Eyl investment &
devolopment Centre.!
Bismillaahi Raxmani Raxiim.
Waraysi: Sheikh
xaji Ahmed Hirsi Ali Khayre
Waxaa u suura
gashay Eil investment & devolopment Centre,inay
waraysi la yeeshaan sheikh xaji Ahmed Hirsi Ali
Khayre,oo ah isagu raga eil ugu magaca iyo
Qadarinta badan, marka haddan wax yar ka tabanno
taariikhda xaajiga, inagoon ku dheeraanayn, waa
ganacsade si aada looga yaqaan eyl iyo nugaal oo
dhan, waa sheikh culuumta diinta ku xeel dheer,
waxa uu ka mid ahaa ururkii gobanimada doonka
ahaa ee ilaahay ka sokaw callanka soo hoyiyay,
ee SYL.
Xaajigu wuxuu
in mudda ahba ku hawlanaa sidii uu u hormarin
lahaa magaladiisa,uu ku dhashay kuna dad dhalay
ee ayl, wuxuuna geed gaaban iyo mid dheerba u
fuulay sidii uu mashaariic khayriya uga hirgalin
lahaa waxana muuqata inuu wax badan ku
guuleystay, waxyaalaha mudan in aad xajiga looga
mahad celiyo waxa ka mida jidadka ,ama wadoonka
soo gala,oo ah laba wado oo ka kala yimaada
Qarxis,iyo Xasbahalle,labadaasba aad ayuu uga
shaqeeyay wuxuuna ilaa hadda la daba taganyahay,
dayactir joogto ah, wuxuu kaloo noo sheegay inuu
dayac tiray wadada isku xirta eyl lafteeda
labadeeda xafadood ee Daday iyo daawad. wax
yaalaha aan aad ula yaabnay markaan la kullanay
xaajiga waxaa ka mida inuu natusay,ID CARDKII uu
ku lahaa (magaalada).
Intaas kaliya
wax qabadka xajigu kuma koobna ee waxa uu wax ka
qabtay magalada eyl dhexdeeda sida, Dhismaha
wasaarad maaliya, boostada, wakaalada Ganacsiga,
wuxuu kaloo qayb lixaadle ka qaatay dib u
dajintii dadkii ay abaaruhu aafeeyeen,ee ka kala
yimi gobolada qaarkood.
Waxaa in si
aada loo xuso mudan Dhamaan oyaaasha reer eyl
inay yihiin rag quwah, ku dayasho mudan,waxaa
keenay inaan dhahno halagu daydo,Qodobadaan soo
socda.
1-waxay
leeyiihin Reer Eyl majlis la yiraadhdo, golaha
shuyuukhda.
2-waxay
leeyihiin ,gole kale oo isagana la
yirahdo,goloaha wada tashiga, waxaa xubin ka ah
qof kasta oo qaan gaara oo Reer Eyl u dhashay,
odayaasha ama golaha shuyuukhda waxaa ugu waa
wayn raggan soo socda.
- 1-Hahi
Ahmed xirsi cali khayre,oo ah ninkaan ka soo
sheekaynay.
- 2- maxamed
mocalim maxamuud oo ah runtii nin aad uga
fakara magaalada dhismaheeda iyo
horumarkeeda ,isaga oo dhisay masaajidka
jaamaca ee magaalada Eyl .
- 3- Waxaa
kale oo kamid ah duqayda magalada Nabadoon
Jaamac samatar.
- 4-Xaaji
maxamed muuse qoolif..ah ganacsatada ,Eyl
ugu waa weyn.
- 5- Xassan
nuur bootaan.oo ah odayasha,qaybta wayn ka
qaatay hor marka magalada.
- 6-nabadoon
xirsi bulxan.oo ah nabadoon ay Reer Eyl aad
u qadariyaan kama mid ah ganacsatada,reer
Eyl..
Golaha wada
tashigana waxaa haya sida uu noo shegay,haji
Ahmed, haji max’ed muse Qolif,iyo Hassan nuur
bootaan.iyaga ayaa hogaamiya golosha wadatashiga
reer Eyl,
Waxaa xusid
mudan in magaalada Eyl ay tahay magalada ugu
xujaajta badnayd waqtigii ay dawladu jirtay,
waxaana ay caan ku tahay magaalada iyo
dadkeeduba,diin jecaylka iyo is xiririn dadka
reer Eyl.meel walba oo ay joogaana waxaana dagan
soomali oo dhan qabiil laguma xanto, waxyaalaha
ay Eyl caanka ku tahay ama hodonkaba waxaa
weeye bataatada, biyaha iska socdo habeen iyo
maalinba,ilaha Qaarna kuleylka yihiin Qaarna ay
qabawga yihiin.
Reer Eyl Qabiil
iskuma Yaqaanan ee waxay walaalo ku
yihiin,magaaladaas ay wada
daganyihiin,waxyaalaha cajiibka nagu noqday
markan waraysiga la yelannay odayaasha, waxa ka
mida.in Eyl loo Yaqaan (Madiinatu Salaam)oo
macnaheedu yahay magaladii nabadda 14kii sano ee
dagalada sokeeye,waa magalada aysan ka dhicin
wax rabshado ah ama bililiqo, waa magalada
kaliya ay wali shaqeeyaan, ama ay nabdoonyihiin
goobihi dawlada,waxaa ay caan ku tahay EYL,
Daartii Sayyid Mux’ed Ee loo yaqaan (Daawad).
Taasina waxay
na tusinaysaa inay Eyl tahay Magaalooyinka ugu
da,da wayn Somalia.
Ugu danbantii
waxaan leenahay haddaan nahay ururka kor ku
xusan waxaan u rajaynaynaa Somalia oo dhan iyo
Gaar ahaanba Magalada iyo shacabka Reer Eyl guul
waarta.
Allaahu Akbar
Wal Ciazatul Lil Muslimin!!
Waxaa isku soo
dubba riday.Qoraalkaan:
Eil investment & devolopment Centre.!
Kala xiriir:
lakyleros@hotmail.com