WARARKA PUNTLAND:::
- Warsaxaafadeed uu Qabaty
Gudoomiyii hore Baarlamaanka DGPL Ing: Yuusuf Xaaji Saciid iyo
iskahor imaadka Siyaasiyiinta Puntland.
-
MADAXWAYNAHA DGPL MAXAMED CABDI XAASHI oo GUDOOMIYE CUSUB U
MAGABAABAY MAGAALADA BOOSAASO.
- Xaaladihii ugu dambeeyay ee
Dagaalada Puntland iyo Somaliland
- MABAXWAYNE KUXIGEENKA DGPL
MAXAMED CALI YUSUF IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KU SUGAN
LAASCAANO.
Warsaxaafadeed uu Qabtay Gudoomiyii
hore Baarlamaanka DGPL Ing: Yuusuf Xaaji Saciid iyo iskahor imaadka
Siyaasiyiinta Puntland.
c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com
Waxaa shalay oo ay Taariikhdu ahayd
11 November 2004 Warsaxaafadeed ku qabtay xarunta Caasumda DGPL
Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka DGPL Ing: Yuusuf Xaaji Saciid
isagoo sheegaya in uu yahay Gudoomiyaha Xaqaa ee Baarlamaanka DGPL
ayadoo uu socdo kalfadhigii Labo iyo Tobonadaad ee Baarlamaanka DGPL
oo Furmay 06 November 2004 kalfadhigaas oo looga hadlaayo Xaaladaha
Dagaal ee kasoo Cusboonaaday Gobolada Sool ee Aricadeeye iyo
Xaaldaha soo wajahday Dadka Reer Baadiyaha ah oo Roobabkii dhawaan
da,ay ay wateeen Qaboow aad u Xoog badan oo lagu qayaasay 13 centy
garet uu ka laayay Xoolihii iyo Dad intaba horena ay u soo mareen
Abaaro aad u dheeraaday oo lagu tilmaamo in Xoolihii soomaaliya ay
aad ugu baaba,een guud ahaan Soomaaliya.
Gudoomiyii Hore ee Baarlamaanka
DGPL Ing: Yuusuf ayaa Warsaxaafadeedkiisa uu ku sheegayay in uu kala
diray Xubnaha Baarlamaanka DGPL iyadoo ay ahayd hada xiligii lagu
balamay in la kala diro waa sida uu u yiri Gudoomiyihii hore, Ing:
Yuusuf ayaa waxa uu sheegay oo kale in ay Beelaha Puntland ku
bahoobay ay soo magacowdaan Xubno Cusub oo u matala Baarlamaanka 15
Noveber 2004.
Ing: Yuusuf oo Saxaafadu ay wax ka
waydiisay xil kaqaadistiisa ayuu ku tilmaamay in ay wax kajirin oo
isagu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay ahayd taas mid ay ka soo
shaqeeyen Xubno kamida Baarlamaanka iyo Xukuumda uuna Sharciga hor
geeyndoono xiliga ay saamaxdo.
Dhanka kale waxaa aad u arkaysaa in
ay jiraan iska hor imaadyo soo cusboonaanaya oo u dhexeeya
Siyaasiyiinta kusugan Puntland Gudaheeda kuwaas oo aad u
hunguriyaynaya in ay hogaanka Xukuumada DGPL gacanta kudhigaan oo ay
kuwii hore u hayay kala wareegaan aygoo ku doodaya in ladoonayo
isbadal siyaasadeed oo ka dhalata Puntland, Taas ayaa ay Shacabka
Puntland ku dhalisay walaac ay ka qabaan in uu ka soo cusboonaada
iska hor,imaad hubaysan ayadoo siyaasiyiinta isku haya Xilga
isbadalaka ay hubaysanyihiin ayna haystaan hubka noocyadiisa kala
duwan.
Maaha markii ugu horaysay ee ay
isaga hor yimaadaan Siyaasiyiinta in ay hunguruyeeyaan in isbadal ka
dhaco Puntland iyo in loogu daro Xiliga Maamulka haya xukunka
Golihiisa Baarlamaanka iyo Xukuumada waxaa ay keentay Dagaal
kasocday Puntland mudo Sanad iyo Bilo ah oo soo afjarmay xiligii ay
heshiiyeen Jabhadii GBP iyo Xukuumadii DGPL ee uu Madaxweynaha ka
ahaa Col: Cabdulahi Yuusuf oo hada ah Madaxweynaha Dowlada KMFS ee
lagu soo doortay shirkii Dib,uheshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay
Kenya shirkaas oo ay isku raaceen Col: Cabdulaahi Yuusuf iyo Ninkii
watay Jamhadaa oo lagu magaacabo Gen: Cade Muuse kadibna uu dib ugu
soo laabtay Gen: Cade Muuse Gobolada Puntland markii shirka uu u
doortay Madaxweyne Col: Cabdulaahi Yuusuf DKMFS.
Gen: Cade ayaa waxa uu ka mid yahay
Siyaasiyiinta doonaysa in uu isbadal ka dhaco Maamulka DGPL isagoo
shirar Gaargaar ah la galay Xubnaha Baarlamaanka DGPL, Qaar ka mida
Hogaamiye Dhaqameedyada DGPL iyo Siyaasiyiinta, Gen: Cade Muuse ayaa
Heshiiskii isaga iyo Xukuumadii DGPL Xiligii Col: Cabdulaahi Yuusuf
aan ku darsan Hubkii iy Ciidamadii uu Watay oo Badankood ku sugan
Magaalada Qardho lana sheegay in uu heegan galiyay intuu u kicitimin
Dalka Canada oo uu Daganyahay hadana uu ku sugan yahay aydoo la
sheegay in uu ku soo noqon doono Puntland Ciida Fidriga kadib marka
uu la soo ciido Reerkiisa oo halkaa Dagan marka uu soo noqdana uu ka
qayb galidoono is hardanka Siyaasadeed ee Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha DGPL
Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isugu yeeray Hogaamiye Dhaqameedyada
Puntland Ciida Kadib si ay Go,aan uga gaaraan arimahaan waqtiga
Puntland oo uu ku tilmaamay in ay jiraan Xaalado Dagaal iyo Abaaro
oo Dadkii Xoolaha ay ka dhamaadeen Dhaqaalaha Puntland uu aad hoos
ugu dhacay sababtaa awgeedna Mushaarooyinkii Shaqaalaha Puntland la
bixin la,yahay.
Xiisadaha siyaasadeed ee hada jira
ayaa weheliya xubno ka mida Maamulka ay raacsan yihiin kuwa isbadal
doonka ah xubno kajooga Maamulka Dibadana ay raacsanyihiin Maamulka
in loo Kordhiyo Xiliga si uu ugu soo diyaargaroobo in ay
Doorashooyin ka dhacaan Puntland maadaama ay hada tahay isbadalka
ladoonayo mid lamida xiligii la soo dhisayay DGPL August 1998 waa
sida ay u yiraahdeene.
Xaaladihii ugu dambeeyay ee
Dagaalada Puntland iyo Somaliland
Waxaa markay Taariikhdu ahayd 10
November 2004 u kicitimay Maagaalada Laascaano wafdi uu hogaaminaayo
Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wafdigaa
ayaa ka koobnaa Wasiiro iyo Xubno kamida Baarlamaanka DGPL.
Xubnahaas ayaa ahaa Gudi uu
magacaabay Madaxweynaha DGPL Maxamed cabdi Xaashi kasoo lagu
magacaabay Gudiga Difaaca Dalka oo uu Gudoomiye u yahay Madaxweyne
Kuxigeenka DGPL.
Waxaa dhanka kale Somaliland
iyagana ku sugan Magaalada Burco Gudi ka kooban Wasiiro oo ayaguna
lagu magacaabay Gudiga Difaaca Dalaka oo uu Magacaabay Madaxweynaha
Somaliland Dahir Riyaale Kaahin Gudigaas ayaa ku sugnaa Burco iyo
Aaga hore ee Ciidamada Somaliland xiligii uu bilowday Dagaalka
labada Dhan.
Dagaalkii dhacay 29 October 2004 oo
la,isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku dhinteen
sida lasoo tabinayo ilaa Todobaatameeyo Qof oo Soomaali ah oo ka
kala dhashay Labada dhan ee Dagaalamayey ayna ku dhawacmeen in ka
badan, Dagaalkaa oo socday mudo lagu qayaasay Sagaal Saac,
Dagaalkaa kadib oo ay labada dhanba ay sheeganayaan Guul iyo in uu
Bilaabay Dagaalaka Midka kale ayaa Ciidamada labada dhan ay ku soo
ururinayaan Goobta Dagaalka ayadoo laga Baqayo in uu ka qarxo Dagaal
labada Maamul, Dadka degaanka Aricadeeye deganaa ayaa ka qaxay
Guryahoodii Warar aan la hubin ayaa sheegaya in ay Dowlada Ethopia
ay ku kala dhex jirto labada Maamul in uu mar kale ka qarxo dagaal
lakiin mar aan wax ka waydiinay Maamulada labada Dhan ayaa sheegay
in aysan arintaa waxba ka,ogeen lakiin ay labada dhanba ay
sheegayaan in ay doonayaan Xuduudka Maamulkiisa.
Dhanaka kale waxaa jirta Baaqyo
Nabadeed oo ka soo baxaya Hogaamiye Dhaqameedyada iyo Culimada
diinta labada dhan kuwaas oo aan wax ka soo cusboonaada oo nabada
aysan jirin aydoo aad arkayso in ay saameyn weyn ay ku yeelatay ugu
badnaan Qalbiga Shacabka labada dhan, Dhaqdhaqaaqii Ganacsi iyo is
dhexgalida Dadweynaha oo aad looga dareemi jirey Magaalooyinka
Labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland.
c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com
MABAXWAYNE KUXIGEENKA DGPL MAXAMED
CALI YUSUF IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KU SUGAN LAASCAANO.
Friday
November 12, 04.
LAASCAANO (Somalitalk).
wafti uu hogaaminayo madaxwayne
ku xigeenka DGPL Maxamed Cali Yusuf ayaa muddo sadex maalmooda
socdaal howleed ku jooga magaalada laascaano ee xarunta gobolka
sool socdaalkan oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan wasiiro mana
tirsan gudiga xaaladda gad daga ah.
madaxwayne ku xigeenka ayaa ka
warbixiyay socdaalka howleed ee ay ku joogaan magaalada lascaano
iyo halka uu marayao dagaalkii u dhexeeyaya labada ciidan ee
Puntland iyo Soomaaliland mar uu u waramayay saxaafadda ayuu
shaaca ka qaaday in maamulka Soomaaliland ay wadaan abaabul ay
ku doonayayaan in ay weerar horle ku soo qaadaan deegaanada PL,
gaar ahaanna deegaananada gabolka sool, sanaag iyo cayn.
mar wax laga waydiiyay waxa ay
ka yeelayaan maamulka Puntland hadii ay weerar ku soo qaadaan
maamulka Soomaaliland ayuu sheegay in ay mar walba noqonayaan
kuwo difaacidoona deegaanadooda iyo waliba gardarada la doonayo
in lagu soo qaado shacabkooda in ay marwalba diyaar unoqonayaan
isdifaacidda danahooda waxa uuna raaciyay intaa hadii ay lacala
dhacdo in ay abaabulkooda weerar soo qaadaan ay iyaguna qaadi
doonaan weerar kaa lamida ayna gayndoonaan oog oo ah halka ay u
ah deegaanka oo ay asal ahaan ka soo jeedaan.
madaxwayne ku xigeenka ayaa
intaa kadib sheegay mar wax laga waydiiyay in ay jiraan isimo ka
soo jeeda maamulka Puntland hadalkoodii ahaa in labada ciidan ee
Puntland iyo Soomaaliland in ay isaga baxaan goobaha ay ku
dagaalamayaan, ayuu beeniyay madaxweyne ku xigeenku waxa uuna
sheegay in warkaa labaahiyay uu ahaa mid aysan sal iyo raad ku
lahayn isimada lamagacaabay, waxa uuna yiri waxay ahaayeen kuwo
taageersan maamulka Soomaaliland balse aysan ahayn kuwa
lamagacaabay taana ayuuyiri waxaa ka mudaharaaday shacabka reer
Puntiland ee ku sugan gobolka sool.
waxaa isna beeniyay arinka
isimada lagu sheegay in ay u gudbiyeen saxaafadda gudoomiyaha
gobolka sool (Baaruud) waxa uuna tibaaxay in isimada
lacarabbaabay ay qaarkood kamaqanyihiin gudaha Puntiland.
mar wax laga waydiiyay sidoo kale
maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalladii ka dhacay
Adhicaddeeye, 29-kii Octoober, ayuu ku tilmaamay in haatan ay
ku xiran yihiin maxaabiistii ay qabteen Xabsiga Dhexe ee
magaalada Garoowe ee caasimadda DG Puntland. Maxaabiistan ayuu
sheegay in la daryeelay, si aad u wanaagsanna loola dhaqmayo.
Waxa uu Madaxwayne ku Xigeenku si caro ay ku dhehantahay uga
jawaabay su’aalo laga waydiiyay halka ay kusugan yihiin
maxaabiistii Puntland isaga oo sheegay in Maamula Riyaale Kaahin
ay ku xadgudbeen xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista dagaalka
lagu soo qabto.
waxaa ay dileen Col. Axmed Raan oo
ay nolol kuqabteen, taasna waxaa lagu caddayn karaa maamulka
Riyaale oo saddex jeer oo kala duwan soo gudbiyay liisas kala
duwan oo ah maxaabiista ay hayaan" ayuu ku jawaab celiyay
Madaxwayne ku Xigeenka Puntland.
mar wax laga waydiiyay in maamulka
Puntiland ay lagalayaan maamulka Soomaaliland waan waan ayuu
sheegay in aysan taa marnaba dhacaynin asagoo arinkaa xooga
saaraya, waxaana jirayay marhore oo lawaydiiyay in ay waan waan
lagalayaan Soomaaliland ayuu sheegay in ay dhacyso oo kaliya
marka ay ayagu diyaar u noqdaan in ay isga baxaan gobolada
Puntlan ee Sool iyo cayn kadibse hadahadal uu dhex mari doono.
sahrosiglan@mail.com
MADAXWAYNAHA DGPL MAXAMED
CABDI XAASHI oo GUDOOMIYE CUSUB U MAGABAABAY MAGAALADA
BOOSAASO.
12/11/2004 Jimce
November.
Boosaaso (somalitolk)-
Qoraal dikreeto oo kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha dawlad
goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay
guddoomiye cusub degmada Boosaaso .
Dikreetadan madaxwaynaha
Puntland xafiiskiisa ka soo baxday 10/11/2004 ayaa shaqadii
looga fariisiyay guddoomiyihii degmada Boosaaso Col: Cabdi
Yaasiin waxaana uu u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha
cusub ee degmadaasi Boosaaso Rooble Cumar Gudcur .
Madaxwaynaha dawlad goboleedka
Puntland ayaa dikreetadiisa ku caddeyay in guddoomiyahan
shaqada sababta laga wareejiyay ay tahay in uu sameeyay
maqal la'aan iyo wax qabad la'aan.
Col: Cabdi Yaasiin oo aan isku
daynay inaan la xiriirno oo arimahaasi wax kawaydiinno ayay
noo suurto galikariwayday inaanu helno.
Sikastaba ha ahaatee
guddoomiyahan cusub ee uu magacaabay madaxwaynaha dawlad
goboleedka Puntland ayaa labo goor oo hore loogu magacaabay
inuu guddoomiye u noqdo degmada Boosaaso balse maysan suurto
galin sababo maamul darteed
sahrosiglan@hotmail.com
SomaliTalk Nairobi | Nov 12, 2004
Taariikh Nololeedkii Hogaamiyihii
Taariikhiga Ahaa Ee Reer Falastiin, Yaasir Carafaat. 1929-2004
ISHA SAWIRADA: Google Search