SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
 
Daabaco Boggan | Print

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.
  • Ciidamada Wayaanaha oo boobay dukaano ku yaalla magaalada Jigjiga.
  • Banaanbax ay sameeyeen askartii dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya ku naafoowday.
  • Dawladii Soomaaliya oo lagu dhawaaqay
  • Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay faragelisay magacaabista wasiirrada Soomaaliya
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadan doono gudoomiye ku xigeenka koobaad ee JWXO Mudane Maxamed Ismaaciil oo socdaal shaqo ku maraya gobolada galbeed ee wadanka Australea iyo
  • Barnaamuj aan ku soo qaadanayno waxyaabihii ugu waa waynaa ee Saxaafadu qortay Bishii November.

Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.

 

Dagaallada u dhexeeya ciidamada xoraynta Ogadenya iyo ciidanka codawga Itoobiya ee ka socda dalka Ogadenya ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya aad loogu naafeeyay, waxaana dagaaladaas ugu denbeeyay kuwan:

 

29/11/04, dagaal ku dhex maray ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya meesha lagu magacaabo Xero-qaylo, oo u dhaw Abaa-qorrow oo ka tirsan Gobolka Shabeelle, ayaa ciidanga wayaanaha ee doolka ku jooga Ogaadeenya lagaga dilay 2 askari, waxaana lagaga dhaawacay  2 askari oo kale.

 

Iska hor imaad dagaal oo 8/11/04, ku dhex maray qayb ka mid ah ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadenya iyo ciidamada cadawga Itoobiya Bicil-caymo oo degmada Shaygoosh ka tirsan, ayaa  ciidamada Wayaanaha ka amar qaata ee Itoobiya lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Sida oo kale 10/11/04, dagaal ku dhex maray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadenya iyo ciidamada dacdareeysan ee gumaysiga Itoobiya meesha lagu magacaabo Baraajisle oo Gobolka Doollo ka tirsan, ayaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Ciidamada Wayaanaha oo boobay dukaano ku yaalla magaalada Jigjiga

 

Maalintii isniinta ahayd iyo habaynimadii ay talaadadu soo galaysay waxay ciidamada Wayaanuhu si wayn u boobeen bakhaarro iyo dukaano ku yaalla magaalada Jigjiga, waxayna halkaas ku dhaceen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa.

 

Boobkaasi wuxuu keenay inay isku dhacaan dadwaynihii meheradaas lahaa iyo ciidamadii Wayaanaha ee boobayay, waxayna ciidamada Wayaanuhu halkaas ku dhaawaceen seddex qof oo dadwaynaha ka mid ah.

 

Dadwayne badan oo dukaano iyo bakhaarro ku lahaa suuqa magaalada Jigjiga ayaa billaabay inay hantidoodii u daad-gureeyaan guryaha, si ay uga badbaadiyaan ciidamada Wayaanaha ee sida Diirta u leefaya hantida dadwaynaha ee u gacan gasha.

 

Ciidamada Wayaanaha, oo sida la ogyahay rafaad iyo cunto xumo ku hayso xeryaha ciidamada, ayaa hantidan ay boobeen la sheegay inay ku raranayeen baabuurta ciidamada.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, dadwaynahana cabsi aad u badan ayaa haysa iyadoo ardayda iyo shaqaaluhuba ayna goobaha shaqada iyo waxbarashada tegin.

 

Boobka ay ciidamada Wayaanuhu gaysteen iyo cabsida ku badatay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga waxay ku soo beegantay iyadoo isniintii la soo dhejiyay magacyada 1300 oo qof oo shaqaale ka ahaa maamulka maqaar-sarka ah ee Jigjiga, kuwaasoo shaqooyinkoodii laga caydhiyay.

 

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Jigjiga waxay kaloo sheegayaan in maamulka xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga lagu wareejiyay ciidamada ”Fadanooga” loo yaqaano. Markii hore waxaa xabsiga maamuli jiray Booliska.

 

Xabsi kale oo ay ciidamada Wayaanuhu ku lahgaayeen xeryaha ciidamada ee magaalada Jigjiga ayaa isagana laga waayay 23.11.2004. Laba maxbuus oo ay ciidamada Wayaanuhu gacanta ku hayeen. Labadaas maxbuus oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Khaliif iyo Cabdi Kaafi Cali ayaa la sheegayaa in ay ciidamada Itoobiya amin habeen ah la baxeen waxaana loo malaynayaa in ay dileen labadaas maxbuus.

 

Banaanbax ay sameeyeen askartii dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya ku naafoowday.

 

Banaanbax socday mudo 6 saacadood ah ayaa 25.11.2004 ka dhacay banaanka xarunta ismaamulka dabadhilfka ah ee magaalada Jigjiga. Banaanbaxaas ayaa waxaa sameeyay askartii ku soo dhaawacantay dagaalkii gardarada ahaa ee ay xukuumada Itoobiya ay ku qaaday wadanka Eritrea sanadihii 1998-2000. Askartaas banaanbaxa sameeynaysay ayaa waxay ka cabanayeen daryeel la,aan iyo in ay xukuumada wayaanu khayaantay xaqii ay ku lahaayeen dalkii ay lixaadkooda u waayeen, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ku tilmaamayeen in ay ka digtoonaadaan dhalinyarada ciidamada wayaanaha qoranaya in aan lagu meel gaadhin, kadibna sida iygagoo kale aan loo galin, ereyadii ay ku dhawaaqayeena waxaa ka mid ahaa waxaan ku dhimanay dagaal fawdo ah, waxaan ku dhimanay wax ayna dani noogu jirin, waxaan ku dhimanay wax aan dalkanaga diintanada iyo dadkanaga midna dan u ahay iyo nin walboow anaga nagu tusaalo qaado.

 

Banaanbaxayaashii halkaasi isugu yimid oo dhamaantood curyaamiin ahaa ayaa waxaa si xoog ah ku kala kaxeeyay ciidamada gumaysiga Itoobiya waxayna qaar badan oo dadkii cabashada muujinayay ah u gaysteen jidh dil lixaadleh.

 

Dawladii Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

 

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa arbacadii gelinkii denbe ku dhawaaqay magacyada golaha wasiirrada ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka kooban hooggaamiye kooxeedyo, aqoonyahano iyo ganacsato.

 

Magacaabista golaha wasiirrada ee dawlada Soomaaliya waxay dib u dhacday dhawr mar oo hore, hase yeeshee arbacadii ayuu ra’iisal wsaaruhu soo bandhigay gole wasaaradeed oo ka kooban 31 wasiir. Waxaa isla maalintaas xilalkoodii loo dhaariyay 27 wasiirrada ka mid ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuuna afar wasiir wali magacaabin, isla markaana uu ku jiro wada-xaajoodyo ku saabsan magacaabista wasiirradaas.

 

Ra’iisal wasaare Geeddi wuxuu sheegay in magacaabista wasiirradu ay tahay tallaabadii lagu soo gabagabaynayay wada-hadalladii dib u-heshiisiinta ee labadii sano ee u denbeeyay ka socday dalka Kenya, wuxuuna daboolka ka qaaday in dawladiisu ay sida ugu dhakhsaha badan ugu guuri doonto gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay faragelisay magacaabista wasiirrada Soomaaliya

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaaliga Soomaaliya ayaa dawlada Itoobiya ku eedeeyey inay faragalin ku samaysay qaabka loo soo dhisay Golaha Wasiirrada ee dawlada federaalig Soomaaliya.

 

Cali Baashi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in dawlada Itoobiya ay saamayn aad u badan ku lahayd habka loo dhisay golaha wasiirrada.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ku eedeeyay inay ka amar-qaataan dawlada Itoobiya, oo sida la sheegay qof qof u soo xushay xubnaha  Golaha Wasiirrada.

 

Dhinaca kale falcelintii ugu horraysay ee laga bixiyay magacaabista wasiirrada dawlada fedaraaliga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirradu ay u badan yihiin kooxda SRRC oo dawlada Itoobiya gacan-saar la leh. Waxaa sidoo kale magacaabista wasiirrada lagu dhalliilay inaan si cadaalad ah loogu qaybinin beelaha soomaaliyeed, balse mudnaanta la siiyay oo kaliya hooggaamiyayaasha hubaysan ee awoodda ku leh Soomaaliya.
 
 03.12.2004

Dhoodi Danwaa


 radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD