Faaladda
dhismaha
Golaha
Xukuumadda
Intii
muda
ahba
waxaa
dhegta
loo
taagayey
dhismaha
Goloha
Wasiiradda
cusub.
Iyaddoo
Mudane
Geedi
looga
fadhiyey
in uu
soo
dhiso,
mas'uuliyiin
ka
gudbi
kara
xiliga
adag,
islamarkaasna
horseedi
kara
nabad
iyo
dib
u
heshiisiin.
Hase
yeeshee
inta
badan
xunnaha
ku
soo baxay
Wassiiradda
,
jagooyinka
lagu
maacaaabay
iyo
qaabka
loo
soo
xushay,
ayaa
ah
gebi
ahaanba
mid
khaldan
oo
aan
ka
tarjumkaynin
heshiiskii
ahaa
in
Beeluhu
si
siman
wax
ku
qaybsadaan.
Golaha
Cusub
ee
Wasiiradda
waxaa
ka
dhex
muuqdda
Hogaamiyayaashii
dagaalka,
intooda
badana
yihiin
kuwa
ku
abtirsadda
Golaha
S.R.R.C
taas
oo
ka
dhigaysa
in
wax
lagu
jaan
gooyey
qaab
u eg
Xisbi.
Tusaale
ahaan
Golaha
Wasiiradda
inta
hadda
la
magacaabay
waxay
ka
koobanyihiin
27
Xobnood
8-
ka
mid
ah
marka
lagu
darro
Xusayn
Caydiid
oo
xubintiisu
diyaar
tahay
waxay
ka
soo
jeedaan
Golaha
S.R.R.C,
halka
7-kalena
ay
yihiin
Taageerayaasha
Madaxwynaha
ama
haddii
si
kale
loo
dhigo Bahdda
Madaxweynaha
ee
Hartiga.
Iyadoo
12ka
kalena
ay
ka
yimadeen
qaybaha
kale
oo
laysku
wada
daray!.
Sidoo
kale
waxaan
meesha
ka
marneyn
in
Madaxweynaha
iyo
Ra'iysul
warasaarhuba
ay
yihiin
S.R.R.C.
Sida
loogu Sed-bursahay Beelaha
Qaarkood
Beesha
Daaroodka
ee
uu
ka
soo
jeedo
C/laahi
Yuusuf
ayaa
waxay
qaateen
Wasaaraddaha
ugu
Muhiimsan
ee
Dowladda,
iaydoo
si
gaara
farta
loogu
fiiqi
karo
Bahdda
odaygu
ka
soo
jeedo
ee
Hartiga.
oo
loo
qoondeeyey
in
ay
maamulaan,
Wasaaraddo
ay
ka
mid
yihiin, Qorsheynta
Qaranka
&
Iskaashiga
Caalamiga,
Gaashaan
dhiga,
Kaluumaysiga &
Kheyraadka
Badda
iyo
Boostadda &
Isgaarsiinta.
Taas
oo
runtii
ah
mid
aad
loogu
fududaaday,
islamarkaasna
abuuri
karta
Collaad
hor
leh
iyo
is
aamin
darro.
Iyadoo
ay
durbaba
qaylo
dhaani
ka
soo
yeertay
inta
badan
Goboladda
Dalka,
lana
arkayo Banaan
baxyo
looga
soo
horjeedo
sida
wax
loo
dhisay.
Sidoo
kale
waxaa
meesha
ka
baxay
Nidaamkii
laysla
wada
ogolaa
ee
4.5ka.
Waxaa
jira
Beelo haba
yaraatee
aan
lagu
xusin
Golaha
cusub
ee
Dowladda,
halka
2
iyo
wax
kabadanna
laga
keenay
isku
hal
qaanad
oo
hoose.
Wasiiradda
Cusub
ma
ka
soo
bixi
karaan
Howsha
Xafiisyadda
lagu
magacaabay?
Waxaa
muuqata
in
dhamaan
Hogaamiyayaashii
Dagaalka
lagu
wada
magacaabay
Wasaaraddo,
iyadoo
ay
tahay
in
qofka
qabanaya
Wasaarada
uu
aqoon
buuxda
iyo
Waayo
aragnimo
u
leeyahay
Howsha
uu
qanayo,
si
looga
badbaado
dib
u
dhac iyo
in
howlihii
uu u
xilsaarnaa
ka
soo
dhalaalo
waayo.
Hadaba
waxaa
aad
looga
dheehan
karaa
shaxdda
Wasiiradda
lagu
magacaabay,
in
Jagooyinka
qaarkood
aad
loo
marin
habaabiyey,
oo
Ragga
loo
dhiibay ay
ku
fiicnaan
lahayd
in
meelo
kale
loo
dhiibo,
si
howshii
qaranku
aanay
iskugu
dhex
yaacin,
haddii
aanay
xaajaddu
ahayn
ku
magacaaw
haba
loo
maamulee.
Wasaaraddaha farta
lagu
fiiqayo
ee
dhaliilaha
weyni
ka
jiraan
waxaa
ka
mid
ah:
sida
Cadaaladda
&
Garsoorka,
Owqaafta
&
Arimaha
Diinta
iyo
kuwo
kale.
Sidoo
kale
waxaa
jira
Wasaaraddo
laysku
nuxur
tiray,
ama
la
kala
qaybshey
sida
Was.
Howlaha
guud
iyo
guryeynta,
oo
lagu
feer
abuuray
Was.
Dib
u
dhiska &
dib
u
dejinta.
Waxaa
sidoo
kale
la
nuxur
tiray
Was.
Arimaha
Dibadda
oo
ay
ka
dhinac
shaqayn
doonto
Was.
Qorsheynta
Qaranka &
Xiriirka
Caalamigaa.
Dhamaan
Khaladaad
kaas
waxaa
la
dhihi
karaa,
ma'ahan,
fikir
u
gaar
ah
kana
soo
maaxdey
Wasiirka
1aad
oo
ah
Nin
aqooonyahan
ah,
walloow
uu
ku
yimid
rabitanka
Hogaamiye
kooxeed,
lana
sheego
in
uu
xiriir
dhow
la
leeyaha
Dowladda
Ethopia.
Hadana
Arintu
waxay
u
egtahay
mid
ay
ka
soo
shaqeeyeen
C/laahi
Yuusuf
iyo
Gacan-yara
yaashiishu.
Reer
Waqooyiga
mala
qan
ciyey,
maxayse
xaaladani ku
keeni
kartaa
Midnimadda
aan
cagaha
badan
ku
taagnayn?
Shacabka
Soomaaliyeed
ee
ku
dhaqan
Goboladda
Waqooyi
waxay
in
badan
tirsanayeen
eedo
laga
galay
iyo
Cadaalad
daro
soo
noq-noqotay,
laga
soo
bilaabo
60kii
ilaa
iyo
hadadan.
Khaladkii
ugu
horeeyey
ee
markaas
lagu
dhacay
wuxuu
ahaa
in
Walaalaha
Waqooyi
oo
keenay
Calankii,
goystayna
in
si
aanay
shuruudi
ku
jirin
ula
midoobaan
Walaalahooda
Koofureed,
in
ay
waayeen
mid
ka
mid
ah
Jagooyinkii
ugu
sareeyey
Dalka,
iyadoo
ay
ahayd
in
laguwada
maamuuso
haddii
Damiirku
shaqaynayo.
Cadaalad
daridda
markaas
bilaabatey
waa
ay
socotay,
ilaa
ay
ka
soo
gaartay
in
Hubkii
Cadowga
loo
haystay,
oo
ay
ku
jiraan
diyaaraddo
lagu
garaaco.
Taas
oo
runtii
abuurtay
cuqdadsa
maanta
Waooyi
u
heyso
Koofur.
Hadaba
waxaa
wax
laga
xumaado
ah,
in
Reer
Waqooyiga
aan
lagu
marsiinin
mudankoodii
wax
qaybsigan
ugu
danbeeyey.,
balse
xaajaddu
ay u
egtahay
sed-quursi
oo
C/laahi
uu
kusoo
cusboo
naysiinayo
Colaaddii
kala
dhexeysay,
Reer
Waqooyiga. Tusaale
ahaan
Beesha
Direed
waxay
wax
u
qaybsadaan,
Dirta
Waqooyi
iyo
Dirta
koofureed.
Waxaana
majorty
ah
Reer
Waqooyiga
sidaas
ayeeyna
Xaq
ugu
leeyihiin,
in
tiradda
ugu
badan
ama
ugu
muhiimsan
ee
Dir
soo
gaarta
ay
iyagu
maamulaan..
Wasaaradaha
soo
gaaray
Beesha
Direed,
reer
Waqooyiga
waxaa
looga
qoondeeyey
kuwo
aan
macno
badan
sameynayn
marka
loo
eego
saamayta
Waqooyi
galbeed
ay
ku
leedahay
Soomaaliya.
waxaana
ka
mid
ah
Wasaaradaha
Iskaashiga
Gogolka,
Xanaanadda
Xoolaha
iyo
Dhalinyaradda
&
Isboortiga.
Halka
Dirta
Koofureed
loo
dhiibay
Wasaaraddo
muhim
ah
oo
ay
ka
mid
yihin
Arimaha
Dibadda
iyo
Was.
Caafimaadka.
Arintani
way
iska
cadahay
in
aanany
u
cuntamaynin
Reer
Waqooyiga
weli
aaminsan
Midnimadda
iyadoo
kuwa
aan
aaminsaneena
ay
sii
fogaynayso.
Waxaadna
moodaaba
in
si
cad
loogu
bareeray
kala
goynta
Dalka.
Gacan
intee
in
la
eg
ayeey
Ethopia
ku
leedahay
Waxa
socdda.
Waxaan
filayaa
in
aynaan
iskaga
sheekaynaynin,
dhibaatadda
ay
Ethopia
nagu
hayso.
Waxaana
taas
garan
kara
Muwaadin
kasta
oo
soomaaloyueed
ee u
fekeraya
dhanka
wanaagsan.
Ethopia
marnaba
dani
uguma
jirto
Minimadda
Somalia
iyo
somaaliya
oo
awood
badan
leh,
waxayna
ku
dadaalaysaa
wax
walba
oo
ay
kari
karto
si
labadaan
arimood
aanay
u
dhicin.
Shaxdan
ugu
danbeeysay
waxay
u
egtahay
mid
looga
soo
shaqeeyey
Adis
ababa
oo
Koobigeedii loo
soo
diray
Geedi
iyo
C/laahi
Yuusuf,
waayo
waxay
ka
tarjumee
rabitaanka
Males
zinawi.
Madaxweyne
C/laahi
Yuusuf
wuxuu
saaxiib
dhow
la
yahay,
xukuumadda
Ethopia.
Iyadoo
la
ogyahay
in
Safarkiisii
ugu
horeeyey
ee
Rasmiya
uu
ku
tago
Adis
ababa,
halkaasna
ay
wada
jir
shir
jaraa'id
ugu
qabteen
Meles
Zanawi.
C/laahi
Yuusuf
wuxuu
aad
ugu
xushmeeyaa
gacantii
a ku
siiyeen,
in
uu
xoog
dib
ugu
qabsado
Goboladda
Puntland,
markii
si
Di
moqraadiyad
ah
ay Dadka
Barri ugu
doorteen
Madaxeyne
Jaamac
Cali
Jaamac,
taas
oo u
noqotay
Jaran
jaradda
uu
ku
soo
gaaray
Madaxwenaha
Somalia.
Waxaa
xusid
mudan
in
Ethopia
ay
tahay
Wadanka
ugu
Ole-olaynta
badan
kala
go'a
Soomaaliya.
Waxaana
la
ogyahay
in
Ethopia
ay
tahay
Dowladdii
ugu
horeysay
ee
Xafiis
u
dhigma
Safaarad
ka
furata
Hargaysa.
Hadaba
marka
aad
xaaladda
ka
eegto
dhinacyo
badan,
waxaa
kuu
soo
baxaysa
in
Cidda
wax
kala
hagaysaahi
ay
tahay
Xukuumadda
Tigreega,
oo
markaan
aad
moodo
in
ay
qarka
u
saaran
tahay
in
ay
gaarto
Himiladeedii.
Maxaa
la
gudboon
Xiligaan
Golaha
Baarlamaanka?
Golaha
sharci
dejinta,
waa
markii
la
doonayey
in
la
arko
sababta
loogu
baahday
markoodi
horeba
in
la'abuuro.
Waayo
iyaga
ayaa
u
xilsaaran
wixii
danaha
Umadda
ka
hor
imaanaya
in
ay
diidaan.
Iminka
mar
haddii
la
soo
bandhigay
shaxddii
Golaha
Wasiiradda
isla
markaasna
ay
tahay
shax
aad
u
qariban,
fursada
kaliya
ee
harsan
markaan
waxay
tahay
in
Barlamanku
Cod
aqlabiyad
ah
ku
diido
Xukuumadda
uu
soo
dhisay
MD:
Geedi,
si
dib
loogu
laabto
oo
xitaa
ugu
yaraan
laysku
dhex
shaan
dheeyo.
Barlamanku
in
ay
arintaas
ku
dhaqaaqaan
waxaa
qasab
ka
dhigaysa,
iaygoo
ku
jooga
qaab
Qabiil,
isla
markaana
Qabiil
kastaahi
uu
doonayo
in
uu
meesha
iska
dhex
arko.
Sidaas
darteed
ma
filayo
in
lahelayo
70
xubnood
oo
ka
tirsan
Barlamanka,
kuna
qanacsan
sida
ay
wax
u
dheceen.
GABAN
GABO
Qormadani
ma'ahan
mid
aan
Mucaaradnimo
qaawan
kala
hor
imaanayo
Dowladda,
mana
ahan
mid
shaqsi
ama
koox
loola
jeedo, ama
wax
laysaga
horkeenayo
sida
laga
yaabo
in
dab
badan
u
fekeraan.
waxay
tahay
uun
in
aan
soo
bandhigo
dhaliilaha
jira,
si
wax
looga
qabto
oo
dibna
looga
saxo.
Sidaas
darteed
waxaan
filayaa
in
qaybaha
ay
qusayso
ay
ku
garqaataan.