Ra'iisulwasaarahal Soomaaliya
Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu maalinka barito ah
Qado sharaf usameeyay Xubnaha baarlamaanka
Federaalka Gumeelgaarka ah ee Soomaaliya,
Aqoonyahanka Siyaasiyiinta Saxaafada
Porf Cali Maxamed Geedi oo dhawaan
wasiirka koowaad umagacaabay Madaxwaynaha Soomaaliya
Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaanahanba
waday wada tashiyo iyo talo lawadaag Xubno ay ka mid
ahaayeen Aqoonyahanka Odaydhaqameedyada
Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kala duwan ee
Bulshowaynta Soomaaliyeed ,
Porf Cali Maxaed Geedi Wasiirka
koowaad Ee Soomaaliya oo ah nin aqoonyahan ah
dhalinyaro ah qunyar socodna ah ayaa umuuqda nin
kasban kara Taageero uuw ka helo Hogaamiyaasha
Siyaasada Soomaalida ,
Waxaa jira kulamo kala duwan oo
Porf Cali Maxamed Gedi la wadaagay xubno ka tirsan
Siyaasiyiinta Soomaliyeed yado qarkood ay ku
dhamaadeen is afgarad iyo guul qaarkalena hada ay
hoowshoodu socoto,
Porf Cali Maxamed Geedi wasiirka
koowaad ee Soomaaliya isaga oo ka hadlaya ajandaha
doowladiisa waxa u yiri sidan
Xukuumada la dhisdoono waxa ay
noqondoontaa Mid dib uheshiisiineed kuna shaqaysa
aragti nabadeed wada xaajood Siyaasad furfuran oo
horsed u ah in la is waa fajiyo danta aan leenahay
iyo danta la inaga leeyahay heer gobol iyo mid
caalami,
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya
Porf Cali Maxamed Geedi waxa u helay taageero badan
iyadoo ku dhawaad 500, oo Qofood oo iskugu jirtay
Siyaasiyiin Aqoonyahan Oday Dhaqan iyo waxgarad
katirsan beesha Mudulood Hiraab iyo Xubnaha
Xidhibaanada ee beeshaasi u muujiyeen taageero hiil
iyo hooba leh in ay la garab is taagayaan,
Dhinaca kale porf Cali Maxamed
Geedi waxaa horyaala arimo aad xasaasi u ah oo
runtii ubaahan dhabar adeeg iyo karti arimaha
horyaala waxaa ugu muhiimsan in uw helo taageerada
Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida oo iyagu inta
badan jecel in ay awooda dalka soomaliya gacanta ku
dhigaan waxaa jira Xubno badan oo Porf Maxamed Cali
Geedi Xilka uga horeeyay ayna is fahmi waayeen
hogaamiyaasha kooxaha waxaana ka mid ah xubnahaas
Cumar Carte Qaalib oo wadanka Jabuuti doowladii Cali
Mahdi lagu soo doortay Cali Khaliif Galeer iyo Xasan
Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo
shirwaynihii Wadanka Jabuuti tuulada Carta ee
qiimiga badan lagu soo Doortay doowladi ku
meelgaarka aheed,
Hadaba hadii Mudane Cali Maxamed
Geedi ku guuleeysto in ay la shaqeeyaan xubnahaasi
waxaa meelmar noqonkara rajada Cali Maxamed Geedi ka
qabo hogaaminta Soomaaliya Shanta sanoo soo socota
,
Dhinaca kale porf Cali Maxamed
Geedi waxaa laga sugayaa in doowladiisa ay ka mid
noqdaan Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dad soomaalida
manta ku hagi kara wadad nabada waana waajib saran
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya in ay doowladiisa
kuwada jiraan hogaamiye kooxeedyada ku dooda in ay
yihiin mujaahidiin iyo Aqoonyahanka soomalida looga
fadhiyo in ay ka saaraan dhibnatadii 14 sano
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com