SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GELINSOOR
 
Daabaco Boggan | Print

JOOJINTA DAGAALKA GELINSOOR IYO HOBYO

  • BAAQ NABADEED Kasoo Baxay Waxgaradka & aqoon yahanada  beesha Habar Gidir ee UK
  • Beehsa Shiikhaal oo baaq ka soo saartey dagaalada beelaha Sacad iyo Saleebaan 
  • Baaq Nabadeed kasoo baxay Afhayeenka MGPL oo ku wajahan Dagaalka ka socda Mudug Galguduud 
  • Bayaan Nabadeed ay soo saareen culumada Gobolka Mudug
  • Salaadiinta Beelaha Daarood oo  Baaq Colaad Joojina ka Soosaaray Dagaalada Gelinsoor iyo Hobyo...
  • Deegaan Baaxadiisu ka Badantahay 250 Km oo Dagaal Lagu Hoobtay ka Socdo...
  • Baaq ku socda Beesha Habargidir.

BAAQ NABADEED Kasoo Baxay Waxgaradka & aqoon yahanada  beesha Habar Gidir ee UK

Waxgaradka iyo aqoon yahanada  beesha Habar Gidir ee ku nool dalka ingiriiska  gaar ahaan  magaalada Birmingham ee Boqrtooyada  ingiriiska ayaa shir ay yeesheen waxay si wadajir ah usoo jeedi nayaan baaq nabadeed  si loo xakameeyo loona joojiyo dagaalada kasoconaya gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo nuxur ahaan aan soo jeedi nayno talooyinkaan:- 

  • 1.  In si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalada soconaya 
  • 2.  Inla furo wada xaajood si loo dhameeyo muranka taagaan 
  • 3.  In wadada la qaadayaa noqotaa 'Shareecada Islaamka' si deg deg loogu taago tiirarka nabadda loona hakiyo colaadda 
  • 4.  In dhaqso loo joojiyo hurinta iyo taakulaynta dhiilada colaadda 
  • 5.  In deg deg loo jiscimo lana diro waxgarad labada beelood ah si ay u gaaraan goobaha shidada colaadu ka aloosantahay si  loogu caqli celiyo walaalaha is-maan dhaafay oo is-dilaya 

Waxaa baaqaan nabadeed diraya:- 

  • 1.       Abdirahmaan Sheekh Nur Hassan
  • 2.      Maxamed Xuuriye Cilmi
  • 3.      Inj Mahamuud Cabdullahi Mahamuud
  • 4.      Inj Ahmed Khayre Guutaale( ingiris)
  • 5.      Abdi Guuleed Farax
  • 6.      Abdullahi Isse M (Durraan)
  • 7.      Diini Maxaed Dini
  • 8.      Omar Warsame  Xirsi
  • 9.      Mahamed Mire  Ali
  • 10.   Ahmed  ali Awaale
  • 11.    Siciid Xasan Ereg
  • 12.   Omar Suuri M Rooble
  • 13.   Mahamed Ali Diirshe
  • 14.   Siciid  Yusuf Guuleed
  • 15.   Cabdullahi Axmed Codka
  • 16.   Abdullahi Abdulle Ismanciil,

Waxaanna  uga tacsi yaynaynaa intii dhimatay samir iyo iimaan alaha kasiiyo ,

AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN,

kala xiriir: cabiraxman shekhnur cabdiraxmanshekhnur@yahoo.com


Beehsa Shiikhaal oo baaq ka soo saartey dagaalada beelaha Sacad iyo Saleebaan 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi
Dec 6, 2004

Shir balaraan oo aay isku yimaadeen beesha Martiile Hiraab (Shiiqaal) ee ku nool cariga ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa lagu lafa gurey xaalada dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Galinsoor Hobyo iyo tuulooyin kale ,dagaaladas oo u dhaxeeya beelaha sacad iyo saleebaan oo ka tirsan beelweeynta Madarkicis Hiraab ee (Habargidir ). 

Waxgaradka beesha Shiiqaal waxeey ayaga oo ka xun dagaaladas uga hadleen shirkooda dhibaatada dagalkaas sababey iyo cawaaqib xumada laga dhexley, waxeeyna sheegeen in walaalaha is dilayaa ee sacad iyo saleebaan aaneey u baahneeyn dagaal lagu waxyeelo cuduudood iyo muruqooda kaas oo keeni kara dhibaata ku timaada  guud ahaan  beelaha hawiye gaar ahaan beelaha hiraab. 

Dhamaan xubnihii ka qeeyb galey shirka waxeey muujiyeen walwalka aay ka qabaan dagaalada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee u dhaxeeyo dagaalka lagu wareemayo waaxyaha beelaha hiraab. 

Wax garadka beesha Shiiqaal gabagabadii shirka waxey ka soo saareen baaq ay u jeediaan labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ee sacad iyo saleebaan waxeeyna ugu baaqeen. 

  • 1-In dagaalka u dhaxeeya labada beelood ee saleebaan iyo sacad si sharuud la,aan ah lagu joojiyo. 
  • 2-In labada dhinac aay ogolaadaan wada haal sharuud la,aan ah oo lagu dhameeyo xaalada dagaalada. 
  • 3-In waxii dhibaatooyin ah ee jira lagu  dhameeyo qaab walaalnimo ah oo leh garaasho iyo garwaaqsi. 
  • 4-In  walaaha is dilayaa aay u turaan maatida aay ku dhex dagaalamaayaan ee aan xamil Karin dhibaatada dagaalada. 
  • 5- In aan wax la yeelin deegaanada dadka iyo goobaha maatida dagan yihiin ee adeega bulshada. 
  • 6- In dadka aan loo gumaadin heeyb qabiil lana dhowro ergooyinka nabada si  dabka loo baqtiiyo.   
  • 7- In labada dhinac aay hilmaamaan cadaawada caqli xumada aha labada dhinacna aay xasuustaan qiimaha walaalnimada si aan loogu tarax tagin in colaadu la sii fogeeyo.   
  • 8-in dagaalada aan la siyaaseeyn ee la dhaqameeyo si loo helo albaabkii colaada lagu dhameyo. 

Ugu dambeeyn waxeey dhamaan beelaha hawiye ugu baqeen in aay u istaagaan sidii aay u joojin lahaayeen dhiiga sokeeye ee macno la,aanta u daadanaya.   

C/laahi macalin sahal (ciro) oo ka mid aha waxgaradki shirka oo ku hadalayay magaca beesha shiiqaal ayaa sheegay in shirkan mid ka balaaran la qaban doona aayna ka qeeyb gali doonaan dhamaan beelaha hawiyo shirkaasina uu u magaacibo doono ergiiyin ka qeeyb qaata xalnta dhibaatada dagaalkaas. 

Beeqa waxaa beesha martiile hiraab shiiqaal u wakiilatey in aay magacooda ku saxiixaan. 

  • 1-Cabdi Sheeq Xaaji maxumed
  • 2-Cabdulaahi Macalin Cabdi sahal (cirro)
  • 3-Muuse Sheeko Xariir
  • 4Sheekh Daahir Sheekh Xuseen Raaliyo
  • 5-Ceydaruus Cali Dhoof
  • 7-Xaaji Jaabi
  • 8-Xaaji Ow Mmuuse Duceeye
  • 9-Cumar Macalin Nuur
  • 10-Dr. Cabdi Sheekh Aadan     

UJEEDO: BAQ NABADEED 

Anaga oo ka tiiranyaysan dagaalada iyo colaada baryahaan ka dhexsocotay, dadka walaalaha ah ee wada daga Gobolada Mudug iyo galgaduud ee Sacad iyo Saleeman, waxaan u soo jeedinaynaa in ay si sharuud la,aan ah u joojiyaan dagaalka naxariis la,aanta ah, ee ka socda deegaanadaas, una dhaga nuglaadan baaqyada nabadeed ee ka imaanaya  gudaha iyo dabada, ayna u bilaabaan wada hadal nabadeed sida ugu dhaqso badan. 

  • In la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.
  • In la bilaabo wadahadal nabadeed.
  • In laysku celiyo wixii hanti ah ee la kala qabsay.
  • In aan colaadaas dib danbe u bilaaban.

