SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HIIRAAN
 
Daabaco Boggan | Print

 
Dadweynaha reer Hiiraan oo si Buuxda u Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya

Ali S. Godah
Chairman of Hiiraan Information Center
Washington, DC
hiiraan@yahoo.com

Dadweynaha reer Hiiraan ayaa si weyn u taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya tan iyo intii ay ku curatay dawlada magaalada Nairobi ee Kenya, waxayna reer Hiiraan iska fogeeyeen wararka ku turikuteenka ah ee shabakadaha Internetka ay ka qoreen dadweynaha reer Hiiraan maanta.

“Reer Hiiraan dawladaan yar iyo weynkooda way taageersan yihiin, wax banaanbax ah oo ka dhacay Beledweyne Maanta ma jirto oo laga soo horjeedo dawlada federaalka.” Sidaasna manta waxaa yiri Col. Xubeero oo ah abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan maanta mar aan la xariirnay.

Sidoo kale Nabadoon Fiidow Goodax ayaa isagana maanta mar aan kula xariirnay qadka taleefoonka noo sheegay “kuwo dantooda shaqsiyadeed ka waayey dawlada ayaa hadda rabo inay ku dhex dhuuntaan magaca reer Hiiraan, ee reer Hiiraan xildhibaanada matalaya dhamaantood way taageersan yihiin dawlada, waana ku casunay dawlada inay waqti walba imaan karto Beletweyne, Hiiraan.”

Nabadoon Fiidow Goodax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “ Reer Hiiraan inay ahaan doonaan kuwo hiil iyo hooba la garab istaagnaan doona dawlada federaalka ee Soomaaliya.”

Ali S. Godah
Chairman of Hiiraan Information Center
Washington, DC
hiiraan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD