SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
 
Daabaco Boggan | Print

Waxaa baryahan ka socda magaalada kismaayo shirar lagu doonayo in maamul goboleed loogu dhiso gobolada jubooyinka

shir balaaran oo ay kasoo qayeb galeen madaxda isbahaysiga dooxada jubba aqoon yahano culumaa idiin iyo wax garad kale oo ku abtirsada beesha sade ee gobolada jubooyinka oo socondoona mudo dhowor bari ah ayaa waxa uu ka socdaa magaalada kismaayo shirkan oo socday dhowor maalmood ayaa waxa uu sii socon doonaa sadexda maalmood ee fooda inagu soo haysa shirkan ayaa waxa uu yahay mid ladamacsanyahay in ismaamul goboleed loogu sameeyo gobolada jubooyinka,

shirkan ayaa waxaa hadalka u furay markii ugu horaysay wasiirka wasaarada dib u dhiska iyo dib u dajinta ee dowlada FDKMG ah ee soomaaliyeed co. barre aadan shire (barre hiiraale) waxaana uu sheegay in uuu ku qanacsanyahay jagada ay wasiirnimo ee loo magacaabay waxaa kale oo uu ka dhawaaajiyay in maalmaha soo socda shir looga arinsanayo sidii looga hir galin lahaa dowlad goboleed laga hirgaliyo gobolada jubooyinka waxaa kale oo uu sheegay co.barre hiiraale in shacabka ku ku dhaqan gobolada jubooyinka ay u baahanyihiin maamul goboleed loo sameeyo gobolada jubooyinka isagaoo ka codsay in wax garadka gobolada jubooyinka ay simaamul sameyestaan,

waxaa kale oo shirkaas ka hadlay aqoonyahano iyo wax garad beesha sade ka tirsan waxa ayna ku dheeraadeen in maamul loo sameeyo gobolada jubooyinka

hadaba ku dhawaaqista uu co. barre hiiraale uu ku dhawaaqay dowlad goboleedka ayaa waxay tahay arin farxay dhamaan shacabka ku dhaqan gobolka jubada hoose ayadoo ay dhawaanahaba jireen arimo isa soo tarayay oo ku saabsan nidaam darida iyo fowdada ka jirta gobolka jubada hose ayna bulshada rayidka ah filayaan in wax badan iska badali doonaan hadii si dhab ah loo hirgaliyo ismaamul goboleedkan uu hada ku dhawaaqay gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba ahna wasiirka dib udhiska iyo dib u dajinta dowlada FDKMH ah ee uu madaxwaynaha ka yahay cabdulaahi yuusuf, co. barre aadan shire(barre hiiraale)

faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya

faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Dadweynaha reer Hiiraan oo si Buuxda u Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya
Warsaxaafadeed:
Hiiraan Information Center... Guji Dec 4

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD