SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUUDAAN
 
Daabaco Boggan | Print

Heshiis ay kala saxiixdeen jaamacadaha suudaan iyo wakiilka arimaha carabta ee DG/Puntland 

Dec 7, 2004

Sawirada laga qaaday xilligii heshiiska




Maalmihii lasoo dhaafay ayaa  dalka suudaan magaalo madaxdiisa khartuum waxaa booqasho ku yimid wakiilka arimaha carabta ee dowlad gobaleedka Puntland Muadane Maxamed Cabdi Cali (Malow), booqashadaas oo daba socotay socod hore oo ay ku yimaadeen wakiilka iyo Agaasiha Machadka Culuunta Caafimaadka ee Bosaaso Prof Cabdirisaq Xusen Xassan , waxaa socdaaladaas dhamaantood ay ujeedadoodu ahayd sidii dowlada suudaan ay uga kaalmayn lahayd arimaha tacliinta sare ardada wax ka barata dugsiyada puntland.

Hadaba 7/12/04 ayaa waxaa uu wakiilku kulamo kala duwan la yeeshay madaxda jaamacadaha dalka suudaan oo ay ka mid ahaayeen Jaamacadaha Shandi, Upper Nile University iyo Jaamacada Ifriqiya Alcaalamiyah. asagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah walaaltinimada ah ee ka dhaxeeya somaaliya iyo suudaan, wakiilku wuxuu masuuliyiinta hortooda ka cadeeyay in somaliya iyo suudaan ay yihiin labada dal ee isugu dhow marka loo eego dhinacyo kala duwan, wuxuu mahad balaaran u celiyay dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka reer suudaan, sidii ay u garab istaageen walaalahood reer soomaliya tan iyo intii uu burburka ka dacay dalkoodii, gaar ahaan wuxuu tilmaan cad ka bixiyay dhinaca tacliinta oo uu sheegay in dalka suudaan ay deeq wax barasho siiyeen arday soomaliyeed oo gaaraysa ilaa 5000 oo arday kuwaas oo isugu jira kuwo qalin jabiyay iyo kuwo wali ku guda jira waxbarashadoodii.

Markaa ka dib ayaa waxaa  Jamacadaha Upper Nile iyo wakiilku waxaa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii loo mataanayn lahaa jaamacada Upper Nile iyo Machadka Culuunta Caafimaadka ee Bossaso/ Puntland, ayadoo jaamacadu ay ka kaalmayn doonto machadka dhinacyo kala duwan sida macalimiinta, dhamaystirka aqoonta ardada iyo waliba in ay dalka gayn doonaan khubaro caafimaad oo wax ka qayb qaadata daryeelka dadka buka, heshiiskaas waxaa u saxiixay labada dhinac Gudoomiyaha Jaamacada iyo wakiilka puntland, waxaana goob joog ka ahaa maamulka jaamacada Upper Nile.

Waxaa sidaasoo kale uu wakiilku uu lagalay heshiis Jaamacada Ifriiqiya Alcaalamiya, heshiiskaas oo ku saabsanaa furitaan xarun waxbarsho oo laga furayo magaalada gaalkacyo, xaruntaas oo wax lagu bari doono ardada u diyaarsan inay galaan jaamacadaha, sanadkiina laga qaadi doono labo jeer imtixaan ay qaadayaan macalimiin ka socota jaamacada Ifriiqiya, xaruntaan oo hore looga furay meelo kala duwan oo somaaliya ka mid ah, waxaa ardada ku baasta imtixaanaddas ay fursad wax barasho ka helaan kuiliyadaha jaamacada Ifriqiya.

Qaybo ka mid ah masuuliyiintaa ayaa wakiilka waxaa ay ugu dhiibeen madaxwaynaha somaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed warqado ay ugu hanbalyaynayaan madaxwaynaha kalsoonida uu ka helay shacabka soomaliyeed inuu hogaamiyo shanta sano ee soo socota, waxayna ayna u rajeeyeen umada soomaaliyeed in ay u soo noqon doonto doorkeedii caalamka ay ku lahayd .

Ugu danbayn wuxuu wakiilku mahad balaaran u celiyay dhamaan masuuliyiintii ay kulmeen, wuxuuna gudoonsiiyay shahaado sharafyo ay maamulka puntland iyo machadka caafimaadka ugu soo tala galeen. 

Dalaka suudaan waxaa uu kaalin aad u balaaran ka qaatay tan iyo intii ay burburtay dowladii soomaaliyeed sidii looga kaalmayn lahaa ardada soomaliyeed dhanka waxbarashada si loo helo kaadir aqoon sare leh . 

Diyaariye Cabdikariim Xusen Xasan
Khartuum / Sudaan
iicobos@hotmail.com 

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD