SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey

Qore: Maxamed cali | SomaliTalk.com | Minneapolis | MN | USA | Sept 7, 2004

BAYAANKII CULIMADA KA DHEGEYSO HALKAN.... [5:44 minutes) ama ka dhegeyso halkan

Caawa oo ah habeen ay soo geleyso talaada waxaa magaalada Minneapolis kusoo gabagaboobey kulan diineedkii saddexda maalmood ka socdey magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee daka Maraykanka.

Kulankan oo ku dhammaaday guul iyo nabad gelyo, waxaa Dadka ka soo qayb galay waxaaa lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo qof. Waxa kale oo Internetka PalTalk toos uga la socdey boqolaal Soomaaliyeed.  Culmo Soomaaliyeed iyo aqoon yahanno aad u tiro badan ayaa ka soo qayb galay (magac culimadii  kulanka ka hadlay ka akhri dhammaadka qoraalkan), waxaa kale oo kulankan furitaankiisii yimid oo ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee Minnesoya, Thomas Hafilfinger iyo duqa magaalada Minneapolis, R.T. Rayback.

Waxaa aad u cajaa'ib badnaa in dumarka Soomaaliyeed oo goobta soo camiray ay 100% ahaayeen kuwo ku xijaaban xijaabaka ay tilmaamtay diinta Islaamku - xijaabkaas oo mid ka mid ah culimadii ka hadlay mu'tamarku uu ku tilmaamay in culimada qarnigan nool ay xijaabka saxda ah ku tilmaameen xijaabka ay qaadaan dumarka Soomaaliyeed.

Intii kulanku socdey waxaa goobta mu'tamarka kusocdey shahaadaha loogu qabtay oo ku soo Islaamtay gabar Maraykan ah.

Waxyaabaha kale oo cajaa'ibka ahaa waxaa ka mid ahaa in gabdhaha Soomaaliyeed ay ciida cunsiiyeen wiilasha kaddib markii ay ku tartameen Cilmiga shareecada islaamka, fiqiga, siiradii Nebigii & aqoon guud. Afartii ugu dambaysta isugu soo haray waxay ahaayeen afar gabdhood oo da'yar, tartan su'aalo lagu weydiiyey gabdhahaas Yusra iyo Saamiyo  waxay noqodeen barbaro oo waxay galeen kaalinta koowaad, wax su'aal ahna ma khaldin, halka ay sidoo kale barbaro noqdeen Salmo iyo Ruqiyo, waxayan galeen kaalinta labaad. Kaalinta koowaad gabdhaha galay waxay mid kasta la siiyeye $300, halka min $200 la siiyey gabdhaha kaalinta labaad.

Mu'tamarkan wuxuu ahaa kii ugu faa'iidaada badnaa ee ay yeeshaan bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, waxaa kulankaas lagu soo bandhigay cilmi qofkii goobta joogey aan weligiis ka harayn, waxa uu ahaa mu'tamar qofka u dhisaya fikriyan. Dadka ku guubabinaya in ay diintooda bartaan, adkaystaan dhaqankooda suuban ee Islaamka, ka fogaadaan xumaanta oo dhan, iyo cilmi aan qalin lagu soo koobi karin.

Goobta mu'tamarku ka dhacay haddaan sawir ka bixino waxay ahayd faras magaalaha ama bartamaha magaalada Minneapolis, guriga baaxada weyn ee loo yaqaan Minneapolis Convention Center, waa xarunta ugu baxada weyn Minneapolis ee lagu qabsado kulamada waaweyn, waxaa qaybta kulanku lagu qabtay saddexda maalmood lagu kireeyey $40,000. Laakiin sida aan kor ku xusnay cilmiga goobtaas laga faa'iidey laguma cabiri karo lacag qiima kasta oo la sheegona waxaa ka sareeya kulanka ay dad Muslimiin ah kulmeen oo wanaag ku kulmeen ayagoo cilmi kala faa'iidaya.

Burburka Kaniisadii ka dhisnaan jirtey bartama ama farsa magaalaha Muqdisho.. waxayna ku burburtay dagaalkii  Guji

Kulanka waxaa si toos ah loogu caddeeyey in ay dadka Soomaalida ah ku wajahan yihiin barnaamij gaalaysiin ah, barnaamijkaas oo si toos ah ugu wajahan gebi ahaan maujtamaca Soomaaliyeed. Waxaa goobtaas lagu cadeeyey in ay jiraan Soomaali kugula hadlaya afka Soomaaliga oo ku leh gaalo ayaan nahay, waxaa kale oo kulanka laga cadeeyey in meelaha hadda ugu daran dhulka Soomaaliya ee sida ba'an gaalaysiintu ay faraha kulul ugu hayaan ay ka mid yihiin Somaliland, ayagoo baraanmijkaasi hadda kusoo bilaabanayo Puntland, waayo waxaa la sheegay in meelaha nabada ah barnaamijyadaas lagu wajahay. Waxa kale oo kulanka laga cadeeyey in weligeed uu jirey barnaamijka ku wajahan Soomaaliya, sida dhismihii Kaniisad ka dheer masaajidada oo laga dhisay Muqdisho xilligii gumeysiga, inkasta oo kaniisadaas hadda la burburiyey.

Barnaamijyadii laga soo jeediyeey kulanka waxaa kamid ahaa:

  • Nikaaxa, Furriinka, Tarbiyadda Carruurta, Xijaabka, Zinada, Ka hortaga ilmo iska soo ridka, kala maqnaanshaha qoyska, Xalka Mushkulada Soomaaliya, Ku badbaadida Qurbaha, Raadinta Cilmiga, Gaalaysiinta 'tansiirka', Quursiga, Qabyaalada, Beeca, Ribada & Noocyadeeda, Stock Exchange, Khiyaamada, Heshiisyada ganacsiga, Towxiidka, Fidinta Diinta Islaamka, Waajibka Dacwada, Fadliga dawcwada, Wasiilooyinka dacwada, Sifooyinka daaciga, Kor u qqaadida Himada, Muhiimada Iskuulada Islaamka, su'aalo & jawaabo iyo bayaan.
    [Culmadii soo jeediyeey qaybhaas ka eeg halkan... ]

Markii laga hadlayey muhiimada iskuulada islaamiga ah waxaa kulanka laga sheegay in qiyastii ay iskuulada Minneapolis ay dhigtaan ilaa 6,000 oo arday Soomaaliyed ah, kuwaas oo dhigta iskuulada dawlada ee loo yaqaan 'Public schools' iyo iskuulo loo yaqaan Charter (oo ay dhigtaan qiyaastii 1,000), iyo iskuulka Al-Amal oo ay dhigtaan ilaa 80.

Waxaa goobta kulanka laga soo jeediyey in uu jiro hal iskuul oo islaami ah oo ku yaal magaalada, tirada ardayda ee iskuulkaas dhigata waa 25% oo keliya aayaa Soomaali ah, halka qiyaastii Muslimiinta Minnesota ay 60% yihiin Soomaali - Tirada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis) oo lagu qiyaasaa ilaa 50,000.

Waxaa si gaar ah Soomaalida loogu guubaabiyey in ay carruurtooda baraan Islaamka, kuna dadaalaan carruurtooda sidii ay ugu kori lahaayeen dhaqankoodii wanaagsanaa, waa in ay carruurtooda baraan Af-Soomaaliga, waayo waxaa la ogaadey in ay carruur badani ay lumiyneen Af-Soomaaliga. Waxaa soo baxay carruur Soomaaliyeed oo luminya xarfaah' Sida 'X' ayagoo dhehaya 'H'. Luqada Soomaaliga oo luntay ayaana taas sabab u ah. Waxaana mujtamaca deggan Minnesota loogu baaqay in ay dhistaan ama helaan goobo waaweyn oo carruurta soo jiita, isla markaasna aan soo saarno ama dhisno macalimiin tayo leh.

Maalintii labaad ee kulanka, waxaa dad weynihii goobta kulanka joogey gilgiley hadal uu soo jeediyey Axmed Maxamed Keynaan, “Azhar”, asagoo ka hadlayey 'Quursiga' waxa uu yiri:  Waa in dhammaan boqrada, malaaqyada, cuqaasha, suldaanada, isilamad Soomaaliyeed waa in ay soo saaraan bayaan ay ku sheegayaan in 'Cunaqabatayntii laga qaaday midgaha', haddii ay sidaas yeeliwaayaan macneheedu waxay tahay in dhammaan isimiada Soomaaliyeed ay raali ka yihiin dulmiga lagu hayo Midgaha, ayuu yiri Azhar. Sidoo kale waxa uu Azhar la hadlay culimada Soomaaliyeed oo uu sheegay in markii hore aysan wax dembi ah ku lahayn arintan waayo maba jirin culimo si xor ah u hadli kara hadda ka hor oowaa ognahay meesha ay ku dambayn jireen Soomaaliya haddii ay hadlaan, waana kuwa hadda suurta geliyeye in qadiyadan laga hadlo ayuu yiri Azhar. Dhanka kale waxa uu Azhar yiri Aqoonyahanka Soomaaliyeed asagoo la hadlaya: hala baaro dhiiga midgaha, oo markaas halagu daro reerka ay isku dhiiga noqdaan, waa hadii laga fyursan waayo ayuu yiri Azhar. Dhanka kale Azhar waxa uu yiri waa in Midguhu aysan is qarin ee ay sheegaan cida ay yihiin.

Intii kulanku socdey waxaa lasoo bandhigay mashruuc ballaaran oo muddo ka socdey Minneapolis, mashruucaas oo lagu magcaabo 'Abuubakar Sadiiq Islamic Center', mashruucaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan $2,500,000.00 , waxaana markey taariikhdu ahayd August 31, 2004 mashruuca bangiga u taaley lacag dhan $1,027,000.00. Muslimiinta mu'tamarka kasoo qayb galay ayaa waxay mashruuca Abuubakar ugu deeqeen lacag cadadkeedu dhan tahay $160,000 (Boqol iyo lixdan kun), lacagtaas waxaa goobta lagu bixiyey 10,000, inta kale waa ballan qaad ay Soomaalidii mu'tamarka isugu timid ku ballan qaadeen in ay bixin doonaan - Dabcan mashruucaas waxaa leh Soomaalida . Waxaana la sheegay in mashruucaas loo sameeyey Abuubakar.com [ http://www.abuubakar.com/ ]

risaalaMAKTABADA RISAALA, CEDAR, MINNEAPOLIS

Cajaladihii laga duubay kulan diineedka oo Video ah oo dhamaystiran waxaa laga heli karaa maktabada Risaala ee Minneapolis.

Gabagabadii mu'atamarka waxaa culimadii la weydiiyey Su'aalo badan, su'aalahaas qaar ka mid ah iyo jawaabihii laga bixiyey waa kuwan:

Su'aal:: Su'aal culimada la weydiiyey ayaa ahayd: ka warama lacagta lagu qaato kaddib marka la sheego in qoyskii ay kala tageen ama kala maqan yihiin, taas oo been ah?
Jawaab:: Waxaa laga dhigey khiyaamada beenta ah oo ku saabsan in been laga sheego qoyska oo la yiraahdo aabihii iyo hooyadii islama degana ayagoo isla degan, khiyaamadaas oo la sheegay in ay tahay been laga sheegayo in carruurta aysan ku dhalan sharci ayadoo la rabo in shilimaad yar lagu raadsado, waa arin aan wafaqsanayn Islaamka.

Su'aal:: Sheekooyinka Dhegdheer, Araweelo, Cigaal Shiidaad oo la iibinayo maxay diintu ka qabtaa?
Jawaab:: Qisooyinkii hore u dhacay waxaa loo bandhigaya Kitaabka iyo sunada, haddii ay qisadaas kujiraan wax khilaafsan ama ka hor imanaya diinta markaas lama werinayo, gaarahaan haddii qisadu ay faafineyso khiyaamo ama been ama wax diinta khilaafsan markaas carruurta lama bari karo. Sidaas daraadeed qisooyinkaas waxaa loo bandhigayaa kitaabka, waxaana la eegayaa waxa ay qisadadu xambaarsan tahay ama tebinseyo.

Su'aal: Gabar ninkeedii xabi daa'im lagu xakumay ma la fasaqi katraa?
Jawaab: Gabadhaasi waxay xaq u ledahay in ninkaas laga fasaqo, mar haddii ninkii kujiro xabsi, gabadhiina ay bannaanka joogto, markaas ninkaas waa laga fasaqi karaa.

Su'aal: Lacag deyn qofka qaata ( iskuulka xukunkiisa muxuu noqonayaa?
Jawaab: Ribada loan-ka ku timaada, waxay noqoneysaa xaaraam, inta 'base-ka' ah waa in aad bixisaa, laakiin inta ribada ah ma bixineysid.

Su'aal: Haddii gabar la ii diido qabiilkayga dartiids maxaa talo ah?
Jawaab: Dadku waxay ku kala sareeyaan Allah u dhowaanshihiisa oo keliya, sidaas darteed in la isku xaqiro qabiil dartiis ma banaana, kuwa ku faana qabiilka waxaa rasuulku ku sifeeyey sida 'Xaar-walwaalka' - hadaba waxaa haboon in qofkaas shardiga loo eegayaa ay tahay in uu qof kaasi diin leeyahay, waxaana haboon in dadkii gabadhaas ka dhalatay lala hadlo, haddii ay diidaan in la sabro oo markaas la xaawilo gabar ilaa Allah ayaa badiyey gabdhaha suuban.

Su'aal: Waxaan ahay arday, gabar ayaan raba ain aan guursado, laakiin carruur in aan dhalo ma rabo wax barshada ayaa iga lumeysa?
Jawaab: ugu horayn Allah u toobad keen, waayo waxaadan ku kalsoonayn, waayo Allah ayaa risaaqada bixiya, waa sifooyinka Allah in uu qofka meeshuu doono ka risaaqo. Sidaa darteed waad guursan kartaa, ilaah talo saaro, waxa guurka loo guursadaa waa in ubad la helo. Arinka ah in haddii aan ubad dhalo wax barshada ayaa iga lumeysa waa arin khuraafoah, waana dacfi iimaan, ee guurso ubad badan Allah ka bari, Allah ayaana carruura risaaqadeeda ballan qaaday.

Su'aal: Waxaan guursadey nin aan tukanayn xilligii qaxa anigoo ka baqayay in uu i dilo, kaddib wuxuu raacay mooryaantii iyo jirigii, muddo 14-sano ah ayaan sugayey, hantidiisa ma arkaan ninkale ma guursan karaa?
Jawaab: Sida gabadhu u sheegayso haddii ay tahay, waayo waxay tiri waxaan uu ninkaasi guursadey ayadoo ka baqaysa, haddii guurku sidaas u dhacay waa "Ikaraah", sidaas darteed guurkaasi ma banaana. Haddii aysan 'Ikraah' ahayn oo ay la dahay 14sano oo aysan aqoon meel uu jiro, ha u tagto culimada waalaga furayaa.

Gaba gabadii  kulanka waxaa loogu mahad celiyeye dhammaan intii ka qayb qaadatay kulanka.


Bayaanka ka dhegeyso halkan ama Halkan...
BAYAANKII GOLAHA MASAAJIDDA:::
Ugu dambayntii waxaa bayaan kulanka ka soo saaray Golaha Masaajida Soomaaliyeed ee Maraykanka, kuwaas oo ka kooban 14 masaajid oo ku yaal maraykanka oo ay maamulaan Soomaalidu., bayaankaas oo ku socda dhammaan umadda soomaaliyeed, culimaa'u diinka, madax dhaqameedka, xildhibaanada baarlamaanka dhowaan loo doortay Soomaaliya. BAYAANKII CULIMADA KA DHEGEYSO HALKAN.

Duco ayaana lagu soo gabagabeyey kulankii guusha ku dhaamaday, loo duceeyey gebi ahaan mustamaca Soomaaliyeed. Waxaana lagu khatimay Qoraan..

Dadkii ka hadlay Kulanka:::

1

Sh. Abdirahman Sh. Omar

Imam Masjid Imam Shafie in Minneapolis MN

2

Sh. Mohamed Ma’alim, Dr.

Ph.D. Islamic Law in Azhar; Minneapolis MN

3

Sh. Abdishakur Ibrahim, MPA

Imam of Masjid Al-Faarooq Nashville, TN

4

Sh. Ibrahim Mohamed, M.A

Imam of Masjid Abubakar Seattle, WA

5

Sh. Nuh Isse, B.A

Imam of Islamic Foundation, Alexandria Va.

6

Sh. Adam Abdullahi

Assist. Imam Masjid Ibn-Taymiyha Columbus,Oh.

7

Sh. Mohamed Khadar, M.S

Imam of Masjid Al Ansaar San Diego, CA

8

Sh. Abdirasaq Hashi

Imam of Masjid Al-Taqwah, Boston, MA

9

Sh.Abdirasaq Takar, Ph.D Islamic law

North London Mosques, London, U.K

10

Sh. Abdisalan Sharif, M.S

Imam of Masjid Darul- Hijra.  Mpls, MN

11

Ahmed Mohamed Keynan, “Azhar”

B.A. History, & Ex. Director, SIMA Org. MN

12

Sh. Waleed Edrees

Imam of Dar Al Farooq and Lecturer  at AOU

13

Thomas Hafilfinger

U.S Attorney General, Minnesota District 

14

R.T. Rayback

Minneapolis Mayor

15

Hashi Abdi“Shafi”

Somali Action Alliance

16

Guidance Financial Group

Home Finance

17

National Lawyers Guild

Know Your Rights

18

Abdirashid Hassan Aabi

Islamic Caller

19

Sh. Bashir

Islamic Caller, Oromo Community

20

Sh. Abdirahman

Islamic Caller, Oromo Community

21

Sh. Safir

Islamic Caller, Oromo Community

Mu'tamarka waxaa garab socdey barnaamijyo loogu talo galay da'yarta. Guud ahaan jadwalkii mu'tamarka ka eeg halkan...

Waxaa la xusuusiyey Soomaalidii kulanka kasooqayb gashay in kulankan oo kale la qaban doono sannadka dambe ee 2005 bisha September, insha Allah.

Waxaa isku soo dubaridey;
Maxamed Cali
somalitalk@msn.com
Minneapolis, MN
SomaliTalk.com

Faafin: Somalitalk.com | Sept 7, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD