SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA:: 14/11/2004
Galkacyo, Muqdisho & Nairobi

  • LABA WARBIXINOOD OO KU SAABSAN: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Qado Sharaf u Sameeyay Xubnaha Baarlamaanka KMG
  • Xaflad lagu soo gabagabaynayay duruustii Ramadaanka oo ka dhacday Muqdisho
  • AFAR IYO TOBAN MAXBUUS OO XABSIGA DHEXE EE GALKACYO LAGA SIIDAAYAY LOONA FIDIYAY CAFIS CIIDA OWGEED.
Ra'iisul wasaaraha oo Maanta Qado Sharaf u Sameeyay Baarlamaanka
  • siyaasiyiin looga baqayay in ay dowladda ka horyimaadaan oo maanta muujiyay in dowladda waxii ka hor yimaadaa ay si wada jir ah uga hortagayaan.

Warbixinta koowaad:
Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com
Somalitalk | Nairobi | 14/11/2004


Prof. Cali Maxamed
Sawirka:
standard
Maanta oo ku beegnayd maalintii labaad ee ciidal fidriga oo ay u dabaal dagayaan muslimiin badan oo caalamka kala duwan ahi gudashadii waajibaadka bisha barakaysan ee ramadaan ayaa mid la xiriirta munasabadaas waxaa maanta baarlamaanka u sameeyay casuumad sare wasiirka koowaad ee dowladda FKMg ah.
 
kulankan ay maanta baarlamaanka la qaateen wasiirka koowaad oo aanay wali ansaxinin lana dhaarin ayaa ahaa mid si wayn looga soo wada qayb galay waxaana ka muuqday wajiyadda mudanayaal badan farxad aad u sareysa oo aysan ka marnayn ciidal fidriga waxa uuna ka dhacay hotelka intercontenental ee magaalada NBI waxaana ka soo qayb galay fanaanta qaranka(Waabari) soomaliyeed ee ku sugan Nairobi.
 
Qudbado kala duwan ayay ka soo jeediyeen kulankii maanta siyaasiyiin badan waxaana ugu horeyn hadal gaaban soo jeediyay xildhibaan cismaan kaluun oo sheegay in uu soo maray marxalo kala duwan oo siyaasadeed  baarlamankii rayidka iyo dowladiisi, dowladdii milatariga ahayd iyo midii uu ka ahaa ra'iisal wasaaraha ee jabuuti lagu soo dhisay waxa uuna sheegay in uu waaya aragnimo ka soo qaatay loona baahan yahay wax walba laga hormariyo sharciga, haduusan sharcigu ka saraynin qofkana aysan jirin wax hagaagaya,waxa uuna u soo jeediyay dowladda cusub ee shaqadda hor taala in ay is barbar dhigto dib u heshiisiinta iyo nabadayntana ay tahay mid muqadas ah oo lama dhaafaan ah.
 
waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ugaas ciise oo sheegay in ay ugaasyadda la'aantood aysan waxba dhismi karin,aas aaskuna uu yahay midka wax ka hagaagi karaan kana qaribmi karaan marwalbana aan la iloobin asalka iyo wada xaajoodka iyo la tashida duubabka dhaqanka uu yahay midka asalkiisu waaro si loo ilaaliyo xeerkii biri ma gaydadda,waxa uuna kula taliyay dowladda in xil iska saarto midnimadda iyo xasiloonida dalka.
 
waxaa kale oo ka mid ahaa ugaasyadii hadaladda ka soo jeediyay munaasabadan maanta ugaas cabdi daahir oo sheegay in waxii hore laga soo tago hadda iyo wadada xalka la baadi goobo sidii lagu heli lahaa nidaam wax kala haga, waxa halkan loo yimid waa dib u heshiisiin,walina waxba kama hirgalin waana in la bilaabo wada hadal iyo wada xaajood nabadeed ayuu yiri ugaaska,dowladdana waxa uu ugu baaqay in aysan ka leexanin sharciga iyo shuruucda u dagsan wasiirkana kula dardaarmay in uu ka faa'iidaysto marxaladda jirta iyo sida xalku ku imaan karo ugaasyaddana ay la tashi la samayso dowladda.
 
Xasan Abshir faarax oo ah siyaasi dagan siyaasadiisana ay furfuran tahay ahna siyaasi ka hadla xaqiiqda hadalo taabanaya nabadana soo jeediya ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay Dowladda ku noolaanshaha iyo is dhexgalka bulshadda loo helo nabad ku dhisan is ixtiraam iyo cadaalad, xasan abshir waxa uu carabka ku dhuftay in cali maxamd geedi ay hor taalo howl adag ah oo ah dhismaha dowlad Qaran oo u baahan miisaan waxa uuna sheegay xildhibaanka in 275 ta xildhibaan ee baarlamaanka aysan isku koobin dowladda ee ay jaanis siiyaan walalahod dibada uga maqan baarlamaanka hadii ay taasi dhici waysana aysan rajo dambe ka qabin in dib loo doorto loona arki doono nidaamkooda digtatooriyad,waxana la gudboon baarlamaanka in ay arrintan dib uga fakaraan.
 
Cismaan caato oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in dadka muqdisho ay si wayn u wada sugayaan waxa halkan lagu dhisay ee mudda fog loo fadhiyay kana soo baxay baarlamaan,baarlamaankana uu ku guulaystay in uu doorto madaxweyne maantana ay sharaf u tahay in ay la fadhiyaan wasiirki koowaad ee looga fadhiyo in uu soo dhiso dowladda inteedi kale,waxa uuna meesha ka saaray in aysan wax dhib ahi ka imaan doonin magaaladda mogadisho madaxweynahana uu yahay mid ay waajib ku tahay in tago caasimadda uuna tagi doono isagoo hogaaminaya baarlamaanka iyo dowladda FKMG ah ee Soomaaliya,.dowladda uma dhalin C/llaahi yuusuf iyo Cali M Geedi ee waxa ay u dhalatay ayuu yiri dhamaan shacab waynaha soomaaliyeed xidlhibaan cusmaan caato waa nin ay badi dadka ka aaminsan yihiin in uu yahay siyaasi is badal badan siyasad ahaan.
 
Muuse suudi yalaxow oo waayadan dambe ka dib doorashii madaxweynaha aan soo xaadirin baarlamaanka ayaa maanta si niyad wanaag ka muuqdo uga hor qudbeeyay baarlamaanka isagoo sheegay in lagu xanto in xaajiga ka soo horjeedo dowlada balse sida uu sheegay muuse maanta uu baarlamaanka ka hor cadaynayo in aysan jirin wax diidmo la yiraahdo iyo hadalada beenta ah ee la wado,muuse suudi waxa uu intaasi ku daray in dowladda iyagoo garbaha wadda ay mogadisho caasimadda somaliya ka dagi doonto wax ka hor imaan karana aysan jirin,balse waxa uu si kaftan ku jiro xaajiga u muujiyay in aan la iloobin sadka dadkaas oo la qanciyo.muuse suudi waxa uu sheegay in uu ku wanaagsan yahay wax ka qabashada gudaha sida uu hadalka u dhigay.
 
Muuse suudi waa xildhibaanka kaliya ee si wayn baarlamaaka marka ay arkaan isagoo hadlaya ay u istaagaan ama ay sacaba tumaan hadaladda oo jeedinayo darteed oo inta badan ah kuwo lagu qoslo hadalo xaqiiq ah ku saabsan.
 
Maxamad Qanyare afrax oo lagu yaqaano in uusan hadalka la gaban runtana ka hadla ayaa sheegay mar uu la hadlayay baarlamaanka in ay farta taagto cidii ka soo horjeeda dowladda si loo wada arko loona qabto hadda,qanyare waxa uu ka shanqariyay in baarlamaanka ka eexday oo ay doorteen C/llaahi yuusuf xiligii ay tartamayeen balse sida aan  horayba u balan qaaday la shaqan doono dowladda FKMG ah ee soomaaliya u dhalata ayuu yiri ,wax uuna intaas raaciyay in dowladda dhawaan ka dagi doonto xamar cidii ka hortimaadana loo arki doono caqababad nabad diid ah ayna la dagaali doonaan waxa uuna si kaftan ku jiro u muujiyay in xiligan jabhadaha looga adag yahay xalka soomaaliya.
 
Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka oo qudbad dheer soo jeediyay ayaa sheegay in baarlaamanka iyo dowladdaba ku faraxasan tahay hadalada ka soo baxay maanta siyasiyiinta ay ka midka yihiin cismaan caato iyo muuse suudi in ay dowladda gayn doonan xamar,waxa uuna sheegay isagoo ku hadlaya codka xuseen caydiid in la gaynayo dowladda xamar,baarrlaamaankana ay si wayn ugu mahadcelianyaan arrintaas,Prof dalxa dhinacyo badan ka hadlaya waxa u xusay dilalkii dhawaan dhacay in ay gaysteen da'yar 14 jira ayna dileen 40 jir aqoontiisa ugu adeegi lahaa mujtamaca soomaaliyeed,ayna wax badan qaadan karto inta la sugayo 14kaas  heerkiisa wax barasho goorma ay dhamaan doontaa laynta lagu hayo aqoon yahanka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ayuu yiri wasiir ku xigeenka koowaad Prof maxamad cumar dhalxa waxa uun ugu baaqay wasiirka in iyo baarlamaanka iyo baarlamaanka kaliya aan lagu koobin magacaabista wasiiradda ee dadka banankana la siiyo xaqooqda.
 
Qudbadaha oo aad u badnaa maanta waxay ahaayeen kuwo ay mid walba ka daran tahay tan kale waxaana qaar ka mid ah baarlamaanka ayba soo jeedinayeen wacdi la xiriira is cafin iyo hal meel looga soo wada jeesto xalka soomaaliya oo maanta meel xun marayo iyadoo dhib ka wayn uusan jirn naf ALLE leeyahay in si bareer loo dilo ayna tahay dhibka ay soomaaliya ka dagi la'dahay mudda fog.
 
Marwo xaaji Cilmi ayaa ku tilmaantay Alle madahadiis in Madaxweynaha uu haleeshiiyay in uu xilkan u magacaabo wasiirka kowaad Prof cali maxamad geedi oo ay si wayn isku yaqaanaan,si kale hadii loo dhigona ay marwo casha sheegtay in ay ka soo wada jeedaan ururuda bulshada rayidka,haweeen ahaana ay ka walwalsanayeen in mar kale haweenka loo dhaco sida baarlamaaka dowladda,balse haweeen badan ay ku niyad wanaagsan yihiin in cali uu ka mid yahah bahda rayidka ee u janjeerta dhinaca rayidka haweenkana wax badan aan uga filayno in uu qabto ayay tiri caasha xaaji cilmi oo ka mid ah haweeenka.
 
Dhinaca haweenka inagoo wali ku guda jirna waxaa dhibka haweenka si wayn uga hadashay marwo Qadiijo maxamad diiriye oo sheegtay in caruurteedi iyo waalidkeed ay ku suagn yihiin somaliya mudda shan sano ahna ay ku gudda jirto xaaladda nabad raadineed,hadii ay raggu garan waayaan dhibka dumarku qabana ay garan waayaan raggy aysan caqabad ku noqon doonin iyagoo eegaya xalka guud ee soomaaliya ee sida somali wayn maanta u kala burburtay waxayna u rajeeysay dowlada in ay ku guulaysato hadafkeeda nabad raadineed.
 
Intaasi ka dib waxaa hadalka qaatay wasiirka koowaad Prof cali maxamd geedi oo Hambalyo ku beegan ciida ku salaamay baarlamaanka waxa uuna sheegay in uu uga waddo madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka salaan ciideed,waxa uu yiri
 
"Waxaan wadaa tareen aanan aqoon u lahayn wadidiisa oo ay hor safan yihiin kumanaan maato ah,Qaxooti dibadaha ku qaba dibin daabyo shishieeye kumaan kale oo gudaha ku dhiban ayna ku hayso dhibaato nabad la'aaneed,xad gudub xuquuqeed,abaaro, dilal sharci daro ah iyo amaan xumo tii ugu darnayd,intaas oo dhan ayaa la iiga rabaa inaan ka badbaadiyo tareenkas oo aanan aqoonta u lahayn ku hagidiisa wadada saxda ah waxana iga caawin kara  baarlamaanka,aqoonyahanka,dumarka,waxgaradka iyo dhamaan inta ka damqanaysa dhibka ay maanta umaddeena dariska iyo magantaba u tahay,hadii aanan helin garab midaysan oo cadaalad ah kana run sheega xaqiiqda waxaa hubaal ah inaan ku maanshayn doono anigoo aan ula qasdin laakiin Alle iyo umaddaas ayaa garab ii noqon doona si aan u badbaadiyo umadda meel fiican uga soo baxo waxaana wax walba ka qaadan doonaa ayuu yiri sharciga aad samaysateen oo hadii loo baahdo aad wax ka badali kartaan ama ku dari karan waayo maahan aayad Qu'aan oo aan la badali karin ee hadal dad ay isla gateen" Ayuuu yiri Prof Cali maxamd geedi wasiirka koowaad ee Dowladda FKMG ah ee soomaaliya.
 
Wasiirka waxa uu sheegay in wali sidii loo magacaabay ay maanta bilow u tahay kulan uu la qaato baarlamaan iyo fadhi maalin qaata,waxa uu ka warbixiyay safarkii ay ku tageen magaaladda dubai oo ay ahayd mar hadii ay noqdeen dowladd iyo baarlamaan si sharci ah lagu dhisay lana taageeray in ay ku simi waayeen tacsi kaliya in ay u diraan dadka reer dubai oo madaxweynahoodi oo si wayn dadka soomaaliyeed u caawin jiray xiligii ay jireen dhibaatadda abaaraha soomaliya walina ka qaybqaata sidaasna ay iskula garteen isaga iyo madaxweynaha in ay wafdi u diraan shacabka dalkasi si ay ugala qayb qaataan maalmaha lagu xusayo madaxweynehii dalkaas sidaasna ku aadeen dalka imaaraadka iyo wafdi uu hogaaminayay sidasna ay ku dhacday in ay is arki waayaan isaga iyo baarlamaanka.
 
Waxa uu sheegay in dhawaan uu dhis doono gollaha wasiiradda KMG ah ee soomaaliya,balse ay uu sugayo madaxweynaha oo ku maqan safaro dan u ah ummadda soomaliyeed iyo dowladdaba lagana yaabo in uu bari soo galo madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.waxa uuna intaas ku daray in uu hayo cadaadis badan oo ku aadan dhismaha dowladda oo dhib badan leh siyaasadana uusan wax badan ku jirin balse waxa uu la tashi samayn siyasiyiintana heshiis la gali doono si dib u heshiisiin buuxda loo helo.
 
Wasiirka waxa uu gacan qaaday siyaasiyyinta iyo baarlamaanka isagoo mid walba kursigiis ug tagayay,waxa uuna ka dalbaday in dowladda garab istaagaan si soomaaliya loo badbaadi hadii shirkan burburona ay soomaaliya dhibaato adagi soo waji karto,ugu dambayn waxa uu tacsi diray dhamaan dadkii ku dhintay gacmaha malishaadka oo uu ka mid yahay Gen maxamad abdi iyo ergadii lagu dilay goboladda dhexe dhawaan waxa uuna sheegay in dhacdooyinkaas ay yihiin kuwo laga xumaado una baahan xisaabtan uguna baaqay dadka soomaaliyed in ay is cafiyaan meel walba oo ay joogaan...

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com
Somalitalk | Nairobi | 14/11/2004


Warbixinta 2aad:
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
SomaliTalk | Nairobi | 14/ 11/2004
axmeddheere65@hotmail.com

Wasiirka Koowaad Ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa Maanta Qado Sharaf Usameeyay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, Oday Dhaqameedyada iyo Jaaliyada Soomaalida Ee Nairobi

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay xubnaha Xidhibaanada Soomaaliyeed, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Oday dhaqameedyada  soomaaliyeed iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kulankaa joogay waxaa ka mid ahaa Xidhibaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xidhibaan Xasan Abshir Faarax, Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Xidhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato, Xidhibaan Xasan Nuur Maxamed Shaati Guduud, Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xidhibaan Cabdirixmaan Adan Ibi.

Kulankan waxaa kaloo joogay Odaydhaqameedyada Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen:

  • Ugaas Cabdi Daahir,

  • Ugaas C/aadir Ugaas Xaashi,

  • Ugaas Ciise Cabdulle C/rixmaan

  • Ugaas Cabdirixmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

  • Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax

  • Suldaan Cabdulaahi Shiikh Axmed

  • Ugaas Cali Ugaas Cabdulle

Waxaa kalo shirka joogay ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Bashiir Raage Shiiraar iyo Musharaxa Gobolka Banaadir  Adan  Yuusuf Culumo iyo dhab ahaanti rag kaloo badan oo Soomaaliyeed maadaama meesha ay si aada cariiri u aheed ayaana hada soo koobi Karin magacyadooda, 

Dhinaca kale waxaa goobta si aada u camiray aqoonyahano soomaaliyeed o oiyagu si aada ugu oon qabay isbadalka Dalka Soomaaliya, 

Todobadii iyo sodon daqiiqo ayeey xafladu ka bilaabatay Hotelka Enterconteneter ee Magaalada Nairobi iyadoo halkaa  ay xariirineeysa Xidhibaanad Qadiija oo iyadu ka mid ah Xubnaha Xidhibaanada Soomaaliyeed waxaana goobta Joogay oo dadkii goobta iskug Yimid si aada ugu qanciyay wadaniyada iyo Daljecleeysiga Abwaano Soomaaliyeed oo ay ku jireen Cabdi Cali Bacalwaan oo runtii door muhiim ah ka ciyaaray Xaflada qado sharafta ah , 

Waxaa manta qado sharaftan ku so kordhay arin cajiib ah oo runtii aan horay looga baran masuuliyiinta Soomaaliyeed dad badana ay si aada ula yaabeen  taasi oo aheed markii raysul wasaarah Soomaaliyeed Porf Cali Maxamed Geedi dhamaan dadkii Xidhibaanadii Aqoonyahankii Siyaasiyiintii Oday Dhaqameedyadii iyo dhamaanba umadii Soomaaliyeed ee goobta iskugu timid Gacanqaad kawada safay isaga oo ugu tagaya Goobtii ay fadhiyeen waxa ay noqotay Amuur si aada la isku waydiiyo runtii  Porf Cali Maxamed Geedi waxa ilaa iyo hada umuuqdaa nin macquul ah  Sida ay dad badani muujinayaan, 

Hadaba waxaa biloowmay kulankii waxaana shir gudoominayay oo fadhiyay kursiga ugu horeeya Xidhibaanada iyo mas'uuliyiinta kala ah :

  • Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxoow

  • Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax

  • Xidhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato

  • XidhibaanXasan  Maxamed Nuur(Shaatiguduud)

  • Xidhibaan  Xasan Abshir Faarax

  • Xidhibaan Qamar Adan Cali

  •  Cusmaan Jaamac Cali Kaluun

  • Xidhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade

SUXUFIYIINTA vs HAWLWADEENADA MADAXDA SOOMAALIYEED
Xadgudubka loo gaysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo kordhaya Goobaha Ay daganyihiin Masuuliyiinta qaarkood iyadoo ay geeysanayaan xadgudubyadaa howlwadeenada la shaqeeya masuuliyiinta... Guji...

Waxaa biloowmay kulankii iyo qudobiiyinkii waxaana goobtaa ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen  Xidhibaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xidhibaan  Xasan Abshir Faarax, Xidhibaan Cusmaan Cali Caato, Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xidhibaan Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, Xidhiban Xasan Isaaqa Yacquub Geescade, Xidhibaan Dr CaashO Xaaji Cilmi, Xidhibaan Cabdirixmaan Xaaji Adan Ibi, Xidhibaan Maxamed Nuur Xasan Shaatigaduud, Cusmaan Jaamac Cali Kaluun, Ugaas Cabdi Daahir, Ugas Cabdi Rixmaan, Ugaas Khaliif iyo Xubno kaloo Soomaaliyeed. 

Xubnahan waxa ay dhamaantood muujiyeen sida ay utaageersanyihiin doowlada Soomaaliyeed ee madaxwaynaha uu ka yahay Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Wasiirka koowadna u ka yahay  Prof. Cali Maxamed Geedi,  Gudoomiyaha baarlamaanka uu ka yahay Sh Xasan Shiikh Adan. 

Hogaamiyaal ay ka mid ahaayeen Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Maxamed Qanyare Afrax waxa ay dhamaantood sheegeen in ay soo dhaweeynayaan in doowlada la geeyo Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in ay intii ay awoodaan ku dadaalayaal miraha ka soo bixida doowladaas. 

Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow waxaad maqasheen marar badan anigoo wax diida laakiin midaan waan raacay. 

Cusmaan xasan Cali Caato waan ku soo dhaweyneeynaa Muqdisho Raysul wasaraha iyo Baarlamaankaba. 

Maxamed Qanyare Afrax wa in la ilaaliyaa Tastuurka iyo axdiga qaranka doowladana way hagaageeysa waana taageersanahay. 

Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna goobta ka hadlay.

Wasiirka koowaad ee soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi waxa u mahad aad ubalaaran u soo jeediyay xubnihii goobta iskugu yimid isagoo si gaara uga codsaday in ay taageeraan doowlada iyo Barnaamishkiisa siyaasadeed.

Dhinaca kale Prof. Cali Maxamed Geedi tacsi tiiraanyo badan udiray qooski iyo eheladii uu ka geeriyooda Jan Maxamed Cabdi iyo Taakoow iyo Xubnihii Nabadoonada ahaa ee lagu dilay Docoleey. 

Wasiirka koowaad Cali Maxamed Geedi waxa uu shacabka Soomaaliyeed alle uga tuugay in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan Nabad iyo nolol wanaagsan, runtii umada soomaaliyeed waxa ay ubaahantahay buu yiri nabad iyo nolol nuur badan.


Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com


Xaflad lagu soo gabagabaynayay duruustii Ramadaanka oo ka dhacday Muqdisho

Muqodish: 14/11/2004

Masjidka weyn ee xaafadda Tawfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay maalintii jimcihii 12/11/2004 xaflad lagu soo gabagabaynayay duruus diini ah oo muddo 20 bari ah uga socotay masjidkaas arday ka badan 650 oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, kana kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Ardayda duruusta qaadatay oo u qaybsanaa 19 kooxood oo laba ka mid ahi yihiin gabdho ayaa ku xafiday muddadaas 150 xadiis oo ka mid ah axaadiista Saxiix Al-Bukhaari, waxayna axaadiistaasi ka hadlaysay mawduucyo kala duwan, sida: Caqiido, cibaado, akhlaaq, zuhdi, mucaamalaad, Nabiyaasha, Asxaabta, jannada, Naarta … iwm. Waxaa kale oo ardaydu soo xafidayeen macnaha ereryada, asxaabta warisay axaadiistaas, dhalashadooda, taariikhdooda iyo fadaa'ilkooda. Galab walba ardayda waxaa loo qaybinayay warqado ay ku qoran yihiin duruusta la qaadanayo oo horay loogu soo diyaariyay.Waxaa xafladdaan ka soo qaybgalay dadweyne farabadan oo isugu jiray ardayda, waalidiinta, waxgaradka xaafadda Tawfiiq iyo qalabka warbaahinta Muqdisho. Xafladdii xiritaanka waxaa hadal ka soo jeediyay sheekha xaafadda Sh. Axmed Xasan Maxamed, ardaydana siiyay duruustaas, wuxuuna sheegay in ay tahay Ramadaankii labaad ee ay qabtaan Dawradaan, waxaa kale oo sheekhu xusay in kharashka ku baxay dawradaan ay bixiyeen dadweynaha xaafadda oo nin walba intii tabartiis ah uu kaga qayb qaatay. Waxaa kale oo sheekhu aad u ammaanay ardayda oo uu sheegay inay bixiyeen dadaal aad u sarreeya, ayna guul weyn ka gaareen dhammantood xagga xifdinta axaadiista, ardayda laga dheereeyayna wuxuu ku sababeeyay:

1- iyagoon aqoon u lahayn habka imtixaannada loo galo.

2- qaarkood oo qoraalkooda carbigu hooseeyo.

3- qaar kale oo aqoonyaridooda luqada carabigu la hartay.

Ujeeddooyinka Dawradaan waxaa ka mid ahaa: In ardayda looga faa'iideeyo bisha Ramadaan, in lagu dhiirrigaliyo ardayda barashada iyo xifdinta axaadiista Nabiga iyo in ardaydu isku bartaan wanaagga isuna kaashadaan khayrka.

Waxaa iyana halkaa hadal kooban ka soo jeediyay qaar ka mid ah martidii ka soo qaybgashay xafladda, waxayna ku booriyeen ardayda in ay ku dadaalaan waxbarashada, ku dhaqanka diinta iyo inay dadkooda gaarsiiyaan diinta, waalidiintana waxay ku boorriyeen inay ubadkooda ka haqabtiraan aqoonta diineed iyo tan adduunyaba, waxaa kale oo loogu baaqay xaafadaha kale inay ku daydaan xaafadda Tawfiiq oo ay xoolohooda ku bixiyaan sidii loo faafin lahaa diinta.

Gabagabadii waxaa halkaa abaalmarino dhiirrigalin ah lagu guddoonsiiyay 46 arday oo iyagu guul weyn ka soo hoyiyay imtixaannadaii ardayda laga qaaday.

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com


Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...
»IID MUBAARAK: HAMBALYADII BAHDA SOMALITALK EE IIDA
»CILMI KORORSI::
IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»BAAQ SAMAFAL:: Fiicanaa in Agoontu Carruurteenna La Ciiddo
 
AFAR IYO TOBAN MAXBUUS OO XABSIGA DHEXE EE GALKACYO LAGA SIIDAAYAY LOONA FIDIYAY CAFIS CIIDA OWGEED.

Sunday, November 14,04.

Galkacyo (Somalitalk)

waxaa saaka ay maamulka Puntland cafis u fidiyeen afar iyo toban maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada galkacyo maxaabiistan ayaa u xirayd dambiyo kala duwan oo ay galeen, waxa ayna xiraayeen mudo sadex bilood kayar.

maxaabiistan lasiidaayay ayaa waxaa wax laga waydiiyay cida kuluglahayd siidayntooda taliayaha xabsiga dhexe Axmed Cabdi Faarax waxa uuna sheegay in amar laga soo siiyay caasimada Puntland ee Garoowe, ayna sheegeen maamulka sare ee dowladu in maxaabiistan loofidiyay cafis ciidul-fidhriga owgeed.

maaha markii ugu horaysay ee maamulku uu maxaabiis ka siidaayoxabsiyada Puntland  maalmaha ciidaha xiliga ay ku soo beemaan in ay jiraan dad danbiyo loohaysto. 

MUNAASABADDa CIIDUL-FIDHRIGA OO GOBOLADA PUNTLAND LAGA XUSAY.

Sunday, November 14,04.

Galkacyo (Somalitalk)

waxaa maanta iyo shalay laga kala ciiday magaalada galkacyo, dadka kudhaqan magaalada ayaa horay u kala soomay ayadoo ay qaar soomeen maalin jimce ah ayaa kuwakalana ay soomeen maalin tii xigtay oo ahaydmaalin sabti,ah.

waxaa shaaciyay in la ciido maalinta sabtida oo ahayd shalay wasiirka arimaha iyo owqaafta DGPL Barkhad Cali Guuleed, halka uu isna kaga soo horjeestay in ay tahay sabtida maalin ciida agaasimaha diinta iyo owqaafta DGPL Sh, Ismaaciil XaashiXuseen. waxaa sidoo kale beeniyay in ay sabtida tahay maalin ciida madaxwaynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi waxa uuna sheegay madaxwaynuhu in aysan ahayn maalin ciida sabtida asagoo tilmaamay in uu wasiirku iclaamiyay go,aanka uu ku sheegayo in ay tahay sabtida maalin ciida,balse aysan lasocon maamulka qaybihiisa kale taana ay tahay mid katimi wasiirka oo-qura.

sikasta oo ay noqoto waxaa sabtidii laga ciiday magaalada galkacyo ayadoo ay ciideen qaar kamida shacabka waxaana shalay salaadii ka soo qaybgalay culumaa,udiin farobadan iyo qaybo kamida maamulka gobolka mudug oo uu kamid ahaa gudoomiyaha gobolka mudug Maxamed Warsame Cabdulle (Jabhad)

salaada ciida kadib waxaa khudbad balaaran ka soo jeediyay goobtii lagu tukanayay salaada ciida culumada galkacyo waxa ayna ducoocin farabadan ka akhriyeen goobta salaada lagu gudanayay oo ahayd isbartiibada ama garoonka kubada cagta.

gudoomiyaha gobolkamudug Maxamed Warsame Cabdulle (jabhad) ayaa kamidahaa masuuliyiinta ducada ka soo jeedisay goobta salaada ciidul-fidriga waxaana kamid ahaa ducooyinkiisa in uu ilaahay culaysa ka dulqaado walaalaheena carbeed ee reer ciraaq oouu sheegay in ay haysato dhibaato aad ufarabadan oo ay kamidyihiin xasuuqa dilka iyo weerarada kaladuwan ee lagu hayo shacbka reer ciraaq sidookale waxaa tacsi iyo ducooyinba hawada loogu gudbiyay marxuun Yaasir Carafaad oo ahaa madawaynihii dalka (falastiin INAALILAAHI WA INAA ILEYHE RAAJICUUN).

magaalada galkacyo oo ah labo qaybood ayaa iyana qaybteeda kale ee xaafada wadajir ee baraxlay lagakalaciiday, tirada shalay iyomaanta kala ciiday ayaa ahayd tiro isudhow marka la eego cadadka ama qiyaastooda kal ciiday, si kasta oo ay tahay waxaa ay dadku waxa soomeen mudo sagaal iyo labaatan casho oo gura.

Garoowe ayaa iyana laga kala ciiday sida ay isugu khlilaafeen galkacyo mid lamida.

waxaa si wada jira looga ciiday magaalada boosaaso oo ay isku raaceen culumada kusugan boosaaso in ay wada ciidaan ayadoon khilaaf lagu kala ciidinna ay go,aamiyaan culumadu.

waxaa laga soo sheegay in bishii laga arkay meelo kamida gobolada Puntland ayna yihiin goobaha laga arkay eyl, iyo bari deegaano kamida. 

sahrosiglan@hotmail.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 14, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD