SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
 
Daabaco Boggan | Print

  • Warsaxaafadeed: URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED EE NORWAY
  • BAARITAANKII UU TURBASHAASH KU SAMEEYAY URURKA HAWEENKA NORWAY

Warsaxaafadeed: URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED EE NORWAY

08. Dec. 2004
Oslo, Norawy

Anagoo ah guddida Ururka Hawweenka Soomaaliyeed ee dalka Norway ee marka la soo gaabiyo ah SKF waxanu beeninaynaa maqaal (article) been-abuur ah oo ku lid ah ururka laguna soo daabacay qaar ka mid ah boggaga Internetka ee soomaaliyeed.

Maqaalkan oo ciwaankiisu ahaa "Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Norway oo toos ugu xidhmay kiniisadaha" ayna aliftay gabadh la yidhaahdo Saida Sheikh Ahmed ayaa ah mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Ujeedadaya jawaabtan ayaan ahayn is-difaac anagoo ururahaan marnaba gorgortan naga dhaxayn karin shakhsi gaar ah, laakiin hadana waxa nagu kalifay, fiiro dheer ka dib in aanu dadweynaha soomaaliyeed warbixin ka siino arrintan, qoraalkaas been-abuurka ah oo boggag badan oo internetka ah lagu faafiyey.

Waxanu u aragnaa in maqaalkan aan loo marin jidkii suxuufinimo isagoo isu dheelitirnayn kuna fashilmay inuu waxa xaqiiqo (facts) ah iftiimiyo. Waxanu u aragnaa in shaksiga ka dambeeya qoraalkaas uu ka duulayo dano gaar ah ujeedaduna ay tahay in madmadow iyo kala shaki ku dhex abuurmo bulshada soomaaliyeed ee dalka Norway.

Anagoo taa ka hortagayna waxanu rabnaa in aanu faahfaahin kooban ka bixino hawlaha iyo barnaamijyada ururka iyo haayadaha kale ee ay wadashaqayntu naga ka dhaxayso.

Waxanu dadweynaha soomaaliyeed ee dalka Norway ku casuumanaa kulan furan oo iftiimin ah oo lagu qabanayo xaruunta ururka:

Maalinta: Arbaco, 08.Dec.2004

Saacada: 17:00 - 18:00

Xaruunta: Sverresgt. 4 (Tøyen)

Wixi faahfaahin ah ee intaa dheer waxad kaloo soo xidhiidhi kartaa ururka email-ka:

Ayaan Yaasiin, gudoomiye
Khadra Nuur, G. ku-xigeen
skf_161@yahoo.no 


BAARITAANKII AAN KU SAMEEYAY URURKA HAWEENKA NORWAY

Mahad Abdule.
turbashaash@hotmail.com 

Akhristoow ii ogolaaw in aan kuu soo bandhigo baaritaankii aan ku sameeyay eedayntii loo soo jeediyay ururka haweenka Somaliyeed ee ka dhisan dalka Norway.

Intaanan hadaba aragtidayda ku waajahan baaritaanka- eedayntaas aanan bilaabin, bal aan is waydiino marka hore waamaxay Suxufi?.

Suxufi waa qofka isku taxalujiya in uu baaro warar iyo fikrado kala duwan , isaga oo dagan dulqaadna leh.

Suxufigu ma aha in uu hal dhinac uun warka ka soo helo.
Suxufigu marnaba ma aha in uu qoro war aan jirin, mana aha in uu qoro isaga oon hubsan warkaas.

Suxufigu waa in uu noqdaa qof masuul ah oon u galin suxufinimada dhaqaale, midab takoor iyo kala jeclaysiba. Waa in uu wararkan uu qorayo 2-5 jeer hubsadaa in ay sax tahay iyo inkale.

BAARITAANKAYGII


Waxaa dhawaan la gu soo daabacay Web/bage yada Somalida eedayn loo soo jeediyay Ururka haweenka Somaaliyeed ee dalka Norway.
Waxaana eedayntaa u soo jeedisay gabar sheegatay in ay tahay Suxufiyad.

Eedayntaas oo ahayd in ay ururkaasi ay wax u dhimeen dhaqankii iyo diintii ay lahayd Somalida dagan dalka Norway.
Waxaa kaloo ka mid ahayd eedayntaas loo soo jeediyay, in ururkaas uu la shaqeeyo Kaniisad, tusaale xuna u yahay dhalinyarada.


BAARITAANKAYGII


Markaan akhriyay Maqaaladii eedaynta ahaa ee laga qoray ururkan haweenka Somaliyeed ee dalka Norway ayaan waxaan isku dayay bal in aan dhinaca kalana la kulmo si aan fikrada ay ka qabaan eedayntaa wax uga ogaado, waxaan kaloo isku dayay bal in aan ogaado fikradaha ay ka qabaan dhamaan umada Somaaliyeed ee ku nool dalka Norway.

Waxaan kaloo la kulmay dhamaan dhalinyarada, odayasha , wadaadada, iyo hooyooyinka ku nool magaalada Oslo., si aan u ogaado fikrada ay ka qabaan eedayntaas iyo waliba hadii ay akhriyeen maqaalkaas.

Waxay dhamaantood ii sheegeen in runrii ay aad uga xumaadeen, lana yaaban eedayntaas aan raadka lahayn.

Waxay dhamaantood isku raaceen in ururkani yahay mid dadaala, isku xira dhalinyarada- Somaliyeed ee ku nool Norway, lana dagaalama wixii wax u dhimaya dhaqanka iyo diinta ay leeyihiin.

Waxaan kaloo soo baaray in ururkani leeyahay xarun.
hadaad soo gasho xafiiskooda ay ku leeyihiin magaalada Oslo, waxaad isticmaali kartaa hadad u baahan tahay Internet, waxaad ka dirsan kartaa faxka, telefon, iyadoon waxba lagugu xireeyn, laguna soo dhawaynayo waliba,.

Ururkani waxa uu soo booqdaa dhaman jeelalka ay ku xiran yihiin dhalinyarada Somaliyeed,
waxa uu la dagaalamaa Gudniika , waxa uu soo saaraa Buugaag iyo cajalado ka hadlaya dhibaatada uu gudniinku leeyahay .
waxaan kaloo soo ogaaday in ururkani ku xiran yahay dhamaan ururada kale oo uu waliba si aad ah ula shaqeeyaa kuwa jecel Sportiga iyo waliba wadaadada.

Intii uu ururkani jiray waxa uu socdaalo kukala bixiyay wadamada Europe , Somaliya Jabuuti.

Isaga oon wax dhaqaale ah ku xirin ayuu jecel yahay in uu la shaqeeyo urur walba gaar ahaan Bahweeynta Sportiga , iyo dhamaan dhalinyarada yar yar ee jecel dhaqankooda iyo diintoodaba.

Maxaa keenay eedayntan

Mar aan hadaba su-al ka waydiiyay masuuliyiinta ka shaqeeya ururkan , halkeey ka timid -eedayntani?.

Waxay ii sheegeen in ay casuumeen ururo badan oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba taasoo ahayd xaflad soo gunaanadkii, ladagaalanka gudniinka iyo barnaamijyo kala duwan oo socday mudo sadex sanadood ah.

Dadkii ay casuumeen waxaa ka mid ahayd fanaanada magaca wayn ku leh dalkeenii hooyo iyo waliba dibadaba waa Maryan Mursal , halkaas oo uu ururka la galay qandaraas ama (contract)
si ay ugoo qayb gasho xafladaas.
Waxay kaloo ii sheegeen in dhamaan dumarka kunool Oslo Norway, ay gooni u casuumeen Maryan Mursal si ay hadiyado u gaar ah u siiyaan , maadaamaa ay Maryan Mursal ahayd qof u soo dadaalay wadankii ilaa hadana dadaal wayn ugu jirta sidii ay u soo noqon lahayd sharaftii ay umada Somaaliyeed ku lahaan jireen wadan koodii.

Waxaay ii sheegeen in uu halkaa fadhiday qof ka mid ah dadkii la casuumay o ahayd Suxufiyad.
Waxayna ka xumaatay dhaqaalahan la siinayo Maryan Mursal.
Waxaa laga soo wariyay in ay Suxufiyadii tiri waxaan u baahanahay in anna la isiiyo dhaqaale sidii maryan Mursal oo kalanaa la ii sameeyo.

Ururkii waxa uu ugu jawaabay anagu dhaqaale kuma bixino xafladaha iyo hawsha loo qabanayo dhamaan umada Somaliyeed.
Waxaanu kuugu casuunay in aad noogala soo qayb gasho xiritaanka xafladan, una qaadato sida ay tahay.
Suxufiyadii waxay ku jawaabtay handadaad, iyo in ay isku dayi doonto in ay magaca ururka wax u dhinto, waa hadii la siin waayo dhaqaale ama wax la xiriira.

Jawaabtii Maryan Mursal

Waxaan isku dayay in aan waraysto Maryan Mursal oo markaa Garoonka joogtay. Bal in ay jirto in Garoonka diyaaradaha ay ugu yimaaden culumaa/udiin iyo inkale.

Nasiib daro ma helin Maryan Mursal. Lakiin waxaan helay ilo lagu kalsoon yahay oo soo wareeystay Maryan Mursal.

Waxay ilaahaas lagu kalsoon yahay ii xaqiijiyeen in aynan Maryan Mursal marnaba arag lana kulmin Waddaado intii ay garoonka joogeen iyada iyo Suxufiyaduba.

Bal hadaba aqristoow isku soo duuduub , ka baaraan dag, go/aankeeda adugu gaar.
by Mahad Abdule.
turbashaash@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Qoraaladii hore ee laga qoray ururka haweenka soomaaliyeed ee Norway

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD