MADAXDA
CUSUB EE
SOOMAALIYA
LOO
DOORTAY
WAA MID
SIDEE
AH?
Mohamoud
Hagi
rage4445@hotmail.com
Runtii ma
jiro
urur ka
jira
sooomaaliya
oo aan
wax
gooni ah
u rabay
ama reer
aan ka
soo
jeedo oo
aan la
jeclaa
inay
helaan
qayb waafi
ah oo wax
ku ool
ah,
hadana
waxaan aad
u indho
indheeyay
madaxda cusub ee
soomaaliya
inay u
qalmaan
magaca Ummada
Soomaaliyeed
marka laga
eego dhanka
kartida ,
aqoonta,
sumcada,wadanimada,
iyo maaraynta qaabka
dawladeed.
Akhristaw
anoo
dhawraya
waqtigaaga
iyo kaygaba oo aan
ku dheeraan arar iyo hordhac
midna
waxaa ii
soo baxay in
raga
soomaaliya
maanta loo
dhaariyay ha
ahaadeen
golo sharci
(Baarlamaan)
ama golo
fulin (Golaha
wasiirada)
intooda badani aanay
u qalmin
inay
huwadaan
magaca iyo
masuuliyada
ummadda
soomaaliyeed
waayo?
Maanta
aduunkan aan
ku nool
nahay wax
yaalo badan
baa
magacoodii
laga badalay
oo wax yaalo
aad u xun
xun baa loo
bixiyay
magacyo aad
u bilicsan oo
hilaacaya
waxyaalo aad
u wanaagsanaana
waxaa loo
bixiyay
magacyo aad
u fool xun
oo naftu ka
dido ilaa ruuxu
is dhahi karo
kani ma
aha caalamkii aad
sanado ku so
noolayd ee
waxaad
joogtaa koon
iyo aduun
kale.
Dadwaynaha
soomaaliyeed baan
soo dhex
dhigayaaye ma
ku haboon
tahay in nin
wadankeena
ku aasay
sun khatar
ah oo aafo
dheer leh,
isla
markaana
qaatay lacag
adag loogu
yeedho
mudane
somaaliyeed oo
huwan
magaceena?
Ma haboon
tahay in
wasaarad diineed loo
dhiibo taliye
maleeshiyo qabiileed
oo dad badan
gumaaday,
kuwa uu
gumaadayna
ay u badan
yahiin
qabiilkiisu?
siday tahay
hadii nin wadankeena
daroogo ku
abuuray loo
dhiibo
wasaarad
muhiim
ah?ama ku
kale oo
deegaano iyo
dhul beeraad
dad
masaakiin
ahi
leeyahiin
xoog ku
haysta?
Ruux waliba
isagaa u
madax banaan
aragtidiisa
iyo
fikirkiisa
laakiin
maxaa lagu
daweeyaa hadii daawadu bukooto?
waxaan qabaa
in
mudanayaashan
cusub iyo
wasiiradan
cusiba ay hafaryo
ku yahiin
Ummadda
Somaaliyeed isla
markaana aan
leenahay
Dad badan
oo aqoon,
dhaqan, iyo
somalinimo intaba
kaga fiican,
in badan oo ka
mid ah
ragaan
maanta is
doortayna ay
yahiin Rag galay danbiyo
dagaal oo ka
dhana
dadka shacibka
ah.
Ugu
danbayntii ma
ahi mid
ilawsan
baahida aan
u qabno
dawladnimo, mid
ilawsan
magaceenii laga
waayay
goloyaasha
dawliga ah
ee aduunka, dadkeena
meel walba
ku silcaaya
iyo
dumarkeena
wadooyinka
ku dhalay
midna,ma ahi
calooshii la
cayaar
qurba jooga
oo iska
hadaaqi
rifanimana u
dhashay
laakiin
waxaan qabaa inaan
ragaani
somaaliya meel
la mahadiyo
gaadhsiin
doonin taariikhduna
iayadaa is
qorta oo wax
walba
cinwaankiisaa
laga fahmaa.
Mohamoud
Hagi
rage4445@hotmail.com
suxufi madax
banaan