MAGACYADA DADKA BAAQA DIRAY 

  1. Ugas Axmad Sh. Maxamud
  2. Cabdi Xasan Nuur (Cadaawe)
  3. Suldan Cumar Xaaji Yusuf
  4. Dahir Macalin Abshir
  5. Maxamed Carab Cilmi
  6. Maxame Farax Jumcale(sandhere)
  7. Cali Cisman Xayle(Buuje)
  8. Maxamed Cali Abti-doon
  9. Caamir Ciise Lugoole
  10. Axmad Xasan Cali Dhoore.
  11. Xasan Maxamed Caynte.
  12. Cabdi/casis Xaaji Maxame.
  13. Cabdi/risaq Axmad Sh.labaale.
  14. Cabdi/xakin Cisman-Luudo.
  15. Cabdi/casis Siciid Geesood.
  16. Avv. Xusen Diiriye Afrax.
  17. Cali wehliye maxamed.
  18.  Khalif Sh. Maxamud (Gacmadheere.
  19.  Yasin maxamed Cosoble

Wabilahi towfiiq

Waxaa soo tebiyey: Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) axmeddheere65@hotmail.com  Kenya, Nairobi


JOOJINTA DAGAALKA GELINSOOR IYO HOBYO

Afhayeenka maamul Goboleedka Puntland Manchester/Uk
Hussein Maxamed Huubsireed .

Bismilaahi Raxmani Raxiim

Baaq Nabadeed Dagaalka ka socda Mudug Galguduud 

Dec 6, 2004

Aniga oo ku hadlaya afka shacab waynaha Puntland iyo Somalida inta nabada jecel , waxaan baaq nabadeed u soo jeedinayaa shacabkaa walaalaha ah , ee islaamka ah, ee soomaalida ah , ee dhiigoodu sida micna darada ah ku daadanayo in ay si shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalka. walaalayaal dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho , in aan Dagaal ahli micna lahayna waxaad ku ogaanaysaan maanta labadii isla dhalatay ayaa is dhamaynaysa , waxaan ilaahay ka rajaynayaa , kana baryayaa in dagaalkaas uu qaboobo , hadaanu nahay shacabka reer Puntland aad baanu uga xunahay dagaalkaas micna darada ah, Ilaahay u noqda , is cafiya , ka shaqeeya wanaag iyo nabad , wada dhalashadiinana ha ilaawina , Gobolada dhexe waa xuduntii wadanka , in maanta meel Somaliya ka mida lagu dagaalamo waa khalad ,barakac iyo qax caruurtiina ha u horseedina , maanta waxaa lagu tartamayaa waa wanaaga , wakhtigii xumaanta iyo dagaalku xiisaha lahaa waa dhamaaday 14 sano noogu filan Cashar dhibaata ah . Islaanimadu waa qaali , Aano qabiilna waxaanba u arkaa Casri jaahiliya , Diinteenaa na faraysa in qofkii qof dilaa la dilo , laakiin qof aan waxba galabsan iyo mushtamac dhan in ay shakhsi wuxuu gaystay isu baa'bi iyaan waa khalad. Caqligu ha shaqeeyo caadifada dagaalkuna ha dhamaato.

waxaan ka codsanayaa inta ay khusayso oo wax ka qaban karta kala dhex galida dadka walaalaha ah in aysan wakhti intaa ka badan la sugine ay goobta dhibaatadu kajirto tagaan kalana dhex galaan,Qaboojiyaana dagaalka,

Wabilaahi Tawfiiq

Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland
Hussein Maxamed Huubsireed
mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2004


Golaha wasiirada DFKMG ah ee Somaliya ayaa baaq colaad joojineed u diray dagaal beeleedka haatan dib uga soo cusboonaaday goobo kamida Gobolada Mudug iyo Galguduud 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

Dec 5, 2004

gelinsoor
Sawirka AFP: 12-2-2004:: 28 qof ayaa ku dhintay Gelinsoor, labaatan iyo labo ka mid ah dadka la diley meydkooda waxaa Khamiistii la geeyey Gaalkacyo, sidaas waxaa qoray AFP
SOMALIA NEWS: TODAY

Shir deg deg ah oo Golaha Wasiirada DKMG federaaliga ah ee Somaliya ay ku yeesheen magaalada ay haatan kusugan yihiin ee Naivasha ayay kulankoodaasi ka soo saareen Baaq Colaad joojineed oo ay u dirayaan beelaha Soomaaliyeed ee haatan Dagaalka Sokeeye ku dhex marayo Goobo kamida Gobolada Mudug iyo Galguduud.

Dagaalkaasi sokeeye ee haatan markale dib uga soo cusboonaaday Goobo kamida gobolada kor ku xusan ee mudug iyo Galgaduud ayay wasiiradu ka muujiyeen walaac, iyaga oo sheegayna in dagaalku aanu wax faa'iido ah usoo kordhinayn beelaha walaalaha ah ee goobahaasi isku dilaya,waxa ayna wasiiradu baaqoodaas colaad joojinta ah ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dagaal markale soomaaliya dib ay isugu laayaan hab beeleed. iyada oo xiligan lagu jiro dib u heshiisiin iyo dhismaha dawlad Qaran.

Golaha Wasiiradu waxa ay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo si sharuud la'aan ah wixii khilaafad ahna lagu xaliyo nabad iyo wada xaajood, Golaha Wasiiradu waxa ay ugu baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan hirgalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha dhexmaraya ummadda walaalaha ah.

baaqaan colaad jiijinta waxaa ku saxiixan Ali Mohamed Faqi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5


Bayaan Nabadeed ay soo saareen culumada Gobolka Mudug

sahrasiglan sahrosiglan@mail.com
SomaliTalk (Garoowe) | Dec 4

Bayaankan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay labo beelood oo wada daga gobolka galgaduud dagaalameen ayna ku dhinteen tiro ka badan labaataneeyo halka ay tiro kale oo gaaraysa afartameeyana ay ku dhaawacantay, waxaana jira warar sheegaya in ay jiraan abaabul dagaal ayadoo maalmahanba laga cabsi qabo in ay dagaalo kuwaa lamida ka aloosmaan gudaha magaalada galkacyo, waxaana jira tan iyo maanta in ay gabi ahaanba xirnaayeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada galkacyo gaar ahaanna goobaha ganacsi ee labada beelood ee dirirtu ay dhexmarayso, waxaana jira dadaalo ay wadaan maamulka, odayaasha, iyo dhalinyadada gobolka mudug kuwaasoo lagu doonayo sidii loo dhexdhexaadin lahaa labada dhinac ee bahwadaagta ah.


Waana kan baaqii culimaa'udiinka Gobolka Mudug

Jamhuuriyadda Soomaaliya
04/12/2004
Ujeedo:- Baaq Nabadeed

Anagoo ah culimaa'udiinka gobolka Mudug waxaanu baaq nabadeed usoo jeedinaynaa beelaha walaalaha ah ee maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayay gobolka Galguduud iyo meelio ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaanu usoo jeedinaynaa labada beelood ee walaalaha ah in dagaalka ay si shaqso ah u joojiyaan oo ay wada hadal ka yeeshaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan, waxaan kaloo u sheegaynaa in dagaalku uu adduun iyo aakhiroba khasaaro yahay, dad kudhinta mooyee aysan cidi ku dhalan.

Culimaa'udiinka gobolku waxay aad uga xunyihiin dhiiga dadka Islaamka ah ee daadanaya. Waxay kaloo ku baaqayaan in qof dhintay uusan soo noqonayn ee labadbaadiyo dadka haatan nool.

Hadaba waxaan mar labaad usoo jeedinaynaa beelaha dagaalamaya inay aqbalaan baaqan nabadeed ee kasoo baxay culimada gobolka Mudug.


Wabillahi Towfiiq

Waxaa soo tebisey
sahrosiglan@mail.com


Salaadiinta Beelaha Daarood oo  Baaq Colaad Joojina ka Soosaaray Dagaalada Galinsoor iyo Hobyo ku dhaxmaraya labo beelood

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi

Nov 4, 2004

  • N.B Qoraalkan waxaa i soo Gaarsiiyay Ugaas ka Mida Salaadiinta Beelaha Daarood iina shegay in uu yahay
     
  • Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood Ugaas C/wali Sh Maxamed Nuur
  • ku beelaha ku dagaalamaya deegaanka gallinsoor & hobyo

Ujeedo baaq nabadeed

waxaa ansiib darro ah 14sano kadib in umadda somaliyeed wali u xiiso qabaan dagaallo sokeeye, waxaa lagu tilmaami karaa dagaalka ka socda degaamada aan kor ku soo xusney, ayaan darro usoo hoyatey muslimiinta, gaar ahaan ummadda soomaaliyed, sidaas darted waxan ugu baaqeynaa annagoo ah salaaadiinta beelaha daaarood,, qodobada soo socda:-

1- Wa in ay xabbada joojiiyaan Beelaha ku dagaaalamaya deegamada Hobyo & Gallinsoor si shuruud la'aan ah, ayagoo fiirinaya dhiiga sokeye e lagu daadinaayo macno la'aanta iyo bara kaca ka dhalanaya daagaalada sokeye.

2- Waa in loogu gurmado si aan kala har laheyn si loo joojiyo dhiiga daadanaya e walaalaheena, isla markaana ay hormuud ka noqdan Culimaa'udiinka, Ganacsatada iyo Dowladda federaalka e soomaaliya, si loo yareeyo khasaaraha balaaaran e ka dhalan kara haddii udagaalka sii socdo.

3- Waxaa haboon in la xusuusto dagaal sokeey in aan laga gaaraynin wax faa'iido ah aakhiro iyo aduun midnaba, sidaas darted waxaan mar kale ugu baaqaynaa walaahaha is-dilaya sii shuruud la'aan ah inay xabbada u joojiyaan wax kastana lagu dhameyo wada hadal.

FIIRO GAAR AH:-

dhamaan ummadda Soomaalaiyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kast oo ay joogto inay ka bayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka bilowday dagaamada Hobyo & Gallinsoor.

wada shaqayntu waxay leedahay horumar

N.B Qoraalkan waxaa i soo Gaarsiiyay Ugaas ka Mida Salaadiinta Beelaha Daarood iina shegay in uu yahay

Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood Ugaas C/wali Sh Maxamed Nuur

 


Deegaan Baaxadiisu ka Badantahay 250 Km oo Dagaal Lagu Hoobtay ka Socdo

Cabdi Xasan somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Dec 3, 2004

Laga bilaabo Gelinsoor ilaa hobyo ,dhanka kale Qaydaro ilaa meel udhow Xarardheere, ayaa dagaal ku dhexmarayaa Beelaha Sacad iyo Saleemaan ee H/Gidir. 48kii saac ee la soo dhaafay dad ka badan ilaa 58 qof ayaa ku nafwaayay masiibadaas dagaal; dhaawac gaaraya in ka badan 100 qofna waa la xaqiijiyay.

 
Maraan khadka isgaarsiinta Fooniyaha kula xirriirnay aagagga dagaalku ka socdo waxaa naloo xaqiijiay in Gelinsoor ay ku dhinteen ilaa 31 qof, Hobyo 12 qof , Qaydaro 9 qof, meelo kale sida Isbitaalada Galkacyo iyo Cadaado waxaa iyana ku dhintay ilaa iyo 7 qofood.
 
Dadka aanu la xiriirnay waxay sheegeen in dagaalka halkaa ka socda aan lagu tilmaami karin dagaal qabiileed, balse la moodo laba Dawladood oo isku haysta xuduud dhuleed, dhammmaan hubabka waawayn iyo qoryaha darandooriga ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka onkadayay xuduudda dheer ee u dhaxaysa labadaas beelood ee walaalaha ee ay iskugaysay sagaaradu biyaha waa cabtaa iyo ma cabto. Tikniko ka badan ilaa iyo 35 iyo maleeshooyin faro badan ayaa hadda isku hor fadhiya magaalada galinsoor oo ah xuduud ay ku kulmaan labadaas beelood.sidoo kale dhamaan meelaha ay iska galaan labadaas beelood waxaa ka socda dagaal aan waxba la isukala harin sida Qayadaro, Hobyo iyo baadiyaha udhexeeya deegaanadaas.
 
Ilaa iyo hadda ma muuqato cid isku xilqaantay inay joojiso dagaalkaas galaaftay dhalinyaro badan oo soo koraysa, waxaase aad moodaa in loogu deeqayo gurmad qaaraan oo sii hurinaya colaad sii fogaata sida laga dareemayo meelaha hubka lagu kala gato oo maalamahan suuq helay.
 
Ka dib markii la dilay 5 oday dhaqmeed iyo guddoomiyihii degmada Cadaado,oo u dhashay beesha Saleemaan,waxaa cirka isku shareeray colaadii u dhaxaysay labadaas beelood oo markii hore isku qabtay ceel biyood oo WIYEER ah -Anaa kaa hor cabbin iyo maya anoo ina hebel ah see iga hor cabtaa baa arini ka bilaabtay markeedii hore--maantase ay marayso in la isku adeegsado Sawaariikhda lidka diyaaradaha iyo baaburta guuxa dheereeya ee aan waxba reebayn, halkii waagii hore la isku adeegsan jiray tooray iyo waran.
 
 
Cabdi Xasan somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Dec 3, 2004


BAAQ NABADEED 

Ku: Dhamaan inta Nabada Jecel, Odayaasha, Duqowda, Dhalinyarada, Waxgaradka, Culumadiinka iyo Aqoonyahanada Beesha Habargidir.

Wararka ka imanaya Soomaaliya waxa ay tibaaxeen in ugu yaraan 28 qof ay ku dhinteen dagaalo ka dhacay Gelinsoor labadii maalmood ee ugu dambeeyey...
At Least 28 Killed in Somalia Fighting

Waxaa halkaan kusoo gudbineynaa baaq nabadeed aan u direyno beellaha wada dhashay ee kunool gobalka Mugud, gaar ahaan, Dagmada Galinsoor. Waxaan marka hore ka codsaneynaa ineey joojiyaan dagaalada ahliga si shuruud la'aan ah.  Kadib markaan u kuurgalnay xaalada ka aloosan Degaanadaas, waxaa inoo soo baxday in si degdeg ah loo soo afjaro dhamaan wixii colaado ah iyadoo la tixgalinayo qodabada soo socda:

· In waxwalba oo dhibaato ah lagu soo afjaro qaab toosan oo wadahadal ku dhisan, iyadoo la kaashanayo waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah.
· In laga hortago colaadda ka taagan deeganaadaas si aysan ugu fiddin goobaha nabdoon ee xasiloonida ka jirta.
· In waxgarad firfircoon lagu xoojiyo gudigii labada dhinac ka socday ee loo diray degaanadaas, isla markaasna door weyn loo furo waxgaradka beesha Habargidir, si ay nabad waarta ugu soo dabaalaan degaanada colaadu saameesay.
· In laga feejignaado dhibaatooyinka ey marwalba maleegaan cadowga jecel burburka beelaha wadadhashay iyadoo si qotodheerleh loo baarayo waxyaabihii kalifay iskudhaca iyo dadkii ka danbeeyay. Sidoo kale, waa in la baadigoobaa qadiyad mideysan oo u adeegta danta iyo midnimada beesha si mustaqbalka looga hortago, loona fashiliyo waxwalba oo keeni kara iskudhac iyo dhiig daata.

Kalfadhigan oo si degdeg ah uga dhacay magaalada Boston, kana soo qeybgaleen Aqoonyahano iyo Nabadoono ka socda Beesha Sacad ee ku dhaqan Boston iyo nawaaxigeeda, waxay kala yihiin dadkaas sida soo socota:

1. Prof. Sh. Cabdi Geele Bootaan - Caaqil/Nabadoon
2. Prof. Cabdirisaaq Xuudi - Aqoonyahan
3. Cabdinaasir Xaashi Maxamuud (Teytaro) -- Gudoomiyaha Beesha
4. Eng. Cabdidheere Cabdullaahi Axmed - Aqoonyahan
5. Cabdixakiin Maxamuud Axmed - Mujaahid/Halgame
6. Mahad Diini - Nabaddoon
7. Maxamuud A. (Digool) - Caaqil-Nabadoon Sacad
8. Sh. Yaasiin Iimaan Aadan - Caalim Diineed
9. Gen. Dhajac Tahliil Maxamuud - Nabadoon
10. Dr. Cabdulaahi Xasan (Kabalabi) - Aqoonyahan
11. Fiqi Sh. Max'ed Iimaan - Ganacsade
12. Sh. Cabdullaahi Warsame Xaashi - Ganacsade/Nabaddoon
13. Xasan Rooble (Baasaweyne) - Nabadoon/Ganacsade
14. Sh. Cabdullaahi Axmed Guuleed - Caaqilka Beesha
15. Cabdishakuur Aadan (Dharijabshe) - Siyaasi/Ganacsade

 ibrosjey@juno.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD