QUUDHSIGA
IYO TAKOORKA QIIL MA LOO HAYAA?!
Waxaa Sabtigii
la soo dhaafay ka dhacay gole ka mid ah golayaasha Jaamacada weyn ee
magaaladan Minneapolis ay leedahay shirkii looga wada hadlayey in
loo raadiyo in takoorida iyo quudhsigu uu yeelan karo sabab iyo
haddii loo waayo sidii looga bixi lahaa ama looga waantoobi lahaa.
Waxay Sabtigii la soo dhaafay ahayd maalin ay aad qoraxdu u
kulushahay oo ah cimilada lagu yaqaano gobolkan Minnisota oo ah ka
saxaraha oo kale. Saxaruhu habeenkiina beerkaa ku gariiraya
maalintiina madaxaa ku karkaraya; waa la mid Minnisota waa xilli
naqasku kugu dhegayo kuleyl awgiis iyo xilli dhaxan awgeed neeftu
kugu dhegayso. Inta aad dibada golaha lagu shirayo joogtid baad isku
dhegdhegaysaa laakiin hoolka dhexdiisu Baydhaba Janaay waxba uma
ogeyn.
Cabaar markii
la sugayey habqanka iyo dib u dhaca Soomaalida ayaa waxaa
codbaahiyaha ka dhawaaqay cod laga soo jeexay weriye caan ahaa oo
aan ka maqli jirey Radiyihii gablamay ee Muqdisho. Wuxuu ahaa
Mascade oo xiriirinayey shirka wuxuuna dhegeystayaasha u sheegay
in uu shirku furan yahay isagoo ku soo dhaweeyey
Abdi-Mahad
Xaaji Warfaa
in uu ku furo aayado quraan ah. Dhegeheenii buu Abdi-Mahad ku
akhriyey aayado uu Eebe kaga hadlayo in aan Muslimiintu is quudhsan,
is takoorin, isku xad gudbin oo aanan is jaajuusin. Wuxuu na
xasuusiyey in uu Bakhtiga Walaalkii oo mayd ah uu cunayo qofkii qof
xanta. Wuxuu nagu dul akhriyey aayadaha Qura’anka Kariimka ah ee ka
hadlaya in Laandheeruhu uu yahay qofka xaga Illaahay ugu dhow ee ugu
cibaadada badan!. Wuxuu ku gabagabeeyey Eebaa Run Badane ah. Haddaba
waxaan la yaabay kelimadaa oo markiiba aan u arkay in haddii
hadaladaa Eebe ee nalagu kor akhriyey aan khilaafno in ay la micne
tahay in aanu ka soo hor jeedne kelimadaa ah Eebaa Run Badane ah!
Eebow nagu anfac oo tawbada ha na seejin. Wallee dhegihii wax maqlaa
waansama!
Dad badan baa
la yaabaya marka la yiraahdo quraanku xili walba waa la socdaa oo
ilaa qiyaamaha waxa iman doona way ku jiraan! Waa kuwaa oo
aayadahaasi anagey nala hadlayaan oo nagala hadlayaan quudhsiga,
takoorka, xanta, Naaneysaha xun, jaajuusida, afduubka iwm.
Waxaa uu
haddana Mascade ku soo dhoweeyey Imaamka Masaajidka Ummatul-Maxamed
bal si uu dhegeheena iyo maskaxdeena u jilciyo.
Sheekh Ahmed Sh.
Cumar ( Sh. Ahmed Taajir)
ayaa salaan iyo duco noogu hambalyeeyey. Wuxuu Sheekhu noo sheegay
inuu ka hadli doono Islaamka hortii quudhsigii jirey iyo sidii
Islaamku u dabargooyey. Wuxuu na xasuusiyey in Laandheere uu yahay
ka Eebe ka baqa ee noogu cibaadada badan. Wuxuu sheegay Shiikhu in
Islaamka hortii in takoorku uu ka jirey meelo fara badan laakiin uu
ka hadli doono kii ka jirey Jasiiradii Carabta. Wuxuu noo sheegay
Shiikhu in:
• Haweenka
aad loo dulmin jirey oo dhibaatooyin badan loo geysan jirey ay ka
mid tahay haddii ninkeedu dhinto ay dhaxalka ka mid ahaan jirtay.
Islaamkuse haweenka wuu sharfay oo quraanka suuradaha ugu dhaadheer
waxaa ka mid ah kuwa xambaarsan magacyada naagaha ama ka hadlaya
haweenka iyo sida loola dhaqmo
• Gabdhaha
iyagoo yar la aasi jirey. Ninkii ay gabadhi u dhalatana uu murugoon
weji doorsoomi jirey kadibna uu iyadoo nool aasi jirey. Islaamku wuu
tirtiray caadadaas foosha xun ee ka soo horjeeda deeqda Eebe iyo
Qadarkiisa
• Takoorka
xag midabka, timaha, guurka, farsamada(kaba tole, qoti,
waardiye,tumaal iwm) ama nasabka.
Wuxuu sheekhu
na xasuusiyey Aayadihii uu noo akhriyey Abdi-Mahad iyo in qofkii qof
muslim ku yiraahda wuxuu dhibsanayo ay xanta ka mid tahay. Shiikhu
wuxuu yidhi kuwa ku quudhsada dadka denbi aysan lahayn cadaab badan
bay Eebe agtii kala kulmi karaan. Ogaada ayuu yidhi in denbiyada
waaweyn ay ka mid tahay Nasabka iyo maytida oo la caayo. Haddaba
wuxuu yidhi Islaamku guur takoorkii waagaas jirey wuxuu u baabiiyey
in ay dhacday in gabdhihii Qureysh ee Laandheerayaasha ahaa ay
guursadaan dad adoon ahaan jirey ama dad madoow oo Afrika ka soo
jeeda. Tusaale ahaan
Bilaal oo nin
madow Zayd binu Xaarith oo ahaa Adoon ayaa wuxuu guursaday Zeinaba
bintu Jaxsha oo Nebigii Suubanaa(csw) Inaa Abtidii ahayd markii
danbana noqotay nebiga xaaskiisii. Bilaal oo nin Afrikaan ah ahaa
ayaa wuxuu guursaday C/Rahman binu Coof walaashiis. Abu Xudeyba ibnu
Cutba ibnu Rabiica ayaa gabar uu adeer u yahay wuxuu u guuriyey
Saalim. Qadaad ibnu Aswad oo nin madow ahaa ayaa la siiyey Rubaaca
bintu Zubair. Haddaba qabiilka Qureysh oo laandheere ah Soomaalida
Ajiga ahina ay ku abtirsato ayaa waxay ogolaadeen in ay Adoon iyo
Afrikaan ay gabdhahoodii siiyaan. Shiikhu wuxuu yidhi 24 sano ka
hor ayaan tafsiir akhrinayey markaasaa markaa la soo gaara meelaha
Qur’aanka ay kaga jirto kelimada Cabdi ama Adoon ayaa dadka qaar
madaxa foorariyaan ama ka yara xumaadaan, markaa wxuu yidhi aqoon
la’aan iyo jaahilnimo dadka ka badatay ayuunbaa keentay in
walaalahood takooraan. Wuxuu noo sheegay in uu Nebigu(csw) yidhi
waxaa laysoo diray in aan dhamaystiro akhlaaqda iyo dhaqanka
wanaagsan. Markaa waxaan culimada ku boorinayaa meel ay joogaanba
iyo ay xaqa cadeeyaan oo si aan gabasho lahayn uga hadlaan takoorka
iyo quudhsiga lagu hayo dhamaan dadka walaalaheen ee naga midka ah
oo aanu isleenahay. Waa in culimadu ay ka qayb galaan meelaha looga
hadlayo amuurahaan oo kale si ay dadka u baraarujiyaan ayuu yidhi.
Wuxuu sheekhu ku soo gabagabeeyey in aanu Quudhsiga qiil u hayn
laakiin uu aaminsan yahay in uu tirtirmayo haddii:
• Islaamka
loo soo noqdo oo Manhaj laga dhigto lana cadeeyaa diin ahaan in
takoorku xaaraan yahay cadaabna lagu mudan karo
• La wado
baraarujin iyo wacyi gelin guud oo ay ka qayb galaan dhamaan qaybaha
kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay iyagoo adeegsanaya dhamaan
qalabka warbaahinta iyadoo la sameynayo Muxaadarooyin, dood
cilmiyeedyo iwm.
• Laga wado
hawsha gudaha wadankii ee aan laga wadin dibada oo keliya. Waa in
gudaha iyo dibadu isku xirmaan oo iska warqaataan meelna ka soo wada
jeestaan. Yaan laga daalin wacyigelinta dadkeena iyo dood
cilmiyeedyada la qabanayo.
• Lagu
baraarujiyo dadka in xirfadu iyo qofka muruq maalka ahi uu Islaamka
darajo weyn ku leedahay kan tuugsadana uu duli iyo mid hoose uu
yahay
• Si
dheelitiran looga hadlo oo yaan dhinac keliya arrintan laga eegin.
Waxaa
codbaahiyihii qabsaday abwaanka iyo macallin
Siciid Saalax.
Salaan ka dib wuxuu abwaanku yidhi wax sad ah kuma lihi mawduuca
laysiiyey ee ka hadal lay yidhi. Wuxuu yidhi taxanihii Quudhsigu
qiil ma leeyahay maaha fikradeyda ee waxay ahayd ururis ay soo
ururiyeen dadka u dhaqdhaqaaqa dabargoynta caadadan foosha xun. Bal
aan ka akhriyo intii aan ka gaadho ayuu yidhi.
Ilaa 6-dii
sano ee ugu danbeysay ayay hadal haynta arrintan waayadii hore afka
lagala biqi jirey aad u soo korodhay. Waxaan ka jeclaan lahaa in
loogu magic daro Quudhsigu Qiil maleh. Laakiin waxaan filayaa buu
yidhi Siciid in su’aal looga dhigay si Soomaalida dhegaha adag leh
loogu daayo inta ay ka quusanayaan oo qiil ka waayayaan. Ama waxaan
filayaa Su’aasha ayaaba ka fiican oraahda caadiga ah oo su’aashu
waxay keynasaa fikirid iyo dib isugu noqosha iyo ka baaraan deg.
Wuxuu xusay in Midguhu ay ka mid yihiin beelaha aan hubeysnayn ee
xilli walba lagu xadgudbo, markaa taasi waxay keeni kartaa in ay
bulshada ka dhexbaxaan. Si aysan taasi u dhicin buu yidhi waa in
arrintan deg-deg wax looga qabtaa.
Ka hadalka
ereygii cadhada lahaa ee afka lagala biqi jirey waxaa markii u
horeysay ku dhawaaqay oo bilaabay BBC iyo weriye Maxamed Abdillahi.
Waxay BBC-du soo deysay barnaamij taxana ahaa oo loogu magacdaray
Quudhsigu qiil ma leeyahay? Ilaa iyo maantana oo sanooyin badan ka
soo wareegtay ayaad arkasaa iyadoo weli laga hadlayo oo maalinba
maalinta kale ay ka sii fiicnaanaso, shirar badan iyo dood
cilmiyeedyo badana meel walba lagu qabanayo. Waxaa ka mid ahaa kuwii
lagu qabtay Jarnalka, Holland, Sweden, Minneapolis, Hargeisa iyo
Magaalooyinka kale ee Soomaaliya. Wuxuu xusan doorka ay Abwaanada
iyo Culumaaudiinku ay ku leeyihiin la dagaalanka qadiyadan. Wuxuu
sheegay Siciid in ay baxeen Gabayo iyo Suugaan fara badan sanadahan
danbe oo lagula dirirayo laguna baabiinayo Sheeko Xariiradii
quraafaadka ahaa. Wuxuu Abwaanku ku soo gabagabeeyey in ay
ururinayaan wixii xal ah oo uu dhamaadka shirka soo noqon doono si
uu u sheego sidii loo wadi lahaa iyo cidii sii wadi lahayd arrintan
iyo xal ka gaarideeda. Waxaanse la yaabanahay in uusan Siciid nagu
soo noqon mar danbe, waxaa laga yaabaa in uu iloobay!
Xiriirye
Mascade ayaa na xasuusiyey in Siciid uu shirkii hore ka saxiixay
dadkii isugu yimid meesha waraaqo axdi ah oo ay ballan ku qaadayaan
in ay la dagaalami doonaan quudhsiga iyo takoorka. Waxaa waraaqahaa
ku qornaa in cidii saxiixda la soo wici doono markii shir la
qabanayo uuna ka mid noqon doono guddi markaa la yidhi in la sameyn
doono si uu hubka darandooriga ula dhaco quudhsiga. Waxaan filayaa
in dadkii saxiixay ay weli arrintaa sugayaan ilaa iyo haddana aan la
soo wargelin waxna loo sheegin!. Magaalada xanta ku jirtay
maalintaas shirku dhacayey ayaa waxay ahayd in Gabadh u dhalatay
qowmiyada la takooro ay isjeclaadeen wiil u dhashay qowmiyada
Warsangeliga Waqooyi oo maalintaa uu shirku dhacayo ay
isguursanayeen. Waxaa la waayey wax qadada arooskii taga oo beeshaas
ah marka laga reebo in yar oo jifada wiilka ah. Habeenkii la soo
gabagabeynayey shirkana waxaa jirtay dabaaldegii arooska. Markii
laga soo dareeray golihii jaamacadu lahayd ayaa nin u dhashay
qowmiyadan la yaso ayaa wuxuu weydiiyey Abwaan Siciid Saalax waxa uu
u tegi waayey arooska. Siciid wuxuu ku yidhi waxaan necbaystay oo
aan ka soo horjeedaa sida khaldan ee ay gabadhu u inkirayso
qabiilkey ka soo jeedo. Maxay u sheeganaysaa Ogaadeen may tiraahdo
waxaan ahay Midgaan markaa waan tegi lahaa arooskaa oo ka ciyaari
lahaa!! Ninkii weydiiyey baa…………..
Waxaa
codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey
Sandheere
oo ah xubin firfircoon oo ka mid ah ururka ardayda
Soomaaliyeed. Wuxuu ku dheeraaday quudhsiga iyo fool xumadiisa iyo
in lagu takooray dadkaa xirfadaha ay sameeyaan iyo shaqada wanaagsan
ee ay bulshada u hayaan. Wuxuu na xasuusiyey sidii ay dadku markii
la soo qaxay bakhti xoolo iska daaye ay u ruugeen dad dhintay si ay
u badbaadiyaan inta kale. Wuxuu yidhi xirfadihii laga faani jirey ee
aanu ku caayi jirnay walaalaheen ayaanu ka qabanaa halkan: Makaanik,
Injineer waa Tumaal, warshadaha hilibka anagaa ka shaqayna,
dhulkaanu xaaqnaa, timahaanu jarnaa, warshadaha iyo tukaamada kabaha
ayaanu ka shaqaynaa. Wuxuu na weydiiyey sow markaa Tumaal, Midgaan,
Yibir, Jareer ma wada nihin?
Wuxuu u
sheegay in dadka la quursado ay sameystaan urur u adeega danhooda
iyo fikrad aan anigu aad ugu bogay oo ahayd: mar haddii qowmiyadan
lagu takooray farsamada in ay sanadkii bil ka mid ah fasax qaataan
si loo waayo wax hawsha qabta! Waxaan filayaa Aji badan baa Midgo
noqon lahaa! Wuxuu u soo jeediyaya dadka wax quursada in ay
Illaahood ka baqaan oo ay ku mahadiyaan kuna qiimeeyaan shaqada iyo
farsamada ay walaalahood u hayaan. Dadka la quursado wuxuu u soo
jeediyey inaysan ka caajisin dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka
caadadan iyo in ay sameystaan dad badan oo taageera oo raacsan
fikradooda. Waxaa tusaale noogu filan buu yidhi wadankan aanu joogno
oo quudhsigii iyo adoonsigii lagu hayey dadka madow ay ka
dhiidhiyeen qaar ka mid ah dadka Franjiga ah ee Cad. Waxaa dhacday
buu yidhi in aan buug ka akhriyey markii loo doodayey sinaanta dadka
Madow iyo Kuwa Cad in ay jirtay gabadh ka soo horjeeday sida daka
Madow loo galayo. Gabadhaas waxay cadaysay in aysan garanayn inta
goor ee xabsiga loo taxaabay badnaan awgeed iyo in ay dhar badan
iska dulgashan jirtay jeeb walbana ka buuxsan jirtay nacnac iyo
cunooyin fudud si haddii laxiro ay u hesho dhar ay xabsiga dhexdiisa
ku bedelato iyo waxay cunto. Wuxuu ku soo gabagabeeyey in hawl kama
daalooyin aad hawsha u dhabar adeegtaan meeshii ay idinla gashaba
ilaa inta ay hogoshu ka da’aso!
War maxaa
qoraalka iga haysta, haatana waa Abwaankii caanka ahaa ee
Sangub
oo na bariidiyey ka dibna qiso sida uu isugu
keenkeenay iga yaabisay ka meeriyey Golihii. Wuxuu ku bilaabay
Sheekoy sheeko
Beribaa waxaa
jray laba nin oo walaala ahaa oo la kala oran jirey Ajeeye iyo
Mideeye. Ajeeye wuxuu ahaa nin dhib badan oo dagaal badan oo aan
waxba qabsan oo haddana uusan ka amaan helayn walaalkii hawlkarka ah
ee Mideeye. Mideeye wuxuu beertay beer si fiican ugu baxday oo uu
kaalmo ka waayay walaalkii Ajeeye inuu la beero lana tabco. Maalin
maalmaha ka mid ah ayuu Mideeye walaalkii ka codsaday inuu beerta u
sii ilaaliyo inta uu soo noqonayo wuuna ka yeelay. Ajeeye oo beertii
dhexjooga ayaa shimbir beertii ka xaday markaasuu qabtay oo canaan
dhegaha u saaray. Waxaa ka soo gaadhay Mideeye oo u sheegay in
shimbirta saaxiib yihiin oo uu iska daayo laakiin nasiib xumo Ajeeye
oo ahaa nin camal xumaa wuu ku gacan sayray. Mideeye ayaa walaalkii
ku sameeyey khayaano kana sii daayey shimbitii ka dibna shimbirtii
inta ay soo duushay bay baalasheedii la dhacday Ajeeye oo ku tidhi
Colaadi yaryareysi ma leh ee la soco. Ajeeye ayaa aad u xanaaqay oo
u sheegay shimbietii in ay qareen qabsato. Shimbirtii baa u tagtay
dabangaale oo ku tidhi ii noqo qareen, markaasuu dabangaalihii u
sheegay in aan hadalkiisa waxba laga soo qaadeyn maadaama wixii iska
khayaali ahba la yiraahdo waa dhaan dabangaale ee talaan ku
siinayaaye u tag Fadhaanfadh. Faraanfadhkii markay u tagtay buu isna
ku yidhi ilaa maanta godadkaan soo qodayey baa dadka cagtoodu iga
duugasaaye wakhti kuuma hayo. Daanyeer meesha joogay baa qosol ku
dhuftay oo yidhi waxaa laygu suureeyaa bini aadamka laakiin iyagaaba
iga sii daran!
Waagii danbe
ayaa abaar xumi dhacday oo la damcay in la guuro. Ajeeya ayaa
calaacal iyo qayla dhaan ku dhuftay kuna muusanaabay walaalkii
Mideeye isagoo leh yaan layga tegin aan idin raaco. Mideeye ayaa
diiday in walaalkii kaxeeyo oo uu soo raaco kadibna iyadoo arrintu
meel xun maraso ayaa waxaa yimid shimbirkii una sheegay in uu
walaalkii ka roonaado oo uu kaxeeyo. Waxa uu shimbirkii yidhi
barasho wanaagsan anigu waxaan ahay wakhtiga! Wuxuuna Abwaanku ku
soo hooriyey qisadan cajaaibka leh dhamaanteen sida shimbirkii baynu
nahay oo wakhtiga ayaa isu keen keenay!
Xikmada ay
xambaarsan tahay sheekadan waxaan u fahmay in labada nin ee
walaalaha ah ay ahaayenn Ajiga iyo Midgaanka. Midgaankuna uu ahaa
muruq maal Ajiguna iyo dilaa boobaa. Wakhtigii waagii hore u
masaamaxay in uu takooro oo uu adoonsado Midgaanka ayaa waayadaan
danbana ku khasbay in uu sheegto Magacii uu ka faani jirey si uu
dibadaha ugu aado oo uu qaxooti u noqdo!
Tusaalahaa
xiisaha badan ka dib ayaa waxaa uu bilaabay Sangub maanso dheer oo
aan ka soo qaatay tixahan hoose. Fadlan Gabaygii oo dhameystiran
naga suga.
• Ayax
Dhowre quudhsiga dadku waysku wada qayb
• Waa in
lays qadariyaa wuxuun buu ka qoonsaday qadafkii markaa jirey
• Welina way
qadoodaa buurihii qabiilkuyoo way kala qoqoban tahay
Waxaa
codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Maryan Mohamed oo markiiba ku
bilowday noocyada kala duwan ee quudhsiga iyo sida haweenka
Soomaaliyeen aan loo siin tixgelin iyo qadarin la mid ah ta raga
jaal kooda ah la siiyo. Waxaa ay aad ugu dheeraatay sida ay
hooyooyinku uga qayb qaadan karaan suulinta quudhsiga iyadoo laga
soo bilaabayo tarbiyada ubadka. Waxay tidhi Hooyooyinku waa aasaaska
nolosha iyo kuwa ilmaha ka dhigi kara kuwo ka saafi ah takoor iyo
quudhsi. Waxay sheegtay in mustaqbalka ilmaha lagu soo barbaariyey
quudhsi iyo takoor uu noqon doono mid aan la qabsan Karin mujtamaca
oo uu faquuqmi doono taasina ay sabab u tahay wixii lagu soo
barbaariyey.
Waxay sheegtay
in loo baahan yahay in jahliga laga baxo oo wax labarto isla
markaana ay cadaysay in waxbarashadu aysan ahayn oo keliya jaamacad
la aado ee xikmada, waaya aragnimada, wax isbarida sida akhriska
badan ay ka mid tahay aqoonta. Waxay Maryan ka sheekeysay
yaraanteedii iyadoo carruur yar yar kula cayaarasa garoon ku yaala
magaalada Xudur ee ku caanka ah halhayska “Madhaaytiyo Moora Gaabay
Lan maalee degee” ay is qabsadeen carruurtii kale oo rabshdi
bilaabantay. Anigu waxaan isu haystaa bay tidhi gabadh Reer
Madhaayti ah laakiin waxaan arkay carrutii oo igu leh Faradheerta.
Waxay taasi ku tusinasaa bay tidhi waxyaabaha aanu carruurta ka soo
barno guriga in ay hadhow isticmaali doonaan oo ay halkaa ka
bilaabmaso colaad iyo isu fiyoobi la’aan.
Waxaa la soo
gaadhay tookadii
Shiikh C/Rahmaan
Sh. Omar,
Salaan iyo duco kadib ayuu Shiikhu nagu booriyey in sanadka danbe
magaca shirka laga dhigo Quudhsigu qiil ma leh, waayo buu yidhi waa
wax cad in aan loo helayn sabab iyo xujo cad. Shiiku wuxuu ku
dheeraaday sida Islaamka hortii uu quudhsiga iyo takoorku u jirey
iyo sidii Islaamku u baabi’iyey una soo saaray ummad aan ku abtirsan
qabiil kana kooban dhamaan qaybaha bulshada oo walaala ah, siman oo
aan isku xad gudbayn. Sidee Islaamku ugu guuleystay arrintaas?
Sheekh C/Rahmaan wuxuu yidhi ummada waxay haysteen Manhaj la
yiraahdo Qur’aan, halhayskooduna wuxuu ahaa Laandheere waa kan Eebe
ugu dhow oo noogu cibaada badan miisaankooda ay wax ku cabirayeena
waa kaas!
Sh. C/Rahmaan
wuxuu u soo daliishaday aayado badan in quudhsigu uusan qiil lahayn
wuxuuna Eebe yidhi buu yidhi in Illaahay uu dadka iyo qabiilada kala
duwan u sameeyey in ay isku gartaan ee uusan u sameyn in lagu kala
laandheeraado. Wuxuu tusaale u soo qaatay asxaabtii faraha badnaa ee
Shiikhii hore kor noogu soo sheegay. Tusaale kale wuxuu yidhi nin
saxaabi ah ayaa Bilaal ku yidhi ina hooyo madoobe. Markii Suubanihii
loo sheegay ayuu saxaabigii ku yidhi ma adigoo Rasuulkii eebe ag
jooga ayaa weli quraafaadkii baa wax kaaga sii hadhsan yihiin!
Saxaabigaas aad ayuu uga qoomameeyey hadalkaas uu ku yidhi Bilaal oo
inta uu dhulka dhaban saaray buu ka codsaday in Bilaal oo kabahiisa
gashan oo dhabanka kaga istaago! Waxaa kaloo dhacday buu yidhi
Shiikhu in wiilkii adoonku dhalay ee Usaama binu Zaid uu Suubanuhu
uga dhigay hogaamiye dagaal ciidan ay ku jiraan Asxaabtii kuwii ugu
waaweynaa sida Abuubakar, Cumar iyo kuwo kale. Shiikh C/Rahman wuxuu
u soo jeediyey in culumadu ay daacad ka ahaadaan arintan iyo
tirtirideeda isagoo sheegay in ay culumadu dhutinayaan iyagoo baqdin
ka qaba mujtamaca iyo in lagu shimbira waaqleeyo. Golihii dadkii
fadhiyey baa jaanta wada rogey markii uu Shiikhu ka sheekeeyey
marmarsiiyada ay culimadu sameyn karaan. Waxuu yidhi waxaa dhici
karta nin wadaad ah haddii gabadh Midgaan ka soo doonto in uu aayad
kale oo qiil u noqota uu la soo baxo isagoo diidan in gabadha uu
bixiyo!
Shiiku wuxuu
na xasuusiyey in intii dawlad na soo martay haba u danbayso tii
kacaanka ah waxay isku dayeen in ay tirtiraan takoorka haddana waxba
kama suurta gelin. Waxa keliya ee suulin kara caadadan foosha xun
waa iyadoo si dhab ah loogu dhaqmo diinta Eebe. Wuxuu xusay in ay
Soomaalidu ay ahaayeen dad ixtiraama diintooda xushmeeyana
culumadooda. Waxuu tusaale u soo qaatay nin Sheekh ahaa oo ka mid ah
qowmiyadaha la yaso oo lagu siyaarto Beledul Kariim ay dhamaan
qabiilada Soomaalidu u guurin jireen gabdhahooda. Waxyaabaha kale ee
kaalmeyn kara in ay tirtiranto waxaa ka mid ah in qadiyadan lagu
daro casharada, muxaadarooyinka iyo duruusta loogana sheekeeyo si
cad oo aan gabasha lahayn. Waxaa kaloo duminteeda qayb weyn ka
qaadan kara Kaaba Qabiilada iyo Ugaasyada beelaha kala duwan ee
Soomaalida maadaama ay iyagu yihiin kuwa dadka dhexdooda nabad iyo
colaad ka dhex sameyn kara. Madaxya dhaqameedkani buu yidhi waa kuwa
sameeya xeerarka ay ku dhaqmaan qabaailka Soomaalidu iyagaana u
sameyn kara xeer lagu mamnuucayo takoorkan foosha xun!
Sheekh C/Rahman
wuxuu xusay in uu weli xasuusto hadalkii hooyadii mar uu isagoo yar
oo hooyadii la socda uu kaba tole ka soo toshay kabo markaas buu
yidhi kaba tole markaasay hooyadii ku tidhi waa abtigaa! Wuxuuna ku
adkeeyey carabka sidii Maryan in la hagaajiyo oo laga ilaaliyo
takoorka barbaarinta ubadka. Shiikhu wuxuu noo sheegay in Islaamka
hortii Suubanuhu(scw) uu ka qayb galay heshiis lagu mamnuucayo in
Maka dadka lagu dhibo oo lagu dulmiyo, markii islaamku yimid ayuu
Suubanuhu ku yidhi asxaabtiisii hadda waan saxiixi lahaa heshiiskaas
oo kale! Wuxuu Sheekhu xusay in Midgaha lagu caayo bakhtibuu
awoowhood cunay laakiin diintu ay banaysay in la cuno oo aadan naftu
aysan gaajo kaaga bixin. Wuxuu yidhi ninkaasi wuxuu ahaa nin caqli
badan maadaama kii kale uu garan waayey nafta daba qabo; waana lagu
cadaab mutaa buu yidhi haddii wixii laguu xalaaleeyey aad xaaraan ka
dhigtid oo sidaa ay naftu kaaga baxdo. Wuxuu ku soo gabagabeeyey
Shiikhu aanu isugu tagno oo xidido siibno takoorka iyo quudhsiga wax
qiil ahna uma hayno loona heli mayo!!!!!!!!!
La soco
dhamaadka.
AAH! ANIGAYBA
NAFTU IGA SOCOTAAYE MAXAA II DHOW!!!!!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com