“Asslaamu Calaykum
Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu”
Maqaalkaan
assalkiisu wuxuu ahaa latalin ay I soo waydiisay Hooyo Soomaaliyeed ee
Kunool wadamada “Reer galbeedka mid ka mid ah. Ka dib markii aan u jawaabay,
waxay iila muuqatay in waaliddiin badan ay dhibtaas oo kale qabaan, anna
waxaan jeclaystay inaan kala qaybgalo xal u raadinta arrintaas.
Walaal, waad ku
mahadsantahay xog waranka iyo wada tashiga aad ila yeelatay. Arrimaha aad
ka cabatay waa arrimo guud ahaan ina hastay, sidaan Soomali u nahay. Marka
ma aha wax khaas kuu ah ee dhibaato ummadeed oo ay waajibtahay in xal
looraadiyo. Aniga iyo adigu haddii aan ka wada qayb galno xalkeeda waa sax,
maxaa yeelay waanaga dhaxaysaa. Kumaankun oo Soomaali ah ayaa ka cabanaya
isla mushkuladdaas. Markasta iyo Meelkasta waad maqlaysaa erayadaan:
CARUURTII AYAAN LA SOO CARARAY. MEEL LAGU NOQO KAMA IMAAN. QOFKII TALA IGA
QAADANAYOW HA AADIN EUROPE IYO AMERICA. HAWEEN IYO CARUUR WAY GACAN GALEEN.
Marka walaal waa dhibaato loo dhanyahay. Allaha wayn ee awooda leh ayaan ka
baryaynaa inuu naga saaro.
Adiga Faadumo ah
waan dareemi karaa dareenkaagu sida uu yahay.. Diintaadii iyo dhaqan kaagii
meel aan laga rabin adna lagaa jeclayn haddana aadan ka maarmin waa dhib
wayn. Dantii Diinta iyo Tii nolosha adduunka ayaa iska hortimid. Soomaaliya
inay dowlad ahaato oo Dadkeeda, Diinteeda, Dhaqankeeda daryeesho way awoodi
wayday. Sacuudi Carabiya oo Patrool leh Xaramaynkiina ku yaallaan waa diiday
inuu soo dhaweeyo dadka qaxootiga ah ee muslimiinta ah. Waana diiday inuu
sokeeya ka dhigto ama khayraadka dabeeciga ah ee Alle ku manaystay uu wax ka
bixiyo.
Faadumo, haddii
aadan Muqdisho ku noolaan Karin oo kufsi, bililiqo,dil iyo hagardaamo kaaga
soo horayso, Sacuudigiina xaramkii aad u tukanaysay kuu diiday, adiga
niyadaadii iyo naftaadiina ay rabaan labadaas meelood maxaa xal ah?
Markaan Africa
joogno waxaan u baahanay inaan mar tagno UK am U.S.A. Wax kasta oo ay ku
kacayso waan u horaynaa. Dad badan ayaa naftoodii ku waayay badaha ayaga oo
rabay inay dhuumasho ku galaan waddamada reer galbeedka.
Kuwa hadda jooga oo
aad adigu kamidtahay, waxay leeyihiin xaggee u cararnaa? Xagee caruurta
gaynaa? Diintoodii iyo dhaqankoodii fiicnaa oo Islaamka ahaa ayaa khatar ku
jira. Sidee yeelnaa?
....markaan Africa joogno
waxaa noodaran gaajada iyo jirada. Markaan Reer galbeedka joognana
waxaa noo daran Diinta iyo Akhlaaqda.... |
Marka, waxay u
muuqataa markaan Africa joogno waxaa noodaran gaajada iyo jirada. Markaan
Reer galbeedka joognana waxaa noo daran Diinta iyo Akhlaaqda. Anaguna ma
samaysankarno nololo iswaafaqsan oo isu dheelitiran. Mar walba waxaan u
baahanahay inaan cidkale ku tiirsanaano oo dalkale ama dowlad kale la joogno,
waayo annagu mid aan leenahay ma habaysan karno nololna waan rabnaa.
Faadumo, naftaan
dalkeedii daryeeli wayday, dadkii ay cid isu xigeena dayriyeen oo u diideen
inay kunoolaadaan meeshii lootukanayay oo Muslimiinta ka dhaxaysay, haddii
ay kunoolaato England ama U.S.A anigu waxba kama qabo.
Arrinta kusaabsan
caruurtaada, aad la walal-walayso Diintooda iyo dhaqankooda, layaabi maayo
oo hooyo ayaad tahay xaqna waad u leedahay inaad ka wal-washo. Laakiin anigu
kuguma waa faqsani. Waagii hore oo aan kunoolayn Mudug iyo Bari salki,
waxaan oranjirnay qofkii naga soo aada koofur iyo Muqdisho inuu khatar ku
suganyahay. “Nin
dhintay iyo nin dhoofay wax isma dhaamaan”
Waxaan ku tuhmi jirnay Jiro iyo Caqli xumo. Aniga ayayday oo aad ii jeclayd
anna aan aad u jeclaa ayaa ii sheegtay inaga oo 4 sano jir ah
“ Ogow maandhow macunno tagoogada xoolaha marka la qalo.”
Taas waxaan uga
jeedaa, waxaa laga yaabaa inaad u hilowsantahay dhaqankaagii iyo meeshii
aad ku kortay oo aad indhaha ka lalinayso ama is dhaafinayso danaha iyo
masaaliixda aad ku haysataan meesha aad joogto, ama aad illowday dhibtii iyo
rafaadkii Soomaliya iyo Africa.
Waxaan taas uga
jeedaa is burinta ku jirta sida aan u fikirayno iyo sida aan u dhaqmayno.
Sida ay aniga iigu muuqato wax wayn ayaa inaga khaldan oo u baahan inaan dib
u saxno. Bal ila fiiri arrimahaan:
-
Annaga oo isku diin, dhaqan, luqad, midab ah ayaan is laynaynaa, is
dhacaynaa, is xastaynaa.
-
Dalkanagii ma hormarinayno, ma dhisayno, ma jeclin.
-
Dawlad ma lihin mana rabno, mana maamuli naqaan.
-
Diintanadu waa midda wax walba ka fiican.
-
Dhaqankanagu waa mid wanaagsan oo diinta ku dhisan.
-
Kuwa aan isku Diinta nahay ee carbeed waxba nooma ogolo, waxna nama
tarayaan.
Su’aashaydu waxaa
weeye, waxaan qaaliga ah oo aan la cararayno, maxay noo anfici waayeen oo
aan dadka kale uga fiicnaan waynay? Haddii aad diin fiicantahay waa inaad
heshaa wanaageeda adduunka iyo aakhiraba. Haddii aad dhaqan fiican oo
ilaalin mudan leedahay waa inay kaa muuqato. Run, Diinta Islaamku waa diin
xaq ah ciddii raacdana way ku liibaanaysaa. Amaan innagu isu haysanaa inaan
Muslimiin nahay laakiin wax inaga khaldanyihiin oo aan magac kaliya iska
dugsanaynaa.
Haddii dhaqanka iyo
akhlaaqada reer galbeedku xuntahay, maxaa annaga noo baahiyay iyaga? Maan
annagu ka fiicnaano, maxaa yeelay waan ka diin fiicannahay? Waxaan is
burinaya oo marna lacag badan lagu bixinayo, been la sheegayo, Hooyo iyo
walaalay la sheeganayo in laqabo, ka dibna caruurtii lala soo cararayo, oo
ciriir wayn la dareemayo waan la yaabanahay.
Aniga waxay ila
tahay in wax inaga khaldanyihiin oo aan laf cad toobin ku hayno. Ma dhici
karto waligeedna lama arag inaad ‘Galay’ abuurato kadibna ‘Digir’ kuu soo
baxdo. Lama arag inaad ceel qodo kadibna uu caano soodaayo halkii aad biyo
ka sugaysay. Lama arag inaad wanaag samayso kadibna aad xumaan hesho.
Qaanuunka Alle ee adduunkaan maamulana kuma shaqeeyo wax noocsaas ah.
Annagu haddaan
Soomali nahay Diintanadu way wanaagsantahay, Dhaqankanagu waa wanaagsan
yahay, Caruurtanada sifiican ayaa u tarabiyaynaa, laakiin noloshanadu way
kharibantahay, Dowlad malihin, Dal nabad ah malinhin, Dad israba ma nihin,
Laakiin Muslimiin ayaan nahay. Dadkaan gaalada ah ayaa nadulminaya oo raba
inay dhaqankooda iyo Diintooda naga baraan caruurtanada. Arrimahaas oo manta
aan ku suganahay sax ma aha. ILAAHAY nama dulmin cidna ma dulmiyo. Anaga oo
wanaag samaynay, wanaag aaminsan in xumaan aan helno oo addun iyo aakhiraba
aan khasaarno suurogal ma aha.
Faadumo, waxaas ayaa
aniga ii muuqda. Waxaan u arkaa in waxa ku haya ay tahay dhibaato ka
dhalatay naftaada dhexdeeda oo aad u hiloobayso dhaqan aad awooweyaal ka
dhaxashay laakiin aadan hubin dhib iyo dheef waxa uu leeyahay. Inaad manta
marti ku ahaato dal ajnabi wixii kugu kallifay ayaa meesha ku jira. Adiguna
hadda isla waxaas ayaad raadinaysaa. Waxa inaga dhigay sida aan hadda nahay
waa waxaan ku fikirnay, aaminay, isugu sheekaynay, ku dhaqanay. Ma aha in
wax kale nagu dheceen. Waxaa nalaga abaal mariyay wixii aan kasbanay. Hadda
uma baahnin dantanaduna kuma jirto inaan iyagii sii difaacno oo aan u
boholyowno.
Haddii xaaladda aad
markaas ku sugantahay ku anfici waydo waa inaad isbadasho. Is badlku ceeb ma
ah ee amar Alle ina amray. “ UMMAD ALLE KAMA BADDALO XAALADDA AY
KUSUGANTAHAY ILAA AY BADALAAN WAXA NAFTOODA KU SUGAN OO AFKAAR IYO DHAQAN AH”
Suurutul-racdi aayaadda 11.
Marka walaal, waxaan
kugulatalinayaa sidaan soo socoto:
-
Caadifada iyo dareenka ku haya iska daji oo naftaada xasili.
-
Fiiri Ayadda Quraankaa ee Daahaa Nabi Maxmedoow Nkhtaa. “Quraanka
kuuguma aanaan soo dajin inaad dhibtooto” Aayadda labaad ee
Suuratu-Daahaa.
-
Fiiri Aayadda Baqara ee Alle leeyahay “ Ma jiro khasab diinta la
isku khasbo, hanuunka iyo lunsanaantu way kala cadyihiin”
Aayadda 256, ee suuratul baqara.
-
Sidoo kale fiiri Aayadda Suuratul-baqara ee Alle yiri “ Alle
kuma kallifo naf wax aysan awoodin” Baqara aayadda 286.
Sidaas daraadeed,
naftaada daji, naftaada ha dhibin, jooji walwalka iyo walaaca. Adiga Ilaahay
adduunyadaan kaagama dhigin maamule guud oo wixii hallaba kaligaa laguma
waydiinayo. Caaddifada iyo kacsanaanta xaga nafta ah jooji ( Emotions and
feelings must be managed. Don’t emotionalize the trouble. Please keep quite
mind and be happy with your life, children and whatever you have)
Caruurta u dhaaf
meeshooda. U ogolow inay wax bartaan. Waani oo wanaaga u sheeg. Bilaa
aadanka waxaa ku abuuran inay kala gartaan wanaag iyo xamaanta. Diintooda
iyo akhlaaqdooda hala kaashan Jahli iyo gaajo ee lakaasho cilmi iyo cood.
Meeshooda ayay ku wanaagsanaan karaan. Maxaa yeelay haddaba dad badan oo
wanaagsan ayaa jooga. Marka walaal, dhib wayn oo hadda ku haysata ma jirto.
Dhibta ku haysata waa dareen naftaada ka dhashay. Adiga ayaa daawayn kara oo
iska saari kara. Kurbada iyo wal-walka iska jooji. Ku kalsoonow inaad
leedahay mustaqbal wanaagsan caruurtaaduna ay mustaqbal wanaagsan leeyihiin.
Walaal, waxaan kuu
hayaa fikrad ganacsi sahlan oo aan dhib lahayn, oo laga yaabo adiga oo
maashaada jooga inaad lacag ka samayso. Qorshihiisa oo faah-faahsan dib
ayaan kaaga soo dirayaa. Hadda waxaan kaa codsanayaa inaad xaaladda dajiso
oo aad nafta khayr u sheegto. Fadlan jawaab igu soo celi waxaad ka fahamto
warkaan aan kuu soo qoray iyo sida aad u aragto.
Waad mahadsantahay.
Shiikh Cabdiraxmaan
Maxamed Jibriil
jibriil1950@yahoo.com
2042-00100 Nairobi, Kenya.
Tel. 721-385291