SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


BURBURKA ONLF MALOO DARSAN MISE WAA LAGA RAYSAN?

Hadalada ka soo yeedhay koox isku magacawday inay yihiin ururka badbaadinta ee ururka wadaniga ogadenia , ayaa sheegay ka dib markii ururku isugu yimaadeen shirkii dhacay bishii june ee 2004 ta . Ayaa khilaafaad soo kala dhex galay ururka , ka dib markii laga codsaday hogaanka ururka ONLF inuu qabto shirwayne lagu soo dooranayo hogaan cusub waa sida hadalka kooxdaasi ay u yidhaahdeene.

Hadaba sida ay kooxdaasi ka codsadeen dadka iyagu ay matalaan ee reer ogadeinya , waxay ka codsadeen inay hakiyaan taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen jabhada ilaa inta shirwayne laga qaban doono oo lagu soo dooran doono hogaan cusub. Waxa hadaba u baahan in lays waydiiyo su'aalo dhawr ah .Intee in le'eg ayay dadwaynaha reer ogadeniya taageersan yihiin jabjahada xilligan xaadirka ah ? . Sidee ayaase loo dareen san yahay khilaafkan maamul ee soo dhex galay jabhada. ?. Mase dhici kartaa in ay jabhada ONLF ay baaba'do ? hadiise ay baa'bado maloo darsan doonaa mise waa laga maarmi doonaa ? maadaama ay jiraan dhibaatooyin fara badan oo loo gaystay , dhamaan dadwaynaha somaliyeed ee dagan degaanka bariga Ethiopia .

Waxaan su'aalahan u dhaafayaa jawaabahooda , dadka somalida Ethiopia ee iyagu daneeya danta guud ee Somali Galbeed. Waxa kale oo is waydiin mudan , hadii in badan jabhada ONLF ay cabudhis ku haysay dadka kale ee dagan Dhulka somalida Ethiopia , ma jiraan dadkale ama ururo kale oo matali karaa ummada somalida Ethiopia taasoo siyaasad ahaan iyo magac ahaanba ka duwan tii ONLf.

Sida ururkii hore loo oran jiray Somali Galbeed iyo kuwo kale oo imikaba ka jira kililka shanaad. Waxaan hadaba kula talin lahaa dhamaan dadka iyagu danta iyo dhulkaba wadaaga ee Somali Galbeed in ay danahooda ka tashadaan . Hadii ay burburto Onlfna ay ka faa'iidaystaan hadii uu jiray cabudhis ay Onlf cabudhin jirtay dad badan oo nabad ama magac kale oo lagu halgamo doonayay. Khaasatan ururkii la odhan jiray Ururka Somali Galbeed maxaa yeelay waa ururka qudha ee matali kara shacbiga soomaaliyeed ee reer Ethiopia hadii majaraha ay u qabtaan dad daacad ah.Isugana yeedhaan dhamaan ururada kala duwan ee ka jira dibada iyo dalka ee ka soo jeeda dadka reer Somali galbeed. Kuna casuumaan xataa dadkii hore ee isku magacaabi jiray inay yihiin ONLF , waayo ? walaalkaa hadii uu qalad kaa galo waxaa wanaagsan in aad adigu ka roonaato oo aad cafido. Taasi hadii la helo waxa la gaari karaa mustaqbal iyo nabad gelyo, waxaana mar walba aad niyada ku haysaan inaad dadkii reer miyiga ah ee abaaraha iyo xabada ONLF iyo xabashidu ay baabi'isay loo dhaamo xaalada ay ku sugan yihiin. Dhulkiinana aad ka dhigtaan sida shacabka kale ee Ethiopia , mustaqbalka caruurtiinana aad ka talisaan hadii idinku aad qabiil iyo macna daro isku haysataan. Nabadey.

ALI ALI <beeldaaje@hotmail.com>
 

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD