USA: Somalitalk oo doorashada ka dib wareysi
la yeelatay Maxamuud Nuur Wardheere oo ah murashaxii hore ee duqa magaalada
Minneapolis haddana u shaqeeya US Senate.
Somalitalk: Mudane Wardheere Bush iyo Xisbigiisa
waa guulayteen marka afarta sano oo soo socoto waxay rabaan ma fushan
karaan?
Wardheere: Haa waa guulaysteen laakiin caqabado
badan ayaa horyaal. Madaxweyne Bush sida uu u soo jiidan lahaa xulufadii
Europe uguna guulaysan lahaa qorshahiisa dunida muslimka ayaa ay ku
tilmaameen aqoonyahano badan mid aan sahlanayn. Senate-ka ayaa ah meel
ayana la filayo in dagaalka ugu wayni ka dhici doono, noocan dagaalka oo ay
qaadi doonaan qolada senate-ka looga badan yahay (dimoqraadiga) waxaana ugu
horeeya waxyaabo la yiraahdo Filibuster, Litmus Test iwm.
Hadda damaashaad iyo dabaal deg ayey ku jiraan marka
hala gaaro caleemo saarka Bush markaas ayuu dagaalku bilaaban doonaa.
Hadda waxaa lagu jiraa xilli la yiraahdo Lame Duck oo wax hawl ah ma
qabsoomi doono ilaa caleemo saarka Bush ee January labaatankeeda 2005. Inta
goortaas ka horeyso laga bilaabo usbuuca soo socda waxaa dhacaya doorshada
xilalka xisbiyada Demoqraadiga iyo Jamhuuriga gudahooda iyo tababa bar loo
furayo xubnaha congresska cusub ee dhowaan la soo doortay iyo ugu danbayn
caleemo saarka Bush.
Somalitalk: Waa maxay Filibuster iyo Litmus
Test?
Wardheere: Sida ku cad dastuurka maraykanka
madaxweynaha waa inuu magacaabaa gudoomiyeyaasha maxkamadaha federaaliga iyo
xilalka xukuumadda. senate-kana waxay leeyihiin inay ogolaadaan ama diidaan.
Taasi macnaheeda waa inay u codeeyaan haa ama maya. Laakiin arrinta meesha
ku jirtaa waxaa weeye aqalka senate-ka oo mararka qaar lagu tilmaamo aqalkii
fawdada iyo kala danbayn la’aanta. Dastuurka ayaa u ogol in senateku saan
noqdo si loo ilaaliyo sharciga iyo koontaroolka iyo isu miisaamidda awoodaha
kala duwan ee dawladda (checks and balances).
Aqalka Senate-ka kuwa badan hadday tiradooda gaarto 60
senator wax kasta waa ansaxin karaan laakiin senatoorada jamhuuriga hadda
waa 55 senator waa majoorati laakiin waxay u baahan yihiin inay soo jiitaan
qaar ka mid ah kuwa laga badan yahay. Kuwa laga badan yahay waxay awood u
leeyihiin inay saacado badan iska hadlaan oo ma la aamusiin karo sidaa
darteed ayey waqtiga dilaan oo sharcigii ay diidanaayeen meeshaas ku
fashilmaa arrintaas ayaa la yiraahdaa Filibuster .
Litmus test waa baaritaan ama su’aalo la weydiinayo
qofka loo magacaabayo xaakim federaal ah ama xil sare ee dawladda federaalka
kuwaas waa inay ansixiyaan aqalka senate-ka. Congresskan cusub ee 109aad
waxaa la filayaa in lagu hardamo arrimahan waayo wadanku waa kala qaybsan
yahay Senatoorada jamhuuriga waxay rabaan inay qanciyaan dadkii doortay
weliba hanjabaad cusub ayey soo saareen oo ah inay dastuurka bedelayaan si
loo baabi’iyo filibusterka kuwa dimoqraadigana waxay rabaan inay qanciyaan
shacabkooda weliba sanadkan waa ciil qabaan waana mitidayaan.
Somalitalk: Maxaa maraykanka magacaabidda
xaakimada ka dhigay dagaal aad u weyn?
Wardheere: Waa runtaa maraykanka magacaabidda
xaakimada federaalka waa arrin aad muhiim u ah oo lagu dagaalamo waayo:
1)
Maraykanka sharci baa kala wada, sharcigana waxaa uu gacanta ugu
jiraa xaakimada qaarkood sida Supreme Court oo awoodooda la wada ogyahay
xataa inay kala saareen doorashadii madaxweynaha 2000 iyo ayagoon xilalka
laga qaadi karin ilaa ay dhintaan ama is casilaan. Tusaalewaxaad maqlaysaa:
Xaakim ayaa ku diiday dawladda Bush in maxaabiis ku xiran Guantanamo Bay oo
ahaa muwaadiniin maraykan ah ay yihiin cadow dagaal lagu qabtay (enemy
combatant) Xaakimo ayaa ku diiday dawladda arrimo imigration, xawaaldle
lagu eedeeyey inuu yahay caawiye argagixiso iwm/
2)
Dadka mareykanka oo aad isugu khlilaafsan arrimaha bulshada sida
macnaha guurka, cadaaladda iyo sinaanta bulshada kala duduwan iyo
diimahoodaba, xuquuqal insaanka, iyo sharciga la yiraahdo Roe-V-Wade (ilmo
iska soo xaaqidda) oo ah sharci u ogolaanayey in haweenka ilmaha iska soo
tuuri karaan kaasoo ansaxiyey bilwgii todobaatameeyahii.
Afarta sano oo soo socoto waxaa la filayaa in Bush
magacaabi doono boqolaal xaakimiin ah taasoo walaac ku riday dadka ay isku
qilaafsan yihiin arrimaha bulshada waana taas tan keentay in goor hore
aqalka senate-ka la isugu hanjabo filibuster iyo litmus test kulul waayo
senate-ka oo keliya ayaa horjoogsan kara magacaabistooda. Filo dagaal culus
oo ka dhaca senate-ka.
Somalitalk:
Qoraal hore oo aad soo gaarsiisay
Somalitalk waqtigii ay socotay ololaha doorashada waxaad ku sheegtay in
maroodiga uu ku durdurin doono dameerka. maadaama aad la shaqayso senatoor
jamhuuri ah dad badan waxay u qaateen inaad taageerayso xisbiga jamhuuriga
ee arrintaas maxaad ka leedahay?
Wardheere: Waan arkay qaar i weydiiyey inaan u
ololaynayey xisbiga Jamhuuriga jawaabtayda waa maya. Uma ololayn xisbina
mana ka wadin sidaas ee waxay iga ahayd falanqayn iyo siday ila tahay qofka
guulaysanaya bani’aadamka waxa iman doona ma oga, mana garan karo sida loo
maamulayo adduunkan ee waxay iga ahayd falanqo, dadkuna siyaasadda isku
daaqad kama wada arkaan. Waxaa ii muuqday oo aan fahmay in:
Dabayshii ka dhacaysay dalka maraykanka 1964 oo ahayd
daryeelkii dan yarta iyo houmadkii laga gaaray xuquuqal insaanka gaar ahaan
dadka madow iyo awoodii la siiyey haweenka ee ahaa inay xaq u leeyihiin in
ay ilamaha iska soo xaaqi karaan. Maanta waxaa iska cad inay dabayshii
isbedeshay oo wadanku u dhaqaaqay dhanka midigta. 40 sano ka dib dabayl tii
ka duwan ayaa dhacaysa. Tusaale: 1978 xubnaha Jamhuuriga ee senate-ka waxay
gaarayeen 38 keliya maantana 55 xubnood. Waxaa intaas sii dheer in Xisbiga
Jamhuuriga ka faa’iideystay 911 iyo cabsida wadanka ka jirta iyo
madaxweynaha oo dadka ka dhaadhiciyey inuu yahay madaxweyne xilli dagaal
(war time president) taasoo aad u adkayd in laga badiyo.
Somalitalk: Doorashadii madaxweyne Bush ma
cadaalad bay ahayd mise?
Wardheere: Kolay maanta asagaa ah madwaxweynaha
afar sano ee soo socoto haddii ilaahay yiraahdo inkastoo ay jiraan doodo
badan iyo tuhun iyo baaritaanno ka socda Ohio iyo Florida – Sug, weli la
isma gaarin - ujeedadii laga leeyahayba- wax lala yaabo ayaa baaritaanadaas
ka soo bixi kara iyo kala aamin bax. Sida caadada ah marka madaxweyne
maraykan uu ku guulaysto afar sano oo kale waxaa lagu soo qufaa fadeexooyin
iyo sharaf dil si dadka loo diyaariyo doorashooyinka soo socda.
Xisbiga dimoqraadiga dan ayaa ugu jirta in Bush lagu
eedeeyo inuu doorashada xaday oo uusan xaq u lahayn. Waxaa xusid mudan in
xisbiga jamhuuriga markii uu guulaystay kuwa ku hadla afkiisa sida Rush
Limbough, Foxnews ma ay noqon kuwa is sharfa ee waxay ku kaceen Wiirsi iyo
ku qosol. Waxaana ka mid ahaa governorka California waa ninka aan siyaasiga
ahaan jirin ee la yiraahdo Schwarzenegger ooba yiri “kuwa laga adkaaday la
hadli mayno ayagana hana baryaan”
Somalitalk: Maxay kula tahay diin iyo qayim
(Faith & Value) ayaa Bush lagu doortay?
Wardheere: Inkastoo dadka maraykanka aanay
ahayn reer yurub oo kale oo ay yihiin dad diintooda ku xiran oo aad u taga
kaniisadaha haddana aniga iyo dad badan waxaan qabnaa in sidaas la
yiraahdo inay ahayd xeelad waa hore la dejiyey oo ay dejiyeen taageerayaasha
xisbiga jamhuuriga ayagoo uga gol lahaa qorshe fog iyo mustaqbalka inay
xisbiga mucaaradka sii fogeeyaan oo ay dadku aaminaan in xisbiga
demoqraadigu uusan lahayn diin iyo akhlaaq.
Waxaadna moodaa in dad badani aamineen in jamhuuriga uu
leeyahay diin iyo akhlaaq.
Waxaa ku jira kuwo badan oo aan jeclayn cadaaladda
dadka laga badan yahay iyo kuwa diidan daryeelka dadka saboolka ah marka ma
kuwaasaa faith iyo value lagu sheegi karaa? Waxaan la qabaa wargeysyada
yurub qaarkood oo sheegay in qalabka warbaahinta ee USA ay dagaalka iyo
doorashadaba la safteen Bush intooda badan ilaa dadka badankood aaminaan in
ciraaqiyiinta ka danbeeyeen 911 oo in gurigooda lagula dagaalo intii lagu
dagaali lahaa magaalooyinka maraykanka ay xaq tahay. Waxaa kale oo aan la
qabaa aqoon yahanno badan iyo qorayaal badan oo sheegay in tirokoobkii dadka
wax dooranayey dareenkooda farsamo ku jirtay tusaale:
-
Faith and Value waxaa wax ku doortay 22%
-
Ciraaq waxaa wax ku doortay 15%
-
Dagaalka argagixisada waxaa wax ku doortay 19%
-
Shaqooyinka iyo caafimaadka iwm ah waaba ka
yaraayeen.
Mashaakilka waa waxa la kala qaaday ciraaq iyo
argagixisada oo haddii la isku dari lahaa ay noqon lahaayeen 15 +19=34
sidaas ayey natiijada noqon lahayd. Inay arrintaas qalad tahay waxaa
cadeeynaya xukuumadda Bush dadka uma kala qaado labadan dagaal ee waxay ka
dhigtaa isku mid sidaas ayaana dadweynaha loo sheegay.
Somalitalk: Mudane Wardheere saadaal ka bixi
afarta sano ee soo socota?
Wardheere: Waa waqti fog wax badanna waa
isbadeli karaan, ilaahay uun baa og sida xaalku noqon doono. Haddii aan
qiyaaso waxyaabaha dhici kara:
1)
Isku duubnidii xisbiga Jamhuuriga waa dhamaanaysaa sidii sanadkan ay
isugu duubnaayeen oo ay u lahaayeen hal murashax ma dhacayso. Waxaa ka soo
dhexbaxaya murashaxiin badan iyo weliba kuwa la filayo inay ku tartamaan
magac xisbiyo yar yar oo dadka ka jiita xisbiga jamhuuriga sida Nader ku
sameeyey demoqraadiga 2000. Hadda goor hore ayuu tartankii senatoorada
Jamhuuriga bilowday ayagoo ku tartamaya gudiyada senate-ka ee xoogga badan.
2)
Fadeexooyin waa soo bixi karaan, filibuster badanna waa la filayaa.
3)
Deenta dawladda qaadato waa sii badan kartaa taasoo keeni karto
deficit-ka oo sii weynaado.
4)
Xisbiga Jamuuriga oo xoogga saara soo jiidashada (outreach) Latinos
waa dhici karta iyo baadariyeyasha African Americanka qaarkood IWM.
SALAADII
CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid
ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof
salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..
Guji... |
Somalitalk: Intaas ayuu ku dhan yahay
wareysigeena mudane Wardheere annagoo rajaynayno inaan mustaqbalka waresiyo
kale la yeelan doono insha Allah.
Wardheere waxaa lagala xiriiri karaa:
mnwardere@yahoo.com
SomaliTalk Nairobi | Nov 16, 2004