WAFTI KA KOOBAN
AFAR IYO TOBAN
XUBNOOD OO KA KALA
SOCDAY QARAMADA
MIDOOBAY, DANMARK,
IYO JAMACADDA
CARABTA OO MAANTA
SOOGAARAY CAASIMADDA
PUNTLAND EE GAROOWE.
Garoowe
(Somalitalk)
sab, 4/12/o4
Waxaa maanta soo
gaaray magaalada
garowe ee xarunta
maamul goboleedka
Puntland wafti sadex
geesooda oo ka kala
socday, Qaramada
midoobay, dowlada
danmark iyo
Jaamacadda carabta,
waftigan oo ka
soodagay gagida
dayuuradaha ee
magaalada garoowe
ayaa waxaa halkaasi
ku soo dhoweeyay
golaha xukuumdda,
hay,addaha caalamiga,
NGO, yada iyo
ururada kale.
Waftiga ayaa isla
goorihiiba shir
lagalay golaha
xukuumadda Puntland.
Waxa ayna kulan
kooda ku yeesheen
xarunta xarunta
madaxtooyada ee
maamulka PL.
Shirkan oo uu
shir gudoominayay
madaxwaynaha MGPL,
Maxamed Cabdi Xaashi
ayaa lagu ariminayay
mashaariicda loogu
tala galay Soomaliya
sanadka 2005,
xaaladda abaaha iyo
waxyeeladii ay
gaysteen roobabkii
dayrta ee ka da, ay
deegaanada PL oo ay
wax yeeladu ka
soogaartay dadka
reer miyiga ah (Xoolala
dhaqatada),
wadahadalka ay
yeesheen xukuumadda
iyo waftiga kadib,
ayaa xukuumaddu
soobandhigtay codsi
ay ku doonayso in
maamulka SL ay ka
qaadato ciidamadeeda
ku xeeran xuduudaha
gobolka Sool ee
katirsan MGPL.
Waftiga ayaa la
filayaa in ay
kormeer ku tagi
doonaan goobihii ay
ka jireen waxyelada
kala duwan ee
saamaynta ugaystay
dhamaanba reer
guuraaga iyo
xoolihii ay
dhaqanayeen kadib
markii ay abaarruhu
ku dhufteen ayna
kaga daba timi
roobabkii dayrta oo
iyaguna ku reebay ka
kabsanwaa ayna illaa
iyo haatan la il
darnyihiin
waxyeeladaasi,
wallow ay jireen
dadaalo badan oo
maamulka uu sameeyay.
Macadda illaa iyo
iminka mudada ay
waftigu sii
joogayaan gudaha
maamulka PL.
Wallow ay jiraan
warar sheegaya in ay
maalinta isniinta ah
ee foda nagu soo
haysa ay la kulmi
doonaan madaxwaynaha
dowladda federaalka
ku meelgaarka ee
soomaaliya Mdane
Cabdulaahi Yusuf
Axmed ayna kula
kulmi doonaan
magaalada Nayrobi ee
dalka Kenya.
Waftigan ayaa
soomaray maamulka SL
maalintii shalay
ahayd ayna kulmo la
yeesheen isla
maamulka SL ee
magaalada hargaysa.
sahrosiglan@mail.com