SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

W/ku xigeenka W/sportiga Bashiir dhuuracaso: Talo ka timid Beeshayda ayaan isku casilayaa.

Canab Mumtaz
SomaliTalk | nairobi

Dec 8, 2004

 


Golaha Wasiirada iyo wasiir kuxcigeenada DFKMG iyo Qabiilooyinkooda... Guji
Wasiir ku xigeenka wasaarada isboortiga Bashiir maxamad Aadan dhuuracaso kana mid ahaa agaasimayaashi shirki jar'aaid ee is casilaada qaar ka mid ah wasiiro ku xigeenada ay iskugu yimaadeen Maanta ayaa uga warbixiyay SOMALITALK sababta uu isku casilayo.
 
Bashiir oo dhaartii wasiiro ku xigeenada ka qayb galay waxa uu ku tilmaamay sababta is casilaadiisa in ay ka dambaysay ka dib markii waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha shiiqaal ay ku taliyeen in uu jagadan iska casilo sidaasna uu caawa u gudbinayo warqada iscasilaadiisa isagoo si toos ah ugu gudbin doona Ra'iisul wasaare Cali Maxmad Geddi.
 
Ujeedada ayuu ku tilmaamay wasiirka in ay tahay kadib markii ay beeshu aragtay cadaalada daro iyo ku xadgudub xuquuqda,Awood qaybsiga beelaha iyo in waliba la jabiyay qodobo ka mid ah Axdi qarameedka Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya sida qodobka 12-aad iyo kan 14-aad ee ka hadlaya dib u heshiisiinta iyo Awood qaybsiga, beesha shiiqaalna ay go'aansatay in ay faraha kala baxaan Magaabista Gollaha wasiirada ee dhawaan uu wasiirku ku dhawaaqay.
 
Bashiir Maxmad(dhuuracaso) waxa uu intaasi ku daray in Beesha Shiiqaal ay tala ahaan u soo jeedinayaan in wax la saxo tala wadaagna uu wasiirka muujiyo,lana kala qaado arrimaha cakiran ee u dhaxeeya beelaha soomaaliyeed eedaha kala duwana u haya Gollaha Wasiirada ee dhawaan lagu dhawaaqay haday ahaan lahayd dhinaca awood qaybsiga iyo ku xagdudubka sharciga dastuuriga ah ee baarlamaanka iyo dowladaba u dagsan.
 
Waxa uu ugu dambayn xusay in waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Shiiqaal aysan diyaar u ahayn in ay burburiyaan waxii la soo dhisay,caqabadna ku ahayn gollaha wasiirada Cusub laakiin ay tusaaleynayaan sida wax loo maareeyay iyo sida arrimuhu yihiin jaga ahaana xubintii kaga soo aaday Gollaha wasiiradana ay iska casileen iyadoo aysan jirin wax dhib ah oo ay gaarsiinayaan dowlada cusub.
 
Maahan kaliya Beesha shiiqaal marka la eego cabashada laga muujinayo qaabka wax loo qaybiyay ee Gollaha wasiirada oo ku yimid hab beeleed,beesha shiiqaal waxay ka mid Tahay Hawiye,Iyadoo ay hawiyena ku soo aaday ugu yaraan sagaal xubnood oo uusan ku jirin Wasiirka koowaad,Hadana waxaa jira in beelo ka mid ah Beesha Hawiye sida Gaaljecel,Shiiqaal,Gugundhabe ay yihiin kuwo aan helin wasiir buuxa marka laga soo tago Ku xigeenada iyo wasiiro dowladaha.
 
Sidan si la mid ah ayay uga wada siman yihiin dhamaan beelaha kale ee uu ka koobmo baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya,cabashadu ma yara,hadana qabiil wax ku qaybinta maahan mid si buuxda raali looga wada noqon karo,sababtoo ah waxaa wax lagu qaybiyay in marka hore la qanciyo inta hubaysan si hubkooda ay ugu wareejiyaan dowlada dhib kalena uusan u dhicin sida ay iigu warameen siyaasiyiin ka mid ah kuwii lagu tuhmayay in ay wax qaybinta ka ag dhawaayeen sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaano u badan beesha digil iyo mirifle oo maanta qaybiyay Qoraal ay ku diidan yihiin  Qaabkii loo xulay Gollaha Wasiirada.

 
Mudanayaal ka tirsan baarlamanka oo gaaraya afartan iyo todobo xubnood(47) oo ka soo jeeda beesha digil iyo mirifle iyo kuwo kale oo beelaha kala duwan ee baarlamaanka ah ayaa maanta qaybiyay warsaxaafadeed ay ku saxiixan yihiin.
 
Xubnahan ayaa ku sheegay qoraalkooda in ay ka soo horjeedaan Qaabkii loo maray soo xulida Gollaha wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay,waxayna ku tilmaameen mid keeni karta dib u dhac hadii aysan la xisaabtamin hadda sida wax u dhaceen shacabka u cadaynin si ku xadgudubka sharciga looga hadlo hadii kale ay lumayso mas'uuliyada ka saaran dadka ay matalaan sida ay hadalka u dhigeen.
 
Abdullahi Adan Axmad (Black)oo ka mid ahaa xildhibaandii beesha digil iyo mirifle ayaa iiga warbixiyay in wasiirka koowaad uu ku xadgudbay sharciga baarlamaanka u yaala oo sheegaya in magacaabista Gollaha wasiirada uu kala tashado baarlamanka iyo waxgaradka taasna aysan dhicin,waxii uu doonana uu u iska samaystay isagoo meesha ka saaray latashagii beelaha iyo baarlamaankaba kuna xadgudbay qodobo ka mid ah dastuurka FKMG ah ee Soomaaliya.
 
Waxaan haynaa ayuu yiri in magacaabista Gollaha wasiirada ay lug lahayd dowlad ka mid ah kuwa dariska ah siyaasada soomaaliyana gacanta kula jirta,waana wax keeni kara in dib loo galo jahawareer siyaasadeed oo dhib u keeni kara waxii la soo waday mudada fog isagoo intaasi ku daray in madaxweynaha iyo wasiirka koowaad sida ay doonaan wax u magacaabeen cidii ay rabaana siiyay xilal culus kuwo kalena aanba soo hadal qaadin taasna ay mudan tahay in laga hadlo sida uu hadalka u dhigayna ka tala qaatay shisheeye.
 
Warsaxaafadeedkan beesha raxanwayn oo nuxur ahaan ku saabsanaa in beesha ay ka cabanayaa sida wax loo qaybiyay halka qaarkoodna ay qabaan in tirada intaa la eg aysan waxba soo kordhin doonin ee ay tahay in la yareeyo dibna loogu noqdo si loo yareeyo tirada wasiirada,ku xigeenada iyo waliba w/dowladaha si ay awoodooda wax qabad iyo dhaqaaleba layskugu dheeli tiro.
 
Isku soo wada duub dhamaan beelaha iyo wasiirada is casilaya ayaa ah kuwo saluugsan qaabka wax loogu qaybiyay ee Gollaha wasiirada,qaarkood waxay ka cabanayaan in aan la siinin wasiiro tayo leh oo hal beel ay isku urursatay waxii nuxurka lahaa,halka qaar kale ayba ka cabanayaan in aan waxba la siinin,doodan ayaa ah mid ay ka taagan  cabasho xoog badan.
 
Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka la hordhigo Gollaha wasiirada Cusub si ay u ansaxiyaan,iyadoo aysan ka marnayna in badan oo ka mid ah baarlamaanka in ay la imaan karaan diidmo sida ay hadaba ugu muujiyeen banaanka cabashadooda iyo sida ay uga soo horjedaan Gollaha cusub,Dad badan ayaa is waydiin kara maxaa lagu qancin karaa soomaalida hadii wax walba ay noqdeen kuwo dhib laga sheegto.

Anab Mohamoud Abdulle
<canabmumtaz@hotmail.com>
Nairbi

Dec 8, 2004


Shirkii Aduunka ee Qoyska ee lagu Qabtay 29\11\2004ilaa30\11\2004Caasimada wadanka Qatar  Xagay ka Qabteen Haweenkii Soomalida Maxaysa ka og yihiin wixii ka soo baxay.

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Somalitalk

  • N.B Waxa Qoraalkan i Soo gaarsiiyay Naasir Mohamed Ali Shinbir oo ku sugan Dooxa Qadar

Waxa aad modaa mar aan ka goob joog ka ahaa shirkii aduunka ee lagu qabtay wadankan Qatar ee hotelka ritzcarlton ayaa waxa ka muqday qolka shirarka dhaamaan haweenka aduunka oo dhan waxay dhibaato igu noqotay oo qoraalkan igu kalifay markii ay haweenayda xoghaynata dumarka islaamka sayida Ixasaan cabdala ay I waydisay suaal iyo markii aan xasuustay haweenkii soomalida ee u dodayey xuqooqda ee labada sano fadhiyey shirka iyo heerka ay marayaan haweenaka aduunka iyo heerka ay ka tagan yihiin shirarka aduunka ee ay ka qaybgalayaan haweenku ay baryahan danbe u sii xoogaysanayso iyo iyaga oo aan ka warhaynba oo ay ku mashquulsanyihiin sidii ay wasiiro uga noqon laheeyen iyo xildhibaano, maye ururada haweenka ee ka jira dhamaan gobalada dalka oo dhan meday wasaradaha mamulada ka jira wadanka mise waa magaca wasaarada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska ee la magacabay waqtigan ma laha wax canaana hadana waxaan talo ku sii lahaa in ay ku dadaasho sidii ay manta ula xidhmilahayd haweenka manta ka jira aduunka siiba gabadha aan magaceeda soo sheegay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka suudaan,

waxa inta badan shirakan laga hadlayey horumarka haweenka iyo qoyska iyo diimahu waxa ay ka qabaan waxa laga soo saaray qararo badan oo manta dani uugu jirto shacibka soomalida oo dhalasho ahaan ka soojeeda dal muslima oo caraba waxa kale oo aad loga hadhay furiinka oo manta dalkeenu aad uugu soo batay waxa kale oo laga hadlay meherka iyo armalada agoonta iyo dadka ka gaboba dada shaqada qoyskuna waa horomarka dalka waxa kale oo ay shegtay  sayida ixsaan in ay ka furan yihiin xafiiska midnimada qoyska goba kala duwan aduunka ay ka mid yihiin germany, seweden ,Albania ,bakistan ,thainland dhinaca carabta wadama maser,yamen, morocco, iyo gacanka carabta, waliba wadankan Qatar waxa imika horomarka uu manta marayo gaadhsisay haweenayda amiirka Qatar sheekha mowsa bint nasir musnad oo waliba aad uga fulisa hawlo badan wadama talabaysan oo waliba u fidiso iskuulo iyo waxbarasho wadama deeqaheeda ka faidastaya waxa ka mida sudan iyo muritania iyo wadanka aljusur alqamar oo ah dal imika ku soo biray jamacada carabta waxa kale oo ay haysaa arday ay ka soo qaday wadanka jusur alqamar waxa aan jeclahay in hawenka soomaliyeed ka fadiaystaan kolba heerka uu marayo aduunku waliba dhinaca qoyska iyo xidhiidhka horumarinta bulshada haweenka waa ka kaliya ee soo celiya qoysa iyo horomarkiisa…

YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.
Faalladii December ee SomaliTalk... Guji

Xeer Jabjab Lagu Furdaaminayo Dhibaatadii Loo Gaystay Samsam | Warbixin | Guji Dec 8

. EYD:: Waraysi: Sheikh xaji Ahmed Hirsi Ali Khayre

. Norway: Warsaxaafadeed kasoo baxay ururuka Haweenka

. Pakistan: Soomaali lagala baxay Guryohoodii

. Heshiis Dhexmaray Jaamacadaha suudaan iyo DGPL 

. Dadku iyo waxa ay ka aaminsan yihiin Golaha cusub

. BAAQ: Colaad Joojin dagaaalka Gelinsoor iyoHobyo

. Dumarka Galkacyo: Olole Wacyi Gelin... Guji 

. Qoraxay: Ciidamada gumaysiga oo Diley Xoolo Dhaqato

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD