Beesha
Gaaljecel oo
ka Cabanaya
Qaybintii
Golaha
Wasiirada
DFKMG
-
Shir ay
maanta
qabsadeen
beel ka
mid ah
beelaha
dagan
gobolada
jubooyinka
oo ay ku
adkaynayaan
qaadicitaankii
ay
qaadaceen
dowlada
ay
hogaamiyaan
cabdulaahi
yuusuf
iyo
Geedi oo
maanta
ka
dhacay
xaafada
via
afmadoow
ee
magaalada
kismaayo
Dec 5, 2004
Shirkaan ay
maanta
qabsadeen
beesha
gaaljecel ee
dagan
gobolka
jubada hoose
gaar ahaan
magaalada
kismaayo
ayaa waxaa
ka soo qayeb
galay
siyaasiyiin,
oqoonyahano,
culumaaudiin
iyo duubabka
dhaqanka ee
ka soo jeeda
beesha
gaaljecel,
ayagoo
shirkaan oga
gollahaa sii
adkaynta
aysii
adkaynayaan
qaadacaada
ay qaadaceen
dowlada
FDKMG ah ee
ay madaxda
ka yihiin
cabdulaahi
yuusuf iyo
cali maxamed
geedi aygoo
sheegay inay
kaba soo
qaadeen
beesha
gaaljecel
mid aan
dalka waxba
ku laheyen,
waa sida ay
hadalka u
dhigeene.
Intii lagu
guda jiray
shirkaan
ayaa waxaa
fikradahooda
ay ku
qaadacayaan
dowlada
fdkmg ah soo
ban dhigay
dhamaan wax
garadkii iyo
siyaasiyiintii
ka soo
qayebgalay
shirakan,
isla
markaana
cadeeyay
halka ay
geeyeen
nimankaas
madaxda ka
ah dowladii
inta kabadan
labada sana
ay sugayeen
taasina ay
ku tahay
duudsiin la
duudsiiyay
xaqoodii,
ayadoo
shirkaan uu
daba socday
mudaharaad
maalintii
shalay ahyed
ay beeshan
qabteen kaa
soo isagana
ay ku
muujinayeen
dareenkooda
ku aadan
dowlada
soomaalida
loogu soo
yagleelay
dalka kenya,
ayagoo
sheegay in
qaybinta
wasiirada
iyo kala
hagida
shirkaan ay
gacanta ku
hayso
dowlada
Itoobiya oo
ayada inta
badan
taageerada
siisa
beelaha ay
gacan saarka
la leedahay.
Hadaba ugu
danbayentii
shirkaan
ayaa waxay
ku sheegeen
beeshii
shirka
qabatay in
ay caalamka
ogaysiinayaan
in xaqoodii
la
duudsiiyay
taasina ay
tahay meel
ka dhac wayn
oo loo
geystay
beeshan gaal
jecel.
Si kastooy
ahaataba
waxaa soo
ifbaxaya tan
iyo intii
lagu
dhawaaqay
golaha
wasiirada
dowlada
fdkmg ah
cabashooyin
fara badan
oo ka
imaanaya
beelaha kala
duwan ee ku
dhaqan
gudaha
soomaaliya
islamarkaana
aysan jirin
cid ilaa
imika oga
danqatay
qaylo
dhaantaas.
faysal xaaji
siyaad
muumin
kismaayo
soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com