SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
Daabaco Boggan | Print


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Ciidamada Itoobiya oo nin shacab  ah dilay haweenayna fara xumeeyay.
  • Ciidamada booliska is maamulka Soomaalida Ogaadeenya oo la kala dirayo.
  • Saraakiisha Sare-sare ee Ciidama Itoobiya oo Shaandheyn lagu sameeyey.
  • Xukuumada Itoobiya oo is hor taagtay nabad la dhex dhigo shacabka ku dagaalamaya deegaanka Jarareed.
  • Barnaamuj gaar ah oo aan ku eegayno guulihii uu gaadhay ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, khasaarihii iyo jabkii soo gaadhay Xukuumada gumaysiga Itoobiya ciidamadeeda iyo maamulkeedaba iyo suugaan halgameed.

Ciidamada Itoobiya oo nin shacab  ah dilay haweenayna fara xumeeyay. 

Ciidamada cadawga gumaysiga Itoobiya ayaa ku dilay 07.12.2004 tuulada Wargaadsan oo ka tirsan gobolka qoraxay, nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Mawliid Sh. Cabdi Gaas.

Alla u naxareestee marxuumkan ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya si ula kac ah toogasho ugu dileen, mana aha markii ugu horeeysay ee ay ciidamada gumaysiga Itoobiya si ula kac ah ay qof shacab ah u toogtaan. Waxaa la qiyaasaa in ay ciidamada Itoobiya Toogasho ku dilaan bishii ugu yaraan 15 ruux oo shacab Ogaadenya ka mid ah, halka ay jidh dil u gaystaan in kabadan 45 Ruux bishiiba, waxaan iyaduna Xisaab lahayn dadka sabab la`aanta xabsiyada looga buuxiyo iyo kufsiga loo gaysto dumarka.  

Waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku kufsadeen magaalada Dhudub oo ka tirsan gobolka Doolo haweenay Uur lahayd. Ninkii ay u dhaxday Haweeyneeydaas ayaa ciidamadii kufsiga gaystay ka dilay 4 Askari waxuuna  dhaawacyo halis ah gaadhsiiyay 6 askari oo kale. Muwaadinka xaq ku dirirka ah ayaa 4ta askari ee uu dilay qoryihii ka qaatay kadibna baxsaday. Haweenayda la faraxumeeyay ayaa la sheegayaa in ay xaaladeeda caafimaad liidatay hasa yeeshee ay hada ka soo raynayso. 

Sidoo kale ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya waxay magaalada Dig ku xidh xidheen dadbadan oo ay ka mid ahaayeen. 

  • Dahir Carab Xasan

  • Gahayr Yusuf Sugule iyo

  • Cali Ibrahim Axmed.

Ciidamada booliska is maamulka Soomaalida Ogaadeenya oo la kala dirayo. 

Maamulka dabadhilfka ah ee Kililka Soomaalida ayaa lagu amray in ay kala diraan Booliska ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya ee aan awalba awooda lahayn, Amarkan oo ka soo baxay ninka lagu magacaabo Maraaje oo dhawaan loo magacaabay in uu si dadban u hogaamiyo ismaamulka maqaarsaarka ah ee Soomaalida ogaadeenya, ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska lagu badali doono koox yar oo laga soo xulay maleeshiyada lagu magacaabo Fadnoodaraashka oo kal hore iyaga laftooda lakala diray. 

Maleeshiyadan oo gadh wadeen u ahaan jiray ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ka qayb qaadan jireen xasuuqa iyo xad gudubyada ay ciidamada Itoobiya u gaystaan shacabka dulman ee Ogaadeenya. 

Dhinaca kale  Kontan iyo Labada(52)  dagmo ee kililka soomaalidu kakooban yahay ayaa dagmo kasta waxaa loo   qorsheyey in madaxa maamulka  laga dhigo nin  Tigree ama  Amxaaro ah  qasnajiga  iyo xisaabiyaha dagmo kasta  ayaa sidoo kale Tigree noqonaya halka Shaqalaha ugu badan ee degmooyinkana  ay noqonayaan shaqaale shisheeye ah oo laga keenay gobolada kale ee Itoobiya.  

Talaabadan uu qaaday ninkan loo magacaabay in uu hogaamiyo ismaamulka daba dhilifka ah ee Soomaalida Ogaadeena ayaa daba jooga qorshe ay horay u dajisay xukuumada Itoobiya oo ay ku doonaysay in ay kula wareegto Maamulka magaalada Jigjiga. Si kastaba ha ahaatee talaabadan xawliga ah ee uu qaaday Maraaje oo ka soo jeeda qoomiyada Tigreega ayay dadku u arkaan mid daaha ka rogaysa qorshihii dadnaa ee gumaysiga Itoobiya. 

Xukuumada Itoobiya oo is hor taagtay nabad la dhex dhigo shacabka ku dagaalamaya deegaanka Jarareed. 

Shir ay isugu yimaadeen Aqoonyahamiin, Odoyaal, Culuma awdiin iyo wax garadka kale, oo lagaga hadlayay sidii nabad loo dhex dhigi lahaa beelaha ku dagaalamaya deegaanka Jarareed ee Ogaadeenya ayaa waxaa si cad isu hortaagay Maraaje oo ah ninka hogaanka u haya maamulka maqaar saarka ah ee ka dhisan Jig-Jiga. 

Dagaalka beelaha walaalaha ah ee deegaanka Jarareed ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 43 Ruux waxaana ku bara kacay kumanaan qoys, halka lagu kala dhacay hanti aad u badan oo mood iyo noolba leh. Dagaalada dhex mara dadka shacabka ee gacanta gumaysiga ku hoos nool ayaa waxaa ka danbeeya ciidamada xukuumada Itoobiya oo hub iyo rasaas isugu dhiiba. 

Talaabadan ay xukuumada Itoobiya ku hor istaagtay nabad la dhex dhigo shacabka walaalaha ag ee ku dagaalamaya deegaanka Jarareed ayaa waxay muujinaysaa sida ay Xukuumada gumaysiga Itoobiya uga go`antahay sii hurinta dagaalka daneheeda loogu adegayo ee mid nimada iyo walaalnimada Shacabka lagu luminayo. 

Saraakiisha Sare-sare ee Ciidama Itoobiya oo Shaandheyn lagu sameeyey. 

Sida uu qorey WargeyskaTodobaadlaha ah ee lagu magacaabo Addis Admas oo ku soo baxa Afka Amxaariga waxaa Todobaadkan shaandheyn lagu sameeyey Saraakiisha sar-sare ee qaybaha kala duwan ee ciidamada. 

Wargeysku wuxuu sheegay in ciidamada Cirka laga qaadey Major Jeneral Tadese Worede oo lagu bedelay Major Jeneral Alemshet Degfie.  Warku wuxuu intaas raaciyey in ninka lagu magacaabo Major Jeneral Abebe Teklehaimanot laga dhigay hawlgab kadib markii is afgaran waa soo kala dhexgakay isaga iyo Xisbiga TPLF ee talada wadanka Itoobiya haya. 

Sidoo kale Major Jeneral Bacha Debele ayaa loo wareejiyey Gobolka Harar ee Bariga wadanka Itoobiya, halka Major Jeneral Se'are Mekonen loo bedelay caasimada Gobolka Tigrea ee Mekele oo ku taala Waqooyiga Itoobiya iyo Major Jeneral Gen Abebaw Tadese,  Brig. Jeneral Teklay Ashebr oo lookala bedelay soohdinta ay Itoobiya la wadaagto Eritrea, sida aaga dekeda Casab iyo Gobolka Shire. 

Dhinaca kale warbixin hoose oo aan ka helnay ciidamada  qeybta Hararge ayaa sheegaysa in ay isku dhaceen masuliyiinta sare ee ciidamada Itoobiya kadib markey diideen in labadalo saraakiishii ciidamada ee Ogaadeenya ku sugnaa oo ay xaruntoodu ahay magaalada Harar. Saraakiishan diiday in labadalo oo dhamaantoo ka soo jeeday Qoomiyada Tigreegay ayaa gacanta ku hayay ismaamulka maqaar saarka ah ee Soomaalida Ogaadeenya, waxayna istic maali jireen dhaqaalaha yar ee loo qoondeeyay Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeny. 

Khilaafkaas dhex maray Saraakiisha Itoobiya ayaa keenay gacan ka hadal dhex maray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee magaalada Harar, waxaana baxsaday oo meel ay ku danbeeyeen la layahay saraakiil sar sare oo qaybo ciidamada  ka mid ah madax ka ahaa, halka Saraakiil kale oo gadoodsan iyo ciidamo daacad u ah ay boob iyo dil kula kaceen dadkii shacabka ahaa ee gobolada Ogaadeenya iyo magaalada Harar. 

Si kastaba ha ahaatee wararka beryahan ka soo baxaya Addis Ababaya ayaa sheegaya in ay Xukumadda Itoobiya isu diyaarinayso sidii ay mar kale weerar ugu qaadi lahayd wadanaka Eritrea.

Hadaba sida uu qorey Wargeyska Indian Ocean Newsletter waxaa Itoobiya ka socda daad gureyn ciidamo oo ku sii jeeda magaalada Badame, iyadoo Wasaarada Gaashaandhiga ee Itoobiya ka codsatey shirkadaha leh baabuurta xamuulka in ay u diyaar garooban daad gureynta Ciidamada, kuwaas oo laga soo gurayo xarumaha tababarada ee ay ku xareysanyihiin.

Inkasta oo aan la cadeyn goobaha ay xarumaha tababarku ku yaalaan, hadana qarsoodi lagama dhigin meesha ciidamadaas loo rarayo oo ah Badame, waa sida uu Wargeyska Indian Ocean Newsletter qoraye.

  31.12.2004

C/Nuur Sh.Mohamed

 radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 31, 2004


Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD