SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

Golaha Wasiirada Lamagacaaby Ee Soomaliya ayaa maalinkii i Sadaxaad ku sugan Hotelka Lake Naivasha Country Club, Kenya goobtaa oo aan booqday

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Lake Naivasha Country Club, Naivasha Kenya
 
Magaalada Naivasha Waxa ay ku taalaa Galbeedka wadanka Kenya waxa ayna Magaalada Caasimada ah ee nairobi ujirtaa 189 Km,

Magaalada Naivasha waxaa si aada loogu xasuustaa heshiikii ku dhaxmaray Mucaaradka iyo Dowlada Suudaan ,

Hadaba Safarkayga oo ka Bilowday magaalada Nairobi intii aan ku socday wadada dheer ee Naivasha iyo Nairobi waxa ay indhahaygu qabanayeen Doog si aada loo jeclaysan karo wadada hareeraheeda waxaa Daaqayay Xoolo ubadnaa Ido iyo Lo Dameero iyo Eyo ilaalinaya Xoolahaa dhulku waa Buuraleey ka dheer Dhulalka kalle,

Waxaan toobiyaha ku sii jeedo Sacaduna saacad isgurto aniguna aan si aada waqtiga iyo Darawalka ula diriro waayo waxaan lahaa oo wa la iiga rabay Barnaamish ka baxa idaacada Honrafrik oo soogala 11.30 in aan siiyo warka Wasiirada Soomalida ,

Si walba xaalku ha noqdee waxaan gaaray Magaalada Naivasha waxaana Gaarigii aan saarnaa uga dagay goobta loo yaqaano Knowkiliya oo ah santarka Magaalada Naivasha wax jire moog baan ahay Soomaalidaana tiraahda Habar Fadhida lagdan Lafudud waxaan moodaa Hotelka aan rabo mid aan ku heli karo si sahlan oo aan sidaa uga fogeen goobta aan gaariga uga Dagay ,

Waxaan markiiba waydiiyay mid kamida Dadka Degaanka ah anigoo waydiiyay Halka uugu dhaw ama wadada iigu fudud oo aan ku heli karo Lake Naivasha Country Club, Kenya oo ah goobta ama hotelka ay daganyihiin Wasiirada Soomaalida laakiin si fudud waxa uu ninkii uugu sheegay in aan ku heli karo anigoo gaari qaata walibana waxa uu ii raaciyay in Hotelku ku yaalo meel noo jirta 20 Km kadaroo dibi dhal waxaan galay orod iyo gaari raadis Daqiiqadaha ii haray waa Daqiiqado aad ukooban waxaana maanka aan ku hayaa in aan Buuxiyo kaalinkii la iga sugayay isagoo Saxiibkay Maxamed Maxamuud(Dhoore) isoo wacay Sadex Goor intii aan Toobiyaha ku jiray isagoo igu war galinaya in Dadka Reer Muqdisho Maanta iiga Fadhiyaan Warka Wasiirada DFK ,

Waxaan ku sii dhaca Tx waxaana gaaray goobtii Hotelka ku yiilay oo lagu magacaabo Kargta oo ah dhul Buuraleey ah kana Saraysa Jooga Bada 6200 Ft,

waxaan galay irida Lake Naivasha Country Club, Kenya waxaana markiiba la iwaydiyay cida aan usocdo iyo waxa aan ahay waxaana maamulkii goobta ku wargalinay in aan usoconay Wasiirada dagan goobta Boorka irida Hotelka Lake Naivasha Country Club, Kenya waxaa ku yaala Ogaysiis sheegaya in cidii galaysa ay bixinayso lacag 100 Ksh una dhiganta Haldoolar iyo xogaa balse markii aan ku wargaliyay in aan doonayo wasiirada markiiba waa la i fasaxay ,

Markii aan irida Hotelka galay waxa ay in dhahaygu markiiba qabteen wasiirada Caafimaadka Dr C/casiis Sh Yuusuf Sh Ibraahin Wasiirka Dhalinyarada&Isboortiga Maxamed Warsame Cali Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryanta Cusmaan Xasan Cali Cato Wasiirka Garsoorka Sh Adan Madobe iyo Wasiirka Wax Barashada Cali C/laahi Cosoble,

Salaan Diiran ka dib waxaan guda galay in aan helo ujedadii aan mesha u imid waxaana isku dayay in aan wax uun ka waydiiyo Hoowlahooda balse amuurtaasi ma suuro galin waxa ayna igu wargaliyeen in aysan wali bilaaban wax howl ah walina ay kuguda jiraan hoowlo aan saxaafada loo ogolaan qabyana ah ,

Waan ka tagoo waxaan gaaray Wasiirka Kaluumaysiga Khayraadka Bada Xasan Abshir Faarax iyo Wasiiro kalle oo iyaguna ku sugan meel gaara balse iyagana waxba iigama siyaadin waxaan iska fadhistay meel kalle oo aan sidaa uga fogeen Wasiirada Somalida,

aakhirkii waxaan gaaf wareego hadba aan agta ka fadhiisto wasiirada waxaan ogaaday in aysan wasiiradu wali bilaabin hoowlihii ay meesha uyimaadeen wasiirada Somalida ayaa Goobtan ku sugnaa ilaa 2/12/004 warar xoog ogaal ahina waxa ay ii sheegeen in wasiiradu ay joogi doonaan ilaa Asbuuc waloow ay mudo labo cisho ah wasiiradu aysan waxba qaban daruufo jira aawadeed ,

Wasiiradan waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan ajandahooda Siyaasadeed iyo Mustaqabalka Soomaliya wasiiradu waxa ay ku soo adeen xili wadanka Soomaliya mudo badan Colaado iyo Abaaro badan ay ku jireen iyadoo wasiirada looga fadhiyo isku keenida Bulshada Soomaliyeed,

Wasiirada waxa ay haystaan fursad qaaliya oo Hogaamiyaashii Soomaalida Dhamaantood Xaadir bay ku ahaayeen shirka Soomalida Shirkan iyo Doorashada Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed marka laga reebo Jan Maxamed Saciis Xirsi Morgan,

Golaha wasiirada oo ka kooban 31Wasiir 27 Wasir oo ka mida way magacaabanyihiin iydoo liiska wasiiradan ay ka maqanyihiin ilaa iyo hada Xidhibaanada Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, Mowliid Macaane Maxamuud,MaxameCismaan Maye oo iygu ka mid ahaa Saxiixayaashii Heshiiskii lamagac Baxay 27 Ogtobar 2002 ee ka dhacay kalbeedka Wadanka Kenya Eldoret waxaa koloo liiska wasiirada ka maqan Sh Jaamac Xaaji Xusseen Seeraar oo iyagu ma mid ah Hogaamiye Siyaasaded yade Somalida balse waxaa Jirar warar Sheegaya in Xidhibaanada Maxamed Qanyare Afrax iyo Xuseen maxamed Faarax ay Magacaaban yihiin walise Xilkooda looma dhaarin waxaana la sheegayaa in Wadatashi badan jiro oo ku saabsan magacaabidooda

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Lake Naivasha Country Club, Naivasha Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Dadweynaha reer Hiiraan oo si Buuxda u Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya
Warsaxaafadeed:
Hiiraan Information Center... Guji Dec 4

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD