SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
 
Daabaco Boggan | Print

Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle

Xildhibaan C/risaaq Warsame Xayir
E-mail Xayir097@hotmail.com

Xildhibaan C/risaaq Warsame Xayir
E-mail Xayir097@hotmail.com

December 6, 2004

Anigoo ah Xildhibaan C/risaaq Warsame Xayir oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland kana soo jeeda Degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaasna xudunta u ah degaamada ay ka jirto xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee Sool, Sanaag Bari, iyo Degmada Buuhoodle. Hadaba iyadoo ay tahay waajib I saaran inaan doono Xalka ugu haboon ee khilaafkaas hadaan waayana kan ugu dhow ee lagama fursadaanka ah, guud ahaan cid kasta oo ay khusayso gaar ahaana Golayaasha Qaranka ee Somaliland iyo Puntland waxan halkan ugu soo gudbinayaa aragtidayda ku aaddan amuurtaas waana sidan hoos ku qoran: - Digniin Waxaan ka digayaa dagaal mar labaad ka dhex qarxa ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee isku hor fadhiya degaanka tuulada Adhi-Cadeeye ee ku dhow degmada Laascaanood ka dibna kusii fida Degaamo kale. Waxa uu noqon-doonaa midka ugu nasiibka daran dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliland iyo Puntland marka loo eego duruufaha ku gadaaman.

Waxa uu ku soo beegmay xilli danbe oo laga soo kabanayey burburkii waynaa ee Somalia dumiyay. Wuxuu keeni doonaa khasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh, ma jirto cid ka heli doonta faa’iido haba yaraatee, mana jirto sabab macquul ah oo loo adeegsan karo in la galo dagaalkaas, Dhaxalkiisuna waxa uu noqondoonaa oo kaliya colaad baahsan oo daba dheeraata oo waliba Isir ku salaysan oo la dhexdhigo shacabka walaalaha ah ee kala ah Kuwa ku bahoobey iyo kuwa ku abtirsada beelaha Dirta Somaliland iyo Daaroodka ay dal, dan iyo daris wadaagta yihiin. Soo jeedin

1. Waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa abaabulka gulufka dagaal ee ku foorara Guud ahaan gayigaas gaar-ahaana magaalada Laas-Caanood.

2. Waa in dib loo kala qaadaa ciidamada labada dhinac oo ay hadda u dhaxayso masaafo ka yar 3 Km taas oo keeni karta in dagaalku qarxo saacadii uu doono si masuuliyad darro ah.

3. Waa in la joojiyo dagaalka afka ah ee xambaarsan qabiilka iyo qabyaaladda qaawan ee caadada u noqday in-badan oo masuuliyiin sheeganaysa shacabkana lagu dhiiri galinayo, isla markaasna lagu baahinayo saxaafadda dawladda iyo tamadaxa - banaan iyo ta caalamiga ahba.

4. Waa in la fahmo (la garto) in cidda muranka gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle u dhexeeyaa aanay ahayn Puntland iyo Somaliland Balse uu yahay Dhulbahante iyo Warsangali laba garab ah oo kala taageersan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.

5. Iyadoo la tixgalinayo Mabaadi’da aaya tashiga iyo nabad ku wada noolaanshaha waa in la dhowraa xaqa iyo karaamada ay leeyihiin shacabka reer Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle isla markaasina waa in aan lagu gafin sharafta iyo taariikhda ay leeyihiin ee soo jireenka ah, talada masiirkoodana faraha looga qaado.

6. Maamulada Somaliland iyo Puntland waa in mid waliba dhiniciisa iska soo saaro masuuliyiinta u dhashay degaamadaas ee ku jira goleyaashooda qaranka sida golaha Wakiilada, golaha Guurtida, iyo golaha Wasiirada iyo waliba madaxda sarsare ee hay’adaha dawlada, isla markaasna ay ka joojiyaan wixii xaquuq iyo maamuus ah ee ay siin jireen. Una soo diraan dadka iyo degaanka ay ka dhasheen, waana inaan qolana dhinaceeda shacabka degaankaas uga lumin fursado horumarineed oo danbe dhibaatana u gaysan waxa xusid mudan mudadii afar iyo tobanka sanno ahayd ee ka danbaysay burburkii Somaliya ilaa haddadan la joogo shacabka degaankaas ma gaadhin kaalmadii gargaarka iyo dib u dhiska ee beesha caalamku ugu tabarucday sababtana cidbaa leh.

7. Waa in si degdag ah looga qabto degaamadaas shirar ay ka soo qaybgalaan madaxda dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo waxgaradka beelaha degaankaas oo isaga yimaada gudo iyo dibadba shirarkaas oo ujeedadoodu tahay in lagu gorfeeyo talo gun dheer oo dan ku salaysan, war iyo wacyi galin badan ka gadaalna waa in shacabka degaankaas laga qaado Afti ay ku dooranayaan meesha ay raacayaan.

8. Maamulka iyo shacabka reer Puntland waa inay garwaaqsadaan haddii shacabka reer Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle dan awgeed kula midoobaan Somaliland inaanay lumin abtirsiimadii ka dhaxaysay, sidaa darteedna waa inay ku soo sabootiyaan Hambalyo iyo bogaadin.

9. Sidoo kalena maamulka iyo Shacabka reer Somaliland waa inay wajahaan xaaladda runta ah kana baxaan khiyaalka iyo aftahamada ay ku dhinacmarayaan xaqiiqada jirta ee lagama fursadaanka ah taasi oo ay marag u tahay marka ay timaado arinta Sool, Sanaag iyo buuhoodle. Reer somaliland shacbi iyo dawladba waxa caado u noqotay inay ka hadlaan cambaarayn loo jeedinayo Majeerteen iyo C/laahi Yuusuf, taasina waa Khalad waayo cidda somaliland ka soo horjeeda ee la dirirtay iyaduna (S/land) la dirirtay ee qoloba qolada kale u gaysatay khasaare naf iyo maalba leh khasaare ka badanina ku kala imandoono hadaan caqligu shaqayn oo aan xaaladda laga badalin sida ay imika tahay waa Dhul-bahante iyo Warsangali, dhulka Somaliland doonaysay ee Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle-na iyaga ayaa leh xuduudkana iyaga ayaa deggan. Waana iyaga cidda u soo yeedhatay Majeerteen, Mooro-saante, Mooro-case, Meheri, Kaskii-qabe, Geesi-guulle, Liibaan-geshe, Leel- kase, Cabdi-koonbe, Ciise daarood, Awr-table iyo dhammaan beelaha kale ee reer Puntland. Bal haddaba aynu is waydiinee in la dafiro ma geyaan mase liqi karaan in la dafiro? Maxaa loola xaajoon waayay? Maxaa loo ogaan waayay waxay diidayaan? Waxa ay gar u leeyihiin maxaa loogu yeeli waayay? Wixii ay ku gardaranyihiinna maxaa looga qancin waayay si ay isaga daayaan? Mar labaad waxan leeyahay Somaliland waa inay ogaataa waxa kaliya ee shacabka degaankaasi lagu kasbankaraa inay tahay Nabad, Istixgalin, wada hadal daneed iyo wax qaybsi dawladeed oo cadaalad ku salaysan waxa hubaal ah inta uu meesha ka maqanyahay wax qaybsiga, awooda siyaasadeed iyo tan dhaqaale oo Somaliland ku qanciso shacabka degaankaas inay shaqaynayso abtirsiimada Puntland.

10. in lag feejignaado la kala safashada beelaha Reer Koonfureed ee Somalida ah, hadii cid la taageero cidna lagu lid noqdo taasi waxay keenaysaa in sidii lixdankii beelaha reer Somaliland ugu dhexmilmaan Somaliya, halkaana uu ku lumo masiirka dadka reer somaliland sidii hore u dhacday 1960kii waayo beryahan danbe waxa si aan qarsoodi lahayn uga muuqda afkaarta shacabka iyo siyaasadda dawladdaba ee Somaliland taageero la siinayo qaar ka mid ah beelaha somalida Koonfureed taa lidkeedana lagaga soo horjeedo qaar ka mida beelahaa koonfureed, hadaan si degdeg Ah loo joojin waxay hor seedi doontaa cawaaqib xumo kala fogaysa beelaha reer Somaliland dhexdooda.

 Su’aal

1. Ma Hartiga Reer Somaliland ayaa iimaansan waayay dalkoodii oo ka daba dhacay waxan dantooda ahayn oo arintu waxay ku soo gororaysaa murtidii ahayd Dunjiga reer garaad yahay haddaan duub cad wada saaray oo aan dawlad kaa dhigay maxaad duule igu maagtay?

2. Mise Hartiga Somaliland ayaa loo diiday dalkoodii S/land oo waxaanay gayin la gula kacay? Oo arintu waxay ku Ibo la’dahay murtidii ahayd Harti nimaan Aqoon-baa ku dhaha hadalka qaarkiis’e?

3. Mise somaliland ayaa loo diidanyahay Somaliland-nimadeedii dhabta ahayd oo arintu waxay ku sax ku tahay murtidii ahayd Hooge inaad tahay, oo hadhaa tahay, oo Lo’da herdido, oo hor cab jeceshahay sidaad isugu heli?

4. Dagaaladii siyaasadeed ee ka Qarxay S/land sida kii Burco ee 1992kii, kii Barbara ee 1993kii, Kii Hargeisa 1994 kii, iyo kii Burco ee 1995kii maxay ku bilowdeen Dhammaantood? Maxayse ku danbeeyeen? Muxuuse kala mid yahay kan hadda Gobolka Sool ka aloosani? Muxuuse kaga duwanyahay Dhammaantood?

5. Dagaalka magaalada Laascaanood ku foororaa ma ujeeddo-badan-baa? Waayo magaalada Laascaanood kuma taallo xuduudka Somaliland sheeganayso ee mara duleedka magaalada Garoowe dhanka kalena duleedka magaalada Boosaaso.

6. Sidoo kalena kuma tallo xuduudka Puntland sheeganayso ee mara labida Gaatama oo u dhaxaysa Burco iyo Caynaba. Bal hadaba waa maxay sababta keentay in marka laga soo bilaabo Lawyacaddo iyo Saylac ilaa Boosaaso iyo Raasxaafuun wixii hub yaallay la soo dul dhoobo magaaladaas Laas-caanood? Maxaase la gudboon dadka ubadkoodii iyo maalkoodiiba halkaasi yaalliin?

7. Anigu waxan ahay Mudane ka soo jeeda halka xudunta u ah xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland degaan kaygiina ma tagin Muddo laba sanno ah waxaana ka socda dagaal, wax la iga weydiiyayna ma jirto waxan ku micneeyana garan maayo dagaalkaas sida runtu tahay kuma xog dhaamo habraha Qari-Jiqood (meel ka mid ah dhulka Ogaadeeniya) jooga waxa ila mid ah Soddon iyo Lix xildhibaan oo ka soo jeeda degaamadaas iyo masuuliyiin kale oo ku jira golaha wasiirada iyo waaxyaha kale ee dawladda, waxa jirta siyaasad gaamurtay oo kala xidhay masuuliyiintaas iyo masuuliyadoodii bal hadaba is waydiintu waxay tahay masuuliyiinta ka soo jeeda degaamadaasi waa maxay macnaha ay ugu fadhiyaan guud ahaan ummada Reer somaliland gaar ahaan deegaamadoodii?

Gabagebo

Ugu danbaystii waxan leeyahay waar amuurtan hoos ha loogu daadago oo hala soo saaro meesha salaadu ka xidhmi la’dahay? Taasi oo tilmaamaysa maah-maahda Somaaliyeed ee odhanaysa Guddi raagtay ama arin garta ku jirtay ayay ka saartay ama mid aan ku jirin ayay ku soo dartay.

C/risaaq warsame Xayir
E-mail Xayir097@hotmail.com 
Hargeysa Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Xildhibaan C/risaaq Warsame Xayir

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2004


AKHRI QORAALADII SAMSAM AXMED DUCAALE::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD