SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GELINSOOR
 
Daabaco Boggan | Print

Deegaan Baaxadiisu ka Badantahay 250 Km oo Dagaal Lagu Hoobtay ka Socdo

Laga bilaabo Gelinsoor ilaa hobyo ,dhanka kale Qaydaro ilaa meel udhow Xarardheere, ayaa dagaal ku dhexmarayaa Beelaha Sacad iyo Saleemaan ee H/Gidir. 48kii saac ee la soo dhaafay dad ka badan ilaa 58 qof ayaa ku nafwaayay masiibadaas dagaal; dhaawac gaaraya in ka badan 100 qofna waa la xaqiijiyay.

 
Maraan khadka isgaarsiinta Fooniyaha kula xirriirnay aagagga dagaalku ka socdo waxaa naloo xaqiijiay in Gelinsoor ay ku dhinteen ilaa 31 qof, Hobyo 12 qof , Qaydaro 9 qof, meelo kale sida Isbitaalada Galkacyo iyo Cadaado waxaa iyana ku dhintay ilaa iyo 7 qofood.
 
Dadka aanu la xiriirnay waxay sheegeen in dagaalka halkaa ka socda aan lagu tilmaami karin dagaal qabiileed, balse la moodo laba Dawladood oo isku haysta xuduud dhuleed, dhammmaan hubabka waawayn iyo qoryaha darandooriga ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka onkadayay xuduudda dheer ee u dhaxaysa labadaas beelood ee walaalaha ee ay iskugaysay sagaaradu biyaha waa cabtaa iyo ma cabto. Tikniko ka badan ilaa iyo 35 iyo maleeshooyin faro badan ayaa hadda isku hor fadhiya magaalada galinsoor oo ah xuduud ay ku kulmaan labadaas beelood.sidoo kale dhamaan meelaha ay iska galaan labadaas beelood waxaa ka socda dagaal aan waxba la isukala harin sida Qayadaro, Hobyo iyo baadiyaha udhexeeya deegaanadaas.
 
Ilaa iyo hadda ma muuqato cid isku xilqaantay inay joojiso dagaalkaas galaaftay dhalinyaro badan oo soo koraysa, waxaase aad moodaa in loogu deeqayo gurmad qaaraan oo sii hurinaya colaad sii fogaata sida laga dareemayo meelaha hubka lagu kala gato oo maalamahan suuq helay.
 
Ka dib markii la dilay 5 oday dhaqmeed iyo guddoomiyihii degmada Cadaado,oo u dhashay beesha Saleemaan,waxaa cirka isku shareeray colaadii u dhaxaysay labadaas beelood oo markii hore isku qabtay ceel biyood oo WIYEER ah -Anaa kaa hor cabbin iyo maya anoo ina hebel ah see iga hor cabtaa baa arini ka bilaabtay markeedii hore--maantase ay marayso in la isku adeegsado Sawaariikhda lidka diyaaradaha iyo baaburta guuxa dheereeya ee aan waxba reebayn, halkii waagii hore la isku adeegsan jiray tooray iyo waran.
 
 
Cabdi Xasan somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Dec 3, 2004


BAAQ NABADEED 

Ku: Dhamaan inta Nabada Jecel, Odayaasha, Duqowda, Dhalinyarada, Waxgaradka, Culumadiinka iyo Aqoonyahanada Beesha Habargidir.

Wararka ka imanaya Soomaaliya waxa ay tibaaxeen in ugu yaraan 28 qof ay ku dhinteen dagaalo ka dhacay Gelinsoor labadii maalmood ee ugu dambeeyey...
At Least 28 Killed in Somalia Fighting

Waxaa halkaan kusoo gudbineynaa baaq nabadeed aan u direyno beellaha wada dhashay ee kunool gobalka Mugud, gaar ahaan, Dagmada Galinsoor. Waxaan marka hore ka codsaneynaa ineey joojiyaan dagaalada ahliga si shuruud la'aan ah.  Kadib markaan u kuurgalnay xaalada ka aloosan Degaanadaas, waxaa inoo soo baxday in si degdeg ah loo soo afjaro dhamaan wixii colaado ah iyadoo la tixgalinayo qodabada soo socda:

· In waxwalba oo dhibaato ah lagu soo afjaro qaab toosan oo wadahadal ku dhisan, iyadoo la kaashanayo waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah.
· In laga hortago colaadda ka taagan deeganaadaas si aysan ugu fiddin goobaha nabdoon ee xasiloonida ka jirta.
· In waxgarad firfircoon lagu xoojiyo gudigii labada dhinac ka socday ee loo diray degaanadaas, isla markaasna door weyn loo furo waxgaradka beesha Habargidir, si ay nabad waarta ugu soo dabaalaan degaanada colaadu saameesay.
· In laga feejignaado dhibaatooyinka ey marwalba maleegaan cadowga jecel burburka beelaha wadadhashay iyadoo si qotodheerleh loo baarayo waxyaabihii kalifay iskudhaca iyo dadkii ka danbeeyay. Sidoo kale, waa in la baadigoobaa qadiyad mideysan oo u adeegta danta iyo midnimada beesha si mustaqbalka looga hortago, loona fashiliyo waxwalba oo keeni kara iskudhac iyo dhiig daata.

Kalfadhigan oo si degdeg ah uga dhacay magaalada Boston, kana soo qeybgaleen Aqoonyahano iyo Nabadoono ka socda Beesha Sacad ee ku dhaqan Boston iyo nawaaxigeeda, waxay kala yihiin dadkaas sida soo socota:

1. Prof. Sh. Cabdi Geele Bootaan - Caaqil/Nabadoon
2. Prof. Cabdirisaaq Xuudi - Aqoonyahan
3. Cabdinaasir Xaashi Maxamuud (Teytaro) -- Gudoomiyaha Beesha
4. Eng. Cabdidheere Cabdullaahi Axmed - Aqoonyahan
5. Cabdixakiin Maxamuud Axmed - Mujaahid/Halgame
6. Mahad Diini - Nabaddoon
7. Maxamuud A. (Digool) - Caaqil-Nabadoon Sacad
8. Sh. Yaasiin Iimaan Aadan - Caalim Diineed
9. Gen. Dhajac Tahliil Maxamuud - Nabadoon
10. Dr. Cabdulaahi Xasan (Kabalabi) - Aqoonyahan
11. Fiqi Sh. Max'ed Iimaan - Ganacsade
12. Sh. Cabdullaahi Warsame Xaashi - Ganacsade/Nabaddoon
13. Xasan Rooble (Baasaweyne) - Nabadoon/Ganacsade
14. Sh. Cabdullaahi Axmed Guuleed - Caaqilka Beesha
15. Cabdishakuur Aadan (Dharijabshe) - Siyaasi/Ganacsade

 ibrosjey@juno.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD