INTERNETKAA
LAGU SOO QORAY!
Ismail A.
Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Maxaad sheegtay?,
waa weedh ka mid ah hadalada ay isku salaamaan marka ay laba qof oo
Soomaaliyeed kulmaan.
Nolosha iyo
dabeecadda reer guuraanimo ee aynu ka soo jeedno oo ah mid ay had
iyo jeer col iyo abaaro aafeeyaan ayaa ka dhigay Soomaalidu inay
noqoto war ku nool.
Ka degan, ka
safarka ah iyo ka sahanka ah intuba waxay u baahanyihiin war,
kaasoo noloshooda lagama maarmaan u ah.
Teknoolajiyadda
casriga ah ee hadda dunidu ku tallaabsatay ayaa Soomaalida iyo
caalamka kalaba u suurto geliyay inay ka haqab beelaan baahida ay
wararka u qabeen, dunidiina
waxay isu rogtay tuulo yar oo wixii ka dhaca markiiba geesteeda kale
laga dareemo.
Hadaba
internetka ayaa wuxuu noqday meel waayadan danbe ay Soomaali badani
warka ka helaan, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii badanaya
shabakadaha ay Soomaalidu leeyihiin ee wararka soo gudbiya.
Su’aasha hadaba
isweydiinta u baahani waxay tahay ma la isku halayn karaa wararka
shabakadaha Soomaalidu qoraan?
Si aan su’aashan
jawaab ugu helno bal marka hore aan yara milicsano dabeecadaha
shabakadaha Soomaalida iyo qorayaashoodaba.
Marka aad gasho
internetka waxaad arkaysaa websiteyo Soomaaliyeed oo aad u tiro
badan oo loogu wan qalay magacyo Gobolo,Maagaalooyin, Tuulooyin,
Qabiil iyo magac kasta oo dhadhan iyo macno wax soo jiidan kara leh..
Shabakadahan
badankooda ayaa u muuqda sida goofaf ay qabiilooyinku kala degeen oo
qofkastaa uu ogyahay midka uu ku xeroonayo, waxaana iigu yaab badnaa
markii aan ka helay faariin email ah nin aanan garanayn kaasoo igu
eedeeyay inaan wax ku qaro websiteyo qalaad. Malaha goofkii uu iga
filayay inaan ku soo hoydo ayaan garab maray oo meel aanu iga
malaynayan iska dalaq idhi.
Internetku waa
aalad si dhib yar oon kharash iyo hawl badan u baahnayn wararka la
isugu gudbin karo, taas ayaana u sabab ah korodhka shabakadaha
Soomaalida.
Hadaba haddii
waa dadku Soomaaliyeed marka ay kulmaan isweydiin jireen BBC-du
maxay sheegtay, maanta kuwo badani waxay is weydiiyaan internerka
maxaa lagu soo qoray?!
Internetku ma
sahlin war helidda oo keliya balse waxaa iyana aad u batay dadka wax
ku soo qora ee aragtidooda ka dhiibta arimaha Soomaaliya ama dunida
inteeda kaleba ka taagan. Waxaa sidoo kale batay dadka isku tilmaama
Saxafiyiin hase yeeshee inta saxaafadda aqoonta u lihi ku yartahay.
Tafatire, Qoraa,
Saxafi madax bannaan iyo cinwaano kale ayaa maanta kuwo badan oo aan
u qalmin isu caleemo saareen iyagoo aan aqoon iyo waayo aragnimo
midna u lahayn xirfadda ay sheeganayaan.
Saxafinimadu waa
xil culus una baahan aqoon, taxadir, akhlaaq iyo hubsiimo badan
maadaama waxa aad fidinaysaa saamayn ku yeelan karaan mujtamaca ayna
ka iman karto mararka qaarkood dhibaato ay mas’uuliyaddeedu kugu soo
noqonayso.
Ereyga Saxafi
ayaa waxaa lagu qeexaa qof ka shaqeeya saxaafadda, kaasoo u abuura
xirfad ahaan warbixino si loogu faafiyo qalabka warbaahinta sida
wargeysyada, TV-ga, Raadiyaha, Filimada dokumentariga ah iyo
Internetka.
Saxafi waxaa
iyana la odhon karaa dadka qabta shaqooyinka la xiriira saxaafadda
sida tafatiridda iyo sawir qaadidda.
Waxaan u
baahanahay war si aan u noolaano, u difaacno nafteena, una kala
garano saaxiibka iyo nacabka. Hadaba saxaafaddu waa habka bulshada u
soo gudbin kara warkaas, taas ayaana sababtay inaynu danayno
dabeecadda warka iyo saxaafadda soo gudbinaysa intaba.
John McCain oo
ah senator Maraykan ah oo laga soo doorto gobolka Arizona ayaa
waxauu qoray in shantii sanno iyo barkii uu ugu xirnaa maxbuus
dagaal ahaan magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, waxa uu tebayay
inaanay ahayn raaxo, cunto, xoriyad iyo xataa qoyskiisii iyo
asxaabtiisii midna balse ay ahayd waxa ugu muhiimsan ee ka maqani
war (information) daray ah oo aan faaf reeb lagu samayn.
Hadaba
shabakadaha Soomaalida ayaa intooda badan waxaa ka muuqata inay
gacata ku hayaan dad aan xilkas ahayn, fahamsanayna masuuliyadda
culus ee ay leedahay saxafinimadu.
Shabakadahan
ayay ku yaryihiin inta ku socota dariiqa saxaafadda xorta ah,
badankooduna waa kuwo u adeegga shakhsiyaad, reero ama maamulo gaara
iyagoo isla markaana fidiya nacayb, hurin colaadeed iyo af lagaado
iyo cay shakhsiyeed oo marka aad akhrido aad ka yaq yaqsoonayso sida
ay xishoodkii, akhlaaqdii iyo dhaqankii suubanaa uga fogyihiin.
Shabakadaha
noocan ahi waxay noqdeen gole ay geel jirayashu ku caytamaan, fadhi
ku dirirka iyo qoraal baradkuna ku hardamaan iyadoo aanay wax haba
yaraatee faa’ido ah ka helin akhristayaasha waqti dhumin mooyaane.
Shacabka
Soomaaliyeed muddo 14 sanno ka badan ayay ku soo qaateen dagaalo
qabiil, dawlad la’aan iyo dar xumooyin kaleba, hase yeeshee waxaad
moodaa hadda uun inuu bilawday dagaalka dhinaca saxaafaddu halkii
laga rabay saxaafaddu inay noqoto midda horseedka u ah isu soo
dhawaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha shacabka walaalaha ah ee
Soomaaliyeed.
Xilkasnimo
darrada tafatirayaasha shabakadaha qaarkood ayaa keentay in
wararkoodu ay noqdaan kuwo aan lagu kalsoonaan karin oo u badan
dacaayad iyo jahawareerinta akhristayaasha.
Arintaas aan kor
ku soo xusay ayaa waxay sababtay in dad badan marka war loo sheego,
haddii isha warkaasi tahay internetka uu isla markiiba mugdi ka galo
xaqiiqada warkaas oo uu u arko ku tiri kuteen iyo wax aan lagu
kalsoonan karin.
Taasi macnaheedu
ma ahan in shabakadaha Soomaalida oo dhammi ay yihiin goobo fadhi ku
dirirku ku madadaasho ee waxaa jira kuwo badan oo si xil kasnimo iyo
aqooni ku dheehantahay hawshooda u guta, akhristayaashooduna ay aad
uga faa’idaystaan, abaal weyna u hayaan.
Sidoo kale waxaa
iyana jira dad badan oo qoraaladooda ay ka muuqato aqoon iyo haybad
qoraanimo oo akhristayaashu marka ay arkaan magacooda si kalsooni
ku jirto ugu dhiiradaan akhrinta qoraalkooda saa waxay ogyihiin oo
uga barteen inaanay ku hungoobayane.
Waxaan shaki ku
jirin in shabakadahan tirada badan haddii loo adeegsado dhinaca
fiican ay wax tar weyn u yeelan karaan shacabka Soomaaliyeed, kaalin
weyna ka qaadan karaan wacyi gelinta iyo kor u qaadidda aqoonta
bulshada Soomaaliyeed ee jaahilnimada iyo qabyaaladdu isugu
darsameen.
Ugu dambaystii
Tafatire, Saxafi iyo Qoraa midkaad doontaba ahaawoo weligaa ha noqon
kii fitno abuura inuu damiyo mooyee, ogowna”Afku wuxuu la xoog yahay
magliga xawda kaa jara’e”.(Salaan carrabay)
Ismail A.
Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan