S/GALBEED:
DADKII IYO
DALKII
AYAANKA
DARRAA
Ismail A.
Hassan(khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Dec 5, 2004
Qormadan oo
daba joogta
qoraalo isla
cinwaankan
sitay oo aan
hore ugu soo
bandhigay
internetka
ayaa waxaan
si gaara ugu
eegi doonaa
xaaladda ay
maanta ku
suganyihiin
dadka iyo
dalka S/Galbeed
iyo
marxaladda
cusub ee ay
madaxa la
galeen.
Shacabka
Soomaali
galbeed
intii uu
isbedelku ka
dhacay
wadanka
Itoobiya ee
dhidibada
loo taagay
ismaamulada
qawmiyadaha
wax kasta oo
ay
qabsanlahaayeen
iyo
horumarkasta
oo ay ku
tallaabsanlahaayeen
waxaa wiiqay
duruufo iyo
caqabado
laba dhinac
uga yimid:-
-
1-Maamul
fadhiid
ah
-
2-Iyo
mucaarad
xornimo
doon
sheegta
oo jibbo
qabiil
madax
martay.
Maamul xumo,
colaad,
caddaalad
darro,
qabyaalad,
boobka
hantida
ummadda,
karti darro
iyo arimo
kale oo
badan marka
aad maqasho
waxaa
maskaxdaada
ku soo
dhacaya in
laga hadlayo
sababihii
burburiyay
qarankii
Soomaaliyeed,
balse
akhtistaw
sifooyin
kani waa
kuwo hadda
ka taagan
Kililka
5aad.
“Waxay
mushahar
ahaan u
qaataan
waxaan
gaarin kun
birr, hase
yeeshee
qofkiiba
wuxuu
kharash
gareeyaa
maalintii
lacag aan ka
yarayn shan
boqol oo
Birr, sidaas
waxaa yiri
nin odey ah
oo aan
dhawaan kula
kulmay
magaalada
Jigjiga
isagoo
tilmaamaya
raga haya
talada
Kililka
shanaad”
Tan iyo
intii uu
isbedelku ka
dhacay dalka
Itoobiya
muddo haatan
laga joogo
14 sanno
nasiib
darrada ugu
weyn ee
shacabka
Soomaali
galbeed la
soo daristay
waa iyagoo
aan helin
hogaan karti
leh oo si
daacad ah
ugu adeega
shacabkan
mudada dheer
cadaadiska
iyo dib
udhaca weyn
ku sugnaa.
Madaxda
Kililku
halkii laga
rabay inay
ka
shaqeeyaan
horumarka
iyo dhismaha
wadanka
waxay
waqtiga
intiisa
badan ku
limiyaan
loolan iyo
isqaqabsi
siyaasadeed
oo dhexdooda
ah, kuna
salaysan
qabiil iyo
danaysi
taasoo
keentay in
kursiga
madaxweynuhu
noqdo mid
aan lagu
nagaan oo
marba qof
laga tuuro
isagoon
dhammaysan
xilligiisii.
Waxaa ilaa
iyo hadda
isaga
dambeeyay
talada
kililka ilaa
todoba
Madaxweyne
oo markii
talada laga
qaaday
intooda
badani
xabsiga soo
mareen.
Hogaan
xumadu waxaa
kaloo ay
dhaxalsiisay
geyiga
Soomaali
galbeed in
ay ka haraan
tartanka
qawmiyadaha
Itoobiya
kana mid
noqdo kuwa
ugu liita
maamulada ka
jira
Itoobiya,
iyadoo warar
aan si rasmi
ah loo
shaacina ay
sheegayaan
in
Ismaamulka
Soomaalida
si toos ah
ay ula
wareegi
doonto
dawladda
dhexe
maadaama ay
ku
fashilmeen
inay
danahooda ka
tashadaan oo
ismaamulaan.
Ma jiraan
wax
mashaariic
la taaban
karo oo laga
hirgeliyay
wadanka tan
iyo intii
maamulkani
jiray, wax
qabadka iyo
adeega
dawladduna
ma ahan mid
dhaafsiisan
magaalada
caasimadda
ee Jigjiga.
Dadka xoolo
dhaqatada oo
iyagu ugu
badan
mujtamaca
Soomaaliyeed
ee
deegaankan
ku dhaqan
ayaanay
jirin haba
yaraatee wax
mashaariic
horumarineed
oo loo
sameeyay
taasoo
sabaabtay in
xaaladda
noloshoda
wax ka dhaca
mooyee aanay
jirin wax ku
soo kordha.
Waxaa in
badan laga
dhageystaa
idaacdaha
Itoobiya
laanamahooda
afka
Soomaaliga
cabashooyin
badan oo ku
saabsan wax
qabad
la’aanta
ismmamulka
Soomaalida
iyo sida uu
u dayacay
dadkiisa oo
ka soo
yeeraya
dadka xoolo
dhaqatada
iyo
beeralayda
carigaas ku
dhaqan.
Iyadoo
hadaba ay
baahida
intaa leeg
shacabku u
qabaan
adeegyada
dawladda
ayaa hadana
dhanka kale
ay jirtaa in
lacagyawga
loo
qoondeeyay
in wax
lagaga qabto
adeega
dadweynaha
in markasta
sida la
isugu haysto
uu waqtigu
ka dhaco
dibna loogu
celiyo
inteeda
badan
dawladda
dhexe ee
Itoobiya.
Hadaba
arimahaas
aan kor ku
soo sheegnay
iyo kuwo
kale oo la
mid ah ayaa
waxay
keeneen in
qaybo badan
oo deegaanka
Soomaalida
ka mid ah ay
u gacan
galaan
qawmiyadda
Oromada oo
iyadu awood
weyn ku leh
dawladda
dhexe,
taageero
laxaad lehna
ka haysata
Tigreega
talada haya
oo
ururadooda
qaar ka mid
ah ay
bahwadaag
yihiin..
Deegaanadan
oo inta
badan ahaa
qaar ay
sheegato
Oramadu tan
iyo intii la
unkay
ismaamulada
qawmiyadaha
Itoobiya
ayaa ah kuwa
aanu gaarin
maamulka
Soomaalidu
isla markaan
aanay jirin
wax qorshe
iyo
tabaabushe
ah oo loogu
talo galay
deegaanadaas
lagu
muransanyhay.
Dayacaadaas
ayaa maanta
waxay
keentay ka
dib markii
afti ku
sheeg laga
qaaday dadka
dhulkaas in
ay Oramadu
gacanta ku
dhigto
deegaanadaas,
duleedkana u
soo
fadhiistaan
magaalada
Jigjiga
iyagoo isha
ku haya ilaa
Hargeysa.
Tani waa mid
ka markhaati
kacaysa taag
darrada iyo
qorsha
la’aanta
maamulka
Jigjiga oo
waxa keliya
ee uu ku
caan baxay
ay tahay
iska daba
shaqayn iyo
u kala
dheeraynta
Tigreega si
mid kastaa
isugu
muujiyo
daacadnimada
ay u hayaan,
kalsoonidoodana
u kasbado si
uu maalmo
uga sii far
qabsado
hantida
ummaddan
tabaalaysan.
Magaalooyin
ay ka mid
yihiin
Baabili iyo
Jinacsani
ayaa hadda
uu aqalka
odayada ee
baarlamaanka
dawladdda
dhexe u
ansixiyay
inay qaadato
Oramadu.(fiiri
editorialka
Wardheernews.com
oo si
habsami leh
arintan u
lafa guray)
Hadaba
dhacdadan
ayaa waxaan
ku tilmaami
karnaa guul
darro weyn
oo la soo
deristay
guud ahaanba
shacabka
Soomaaliyeed
gaar ahaana
kuwa
S/galbeed.
Haddii
awawyaasheen
iyo
aabbeyaasheen
waa ku
hamiyi
jireen
Hawaas iyo
Herer maanta
waxaa
maamulka
Oramadu
kulaalayaa
Jigjiga iyo
magaalooyin
kale oo
badan. Ma
ahan markii
ugu hereysay
ee maamul
xumada iyo
damiir
la’aanta
madaxda sare
ee Kililku
sababto in
dhul
Soomaaliyeed
dhaxal
wareego ee
waxaa horey
loo dayacay
magaalada
qiimaha
badan ee
Dirdhaba oo
maamulkeedu
hadda
dawladda
dhexe si
toos ah u
hoos tago
Dhanka kale
dagaalada
iyo colaada
ay ka
hurinayaan
dhulka
Soomaali
Galbeed koox
qabiileedka
ONLF ayaa
iyana ah
arin kale oo
dib u dhac
iyo dhibaato
ku abuurtay
shacabka
dhulkaasi.
Kooxdan oo
ku guul
daraysatay
hogaanka
shacabka
markii ay
hayeen ayaa
bilaabay
dagaalo ay
ugu yeeraan
halgan
xornimo doon
hase yeeshee
bulshada
dhulkaas
inteeda
badani aanay
ku
waafaqsanayn.
Dagaaladaasi
waxay
curyaamiyeen
wax qabadkii
yaraa ee
maamulka
fadhiidka ah
ee Jigjiga
ka
hirgelinlahaa
dhulkaas
maadaama ay
meelo badan
nabad
gelyadii
faraha ka
baxday.
Kooxdan ayaa
lagu
tilmaamaa
kuwo aan la
socon
waaqiciga
hadda jira
iyo
isbedelada
dunida ka
dhacay. Waan
la wada
soconaa
xaaladda ay
maanta ku
sugantahay
Soomaaliya
in aanay
suurto gal
ahayn inay
wax taageero
ah u fidiso
sidii looga
bartay
xornimo
doonka
S/Galbeed.
Haddii waa
qofkii ka
soo carara
cadawga
xabashida ay
Soomaaliya
siin jirtay
darajo iyo
daryeel
maanta inta
la qabto oo
argagixiso
iyo
alqaacida
lagu sheego
ayaa xabsiga
loo
taxaabayaa
ama dib
loogu
dhiibayaa
cadawgii uu
ka soo
cararay.
Haddii
Mingiste uu
ka talin
jiray dhulka
S/galbeed
maanta Meles
wuxuu
xukumaa
Hargeisa,
Garowe iyo
Xamar. Waa
taas
xaaladda
dhabta ah ee
maanta
taalla
geeska
Afrika ee la
rabo inay ku
xisaabtamaan
kuwa weli
aaminsan in
qori
caaradii
guul lagu
gaadhi karo
Hadaba
waxaan
filayaa in
maanta la
gaaray
waqtigii
qoriga la
dhigi lahaa
lagana
shaqayn
lahaa
midnimada
iyo
wadajirka
shacabka
Soomaali
Galbeed
meelna looga
soo wada
jeedsan
lahaa dib u
dhiska iyo
horumarka
wadanka,
markii ay
haboonaatana
laga tashado
aayaha danbe
maadaama uu
dastuurka
Itoobiya
sidaas
qabo.
Ugu
dambaystii
labadaas
koxood ee
aan kor kaga
soo hadalnay
ayaa loo
baahanyhay
in shacabka
S/Galbeed ka
tashado inta
ay goori
goortahay,waana
in si
wadajir
loogu hawl
galaa sidii
dib loogu
hantiyi
lahaa
dhulalka
Soomaalida
laga dhaxal
wareejiyay
iyadoo aan
lagu halayn
qabiil
gaara.
Ismail A.
Hassan(khaliil)
khaliilha484@hotmail.com