Cidnna
uma
maqna
ceella
uma
qodna.
Dec
5, 2004
Dadka
Soomaalida
ahi waa
isku
diin,
isku
dhaqan ,isku
af waana
dad si
kasta
iyo meel
kasta
isku mid
ka ah,
waxa
keliya
oo ay ku
kala
duwan
yihiin
waa
magacyada,ha
ahaato
tan qof
ahaaneed
ama
qabiil
ahaaneed.
Haddaba
aniga
aragtidayda
waxaa
su,aal
da,wynoo
madaxa
daalineysa
ila
noqotay,
sida uu
caqli
saliim
ahi u
aqbali
karo inaan
magacyada
kala
duwan
dartood
isu
laynno,
mar
hadii
wax ama
si kale
oon ku
kala
duwan
nahay ay
san
jirin.
Qabiilku
waa
magacyo
aan
annagu
isku
kala
qoqobnay,
jiritaan
koodaana
aallaahu
aclam,
sida
diinteenna
xaniifta
ah ku
soo
arootay
waxaa
nala
faray
inaan
isku
aqoonsanno
oo
keliya,(Yaa
ayuhal
naasu
innaa
kalaqnaakum
min
zakarin
wa
unthaa,
wajacalnaakum
shucuuban
wa
qabaa,il
litacaarafuu,
inna
akramakum
cindaallaahi
atqaakum.). hadii
anaan
sidaa
yeeli
karinna
waxaa
nal ku
amray
inaan ka
tagnno
waa
qurunne
sida
xadiithkaa
saxiixa
ah uu
leeyahay(Dacuuhaa
fa,innahaa
muntanah).Haddaba
mar
hadii
magacyada
kala
duwani
ay na
badeen
bur
bur,baaba,
baahi
iyo belo
aan
dhamaan
maxaan
isaga
dhex
weyney
qaar
naga
mida oo
ciddi
caaradeed
oo caqli
ama
qarasho
ah leh
oo u
istaagta
sidii
dabkaa
iyo
musiibada
loo
damin
lahaa,
mise
waxaa
runa
fiqi
bahdi
kama
janna
tago.
Waan
ogahay
in afar
iyo
tobankii
sano oo
la soo
dhaafay
waxa aan
xusay oo
dhan ay
dalka ka
jareen
ee quus
ayaan
joogay,markaasaa
waxa ii
muuqday
iftiin
yar
kadib
markii
wax un
lagu
dhisay
Nairoobi,
waxaana
u qaatay
in ifka
yar ee
meesha
ilu ku
wareertayda
ka
muuqda
layla
wada
arakay,
malahase
waaba
igu keli.
Waxaa
maantay
i soo
xasuusiyey
inaan
qormadaan
soo
bandhigo
waa
dagaalka
ka socda
meesha
lagu
magacaabo
Gelinsoor
oo ay
isku
dilayaan
labo
beelood
oo hadii
ay
dhabowdo
jiritaanka
qabiilku
ah kuwo
wada
dhashay,
hadii
kalena
wadaaga
dhaqan,
dhelyo
hoose,iyo
weliba
dhul.
Waxa
caddaan
ah in
labadaas
cidood
aysan
haba
yaraatee
lahayn
odayaal
dhaba,
waxaan
ula
jeedaa,
odayaasho
waa
Madax ka
cirrow,
Manjo ka
cirrow
iyo
Maskax
ama
Maan ka
cirrow,
mesahana
waxa ka
maqani
waa
Maskax
ama Maan
ka cirow.
Waxa
mudan in
la xuso
in
odayaashi
beelahaas
ay sida
muuqata
kuwii
SACAD
ku wada
dhinteen
duqayntii
ka
dhacday
XAMAR
93dii,SALEEBAANNA
waxa u
haray
SHAN,
waana
Shantii
bishii
hore
ayagoo
waajibkoodii
odaynimo
gudanaya
lagu
laayey
DOCLEEY,
Miyeysan
arrintu
ahayn
CIDNNA
UMA
MAQNA
CEELLA
UMA
QODNNA.
Hadaan
wax yar
ka
taabto
sida wax
ma
garatada
beelahase
isugu
sii
dirayaan
dadkooda
ayagoon
malaha
dareensanayn
wax
yeelada
afka ama
qoraalka
ay ku
geysakaraan.
Ma rabo
inaan ku
fogaado
waxaase
dhacday
in
maalmo
yar ka
hor lagu
waraystay
idaacada
BBCda,
laanta
af
Soomaaliga
nin lagu
sheegay
inuu
yahay
SULDAAN
beel
labada
beelood
oo is
dilaya
ka mida,
waxa la weydiiyay
ninkaas
in uu
aargoosi
u arko
labo nin
oo la
sheegay
in lagu
dilay
meel la
yiraahdo BALI
CADDE,
dilkaas
oo ka
dambeeyey
kii
odayaasha
lagu
laayay,
waxaana
u
sheegay
inay
aargoosi
ula
muuqato.
Waraysigaas
ka dib
ayaa
Website
ayaa
wuxuu
qoray
war
cinwaan
looga
dhigay
SULDAAN
STUPID
, ninka
suldaanka
lagu
sheegey
hadalkiisii
wax la
qoonsade
ma
lahayn
hadii
caqli
caafimaad
qaba
lagu
fiiriyo,
waxaase
cinwaanka
WEBSITEKAAS
igala
fool
xumaa
maqaal u
nin u
diray Websityo
kala
duwan,
qayb ka
mida
maqaalkaas
ayuu
ninkaasi
wuxuu
leeyahay,
SULDAAN
ayaa la
caayey
oo loo
gafey, asagoo
weliba
ku
doodaya
in
Suldaan
magac
beel
dhan
huwan
loo gafo
ama la
af
lagaadeeyo
dhaqanka
Soomaalida
iyo
Islaamkaba
way ka
baxsantahay.
Waxaan
aad ula
yaabay
dooda
nuucaas
oo kale
ah,
maxaa
yeelay
ninka
leh SULDAAN
magac
beeleed
huwan
baa loo
gafay,
muxuu u
garan
waayey
in war
adiga
SULDAAN
kaaga waa
la
caayey,
beesha
kalese SHANTII
oday oo
u hartay
waa la
laayey iyagoo
weliba
hawlo
nabadayn
labada
beelood
ah ku
jira.
Dadka
Soomaaliyeed
uma
baahna
colaad
dambe ee
inta
walaalnimo
iyo isku
duubnaan
la
muujiyo
ha lagu
dadaalo
sidii
colaado
dambe
looga
hortagi
lahaa
dalka oo
dhan,
waxaana
kula
talin
lahaa af
waran la
yaasha
isku
soofeeya
ummadda
Soomaaliyeed ee
wax ku
qora
Webiteyada
ay
hurmuudka
u yihiin
kuwa
degaankaas
inay ka
waan
toobaan
oo ay u
adeegsadaan
Websityadooda
wanaagga
iyo isu
soo
dhoweynta
ummadda.
Qays
Xaaji
Abdi Axmed
birjex@yahoo.com