SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
 
Daabaco Boggan | Print

Wareysi Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
 

Su'aal:- Sidee bey kuula muuqataa xumuumadda cusub?

Jawaab:- Waxaan wax badan u qeylineynay sidii dadka Soomaaliyeed loo nabadeyn lahaa hadda oo ay dadku heleen nidaam la qorsheeynayo in uu soo celiyo sharaftii iyo Qarannimadii Soomaaliya waxaan u qeylineynaa sidii caddaalad loo sameyn lahaa waxaan filayaa hadda xilka na saaran in uu kaas yahay.

Su'aal:- sidee u aragtaa xukuumadda uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Geedi

Jawaab:- Waxaan ka deyrinrynaa qaabka loo soo xulay ama loo dhisay dowladda uuku dhawaaqay Ra'iisul wsaaare Prof. Cali Maxamed Geedi haddii qaabka wax loo qeybiyay ee la yaabo in dadka qaar is leeyihiin waa caddaalad waxaan u deyneynaa dadka Soomaaliyeed.

Su'aal:- Maadaama ay banaanbaxyo ka dhacayaan goobo fara badan oo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan gobollada Hiiraan, Bay, Jubbada Hoose lana filayo in Muqdisho ay ka dhacaan maxaad is leedahay waa dhici karaan?

Jawaab:- Mas'uuliyadda banaanbaxyadaas dhacaya waxaa ka mas'uul ah maamulka lagu dhawaaqay ee Soomaalida dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska looga doonayo.

Su'aal:- Sidee loo qancin karaa baad is leedahay hoggaamiyayaasha ka biyo diidsan ku dhawaaqistan?

Jawaab:- Waxa diidan ma ahan hoggaamiyayaal ee damiirka ayaa diidaya sida wax loogu dhawaaqay. Haddii aan laga noqonna waa caddahay iska daa wax kale'e in ayn kalsooni ka heli doonin xittaa baarlamaanka FKMG.

Su'aal:- Maxaa dhici kara ayaad is leedahay haddii aan wax laga bedellin?

Jawaab:- Waa caddahay marka hore in kalsoonidii xubnihii looga dooni lahaa ay diidaan lana marsiin waayo isla xubnaha baarlamaanka. Dhinaca kale waxaa isa soo taraya in magacaabidda xubnaha Golaha Wasiiradu ay aheyd qorshe hore looga sii baaraan dagay taas oo keeni doonta in dadku sii kala fogaadaan ama lagu sii kala qeybsamo.

Su'aal:- Ugu dambeystii maxaad u soo jeedineysaa Hoggaamiyayaasha iyo Soomaalida inteeda kale?

Jawaab:- Marka waxaan u soo jeedinayaa hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay ogaadaan in wixii kala irdheeyay shacbiga Soomaaliyeed qarankeeniina uu u burburay ay tahay "Caddaalad-darro" haddii dhaqankoodu noqdo isla kii Soomaalidu eedday wax ka soconayaa iyan jirin dib u heshiisiintuna noqon doonto Ruwaayad masraxeed soo maartay maalmihii xumaa. Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa nabad gaar ahaan qeybahii uu u dhaxeeyay dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Nabad, Caddaalad iyo Midnimo

Soomaaliya ha Noolaato

Waxaa wareystay
Wariye S. H. Allassow
London, UK
alasow73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Dadweynaha reer Hiiraan oo si Buuxda u Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya
Warsaxaafadeed:
Hiiraan Information Center... Guji Dec 4

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD