u ballaaran”. Ayuu
yiri Col. C/llaahi Yuusuf.
Mar uu ka
jawaabayay su’aal ahayd ma Muqdisho ayaad toos uga dagaysaa
mise Baydhabo iyo Kismaayo ayaad tagaysaa? Wuxuu ku jawaabay:
“Muhiim ma aha magaalada aan tagayo ee aan ka billaabayno
howlaheenna, balse muhiimaddu waxay tahay inaan ka dhabeyno
wixii aan goosannay inaan qabano, magaalo kastoo aan tango
waa uun Soomaaliya”. Su’aal ahayd “Kulankii aad la
yeelatay Camir Muusa ma waxaad kaga dalbatay kaalmo dhaqaale?”
ayuu kaga jawaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf “Maya ma
weydiisan… Camir Muusa keligiina uma babac dhigi karo waxna
kama qaban karo gargaarka ay Soomaaliya u baahan tahay,
balse waxaan sawir guud ka siiyay xaaladda Soomaaliya iyo
waxa aan qorsheysannay inaan qabanno, waxaan u sheegay
markii aan dhameyno daraasadda aan ku hayno baahida
Soomaaliya inaan markaas u soo bandhigi doonno Jaamacadda
Carabta kaddibna aan ka codsanno inay gacan ka geystaan… ma
doonayno oo keliya taageero dhanka siyaasadda iyo maaliyadda
ah, balse waxaan kaloo doonaynaa in dhinaca farsamada iyo
dhismaha ciidanka gacan nalaga siiyo si aan gacanta ugu
dhigno nabadgalyada gudaha iyo dibaddaba”.
“Ka warran
xiriirka aad la leedahay Dowladaha Carbeed?” “Wax mashaakil
ah oo noo dhexeeya ma jiraan… annaga adduunka oo dhan ayaan
u furannahay, dhawaan waxaan la kulmay amiirka leh dhaxalka
Boqortooyada Sucuudiga Amiir C/lla oo aan warbixin ka siiyay
xaaladda Soomaaliya ugana mahadceliyay gacanta ay mar walba
la garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale
waxaan la kulmay Madaxweynaha Dalka Yemen iyo Madaxweynaha
Masar, oo dhammaantood aan u fasiray baahida dalka
Soomaaliya”.
“Bal ka warran loolanka
Itoobiya iyo Carabta ee arrimaha Soomaaliya?” “Loolankaasi
waa hore ayuu dhammaaday mana aha mid hadda laga cabsi qabo,
waayo annagu hadda waxaan ku jirnaa xilli dadkoo dhan ay
nabadi nalaga dhexeyso mana doonayno inaan cid la abuurno
cadaawad, mana ogolaanayno in dagaal dambe gudaha Soomaaliya
ka dhaco sida aynaan u doonayn inaan dagaal la galno dowlad
dibadda ah, dhammaantood gacmaha ayaan u taagaynaa si ay uga
qaybqaataan dib u dhiska Soomaaliya”.
“Sax miyaa in
madaxda Carbeed qaarkood ay ka shaqeynayaan hagaajinta
xiriir wanaagsan oo idin dhex mara maamulka Mareykanka?”
“Xageed ka keentay macluumaadka?... annagu waan soo
dhaweynaynaa dadaal kasta oo Carbeed oo la xiriira
taageeridda Soomaaliya, cid aan xasaasiyad ka qabnana ma
jirto, waan ku dadaalaynaa sidaan u hagaajin lahayn xiriirka
dalka Mareykanka, gaar ahaan waxa ku aaddan maslaxadda
Shacabka Soomaaliyeed”.
“Ma jeceshahay
inaan booqasho ku tagtid Mareykanka is aad ula kulantid
George Bush iyo maamulkiisa?” “Weliba waxaan jeclaan lahaa
inay waqti dhow noqoto”.
“Adigoo ah
Madaxweyne dowlad Carbeed sow ma habboona inaad luuqaddaada
Carabiga ah aad hagaajisatid?” Wuu qoslay…. Wuxuuna yiri:
“Sida kuu muuqata waxaan ku hadlaa luuqadda Ingiriiska,
Talyaaniga, Ruushka, luuqadda afka carabigana si wanaagsan
ayaan u fahmayaa, waqti kaddib in ay isbadasho ayaa
rajeynayaa’ macallin ayaan qabsan doonaa luuqaddayda
Carabiga hagaajiya, kulankeenna dambena waxaad arki doontaa
horumarka aan ka sameeyo Luuqaddaas”.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail -
amiinkhasaaro@hotmail.com