Ciid xaaji Ciise
email.
ciidxaaji@maktoob.com
Canada
Waxaa si wayn iiga fajiciyay natiijadii uu ku dhammaaday shirwaynihii
Soomaalida muddo laba sano ah uga socday magaalada Nayrobi ee gabagababdii
m/wayne
loogu doortay C/llaahi Yuusuf taasoo dhab ahaan lagu tilmaami karo tallaabbo
14-sano ka dib loo qaaday dhinaca burburka maxaa yeelay waxaa la yiri ''ninkaad
kabo ka tolanayso kabihiisaa la fiiriyaa''
Waa dhab in Soomaali badan ay soo dhowaysay doorashada C/llaahi Yuusuf, laakiin
waxaad moodaa in soo dhowayntaasi ay salka ku hayso oo keliya Soomaalida oo
muddo
14-sano ah ku jirtay dawlad la’aan iyo jahawareer taasina ay dad badan ku
dhalisay
cid kasta ha timaadee bal mar dawlad ha la dhiso, runtii dareenkaasi ma xuma
laakiin laba arrimood ayaa markaa mudan in la is waydiiyo.
Tan hore waxa weeye Soomaaliya ma u baahan tahay dhibaato hor leh iyo bur-bur
kale oo daba dheeraada iyo in C/llaahi Yuusuf uu u qalmo ama uu awood u leeyahay
hoggaaminta qaran Soomaaliyeed? Marka la soo koobo jawaabta labadaa su’aalood
waxay noqonaysaa ‘‘MAYA’’.
Waxaa muuqata in muddo dheer ka dib mar kale laga lumay waddadii ay Soomaaliya u
baahnayd,marka dib loo eego nolosha C/llaahi Yuusuf laga soo billaabo 1978 wuxuu
ka shaqaynayay burburka iyo dhibaatada Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan
intaba, waxay Soomaalidu wada ogtahay kaalintii uu ku lahaa burburkii qaranka
Soomaaliyeed, waana ninka lagu tilmaami karo aabbihii dhibaatada Soomaalida sida
uu isaguba ka qirtay fagaarayaal iyo warbaahin kala duwan.
Waxaan marna maskaxda ummadda Soomaaliyeed ka go’I Karin sida uu C/llaahi
Yuusuf ugu loogay cadowgeeda koowaad ee Itoobiya iyo inta la halmaasha ka dib
markii uu burburkii qarankii Soomaaliyeed u kaashaday axmaaro iyo ummado aynu
weligeen lahayn cadaawad guun ah oo aan la illaawi Karin isagoo taas ku doonaya
jagada maanta loo magac.
C/llaahi Yuusuf waa nin noloshiisa oo dhan ay ku dhisan tahay in xoog wax lagu
raadiyo haddii burbur kasta uu ka imanayo oo Soomaaliya dal iyo dadba ay dambas
noqonayaan, waa nin haba yaraatee aan dan ka lahayn danta guud isla markaana si
aan la arag ugu takri fala hantida qaranka oo aan oggolayn la xisaabtan iyo wada
tashi midna.
Arrimahaas aynu tilmaanay waxaa tusaale noogu filan hab dhaqankii C/llaahi
Yuusuf ee waqtigii jabhaddii SSDF iyo intii ka dambaysay sannadkii 1991-2004 oo
isugu jiray laba marxaladood oo uu marna hoggaaminayay garabkii SSDF iyo intii
ka
dambaysay 1998 ee uu m/waynaha ka ahaa Puntland.
Intii uu joogay jabhadda SSDF ee Itoobiya ay dhabta ku haysay waxaa la wada
ogyahay hab maamulkiisii ku dhisnaa qabiilka, eexda, maamul xumada iyo
kelitalisnimada markii dambe ay la kala daadatay jabhadda taasoo Itoobiya oo
jabhada dana badan ka lahayd ku baraarujisay inuu jabhadda burburinayo isagoon
is
ogayn ka dibna ay xabsiga u dirto.
Markii uu Soomaaliya soo gaaray sannadkii 1991 ee xabsiga laga soo daayay wuxuu
hawl ka billaabay inuu jabada guddoomiyaha ee jabhadda ku qabsado Jeneraal
Max’ed
Abshir oo markaa si sharci ah loogu dhiibay jagadaas taasoo keentay khilaaf adag
oo ka dhex aloosmay dadka gobollada W/Bari ku nool.
Waxaa xigay dagaalkii uu ku qaaday koox wadaado ah oo madaxda siyaasadda iyo
kuwa dhaqanku ay ku aamineen gacan ku haynta dekedda Boosaaso iyo sugidda
ammaanka
ishaas dhaqaale ee muhimka u ah gobolladaas, dagaalkaas labadii dhinac ee ka
qaybgalay waxay isla qireen inuu ahaa dagaal aad u adag ayna ku nafwaayeen dad
gaaraya 1000-qof oo labada dhinac isugu jira ayna ku dhaawacmeen dad aan la
qiyaasi Karin oo qaar badan ay maanta joogaan gobolladaas iyagoo curyaan ah.
Muddo yar ka dibna C/llaahi Yuusuf wuxuu heshiis keli ahaantiis ah la galay
Jeneraal Caydiid oo markii uu hore uu wadaadadii uu weeraray ku eedeeyay inay
xiriir wada leeyihiin, taasina waxay gobollada ka dhex abuurtay qaybsanaan kale,
ujeedadu ma ahayn heshiiska in la diidayay laakiin waxay ahayd talada uu la keli
noqday maadaama ay jabhaddu lahayd hoggaan isla markaana gobolladu ay u wada
jireen colaada iyo naadda gobolladaas.
Sannadkii 1994 wuxuu caqabad ku noqday ka mira dhalinta shirkii Qardho ee lagu
doonayay in jabhadda SSDF loogu sameeyo hoggaan cusub, odayaashii dhaqanku
markay
arkeen dhibaatada taagan waxay go’aan ku gaareen in muddo hal sano ah hoggaanka
jabhadda loo dhiibo mudane C/risaaq Xaaji Xuseen markii ay mudadaas dhamaatana
la
qabto shirwayne lagu doorto guddoomiyaha jabhadda, laakiin rajadaas shirka lagu
badbaadinayay waxaa iyana burburiyay C/llaahi Yuusuf.
Sannadkii 2001 wuxuu dagaal sokeeye ka oogay gobolladii ku sharfay jagada uu
waqtiga dheer u bukay ka dib markii ay dhammaatay waqtigii saddexda sano ahaa ee
loo qabtay inuu xilka ka dego ka dibna la qabto doorasho xor ah oo ku dhisan hal
qof iyo hal cod, taasi waxay ahayd mid aan lagu nixin waayo dadka yaqaanay
markii
la doortay 1998 waxay yiraahdeen ‘‘C/llaahi Yuusuf mar baa la doortaa’’.
Intii uu hoggaaminayay Puntland waxay dad badan yiraahdaan amaan buu ka dhigay
laakiin dadka sidaas aaminsan waa dad aan aqoon u lahayn gobollada W/Bari maxaa
yeelay dadka ku nool gobolladaas waa dad dhaqan ahaan aaminsan in nabad lagu
wada
noolaado oo aan ku degdegin colaadda sokeeye taasina waxaa muujinaya hab
nololeedkii gobolladaas intii u dhaxaysay 1991-2001.
Markaynu eegno hoggaamiye ahaan waa nin aan hoggaamin Karin dad midaysan, waa
nin la dagaallama dadka aqoonta leh, kuwa maskaxda furan iyo fekerka toosan leh,
kuwa ku wanaagsan cibaadada Rabbi, dadka wuxuu soo dhowaystaa kuwa ugu hooseeya,
kaska gaaban laakiin isaga u guulwadeeya, fadhiyada maamulkiisa wuxuu tagaa
isagoo
wata go’aanka arrinta la doonayo in laga wada doodo haddii ay tiisa noqon
waydana
waa in lagu kala tagaa kulankaas ka dibna uu ragga qaarkis dibadda kula soo
hadlaa
oo jeebka u qooyaa si uu uga iibsado ra’yigooda.
Waa nin aan adkaysi u lahayn haba yaraatee mucaaradka iyo ra’yiga tiisa ka duwan
wuxuuna aaminsan yahay in mucaaradka la gato ama la laayo, waa nin ay u sahlan
tahay abaabulka shirqoollada dilka ah, dadka ku nool gobollada W/Bari waxay wada
xusuusan yihiin dilalkii uu kula kacay saraakiishii Jabhadda SSDF xilligii la
joogay Itoobiya oo aynu tusaale kooban uga soo qaadi karno dilkii Dr: C/raxmaan
Caydiid iyo Iikar Xaaji Max’ed Xuseen.
Markaynu u soo laabano gobollada W/Bari waxaa dadwaynaha maskaxdooda weli ka
guuxaya naxdintii ay ka qaadeen dilkii xanuunka lahaa ee uu kula kacay Suldaan
Hurre 17/8/2002 iyo guddoomiyihii shirkadda Towfiiq Faarax Max’ed Siciid,
labadaas
dil oo ka dhacay gobolka Nugaal waxaynu ognahay in labadaas nin ay u dhinteen oo
keliya inay ka horjeesteen aragtidii C/llaahi Yuusuf ee ku aadanayn xilli
korodhintii uu ku dhawaaqay 2001.
Waxaan la yaabay markii uu C/llaahi Yuusuf caalamka hortiisa kaga dhawaaqay
haddii aan xilka gudan waayo waxaan ku celinayaa barlamanka, waxaa horay loo
yiri
nin hooyadiis cirrid ku jiiday aayadiis har ma geeyo, taas waxaa markhaati ugu
filan wixii ka dhacay Puntland, maxaa yeelay maba aaminsana in doorasho wax lagu
kala helo haddii uusan isagu ku guulaysasn wax kastana waa xoog iyo jujuub in
lagu
dhaqaajiyo.
Tan kale C/llaahi Yuusuf marna kuma tala galin inuu u hoggaansamo haddii looga
adkaado doorashada oo uu jeediyo khudbadii la mid ah middii uu jeediyay mudane
Caddoow, waayo dadka ku nool Puntland waxay ogyihiin shirqoolkii uu diyaariyay
C/llaahi Yuusuf, maalintii ay socotay doorashada Kasarani gudaha Puntland waxaa
ka
socday abaabul ciidan oo aad u xoog badan, waxaa heegan la geliyay dhamaan
ciidamada oo dhan, waxaa qoryo la saaray gawaari cusub, hadafku wuxuu ahaa in
haddii C/llaahi laga adkaado madaxda Puntland ee gudaha joogtaa ay ku dhawaaqaan
inay Soomaaliya ka goosteen C/llaahi iyo inta kalana aysan gobolladaas tegi
Karin
taas oo ah mid ay isaga isla ogyihiin, haddii uu dadwaynuhu taas ka kacana
xabbad
lagu cabburiyo.
Qofkii doonaya inuu dad xukumo waxaa caadi ah inuu isaguna oggolaado in markiisa
la xukumo, bal Soomaalidu ha ka taliso nin doonaya inuu wax u taliyo hase
ahaatee
aan loo talin marna, C/llaahi Yuusuf wuxuu leeyahay laba cadow sida marar badan
afkiisa laga maqlay, waxay kala yihiin cadowga gudaha oo uu u yaqaano dadka
diinta
ku dhaqma iyo cadowga gudaha oo uu u yaqaano qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Hawiye
iyo
Isaaq iwm, wuxuuna saaxiibka koowaad u yaqaanaa Itoobiya sidee haddaba ay
suuragal
ku tahay inuu maanta u joogsado hoggaaminta dad ay cadow isu yihiin gude iyo
dibadba, cadowgii qaranka Soomaaliyeedna u yaqaan saaxiib koowaad.
Haddii uu arrinku caynkaa yahay sidee ku dhacday in barlaman Soomaaliyeed oo
tiradaas leh uu codkoodu u bato ninka leh tilmaamaha noocaas ah xambaarsan mise
xubnaha barlamanku waxay xeeriyeen lacagta faraha badan ee ay CIA-da maraykanku
ku
garab qabatay C/llaahi Yuusuf markii ay doorashadu soo dhowaatay iyadoo u u soo
marisay Imaaraatka.
Mise waxaynu oran karnaa xubnaha loo doortay barlamanku aqoon uma lahayn ninkan
aynu hadal hayno? Waa suuragal in qaar badani aysan aqoon badan u lahayn laakiin
waxaa la hubaa in ninkani uusan ahayn mid ka qarsoomi kara indhaha Soomaalida,
laakiin sida muuqata waxa meesha ku jira mabda’ la’aanta Soomaalidu ku caan
baxday muddooyinka dambe.
Dooddaan waxay u badan tahay in dad badan ay ula muuqato mid ka soo jeedda qof
mucaarad ah,
laakiin si kastoo loo qaato waxaa ujeedadu tahay muujinta xaqiiqda jirta oo aan
laga boodi Karin haddii maanta maro dusha laga saarana maalmo dhow ka dib soo
ifbixi doonta dhinaca kale anigu shakhsi ahaan ma qabo in wixii laba sano lagu
tacab belay cagta la mariyo laakiin waxaan qabaa in cid kasta la xakameeyo oo la
wada xisaabtamo.
Waa digniin ku socota dadka Soomaalida ah guud ahaan gaar ahaana inta haatan
xilka loo dhiibay ee ay ugu horeeyaan barlamanka iyo R/wasaaraha iyo inta kale
ee
soo socota, xubnaha barlamanka iyaga ayaa maanta C/llaahi Yuusuf dusha ka saaray
ummadda Soomaaliyeed sidaa darteed waxaa la gudboon inay ka feejignaadaan hab
maamulka C/llaahi Yuusuf oo aan rajo laga qabin inuu noqdo mid ka hufan
musuqmaasuq iyo hanjabaad, taas macnaheedu maaha inay horjoogsadaan wax kasta oo
ka yimaada C/llaahi Yuusuf ee macnuhu waxaa weeye wixii khilaafsan wixii la isku
ogaa ee lagu wada dhaar tay in la wada ilaaliyo inaan qofna burburinteeda lala
garab gelin.
Golaha wasiirrada ee soo socda oo uu horkacayo R/wasaaraha iyadoo ay sugayso
hawl tira badan haddana dhinaca kale waxaa hor yaalla caqabad kale oo ah ninka
dawladda hoggaaminaya oo u baahan mar inaad idinku iska ilaalisaan marka kalana
aad ka ilaalisaan dalka iyo dadkaba, waxana rajaynayaa in Soomaaliya ay ku
dambayso guul,deganaansho iyo walaalnimo lagu wada noolaado.