SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo 4 nin oo xoolo dhaqato ah ku dilay gobolka Qorraxay.
  • Xabsiga Jig-jiga oo laga waayey Maxaabiis ku xidhnayd iyo weliba dad  xabsiga loo taxaabay.
  • Khilaaf soo kala dhexgalay Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Magaalada Goday iyo Ciidamada Itoobiya:-
  • Ganacsatada Reer Ogaadeeniya oo ka cabanaysa  Joojinta lacagta Shilin Soomaaliga ah.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo 4 nin oo xoolo dhaqato ah ku dilay gobolka Qorraxay. 

Xadgudubka ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku hayaan dadweynaha reer Ogadeniya ayaa maalinba maalinta ka denbaysa ka sii daraya, waxaana hadda ugu denbeeyay afar nin oo si waxshinimo ah ay ciidamada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya ugu  dileen gobolka Qorraxay. 

30/11/04 deegaanka Karin-Bilcille oo degmada Qabridaharre ka tirsan ayay ciidamada wayaanuhu ku dileen 4 nin oo shacbiga aaggaas ku nool ka mid ahaa,alle ha unaxariistee marmuuxayaashaas ayaa ahaa xoolo dhaqato la joogay geeloodii xiligii la dilay. Laba nin oo raggaas la laayay ka mid ah waxay Wayaanuhu ku dileen xabbad,halka labada kalana ay gawraceen. Ragaas la laayay ayaa lagu kala magacaabi jiray:

  • 1-     Wacdi Guhaad Aaden.

  • 2-     Mahad Cali Abshir.

  • 3-     Cali Gurey.

  • 4-     Axmed Nuur.

 Dilkaas foosha xun markii ay maqleen dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Qabridaharre waxay isugu soo baxeen maxkamadda horteeda iyagoo gumeysiga Itoobiya iyo ciidamadiisa waxshiga ahba aad ugu cadhaysnaa una cambaareeyey .  

Dadweynihii halkaas isugu soo baxay waxaa mar dambe u yimid oo la hadlay nin la sheegay inuu maxkamadda ka socdo, kaasoo raalli galin ka bixiyay dilka loo gaystay dadka rayadka ah, isagoo sheegay inuu arintaas baadhi doono. 

Xabsiga Jig-jiga oo laga waayey Maxaabiis ku xidhnayd iyo weliba dad  xabsiga loo taxaabay. 

Wariyaha RX uga soo warama magaalada jig-jiga ayaa soo tabiyey in 5 maxbuus oo ku jiray jeelka magaalada Jigjiga laga waayay jeelkaas 29/11/04, maxaabiistaas ayaa waxaa waayay dadkii ehelada ahaa ee xabsiga ku masruufayay. Maxaabiistaas oo laba ka mid ah lagu kala magacaabi jiray  Rashiid  Dheere iyo Cabdi Xakiin ayaan ilaa iyo hada la ogayn meel ay ku sugan yihiin, waxaana la tuhunsan yahay in ay ciidamada Itoobiya la baxeen oo ay Jeelal kale u warejiyeen amaba ay dileen. Maxaabiista la waayay Labadii bilood ee ugu danbeeysay ayaa waxay tiradoodu gaadhaysaa 50 Maxbuus, ilaa iyo hadana lama oga ciidamada Itoobiya meel ay geeyeen maxaabiistaas. 

Dhinaca kale waxay ciidamada itoobiya xabsiga u taxaabeen Axmed Salal Sh. Maxamed iyo C/raxmaan Kaahin oo loo yaqaan Buulgub. Mar uu wariyaha Radio xoriyo ehelada labadan maxbuus wax ka waydiiday sababta loo xidhan ayay u sheegeen in ayna garanayn wax danbi ah oo loo haysto labadan dhibane, waxayna intaas ku dareen in loo diiday in ay soo booqdan amaba ay wax raashi ah u geeyaan. 

Dad bannaanbax sameeyay markii xoolo laga qashay 

Tuulada lagu magacaabo Qudhmoone oo ka tirsan degmada Iimey Bari ayaay 24/11/04 bannaanbax wayn ku sameeyay dadweynaha tuuladaas ku dhaqan, ka dib markii si is-dabajoog ah ay ciidamada Wayaanuhu xoolo uga boobeen, ka dibna u qasheen. 

Dadwaynuhu waxay bannaanbaxan sameeyeen, ka dib markii ciidamo malleeshiyo ah oo gumaysiga Itoobiya leeyahay oo halkaas degganaa ay 15 neef oo adhi ah ka boobeen oo qasheen. Bannaanbaxani wuxuu keenay in dadweynihii iyo malleeshiyadii gumaysigu ay isku dhacaan, waxaana isku dhacaas ku dhaawacmay 3 qof oo dadweynaha ka mid ah iyo 5 malleeshiyada Itoobiya ka tirsan. 

Dhacdadaas kadib ayay dadweynihii ka qaxeen tuulada Qudhmoone, ka dib markii ay ka cabsadeen in ciidamada Wayaanuhu  weerar aar-goosi ah ku soo qaadaan. 

Xoolahaas ay ciidamada wayaanuhu boobeen ee ay  qasheen waxaa kala lahaa:

  • 1-     Xussein Nuur Cabdi.

  • 2-     Mohamed Mahiib Cadde.

  • 3-     Dhegacadde Xussein Maxamuud iyo

  • 4-     Cumar Takhal.

Isla degmada Iimey Bari waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidh-xidheen dad rayad ah,

waxaana ka mid ah dadka la xidhxidhay:

  • 1-     C/Rahman Bashiir Aden.

  • 2-     Dhool Suudi.

  • 3-     Dhega-cadde Xassan Maxamuud.

Dhinaca kale 28/11/04 waxay ciidamada Wayaanuhu weerar ku qaadeen meesha lagu magacaabo Lix-irdood oo degmada Shilaabo ka tirsan, waxayna gubeen wixii dhisma ahaa ee halkaas ku yaallay, waxay sidoo kale  boobeen hantidii dadweyanaha ee halkaas taallay.  

Khilaaf soo kala dhexgalay Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Magaalada Goday iyo Ciidamada Itoobiya:-

Wararka naga soo gaadhaya dhanka Magaaladda Goday ayaa sheegaya in Ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaaladaas iyo ciidamada Itoobiya ay isku dhaceen.

Sidaa waxaa u sheegay wariyaha Qoraxay Online Axmed Muuse oo isagu markii khilaafku dhacay ku sugnaa Magaaladda Goday.  Khilaafkan ayaa ka dhashay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ku tageen deegaano ka baxsan magaalada gudaheeha, taas oo ay is hor taageen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee saldhigyada ku leh magaalada Goday. 

Ciidamada Itoobiya waxay u sheegeen Ciidamada Ameerikaanka ah in Gobolka Soomaalida Ogaadeeniya ay ku sugan yihiin Ciidamo argagixiso ah, hase yeeshee Buu yidhi Axmed iyagoo arrintaas daba galkeeda ku jira ayey Ciidamada Ameerikaanku waxay bilaabeen in ay hawl-galo iyaga u gaar ah ka sameeyeen Tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah waxayna u jeedadoodu ahayd in ay arkaan sida wax ay uga jiraan Waxa ay Ciidamada Itoobiya sheegayaan. 

Wuxuuna intaas ku daray wariye Axmed in Ciidamada ameerikaanku  ogaadeen in waxa ay sheegayaan ciidamada Itoobiya ayna waxba ka jirin, waxayna maalintii iyo habeenkiiba dhexmaraan ciidamada Ameerikaanku suuqyada magaalada iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin bulshada iyo dadweynaha ku dhaqan Deegaankaas. 

khilaafkan ayaa sii balaadhay kadib markii uu askari ka mid ah kuwa Itoobiya uu ku armay dhawr askari oo ameerikaan ah oo marayay gudaha magaalada in ay ka baxaan magaalada oo ay  ku sugnaadaan xeryahooda, taas oo ay ku gacan saydheen askartii maraykanka ee uu amarka siiyey. Khilaafka ayaa habeenimadii sii balaadhay waxayna Labada dhinac is dhaafsadeen Rasaar waxyar socotay oo aan wax khasaare ah gaysan. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si weyn ugu fashilmeen arrimahihii ay horay uga dhaadhiciyeen Askarta Ameerikaanka ah ee haatan ku sugan Magaaladda Goday. 

Ganacsatada Reer Ogaadeeniya oo ka cabanaysa  Joojinta lacagta Shilin Soomaaliga ah.  

Wararka naga soo gaadhaya dhanka Gobolada Qoraxay, Doolo iyo Jarar ayaa sheegaya in ay Dhibaato weyni ka soo gaadhay Ganacsatada goboladaas lacagtii shilin Soomaaliga ahayd ee ay xukuumada gumaysiga Itoobiya ka mamnuucday Goboladaas. Mamnuucida lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa waxay ka danbeeysay sarifka lacagta Itoobiya oo hoos udhac weyni ku yimid. 

Shacabka Ogaadeenya oo aan wax xidhiidh ganacsi ah la laheyn Itoobiya ayuu ganacsigoodu ku xidhan yahay dhinaca Soomaaliya, lacagta gobolada Ogadenya laga isticmaalo  ayaa ah lacagta shilin soomaaliga ah,halka magaalooyinka waaweyna laga isticmaalo labada lacagoodba, waxaase Tuulooyinka iyo magaalooyinka yar yar gabi ahaanba laga isticmaalin lagana aqoonin lacagta Itoobiya. 

Sariflayaashii iyo dadkii ganacsiga ku lahaa magaalada Qabridahare ayaa laga u ruuriyay dhamaan waxay lacag haysteen, waxaana la geeyay saldhiga ciidamada Booliska ee magaalada Qabridahare, dadkii hantida lahaana ilaa iyo hada looma sheegin wakhti go,aan laga gaadhayo waxii laga yeeli lahaa hantidaas lacageed ee laga uruuriyey. 

07.12.2004

C/Nuur Sh. Maxamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD