SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


Dawlada jabuuti waxay eed ka gashay ganacsatada imaaraatka carabta ee soomaalida ah iyo ganacsatada puntland.
 
waxay ahayd 21-7-2004 in ay ku yeeshaan magaalada jabuuti ee caasimada dalka jabuuti shir ay soo qaban qaabiyeen dawladaha igad iyo deeq bixiyayaasha caalamka ganacsatada soomaalida iyo wasiirada arimaha dibada ee IGAD iyo qaybo kamid ah beesha caalamka, shirkaas xubnaha ganacsatada u qayb gelaya waxaa laga soo diiwaan geliyay magaalada nairobi waxaana kasoo shaqeeyay gudiga farsamada ee igad balse waxaa liiskaas lagu shaandheeyay magaalada jabuuti waxaana shaandheeyay dawlada jabuuti iyadoo casuntay cid ala iyo ciday daneyneysey  iyadoo qoraalada cazumaada ah u kala dirtay shaqsiyaadkaas uu ku saxiixnaa wasiirka arimaha dibada dawlada jabuuti mudane cali cabdi faarax; waxaase nasiib daro ah yuu u kala diray cazumaadaha cali cabdi faarax?

wuxuu u diray dad aan ahayn ganacsato taasoo ka kayaabisay ganacsatada gaar ahaan kuwa reer puntland ee ku sugan gudaha iyo dalkaan imaaraadka carabta gaar ahaan dalkaan imaaraatka waxaa loosoo qorsheeyay 18 ganacsato ah lamana oran karo 5 kamid ahaa ayaa ganacsato ahaa sidoo kale gudaha puntland ayaan la oran karin waxaa la cazumay ganacsato marka laga reebo xubno hawl gab ah oo ay dawlada jabuuti u yeertay taasina waxa ay ka yaabisay ganacsatada kala duwan ee dalkaan UAE iyo puntland waxaana ay u arkaan inay yihiin arimahani arimo siyaasadeed oo dawlada jabuuti dooneyso inay ku fushato dadkaan aan ganacsatada ahayn iyadoo warar kale sheegayaan in liiska lagu soo diray xarunta diyaaradaha ee damal airline oo halkaas lagu shaandheeyay balse wararka ugu xasaasi san ayaa sheegaya in dawlada jabuuti uu yahay qorshaha ugu weyn ee ay wadato mashruuca xoolaha soomaalida sidii dalkeeda loosoo marsiin lahaa taasoo ay ku hawlan yihiin sharikado reer jabuuti ah iyadoo wadamada carabta ee qaata xoolaha soomaalida usoo bandhigtay qorshahaas balse ay ku gacan sayreen horayna ay ganacsatada imaaraatku qorshahaas lagu cunaqabatayno dhaqaalaha umada soomaaliyeed ee bur burku saameeyay ay ka hor yimaadeen ayaa ay hada dooneysaa inay taageero cod ah ay ugaga hesho xubnahaas oo ay ku sheegtay ganacsato

 
si kastaba ha ahaatee ganacsatada ayaa walaac xoog leh ka muujisay arintaas oo ay sheegeen in ay tahay mid laga naxo ayna la yaaban yihiin sida dawlada jabuuti ay dhex dhexaad uga noqonayso arimaha soomaaliya waxay kaloo meel ka dhac ku tahay ama eed ka gashay dawlada jabuuti ganacsatada puntland ee gudaha ama ka gancsada dalkaan UAE kuwaas oo ay magacoodii ku geysay dad aan ahayn gancsato.
 
                                        Abwaan yuusuf mohamed
                                                       UAE
                                                      Dubai | <xsangaale@hotmail.com>
 

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD