Maxaa
Ka khaldan Saxafadda Soomaalida?
Yusuf A.Gelle
yhaji2004@yahoo.com
Waxaan shaki lahayn in
intii lagu jiray burburka iyo dowladda la’aanta Soomaaliya, in ay Saxaafada
Soomaalida aad u tiro badatay xornimo badanna heshay. Hase yeeshe waxaa
muuqata in tayada Saxaafadeenu ay weli fadhiid tahay, mararka qaarna uu
dhibkeedi ka badan yahay dheefteeda. Waxaan aad u xasuustaa in iyadoo
saxaafaddu xornimo iyo tabar midna lahayn haddana in dadaal iyo isxilqaamid
faro badan ay isku dayeen xoogagii ku howlanaa,.wakhtigii lagu jiray
xukuumaddi militeriga. Waxaan la ilaawi Karin waxqabadkii uu idacadda
Muqdisho ku soo kordhiyay Suxufiga C/Qadi M. Mursal oo runtii casriyeeyey
dhamaan barnaamijyada idaacadda Radiyo Muqdisho sanadihii Siddeetanka. Waxaa
ka sii horeeyey tayadii wanaagsanayd ee looga bartay barnaamijyadii ay soo
jeedin jireen i Cabdi Idiis, Dalmar iyo Dhuule, Cabdullahi Sh. Xuseen oo
dhamaan ka mid ah dadkii ka dhex muuqday Saxaafada Soomaalida gaar ahan tan
Raadiyaha.
Waxaan jeclahay in
qormadaan aan dhowr tusaale ku muujiyo sida Saxaafaddeenu uga gaabisay
dhamaan wixii laga filayay Saxaafad xor ah.
- Waxaa nasiib Darro
ah in maanta oo farsamo badan la haysto in Saxaafadda Soomaalida oo BBC
–du ku jirto aanay lahayn jaho iyo mabaadii ay ku socoto. Waxaan weli
xasuustaa markii nin warfidiyeen oo Ingiriis ah uu sanad ka hor ka soo
laabtay booqasho uu ku tagay Hargaysa. Ninkaas oo u shaqaynayay mid ka
mid ah Channels talifishanada London ayaa aad uga dayriyey sida looga
shaqeeyo Cusbitaalada Hargaysa iyo daryeel xumida haysata dhamaan
bukanka yaal cusbitaalada magaaladaas. Wuxuu barnaamijkaas uu ku qaadi
dhigay dhaliilaha ka jira wasaaradda Caafimaadka iyo hawladeenada ka
shaqeeya arrimaha caafimaadka. Warbxintaa Talifishinkaa bixiyey ayaa
runtii dad badani ka dhandhansadeen waxqabad xumida ka jirta adeegyada
Maamulka Hargaysa. Waxaa nasiib darro ah in Shaqaalaha BBC-da ee
hargaysa aanay weligood soo gudbin barnaamij taabanaya xaqaa’iqda ka
jirata gobolkaas. Inta badan waxaad maqlaysaa banaabax ka dhacay beerta
khayriyadda, golaha guurtida oo shiray iyo wafdi dhoofay iyo mid soo
degay. Waxaan warfidiyeenka BBC-du soo tabiyaan hadalada rasmiga ah ee
Maamulka Riyaale iyagoon ka run sheegin sida dhabta ee wax u jiraan. Bal
eeg sida uu wariyah BBC-du uga waramo arrinta muranka labada maamul ee
garowe iyo Hargaysa iyo
Arrinta gabadha yar ee lagu xiray hargaysa .
- Arrinta labaad
waxaa weeye sida ay u waramaan bogagga Internetka ee Afsoomaaliga ku
qoran. Inta badan dadka wax ku qoraa waa niman ay ka muuqato caadifad
qabiil, nacayb iyo garasho gaabni. Waxa yaab leh sida Saxaafddu u garan
weysay muhimmadda ay leedahay in la badiyo wararka wanaag ah ee isu soo
jiidi kara dadka lakala irdheeyey ee Soomaalida ah. Waxaan qabaa in qaar
badan oo raga wax ku qoraa bogogaas aanay fahansanayn in garaadka dadka
ay la hadlayaan uu ka sareeyo sida ay wax u shaagayaan. Qofkii u
fiirsada waxa uu dareemayaa in qaarkood ay ka war dhowrayaan dagaal
oogaha ay taabacsan yihiin sida uu u hadlo. Hadii uu wax mucaarado waa
ku raacaan , hadii uu wax taageerana waxay la soo shir tagaan amman iyo
bogaadin. Tusaaale waxaa noogu filan sidii ay u hadashay mid ka mid ah
bogogaas markii C/llahi Yusuf loo doortay madaxweynaha oo ay ku
tilmaameen in maalin madow u soo hayatay mid ka mid ah qabiilda
Soomaalida ah. Muddo ka dib ayaa isla boggii laga soo buuxiyey faalooyin
dhexdhexaad ah iyo niyad wanaag. Waa isweydiini boggu ma dano hal qabiil
ayuu isha ku hayaa mise waa saxaafad xor ah oo leh mawqif iyo mabaadii
hagta. Waxay arrintu ahayd in Suxufiggu
dhaliisha ka bilabo dagaal oogaha ay isxigaan ama meel kula nool inta
aanu u boodin mid kale oo ka fog. Waxaan shaki lahaaateen in haddii
taasi dhici lahayd in wax badan iska beddeli lahaayeen dhaqanka dagaal
oogayaasha iyo kuwa fidnada ka wada Soomaalida dhexdeeda.
- Waxaa runtii
aad u wanaagsanayd sidii saxaafaddu u dhaliishay sidii loola dhaqmay dad
warfidiyeen Soomaaliyeed ah oo ka soo qayb galay cashadii Raaisul
wasaaraha . Iyadoo weliba uu Kartoon heer sare ah uu soo saaray
farshaxanka Soomaaliyeed Amin camir. Waxaase
isweydiin leh sidee xushmad iyo qadarin lagu helayaa mar haddii shaqada
warfidiyeenada Soomaliyeed ay noqotay tagerid dagaal ooge, ceebayn iyo
aflagaado caaadifad qabiil ku dhisan, ka been sheegid wax dhacay iyo
faalooyin dadka wada dhashay ee Soomaalida lagu kale gaynaya.
Ugu danbeyntii waxaa
runtii amaan mudan qaar ka tirsan bogogga Internetka iyo idaacadaha qaar oo
runtii muujiyey garasho dheeraaad ah iyo adeeg hufan oo aad u anfacay
Bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool. Waxaan kuwaas
leenahay hawsha halkaa ka wada. Kuwa majaro habaabiyay hawshii saxaafaddana
waxaan leenahay waxaa la joogaa wakhtigii wax la sixi lahaa ee ka soo laabta
wadadaa foosha xun ee wax u dhimi kara magaciina iyo guud ahaan magaca
Saxaafadda xorta ah ee Soomaalida.
Yusuf A.Gelle
yhaji2004@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2004
Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|