SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print


Afhayeenkii Isbahaysiga Dooxada Jubba Waqtigii Dagaaladu Socdeen oo Kahadlaya Dhibaatada ka Jirta Magaalada Kismaayo.

Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?
 

Ibraahin Jaamac Cigaal (Howle)
howlejaamac@yahoo.com
002521-216909

Dec 31, 2004


Magaalada Kismaayo oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waaweyn Dalkeena Soomaaliya hodana ka ahaan jirtay dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Ganacsiga iyo Bada-ba oo la oran karo waa Magaalada ugu muhiimsan Soomaaliya ilaahayna ku minaystay khayraadkaasi dhinac walba leh ayaa waxaa ku dhacday nasiib daro ah deganaansho la’aan joogta ah iyadoo 14-kii sano ahayd meelaha ay dagaalada ugu badan ka dhaceen dalka Soomaaliya, laga soo bilaabo xiligii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya ilaa iyo iminka oo ay ka jirto deganaansho la’aan iyo maamul xumo.  

Xiligii ay imaadeen ciidamii UNISOM oo uu dib u qabsaday magaalada Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo horey looga eryay oo sida ay dad badani xusuusan yihiin uu xiligaas u wareegay Gobalka Gedo oo looga soo abaabulay xiligaasi ciidan u qabta Magaalada Kismaayo. Ciidamadaasi oo tiradoodu gaaraysay 800 oo askari oo ka mid ahaan ciidamadii Gobalka Gedo oo saldhigoodu ay ka soo duuleen ahaa Tuulada Faafaxadhuun oo ka tirsan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.  

Xiligaas oo ahayd xili Roob ah oo aysan gaadiidku dhulkaasi mari karin ayaa ciidamadaasi waxay ku soo duuleen Dameero oo markii dambe loogu magac daray Ciidamadii dameeraleeyda. Iyadoo ay si fudud magaalada kismaayo gacanta ugu dhigeen maadaama ay ahaayeen ciidamo xul ah oo tababarkoodu sareeyo. 

Markii magaalada la qabtay kadib ayaa Gen. Moorgan uu isku magacaabay hogaankii ciidanka iyo Siyaadada. sidaas darteed ayaa waxaa jananka ka khaldamay hogaankii ciidan iyo siyaasadaba isagoo ka leexday dhabihii lagu heshiiyay waxaana bilaabmay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo saraakiishii uga hoosaysay ciidanka wuxuuna bilaabay inuu ciidankii dhibaatada badan u soo maray qabashada magaalada uu qaar kala wareego hubka, qaar uu laayay iyo qayb isaga tagtay, wixii ka harey ciidamadii dameeroleey ayaa waxay tageen duleedka magaalada kismaayo sida Goobweyn, Madhamaato iyo Lug-loow iyadoo uu halkaasi ka bilowday dagaalkii dheeraa ee labada sano socday. ciidankaasi oo xiligaas hogaaminayay Allaha u naxariistee Col: Afgabdheedle oo dagaaladaasi ku geeriyooday, iyadoo uu dagaalkii sii xoogaystay kuna fiday daafaha magaalada taageero hiil iyo hoo-ba leh-na ka helayay Beelaha ay ka soo jeedaan ciidamadaasi, waxaana kadib ciidamadaasi ku soo biiray ciidamo uu hogaaminayay Col: Barre Aadan 

 Shire (Barre-hiiraalle) oo markii dambe loo magacaabay gudoomiyaha Guda howlgalinta taas oo uu marar badan ku guul daraystay hogaamintaasi iyo inuu gacanta ku dhigo magaalada ugu dambayntiina uu yimid Gen. Axmed Warsame oo wakhtiyo yar ka dib ku guulaystay inuu ka saaro Moorgan oo huwantii uu watay.  

Markii ay ciidamadaasi ay ka eryeen Morgan Magaalada ma dhicin in Barre sameeyo maamul kumeel gaar ah oo dadka u dhexeeya si loo helo deganaansho iyo kala dambeyn, isagoo diiday talooyin wax ku ool ahaa oo loo soo jeediyay isla markaana sameeyay xukun marooqsi iyo kaligii talisnimo oo keentay dhimasho badan, bur-bur iyo kala tag.  

Sidaas darteed waxaa bilaabatay in qaar ka mid ah ciidamadii dhibka badan u soo maray wakhtiyadaasi aan soo sheegay iyo dadkii kale oo howshaasi u soo huray naftooda iyo Maalkooda uusan Barre siinin wax tixgalin ah taasoo sababtay inay ciidamadii iyo waxgaradkii Beelaha ay isaga tagaan Magaalada oo ay tageen Beerxaani, Cabdille-biroole  iyo Meelo kale iyadoo saraakiil iyo waxgarad ka mid ahaan jiray Isbahaysiga ay ku dhawaaqeen Gole loogu Magac daray Golaha Nabadgaliyada iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed oo taageero badan ka helay Gobalka Jubbada Hoose iyo Meelo kale. Golahaas oo muujiyay dadaal badan oo ah dhinaca nabadaliyada iyo Siyaasadaba.

Sidaas awgeed si xal looga gaaro dhibaatooyinka ka jira Magaalada Kismaayo waxaan u soo jeedinayaa in Barre hiiraalle maadaama uu ka gaaray target-kii uu lahaa ee xildhibaanimada DFKMG ee Soomaaliya uuna ku guuldaraystay inuu wax ka qabto dhibaatada mudada badan ka taagnayd halkaasi inuu fursada siiyo waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta oo uu ka tago, hadii kale waxaa iman doonta inay ku dhacdo sidii horey ugu dhacday Gen. Moorgan.  

Ibraahin Jaamac Cigaal (Howle)
howlejaamac@yahoo.com
002521-216909

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 31, 2004


Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD