Aabbihii Waxbarashada:
Maxamuud Axmed Cali
Waxa
igu takhlan wax badan. Waxaan tebanayaa wax badan. Waxaan
tiigsadaa wax maqan, waxana tasoobi kara wax badan.
Tilmaanta lagu soo baadi sooci karo magaca Maxamuud Axmed
Cali in ay tahay Aabbihii Tacliinta
ummaddeenna waa arrin lagu wada qanacsan yahay oo aanu
maanta muran ka taagnayn. Hase yeeshee waxa tabashada
dareenku sii kordhaysaa, guhaad iyo canaan kobocsan oo
qalbiga ogoggiisa ka soo go’ayna kugu taagmayaan marka
intaas hoos looga sii daadego ee wax la iska weydiiyo
sooyaalka iyo taariikh-nololeedkii shakhsiyaddaas mudan,
shakhsiyaddaas magaceedu maamuuska iyo milgaha leeyahay,
shakhsiyaaddaas maqaamka sare ku leh taariikhda ummadda,
godka ma-guuraanka ahna ka fadhiisata sooyaalka ummadda iyo
dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee
hiraalkeeda ku astaysan.
Dad badan oo weliba u togan inta isku tirisa in ay aqoonta
ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama
aanay soo rogan karin wax dhaafsiisan ama ka durugsan in
Maxamuud Axmed Cali ahaa Aabbihii waxbarashada, waxana
suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka mid ahina
aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu
maskaxdooda ku jirin, soona hor marin ogaalkooda. Miyaanay
suurta gal ahayn in magacuba tasoobo, in da’faceedda hadda
koraysa iyo kuwa soo socdaaba aanay la kulmin magaca
Maxamuud Axmed Cali iyo inta kale ee inta badan ka mudan! Ma
jirto dunida guudkeeda meel iska bannaani. Halka wax ka
baxaan iskama bannaanaato ee waxa buuxiya wax kale. Tolow
maxaa dhacaya haddii magaca Maxamuud Axmed Cali iyo hebello
kale halkooda ka baxaan? Miyaanay suurta gal ahayn in wax
sawaaban oo taban, boolina ahi soo baxaan oo halkooda
fadhiistaan! Ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan
jiritaan sugan lahayn!
Halistaas
bidhaamaysa ayaa joogtaynaysa in loo hollado in la raadiyo,
waxna laga qoro duug-yaal badan oo tiir-dhexaad u ah
taariikhda ummadda iyo hidde-sidayaasheeda ay ku dhaadato.
Maxamuud Axmed Cali Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid
yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda, waxanu
macagiisu buuxinayaa oo lagu soo baadi-sooci karaa
tilmaansi-ahaan nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee
C/laahi Qarshe : Aqoon la’aani waa
iftiin la’aan. Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo
hirgeliyihii waxbarashada casriga ah, waxanu ahaa
macallinkii suurta geliyey in ay tacliin qaataan oo wax
bartaan, aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah
qalinleydii ugu horreysey ee soomaalida.
Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer,
degmada Burco hilaad-ahaan kala guurkii labadii qarni ee
tegey (dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii
20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah ku
qaatay magaalada Berbera dugsi ku yaalley oo wax lagu bari
jirey arday isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid
ahaa arday fara-ku-tiris ah oo soomaali ah oo dugsigaas loo
oggolaaday. Sannadkii 1919kii waxa waxbarasho loogu diray
waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay magaalada
Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo
yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920aadkii
ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay waxbarashadaas.
Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi
oo weheliyey kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda
oo laga soo dheegtey Diinta Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo
noocaas ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah) madax u yahay laga
furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905-tiina waxa laga
furay magaalada Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa
Dhaymoole oo ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa
ay ka hor yimaaddeen furitaanka dugsiyadaas. Waxa soomaalidu
la diiddanayd ubadkooda in la baro diin aan ahayn diintooda
Islaamka, waxana soo baxay dareen muujinaya in qasdiga ka
dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta
Diinta Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen muddo ka dib
dugsiyadaasi. Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee
waxbarashada ka bilaabay waxa ka mid ahaa Alle ha u
naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise
Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer,
Maxamuud Diiriye Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii
dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas loo qaaday dhinaca
magaalada Cadan oo looga sii ambaqaaday tacliintaas
Baaderiga.
Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada Suudaan ka soo
laabtay, waxa uu noqday shaqaale dawladeed. Waxa uu Maxamuud
ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu
ka dheregsanaa oo fahansanaa khilaafka dhex-yaallaa
soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Sidaas darteed waxa
uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan waxbarasho ka
duwan taas fashilantay ee Baaderigu hormuudka u ahaa. Waxa
uu isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii
waxbarashada ee soomaalida oo ahaa malcaamadihii qur’aanka,
si la isugu soo taago oo ubadka loogu oggolaado in ay ka
qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah oo
Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud
Axmed Cali la noolaa dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una
taagnaa sii horu marintiisa. Waxa uu daba joogey dedaalkii
soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn ee Alif wax maleh, Ba’ hoos
ku hal leh ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey,
Alif laa godey, waxanu ku qanacsanaa in hore halkaas looga
sii heetiyo oo tallaabo kale la sii ruqaansado.
Maxamuud Axmed Cali waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u
koray in uu aqoon ku ababiyo ubadka soomaalida iyo sidii loo
heli lahaa goobihii waxbarashada lagu siin lahaa ee la isugu
keeni lahaa marka ay malcaamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud
waxa uu geli jirey safarro dhaadheer si uu u soo ururiyo
carruur waxbarashadaas ka qayb qaadata. Waxa uu kaxaysan
jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari
jirey dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer
guuraaga ah ee soomaalida. Waxa uu weydiisan jirey in ay 20
ama 10 ama 5 wiil ku daraan, si uu u geeyo goobaha
waxbarashada. Inta badan waa lagu diidi jirey arrintaas,
meelaha qaarna waxa uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn.
Dadku waxa ay uga biya-diidayeen waxbarashada casriga ah,
waxa ay ka dareen qabeen dugsiyadii bilowga ahaa ee
Baaderigu hor kuutinayey, hase yeeshee Maxamuud Axmed Cali
waxa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida loo qabey in la
abuuro waxbarasho maaddi ah oo la jaanqaadi karta diinta iyo
dhaqanka ummadda oo aan ahayn taas laga wayiigayey ee
baaderiyeysnayd.
1929
oo ku beegnayd xilligii uu Maxamuud waxbarashada ka soo
laabtay, waxa dhulkii soomaalida ee uu Ingriisku xukumi
jirey (British Somaliland Protectrate) ka furnaa dhowr
iskuul oo Ingriisku maal gelin jirey, niman waddaado ah
ayaana ardayda ugu dhigi jirey qorista iyo akhriska carabida
iyo barashada xisaabta. Dhinacii kale Talyaanigu xukumayey
ee Koonfurta waxa xilligaas si fiican uga hana qaadayey
dugsiyo badan oo hoos tegayey Kiniisadda Talyaaniga, waxanay
dugsiyadaasi ka furnaayeen magaalooyinka Muqdisho, Marka,
Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo, Raas Xaafuun
iyo meelo kale. Talyaanigu kalama kulmin Koonfurta
cadaadiskii iyo diidmadii waxbarashada ee Ingriisku kala
kulmay Waqooyiga. Taas ayaana keentay in dugsiyo badani hore
uga furmaan Koonfurta. Hormuudkii waxbarashada xilligaas
bilowga ahaa ee geyigaas soomaalida ee Talyaanigu
gumaysanayey (Koonfurta) waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee
Macallin Jaamac Bilaal oo dedaal weyn u galay tis-qaadka
dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo
nawaaxideeda. Fartii Cismaaniyada oo uu horseed u ahaa Alle
naxariistii janno ha geeyee
Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa iyana xoog ku
lahayd meelo badan oo dhulalka soomaalida ka mid ah.
Udub-xooggii dhaqanka iyo hiddaha soomaalida Muuse Galaal
ayaa isna dedaal u galay xilliyadii kuwaas ku taxnaa
kobcinta iyo soo bandhigidda bilicda iyo qanninamada
suugaanta iyo afka soomaaliga.
Sannadihii 1930-naadkii waxa kordhaysey tirada dugsiyada,
waxana iskuullo laga dhisay magaalooyinka Berbera, Burco iyo
Hargeysa. 1936 waxa Ingriisku Somaliland u soo magacaabay
agaasimihii ugu horreeyey ee arrimaha waxbarashada.
Agaasimahaasi markii uu magaalada Burco soo gaadhey waxa
lagala hor yimi bannaan-baxyo xoog leh, dadna ay ku dhinteen.
Maxamuud Axmed Cali iyo rag kale oo la fogaan-arag ahaa waxa
ay isku deyayeen mar walba in la isku soo dhoweeyo
soomaalida iyo waxbarashada. Waxa xilligaas durba la
bilaabay dhaqdhaqaaqii ciyaaraha (sports) gaar ahaan
cayaaraha fudud, sida jimicsiyada iwm. Waxa ay Maxamuud
aragti-wadaag ahaayeen Alle ha u naxariistee Cabdi Siciid
Xuseen oo Cadan wax ka soo bartay, una go’ay gardaadinta iyo
kobcinta cayaaraha (Sportiga). Cabdi Siciid waxa aynu ugu
yeedhi karnaa Aabbihii Sportiga. Waxa la tilmaamaa in maalin
lagula soo qamaamay dhagxaan magaalada Berbera Cabdi Siciid
iyo Maxamuud Axmed oo carruur jimicsi ku siinaya deyr meel
iskuul ah ku dhex yaalla. Waxa laga tibaax bixiyaa in niman
sheedda ka halacsadeen carruur jimicsi ahaan u
foor-foororsanaysa, waxanay u maleeyeen in carruurtu
sujuudsan tahay. Suuqa dadkii joogey ayay ku dhex dheceen,
waxanay ku dhiillo geliyeen in carruurtii lagu khasbayo in
ay cadceedda u sujuudaan. Waxa halkaas ka dhashay baa la
yidhi weerar lagu soo qaaday goobtaas carruurtu jimicsiga ku
qaadanaysey.
Xilligii dagaalkii 2aad ee dunida waxa magaalooyinka waaweyn
ka furmay iskuullo kale oo cusub, waxanu Ingriisku bilaabay
maal gelinta 19 malcaamadood oo ku yaalley Berbera, Burco,
Hargeysa iyo magaalooyin kale. Waxa xilligaas ka dib soo
iftiimayey dareen hoosta ka xarriiqaya in indho ka duwan
kuwii hore lagu eegayo dugsiyadaas laabta la soo kacayey ee
waxbarashada, Maxamuud Axmed Calina uu gadh-wadeenka ka ahaa.
Waxa furmay dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud oo lagu qaadan
jirey ilaa tacliinta dugsiga sare. 1953 waxa magaalada Burco
laga furay dugsigii u horreeyey ee hablaha, waxana dalka ku
baahay furitaanka dugsiyadii hoose iyo dhexe. Ragga culimada
ah ee furitaanka dugsiyada iyo kobcintooda dhiiri gelinta
siinayey, waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Sh.
Ismaaciil Faarax oo magaalada Burco malcaamadaha iyo
dugsiyadii ugu horreeyey macallin ka ahaa.
Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu
ibo-bixiyey, horseedna ka ahaa in ay wax bartaan
dhalliinyaro badan oo degaanno kala duwan ka soo kala jeeda
laga soo bilaabo bariga shishe ilaa galbeedka durugsan
dhulkii loo yaqaanney British Somaliland Protectorate,
maantana ah Jamhuuriyadda faca yar ee aan weli aqoonsiga ka
helin beesha caalamka ee Somaliland. Waxa la tilmaamaa in
kooxdii ugu horreysey ee qalinka ku raad barataa tacliintaas
dhaladka ah ay ka mid ahaayeen: Sh. Xasan Maygaag Samatar,
Maxamed Shire iyo Cali Jirde. Kooxdii labaadna waxa ka mid
ahaa: Yuusuf X. Adan Qabille, Ismaaciil Yuusuf
Samatar-Gaandi iyo Maxamed-Ruun Sh. Madar.
Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu ahaa nin
hal-adayg leh, lana falgalay oo ku milmay duxda hiddaha iyo
dhaqanka soomaalida, kuna xidhan oo ka dab-qaata yaqiinta
iyo diinta ummadda. Waxa dad xidhiidh gaar ah iyo aqoon u
lahaa ii caddeeyeen in nolosha iyo hab-dhaqanka Maxamuud
Axmed Cali ay muxaafid u ahaayeen si wax-ku-oolnimo ah
dhaqanka iyo caqiidada ummadda, waxana qalbigiisa ku dheeraa
oogidda salaadda. Ingriiska oo hoosta kala socdey
shakhsiyaddiisa hanka weyn iyo miigganaantiisa qofnimo, ayaa
jeclaa in uu Maxamuud Axmed gumeysiga wax uun kula bahoobo,
lana wadaago dhinaca caadada iyo hab-dhaqanka nololeed ee
wada macaamilka bulshaawiga ah, wuxuse Maxamuud Axmed Cali
tusmaystay baadi-sooc (sumad) lagaga hamrado, lagaga
haybadeysto, laguna taxgeliyo oo ah inuu naftiisa iyo
ahaanshaha asalkiisa ixtiraamay, yeeshayna dedaal iyo
firfircooni dhug leh, garasho leh, abbaarna leh oo ku
astaysan dhaabadaynta dhaqanka iyo caqiidadiisa.
Aabbihii
Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu la dhashay oo ay
walaalo ahaayeen labadoodaba Alle ha u naxariistee C/raxmaan
Axmed Cali-Tuur oo ahaa nin ku xeel-dheer arrimaha
diblomaasiyadda, ahaana madaxweynihii ugu horreeyey ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxamuud Axmed Cali- Aabbihii Tacliintu waxa uu ku
geeriyoodey magaalada Muqdisho horraantii 1980-naadka,
Allena ha u naxariistee waxa uu ifka kaga tegey wiil iyo
dhowr gabdhood iyo dad iyaga ka sii tafiirmay.
Kani waxa uu ahaa dheeg ku saabsan ibo-furka baadhitaan iyo
daraaseyn ku taxmaysa Sooyaalkii Maxamuud Axmed Cali-
Abbihii Waxbarashada, waxannuna ka martiyaynaa, ka
quud-darraynaynaa, kana codsanaynaa qof kasta oo haya tibaax
iyo tilmaan wax nagu biirin karta inuu noogu soo hagaajiyo
Toobiyaha xidhiidh-tebineed (E-mail address) ee hoos inshu
ugu tegi doonto. Horaa loo yidhi ‘Far keli ahi; fool ma
dhaqdo iyo tabantaabaday laba gacmood; tamar ku yeeshaan’.
Isla toos toosinta wixii tuur iyo tirbiicooyin yeeshaa;
turxaan ma leh, tawsna ma reebaan; tiskase aan la isla
tiir-tiirin ee la isku tuur-tuuro, ayaa tiiraanyo reebi kara.
Tubta toobiyeysan taas baanu u aragnaaye soo tebiya
tilmaantiinna. Aabbihii Tacliinta_Maxamuud Axmed Cali.
Mahadnaq: waxa aan aad
ugu mahadcelinaynaa abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir)
oo sawirka Maxamuud Axmed Cali noogu deeqay.
Qalinkii
Maxamed Baashe X. Xasan
Xidhiidhka:
Maxamed Bashe:
mohamedbashe@yahoo.co.uk
Yaasiin Jaamac (Suldaan) :
suldaan@aftahan.com
Mareegaha: www.aftahan.com
ama www.hadrawi.com