SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Khasaaraha iyo Faa’iidooyinka ka dhashay dagaalka sokeeye:

Dhambaal dedeg ah oo ku socda dhammaan dadka somaaliyeed shacab iyo xukuumadba 

Qore: C/salaan Malla 

Horudhac

Waxaa shaki ku jirin in dagaalada sokeeye ee ka dhaca dunida ay ka dhashaan asbaabaha ay ka mid yihiin kuwa soo socda oo ugu waaweyn:

1)     Hoggaan daalim ah oo kas ama kas-la’aanba ku xadgudbay xuquuqda iyo cadaaladda muwaadiniinta dalkiisa si guud ama si gaar ahaaneed, kaasoo aan u aabo yeelin xuduudda iyo xuqquqda Ilaah, tan dalkiisa iyo dadkiisaba ee sharciga ah.

2)     Bulsho ama shacab daalim ah oo aan u istaagin xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa marka uu hoggaanka daalimka ahi uu ku xadgudbay xuquuqdiisa si ay u soo dahcsadaan, una saxaan, kuna khasbaan hoggaanka horseedaya ee daalimka noqday in uusan ka weecan waddaada xaqa ah oo ay ku heshiiyeen ee ku wajahan masiirkooda iyo aayahooda ummadeed.

3)     Nidaam xukun oo shisheeye (Gumeysi toos ah ama dadban), hogaan booli ah oo aan la dooran, dastuur ama qeynuun aan xaq iyo cadaalad midna ku dhisneyn oo lagu khasbo shacab iyo ummad aan raali ka aheyn amaba jaahil ka ah natiijada xadgubyadaasi.

4)     Hee’ada qaranka iyo hawlwadeenadooda oo fulin waayey nidaamkii iyo xeerarkii sharciga ee ahaa ee loo degiyey in ay ku maamulaan kheyraadka iyo hawlaha dalka, si ay u daryeelaan dadka iyo dalkaba - si ku dhisan cadaalada iyo sinnaan, iyo weliba in ay sugaan nabadgelyada dadka, hantidooda iyo dalkaba.

5)     Seddexda qeybood ee hoggaanka dawladda: (sida - Qeybta sharci dejinta (Golaha Baarlamaanka), oo uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka - iyagoo mathalaya shacabka; qeybta Hawlfulinta (Golaha wasiirada), oo uu hogaaminayo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Koowaad - iyagoo u adeegaya barlamaanka iyo shacabkiisa; iyo Qeybta Garsoorka, oo ay hoggaaminayaan Qaaliyaasha maxkamadaha, gaar ahaan maxkamadda sare ee qaranka - oo loogu talo galay in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadhinka iyo sharciga ama dastuurka u degsan qaranka): kuwaas oo (yacna seddexda qeybood) aan lahey nidaam is dheelitir, xisaabtan iyo is xakameyn midna (Check and balance system), tasoo markaa sababi karta in uu halkaa ka soo baxo madaxweyne kaligii taliye ah oo aan awoodda dalka lala wadaagin, siduu doonana u takri fala, iyo gole wassiiro oo durbaanka u tuma, gole baarlamaan oo maqaar saar ah iyo sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda sare iyo golihiisa oo ah samcan wa dhaacan (haye raac) iyo waliba shacab lagu tuntuy xuquuqdiisa oo dhowaa ama dheeraaba gadoodi doona waxay natiijada noqotaba marka uu kuleylka iyo xadgudubka uu ka bato.

6)     Ummad leh dhaqan, diin iyo midabbo kala duwan, oo laga xaday caqlihii iyo garashadii guud amba jaahilba ah, oo la isku direy, fartana loogu fiiqay waxay ku kala duwan yihiin, si loo qeybiyo ka dibna loo xukumo inta ay isku maqan yihiin  loogana faa’iideyto kala qobqobnaantooda dabbaalnimada ah; ama sida kaleba ummad isku dhaqan, diin, iyo isku midab ah, oo sidoo kale laga xadey caqligii iyo garashadii guud ama jaahilba ah, oo ay sahlan tahay in la is ku diro iyadoo la adeegsanayo xamiyad jaahilnimo oo ku dhisan qabiil, deegaan ama dano gaar ahaaneed si loo qaybiyo loona xukumo inta ay isku maqan yihiin ama loo curyaamiyo danahooda guud si ay uga haraan qeyrkooda ama dhiggooda oo ay halis galin karaan haddii ay xoogeystaan, horumarna ay gaaraan iyagoo wada jira. Haggardaamada noocan ah waxay ka timaadaa cadow ama gumeysi shisheeye iyo kuwo umadda la xagardaameynayo ka tirsan oo maangaab ah, una adeega cadowga ama gumeysiga shisheeye, iyagoo ah caado qaataayaal ama daneystayaal u taagan har iyo habeen dantooda gaarka ah iyagoo adeegsanaya magaca iyo danaha guud ee ummadda ay baabi’inayaan; hal-ku-dheg-gey ku hadaaqayaanna uu yahay: “Maxa kaa kalay ciddii bakhtineysa.”  

7)     Sababta ugu weyn sababaha oo idil waa midda Illah. Sidaan ognahay, caqiidadeyna Islaamka waxaa ka mid ah in aan rumeyno wax waliba in ay ku dhacaan qadarka iyo amarka Ilaah; wuxuusan Ilaah qaddirinna in aysan marnaba dhaceyn. Haddaba qaddarka Ilaah had iyo jeer wuxuu ku saleysan yahay caddaalad, xikmad iyo cilmi intaba. Ilaah - Subxaanuhu WA Tacaalaa – cidna ma dulmiyo. Si kastaba ha ahaatee, waxa dadka ama umadaha ku dhaca, ee isla markaasna sababa dagaalada sokeeye iyo musiibooyinka isdab jooga ah waxaa weeye waxay dadku gacmahooda ku gasbadaan marka ay ka jeesteen Kalaamka Rabbi iyo Sunnada Rasuulkiisa iyagoo taawiyey in ka aragti fogyihiin ama ka cilmi badan yihiin khaaliqi abuuray iyo Rasuulkiisi uu doortey ee basharka ah, ama u maleyeen in ay gaareen iskufilnaansho cilmi iyo xeeladba. Taasina waxay dadka ku bixisay in ay taagtooda tabarta daran iyo maankooda naaqiska ah ay ka degsadaan wax alle wixii ay doonaan bi’ismi xurriyad iyo dimoqaraadhiyad ama kala sooc dawlad iyo diin oo macnaheedu yahay Ilaah ha maamulo masaajiddada iyo kaniisadaha, annaguna aan maamulno dawladda iyo noolasheenna. Markaasuu Ilaah wuxuu yiraahdaa: waa yahay, waa idinkaa, hortiina u socda iskana reeba mugdiyada ballaaran ee hortiina yaalla, balaayada dahsoon ee ku qarsoon waayaha, dadka, iyo sheydhaankaba iyo taagdarnidiina aan ogahay ee aan idinku abuuray - nasiibkiina. Ilaahay Quraankiisa Kariimka wuxuu ku yiri ayadaha macnahoodu yahay sida soo socda: “Xumaanbaa ka daahirtay barri iyo badba, waxay kasbatay gacmo dad dartiis, si Eebbe u dhadhansiiyo waxay calfadeen qaarkiis, bal inay (u) noqdaan (Xaga Illah)” 30:41 Al-Qur’an. “Waxaa dhahdaa (Muxammadow) Eebbe waa Kan kara inuu idiinkaga soo daayo cadaab dushiina ama lugihiina hoostooda ama idinka yeelo kooxo uu dhadhansiiyo qaarkood qaarka kale dhibkiisa, bal day sidaan ugu caddeyneynno aayaadka in ay kasaan” 6:65 Al-Qur’an. “Wuxuu dooni Eebbe in uu idinka fududeeyo (culaabta ama masuuliyadda wixii iidin tabar u laheyn), waxaase la abuuray dad isagoo tabar yar.” 4:28 Al-Qur’an. Haddaba, ka jeedsiga xagga Illah iyo kalaamkiisa, waxaa ka dhasha dagaallo sokeeye, isnaceeb, xaasidnimo, iyo xagardaamooyin joogta ah oo aan dhamaad laheyd ilaa iyo inta isaga xaggii looga toobad keenyo toobad sax oo aan mugdi ku jirin ee sidaa ula socda dadow 

Haddaba aan u soo noqono khasaaraha iyo faa’idooyinka laga dhaxli karo dagaalada sokeeye oo ah sida hoos ku cad: 

I – Khasaaraha

1)     Burbur ku dhacay:

a.      Dhismihii ummadda oo ah hoggaanka, shacabka, sharafta ummadeed sida calanka iyo qarannimada, kala dambeyntii sharciga iyo maamulka ee dalka.

b.      Dhismihii deegaanka oo ah guryaha, dhirta, xeywaanka, waddooyinka iyo kheyraadka badda iyo berrigaba.

c.      Dhismihii daqaalaha oo ah ganacsiga, warshadaha, wax soo saarka, lacagaha, hantida gaarka ah iyo midda qarankaba oo muddada dheer la soo dhisayey lana kobciyey

d.      Dhismihii dhaqanka, nabadgelyada iyo diinta sida aadaabta suuban, akhlaaqda wanaagsan, keydka cilmiga iyo taariikhda ee soo jireenka ah, iyo xaqdhowra nafta, maalka, cirliga (sharafta), caqliga, iyo diinta islaamka ee qofka iyo qoyskaba taasoo Eebbe nagu manneystey.

e.      Dhismihii bulsho taasoo ah bara kac ku dhacay qoysaskii iyo qabaalkii kala duwanaa ee dalka, kuwaasoo ku kala dhumay dalka gudihhisa iyo aduunyada daafaheeda; iyo kala sooc qabiil oo ku dhacay ummaddii mideysneyd oo ukala soocantay qabaa’il iyo degaamo oo ay isku dilaan xataa hadey ay isla dhasheen bal iskaba daa warkooda qabaa’ilka kala duwan oo isku deegaanka ah - taas oo micniheedu yahay dagaal joogta ah oo naxariis iyo cabsi Ilaah midna laheyn. Waxaa intaa ka sii daran qabiil xoog leh oo ku duulay qabiil kale deegaankiisa iyo kheyraadkiisa oo uu ku heysto xoog iyo addoonsi aan naxariis laheyd dadka u dhashay qabiilkaa lagu duulay naf iyo moodba. Waxaa si toos ah iyo si dadbanba loo xaday ubadkii soomaaliyeed oo loo kaxeystey dibbedaha dalka si loo qaabeysto fekerkiisa, dareenkiisa iyo tacliintiisaba si uu u noqdo ubad ay soo korsadeen, soona  tabobarteen ummado shisheeye oo maalgashadey isagoo mustaqbalka dambe ku hadli doona dadkaa shisheeye afkooda iyo danahooda, loona adeegsan doono sidii loo hagardaamin lahaa ummadda soomaaliyeed loona kala furfuri lahaa maadaama ay soomaalidu aheyd ummad kaliya oo isku dhaqan iyo diin ah oo sida loo kala qeyqeybiyaa ama loo soo dhexgalaa ay adkeed awilkii hore balse ay maanta suurogashey dagaalka sokeeye awigii. Ubadyada qaarkood waxaa loo xaday in lala baxo berkooda, wadnahooda, iyo kalyahooda si looga iibsado burjawaasi u dhashay ummado shisheey oo jiran, oo u dhib qaba xubnahaas qaarkood in laku rakibo, si uu u sii noolaado muuddo kale oo hor leh ka dib markii la khaariyey ubadkaas miskiinka ah burjawaasigaa awigii, si ula kas iyo naxariis darro ah. 

2)     Jirro nafsaani ah iyo mid maskaxeed - oo ku dhacay in badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed saqiir iyo kabiirba ka dib markii ay maarro u waayeen in ay xal u helaan musiibooyinka waaweyn ee kuu habsaday dadkooda iyo dalkoodaba ka dib markii umaddu garan weysey in u cararto xagga rabbigeeda si ay qabsato xarigiisa ugana badbaado musiibadaa iyo duufaantaa soo wajahdey oo si dhab ah halis u gelisey jirintaanka ummadeed  tasoo ka dhalatay jahowareerkii iyo dhibkii soo jiitamayey muddada dheer tan iyo waqtigii horriyadda la qaatey ilaa maantadan la joogo gaar ahaan muddadii afar iyo tobanka sano aheyd ee ugu dambeysey ee dagaalka sokeeye socdey. Jirooyinka nafsaaniga ah waxaa u daliil ah astaamaha xunxun ee sida weyn uga muuqda noolasha umadda sida is aaminid la’aanta, isnaceebka, xaasidnimada, isboobka, dilka waxgradka iyo culimaa’uddiinka, is hagardaaminta, dawlad laanta raagtey, macangagnimada oo ah in aan lakala gar bixi karin , is dilka qabaa’ilka, iyo weliba u aabo yeelid la’aanta danihii guud ee dadka iyo dalkaba. Cudurrada maskada ku dhacay dadka waxaa u daliil ah maskahdii siyaasiga, aqoonyahanka, waxgradka, iyo culimaau’diinka oo oo midoobi weysey sidaa awigeedna tabar u waayeen in xal degdeg ah oo waara ay u keenaan ummaadda musiibada ku habsatay oo ay ka dhasheen, kuna jaho wareertay dagaalkii sokeeye ee socday muddada dheer waayo maskaxdooda waxaa saameeyey Fayras. Sidoo kale astaamaha jirrada maskaxda waxaa ka mid isticmaalka joogtada ah ee maandooriyaalka sida qaadka iyo doroogada iyo wixii la mid ah si ay u iloobaan dadka xaqiiqada dhabta ee jirta, uguna noolaadaan noolal dhalanteed ah oo faa’iido laheyn. Sidoo kale dad badan baa ku sarkhaamay xukun jeceel iyo dagaal oogid is daba joog ah.

II – Faa’iidooyinka

1)     In la miyirsadey isla markaasna la helay waayo aragnimo ah in waali iyo dagaal midna aan waxba lagukala qaadi kareen, qabiil qabiil ka xoog badanna ama ka rayn karaba uusan jirin waqtiga raaga; haseyeeshee hubsiinyo hal baa la siistaa; nabad iyo canona wax dhaamo ma jiraan; taasbaadna moodaa in la garowsadey waqtiga xaadirka ah.

2)     Waxaa la ogaadey in lagu liibaaneynin dulmi iyo xaqdarro loo geestey dad aan dambi galabsan aduun iyo khiraba markii gawaan cidla la tegey ama gidaarka salaxan la soo taabtay oo wixii la filayey la gaari waayey. Natiijado waxay noqotay shaleyto iyo towbad kaliya.

3)     Waxaa la ogaadey qiimaha iyo qaayaha ay leedahay dawladnimada iyo kala dambeyta ummadda iyo dhibaatada ay la imaaneyso fooladnimada iyo kala qobqobnaanta dhibka la taabtay ama la dhex galay awigii.

4)     Dad qiyaastii ka badan 2 milyan oo soomali ah oo waayo arag ku soo noqday noolasha dhibka badan ee qurbaha, qaxootinimada, iyo sida ay tahay ku dhex noolaansha dal iyo dad aysan u dhalan xaqiiqo ahaan xataa haddii lagu sabsabay in ay u dhasheen dalkaasi si dhalanteed ah. Hase yeeshee, waxay ogaadeen lama huraan in uu yahay cawska jiilaal – taasoo macnaheedu yahay dalkii hooyo wax dhaama ineysan jirin.

5)     Dad badan oo ka tirsan dadkaa qaxootiga ah oo soo korosadey aqoon adduunyo, mid farsamo, iyo khibradu aan laga heli kareyn dalka waayaha la joogo ama waayihii la soo dhaafay midna. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Qof aan dhul marin dhaayo ma leh.”

6)     Waxay dad badan fahmeen, oo awal kadsoonaa waqtigii dawladnimada jirtey, lidna ku ahaa culimada iyo ku dahaqan diinta islaamka, in ay khaldanaayeen, waxayna fursad wacanna ay u heleen in ay bartaan diinta Islaamka si qoto dheer iyagoo cidna ka baqeyn xorriyad wacanna u helay arrinkaas dalka gudihiisa iyo debeddiisaba.

7)     Gancsi xor oo ay dhedhemiyeen ganacsatada soomilyeed muddadii dawlad laanta jirtey tasoo abuurtay tartan hal abuur leh iyo lahaansho gaar ahaanedd oo kordhay haseyeeshee waxaa meesha ka baxay xaqii qaranka uu ku lahaa hantidaas korodhay ee dib loogu dhisi lahaa danta guud dawlad la’aanta awigeed. 

Gabagebo: Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinayaa dhammaan golaha wasiirada ee la magacaabey dhawwaan ee dawladda federaalka Soomaaliya ee ku meelgaarka ah oo uu horssedka ka yahay Mudane Cali Muxammad Geedi; waxaana leeyahay: walow la idiin yaqiinay dagaal ogayaal qaarkiina badan, dad badanna ay shaki ka qabaan in aad si habasami iyo hufnaan leh aad u gudan doontaan waajibaakiina, haddana anigu waxaan rajo ka qabaa in aad waayo arag noqoteen waqtiga xaadirka ah, oo haddii aad awal aheydeen dagaal oogayaal, aad maanta noqoteen nabad oogayaal, Ilaahna uga cabsataan ummadan aad silciseen muddada 14ka sano ka badn.Waxaa ka barya hayaa Ilaah Weyn in uu nawaafajiyo dhammaanteen towfiiqda iyo danta guud ee ummaddeenna muslimka ah Allah idinkii.  

Wa bi-Allahi Towfiiq.
Shawwal 21, 1425 A.H
December 4, 2004 C. E 
Qore: Walaalkiin C/salaan Malla
C/o Jubbaland Foundation: Philanthropic and
Development Center
awmadow@yahoo.com

»Somalida & Somalia, maxaa ku dhacay dawlad la’aanta awigeed | Malla

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Magacyada Wasiirada DFKMG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD