waano ku
saabsan
qorayaasha
iyo
akhristayaasha
WEBSITES -ka
Aadan Nuur ,
HARGEYSA
shalqane@hotmail.com
Waxa mahad
iska leh
Allah,midka
inna
abuuray,inna
irsaaqay ee
inna
hanuuniyey,Nabad
gelyo iyo
naxariisina
korkiisa ha
ahaato
Nebigeeni
Muxamed iyo
saxaabadiisii
iyo qofkii
hanuunkiisii
raaca.
Intaa ka dib
waxaan aad u
jeclaystey
inaan qoraal
gaaban oo
waano ah ugu
soo gudbiyo
walaalahayga
wax qora iyo
akristayaasha
labadaba,
taasoo aan u
arkay lagama
maarmaan.
sidaad
ogtihiin
saxaafaddu
waxay ka mid
tahay
AALADAHA iyo
waddooyinka
beni-Aadamka
lagu xumayn
karo ama
lagu
hagaajin
karo,sidaynu
wada
ogsoonahayna,maanta
labaduba way
is dhinac
socdaan,mujtamacaadkuna
waxay isugu
jiraan kuwo
dhinaca
xumaha iyo
naarta dadka
u jiidaya
iyo kuwo
dhinaca
wanaagga iyo
khayrka u
jiidaya,waxa
jira xadiis
uu soo
werinayo
abu-hurayra
oo saxiixu
muslim ku
soo baxay ,tarjumaadisu
waxay tahay
=qofkii ku
baaqa hanuun
wuxuu
leeyahay
ajar le'eg
kan ay
helayaan
kuwa
sameeyey
wanaagaa
iyadoon
iyagana
waxba laga
nuqsaaminayn,qofkii
ku baaqa
baadinnimo
wuxuu
leeyahay
dembi le'eg
kan ay
sameeyeen
dadkii kaga
dayday
xumaantaa.=
waxa iyana
jirta
axaadiis
kaloo badan
oo sidaa
tilmaamaysa,iyo
Aayado
quraan ah
waxa soo
qadan karnaa
aayad ku
jirta
suuratu
YAASIIN (12)
waxaa Rabbi
ku lee yahay
ANNAGA AYAA
NOOLAYN KUWA
DHINTAY
WAXAANUNA
QORI DOONAA
WAXAY
SAMEEYEEN
IYO
RAADADKOODII.
waxay
culimadu ku
fasireen in
ay socon
doonaan
camalada
dadka laga
bartay
xumaan iyo
samaanba
loona qori
doono iyaga
oo mootan,
haddii kun
qof ay wax
ka barteen
kun ayaa
iyana loo
qori doonaa
shar ama
khayr kii
doono halaga
bartee waxa
kaloo ku
dayashada ku
jira wixii
lagaa arkoo
adoo
samaynaya ee
lagu dhaqmo.
GEBAGEBO
waxan ku soo
geba-gebaynayaa
oo aan kula
talinayaa
dadka wax
qoraya iyo
kuwa
akhristaaba
inay
ogaadaan in
wixii ay
dadka baraan
meel u
taallo ha
badsadeen
ama ha
yaraysteene
waxa ku
badan
WEBSITES-ka
qoraallo
badan oo
halis
bulshada ku
haya ,
ha ahaadeen
kuwo isku
dir iyo kala
fogeyn iyo
colaad ah,
kuwo been
abuur iyo
qadaf iyo
cay ah,kuwo
xaqiraad ah,
kuwo akhlaaq
xumo dadka
baraya iyo
kuwo
xumaatooyin
kale
xambaarsan
waana kuwa
aan u jeedo
inay ku
xisaabtamaan
dadka
qorayaa kana
fiirsadaan
TAWFIIQDA
ALLAH HA
INNA
WAAFAJIYO
Aadan Nuur ,
HARGEYSA
shalqane@hotmail.com