SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

AASKII JENERAAL MAXAMED CABDI OO SHALAY KA DHACAY MUQDISHO

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
E-mail:
jantiile12@msn.com

ALLAHA u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Cabdi Maxamed Habeen hore oo ay bishu ku beegnayd 9-kii Nov. 2004 isagoo ay maalin jimco ah taariikhdu ku beegnayd 5-tii bishanna ay koox dabley ahi ku rasaasayeen guriga uu deggenaa oo ku yaallay Degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho; xilli uu ka yimid masaajid uu ku soo tukaday salaaddii subax oo ku yaal meel aan gurigiisa.

Jeneraalka waxaa ku dhacay 4-xabbadood oo laba ka mid ahi ay uga dhaceen garabka, halka labada kalena ay ka haleeshay caloosha iyo bogga (inta u dhexeysa caloosha iyo xabadka), waxaana uu si deg-deg ah Jeneraalku ugu dhacay dhulka markaasoo ay ka carareen kooxihii rasaasta la beegsaday Jeneraal Maxamed Cabdi, lama garanayo kooxda rasaasta la soo beegsatay wuxuuna Jeneraalku ka mid noqday saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo beryahaanba ay kooxo dabley ah dilal kala duwan u geysteen.

ALLAHA u naxariistee Jeneraalka oo shalay markay saacaddu ku beegnayd 4:00 galabnimo la keenay maydkiisa Muqdisho ayaa lagu aasay qabuuraha Jeneraal Daa’uud, wuxuu Jeneraalku ifka kaga tagay xaas iyo 6-carruur ah oo isugu jira 4-wiil iyo laba gabdhood. da’diisuna waxay ahayd 68-jir.

TAARIIKH NOLOLEEDKII JENERAAL MAXAMED CABDI

ALLAHA u naxariistee Jeneraal Maxamed Cabdi Waxa uu ka tirsanaa Jeneraalladii Ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed , wuxuuna darajada ciidammada ka gaaray Jeneraal isagoo ciidanka ku qortay ardaynimo, waxaana lagu qaaday darajada kabtanka.

Sannadkii 1936-kii ayuu Jeneraalku ku dhashay tuulo lagu magacaabo Siyaad Cammey oo ka tirsan Degmada Cadale ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas ayuuna ku bartay qur’aanka kariimka iyo culuunta kale ee islaamka, wuxuuna tuuladaas ka aqrin jiray Fiqhiga isagoo si wanaagsan u bartay.

Sannadkii 1956-kii ayuu Jeneraalku Muqdisho yimid, isagoo ka billaabay waxbarashadiisii Iskuulka, wuxuuna ku biiray ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed 1964-kii ayuu tabar milatari u tahay Dalka Talyaaniga, isagoo dib ugu soo laabtay dalka sannadihii Lixdamaadkii.

Sannadkii 1971-kii wuxuu mar kale waxbarasho jaamacadeed u aaday dalkii horey loo oran jiray Midowgii Sofiyeeti; isagoo soo bartay Culuunta siyaasadda; wuxuuna dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 1974-kii. Horraantii siddeetamaadkii ayuu taliye u noqday xeryihii lagu kala magacaabi jiray gaasaskii 4-aad iyo 5-aad ee ciiddankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku kala yaallay Gaalkacyo iyo Baladweyne.

Sannadkii 1984 ayuu Jeneraalku waxbarsho jaamacadeed mar kale u aaday dalka Masar, wuxuuna soo bartay Cilmiga islaamka iyo kan millatariga, wuxuuna dib dalka ugu soo laabtay 1986-kii, isagoo isla sannadkaas illaa 1990-kii maamule ka ahaa Akeedimayadii Cilmiga Millatariga Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay 1990-kii wuxuu Jeneraalku noqday nabaddoon ka shaqeeya heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ay dagaalladu ku dhex mareen magaalada Muqdisho iyo meelaha kale ka baxsan wuxuuna ku guulaystay in badan oo isku dayadiisa ah. Jeneraalku wuxuu ka qaybgalay in badan goobo badan oo looga hadlayay sidii Soomaaliya ay nabad ku heli lahayd, wuxuuna ahaa nin ku tilmaaman nabaddoonnimada. Jeneraalka waxaa lagu xusuustaa nabad jecaylkiisa, kamana go’I doono niyadda inta samaha jecel iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Hadalkii ugu dambeeyay ee uu jeediyana waxay ahayd in sidii ay suurogal ku tahay nabad loogu soo dabbaalo Soomaaliya.

ALLAHA u naxariisto Jeneraal Maxamed Cabdi Maxamed ehelladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ALLAHA ka siiyo…Aamiin...

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@msn.com

WARARKII HORE:::


Allaha unaxariistee meeytkii Jan Maxamed Cabdi ayaa  loo duuliyay Magaalada Muqdisho Ee  Dalka Soomaaliya si loogu aaso

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk

Jan Maxamed Cabdi oo Saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Magaalada  Nairobi ayaa galabta loo duuliyay Meedkiisii Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya si loogu aaso alaha unaxariistee Jan Maxamed Cabdi oo koox aan heebtooda lagaraneen ku Dileen magaalada Muqdisho Isaga oo ka soo baxay masaajid Xiligii salaada subax Shantii Bishan, 

Jan Maxamed Cabdi ayaa la keenay magaalada Nairobi si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad  ka dib markii xabado dhoowra looga dhuftay caloosha oo burcadi si ka baxsan bini aadanimada ula dhaqmeen burcada dishay wali lama hayo . 

Alaha unaxariistee Jan Maxamed Cabdi waxa uu ka mid ahaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliya waxaana uu sabab saday Jan Maxamed Cabdi Afkaartiisa isaga oo u ololeeynayay in dalka Soomaaliya nabad iyo dimuquraadiyad laga yagleelo, 

Waxaa tacsi tiiraanyo badan udiray dhamaan xubnaha xidhibaanada Soomaaliyeed Saxafiyiinta Aqoonyahanka iyo Culumada Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi


Maydka marxuum Gen,Maxamad Abdi oo lagu wado in loo qaado Mogadisho Maanta.iyo xoghayihii maxmad dheere oo xalay la toogtay.

Canab Mumtaz | SomaliTalk |Nairobi |  Nov 10, 2004

 
Marxuumka oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Agga-Khan ee magaalada NBI waxa uu la ildarnaa dhaawac daran oo ka soo gaaray maliishaad hubaysan oo goor habeen ah isagoo ka soo baxay masaajid ku toogtay xaafad ka mid ah magaalada mogadisho dhowr maalmood ka hor.
 
Dhaawacaas dartiis ayaa marxuumka loogu soo gudbiyay magaalada NBI si loogu helo tayocaafimaad oo sare si xaaladiisa dhaawac ay uga soo rayso,dhaqaatiirta isbitaalka Agga Khan ayaa isku dayay in wax wayn ka qabtaan xaaladiisa labadii maalmood ee la soo dhaafayna Gen xaalkiisa waxa uu ahaa mid aan dhinacna jirin.
 
Allaha u naxariisto Marxuum Maxamad abdi waxa uu ka mid ahaa saraakiishi ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugnaa magaalada mogadisho,sababta dilkiisana illaa hadda lama shaacinin walow la hadal hayay arrimo ku luh leh siyaasad sida ay ii sheegeen illo xog ogaal ah, dad badan ayaa ku tilmaamaya in arrimahan ay yihiin kuwo aad looga naxo oo ku soo badana magaaladda Mogadisho.
 
Magaca Gabadhii Soomaaliyeed ee Lagu Diley Minneapolis oo Shaaca Laga Qaaday
Waxaana magaceeda la oran jirey
..... Guji... Nov 10
Eheladda marxuumka ayaa ii xaqiijiyay in maydkiisa maanta loo duulin doona magaalada mogadisho si loogu xabaalo, waxaana marxuumka tacsi u diraya dhamaan saraakiishi ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo  noocyada kale ee ciidamada ee ku sugan magaalada NBI.waxayna Alle uga baryayaan in uu ka waraabiyo Naxariisti Janno Marxuumka, Samirna ka siiyo ehelkiisa iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed.
 
Isla xalay waxaa magaalada mogadisho lagu toogtay xoghayihii Maxmad dheere oo lagu magacaabo Maxamad Xasan Taakow Dagmada Yaaqshiid Meel u dhaw D/hoose dhexe ee Yaaqshiid.
 
Dilalka noocan ah ayaa baryahaan aad ugu soo badanaya magaalada Mogadisho iyadoo dad badan ay is waydiinayaan waxa keenay dilalalka noocan ah oo iskugu jira aargoosi,kuwo siyaasadeed iyo kuwo ujeedo la'aan ah.Mogadisho malahan maamul.waana halka ugu hubka badan somaliya maxkamadaha ka jirna waa kuwo aan awoodoodo midaysnayn waayo waxaa lagu dhisay qaab qabiil.sidaasna ay kalifto in aysan waxba ka qaban karin dhibaatada noocan ah iyo kuwo kaleba mar hadii uusan jirin maamul guud oo cadaaladda mariya dambiilayaasha.

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>


Waxaa Saqdii Dhexe xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi Jan Maxamed Cabdi oo sababo caafimaad loo keenay Nairobi
Alaha unaxariistee Waxaa magaalada Nairobi ku Geeriyooday Jan Maxamed Cabdi xalay saqdii dhexe

Jan Maxamed Cabdi waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaan Shantii Bishan

isaga oo ka soo baxay Masid Jaamac Ku Yaalaa Xaafada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho kooxo Hubeeysani ku dileen Burcada marxuumkan dishay ayaan cidina Garaneen Sidoo kalle Cidina ma oga Cida soo sirtay ,

Waxaa la keenay magaalada Nairobi iyadoo xaaladiisa caafimad waxba looga qaban waayay magaalada Muqdisho Jan Maxamed Cabdi Sida ay ii sheegeen dad qaraabadiisa ah waxaa meedkiisa loo duulin doonaa Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ma cada goorta loo qdi doono meedkiisa Muqdisho

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk


General Maxamed Cabdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday Isbitaalk ku yaalla Nairobi

Waxaa xalay xaqdii dhexe magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Gen. Maxamed Cabdi Maxamed oo ay rag hubeysani ku toogteen dhawaan gurgiisa hortiisa xilli uu ka yimid sallaada subax oo uu ku soo tukaday masaajid ku yaalla agagaarka gurigiis.

General-ka dhaawaca gaaray ayaa ahaa mid aad u halis ah kaddib markii ay ku dhacday 4-xabbadood oo qaarkood ay ka haleeleen caloosha, waxaana isla markii uu dhaawucu gaaray loola cararay Isbitaalka Keysaney oo ay dhaqaatiirta halkaas joogta la tacaaleen dhaawaca Generalka balse waxaa laba maalmood kaddib la iclaamiyay in loo qaado Generaalka dalka dibaddiisa qaasatan Kenya si halkaas loogu soo daweeyo.

Isbitaalk ku yaalla magaalada Nirobi ayaa la dhigay Generaalka si loogu daweeyo halkaas, balse habeennimadii xalay ahayd saqdii dhexe ayuu Generaal Maxamed Cabdi Maxamed ALLAHA u naxariistee ku geeriyooday gudaha isbitaalkii uu yaallay.

Dhaawaca Generaalka ayaan illaa iyo hadda la ogayn cid ka dabsay, waxaana sidoo kale dilal noocan oo kale loogu gaystay Muqdisho saraakiil badan oo ka tirsanaa Ciiddammadii Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan u ololeyn jiray sidii Soomaaliya ay kaga bixi lahayd nabadgalyo darrida ku raagtay.

Mohamed Hussein Jim'ale <jantiile12@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk | Nov 10, 2004


Soomaalida Deggan Islii, Nairobi oo Isu Diyaarinaya Ciidul-Fidriga
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii ayaa... Guji...

Abdullah bin Abdulaziz oo Makkah ku Qaabilay Cabdullaahi Yuusuf
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG oo boqashada ku maraya Sucuudiga ayaa.. Guji..

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jabhadda JWXO-ONLF
Ka akhri wararka Radiyo Xoriyo ee maanta...
Guji...


AKHRI::: IIDAHA iyo SALAADAHOODA

 


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD