AFAR QOF OO SUBAXNIMADII IID KU
GEERIYOOTAY MAGAALADA GALKACYO, MID
KAMIDANA LABIREEYAY.
Sabti November 13,11,04
Galkacyo
(Somalitalk)
Waxaa saaka gudaha
magaalada Galkacyo lagu bireeyay nin
lagu magacaabo Yaxye oo uu bireeyay
gacankudhiiglaha haatanna marxuunka ah
ee lagu magacaabo Cismaan Sh, Axmed,
ninkan ayaa bireeyay marxuunka xili ay
dadku ka soo baxeen salaada iida, waxa
uuna kubireeyay tooray.
Gacan ku dhiiglahan ayaa
kadib marka uu gaystay dilka u soo
cararay dhinaca saldhiga booliska oo
ku,yaalay agagaarka goobta ninka uu ku
dilay, ciidanka oo soo qaaday maydka
ninka uu bireeyay ayaa damcay in ay
gacanta kudhigaan gacan ku,dhiiglahan
waxa uu isna isku dayay in booliska uu
rasaas ooda kaga qaado waxa uuna watay
gori aan lagaranay cida uu markaa u
watay.
Midkamida booliska ayaa
isagu xabado ku furay gacan-kudhiiglaha
waxa ayna rasaastu kahaleeshay qaarka
dhexe ee aaga caloosha, kadibna booliska
ayaa ula cararay isbitalka isagoo
dhaawaca daqiiqado kadib ayuu isna
geeriyooday.
Mar aan wax ka waydiiyay
mid,kamida walaalaha marxuunka bireeyay
marxuunka kale ayaa Somalitalk
uxaqiijiyay in ninkani uu ahaa nin horey
maskaxda uga jiranaa balse mudo dhexe
lamooday in uu soo ladnaaday waxa uu
intaa ku daray in saaka ay labadoodu
goobta salaada iida ku soo wada tukadeen
ayna weheliyeen caruurta ay kala dhaleen
labadan walaalaha ah ee uu haatan
midkood geeriyooday.
Labada nin ee midna la
gowracay midna la toogtey labaduba waxay
ka soo jeedan hal-beel oo ah Beesha
Cumar Maxamuud.
FALKA KALE AYAA
AH WIIL YAR OO UU LIQAY YAMAYSKA BIYAHA
EE GALKACYO.
wiil yar oo da,diisa
lagu qiyaasay illaa iyo 12,jir ayaa
saaka maydkiisa laga soo helay banaanka
baliga biyaha ee yamayska, wiilkan oo ay
soo qaadeen maydkiisa ayaan in mudo ah
lagaran cida dhashay ayadoo labo
maalmood kahor ay biyuhu liqeen waxaan
badalmay wajigiisa, saacado badan kadib
ayaa lagartay waxaana ay reerkiisu
xaqiijiyeen in labo maal-mood ka hor ay
waayeen ayagoo baafinayay inta uu maqnaa oo
dhan.
FALKA SADEXAAD
AYAA AHAA SAAKA WIIL YAR OO ISNA UU
GAARI KU DILAY MAGAALADA.
wiil yar oo da,diisa
lagu sheegay inta u dhexaysa 10-12 jir
ayaa saaka gaari ku jiiray agagaarka
laamiga wayn ee magaalada galkacyo.
Saaka oo ay dadku badi
iidayeen ayaa waxaa wadada ku batay
caruur badan oo wadada hadba dhinac u
qaadaya gawaarida ayaa iyana waxa ay
saaka ku badnaayeen wadada ayadoo ay si
xowliya u socdeen wadada dhexdeeda.
sahrasiglan siglan
sahrosiglan@mail.com